- Sh. Deedat oo ku Geeroyoodey 87-jir
- Waftigii
Reer Canada oo Kusoo Laabtay Kenya Kaddib Markii ay Booqdeen
Jawhar
Hosbital Cusub ayaa laga hirgeliyey
Magaalada Dhahar.
- Wafdi Heer Sare ah oo ka socda
Midowga Yurub oo beri ku soo food leh Soomaaliya
- UK: Hooyo Soomaaliyeed oo
Geeriyootey Kaddib Markii ay Kasoo Dhacday Daar Dheer Dabaqeeda 13aad
- Booliska Ireland oo Shaaca ka
Qaaday Aqoonsiga Ninkii Soomaaliyeed ee aan ilaa hadda madaxiisa la
helin...
- Saraakiil ka socota Ugandha oo
sahan ku tagaya Soomaaliya
- Qaramada Midoobay oo Xafiisyo ka
furanaysa magaalada Jowhar...
Sheikh
Axmed Deedat oo Ku Geeriyoodey 87-jir
K/Afrika: Daacigii caanka ahaa,
dood-yahankana ahaa, Sheikh Ahmed Hoosen Deedat (Axmed Deedat) ayaa maanta oo
Isniin ah geeriyoodey..
Guji... 8/8/05
Waftigii
Reer Canada oo Kusoo Laabtay Kenya Kaddib Markii ay Booqdeen
Jawhar
SomaliTalk.com | Agoosto 8,
2005
Waftigii
uu hoggaaminayey xildhibaanka ka tirsan xisbiga Liberaalka ee
haya talada dalka Canada, xildhibaan Borys Wrzesnewskyj,
ayaa soo gaarey Nairobi kaddib markii uu booqday magaalada
Jawhar.
Xildhibaan Borys waxa uu
noqday siyaasigii ugu horeeyey ee reer Canada ah oo Sabtidii
Agoosto 6 magaalada Jawhar kula kulmay madaxweynaha
Soomaaliya, ra'iisul wasaaraha iyo xildhibaanada
Baarlamaanka FKMG ee Soomaaliya.
Kulankii labada maalmood
ahaa ee uu xildhibaan Borys la yeeshay Cabdullaahi Yuusuf
Axmed, Cali Maxamed Geedi iyo xubnaha baarlaamka ka dib
waxa uu ku soo laabtay magalada Nairobi.
Xildhibaanka oo markii uu
Nairobi yimid telefoonka kula hadlay warbaahinta Canada waxa
uu sheegay sida ay muhiimka u tahay in reer Canada ay
caawiyaan Soomaaliya, asagoo reer canada xusuusiyey in
Canada safka hore kaga jirtey dawladihii ugu horeysey ee Soomaaliya caawiyey
1974-75 xilligaas oo Soomaaliy ay abaaro ku habsadeen.
Sidoo kale waxa uu reer Canada xusuusiyey in dalka Canada uu
ahaa wadankii ugu horeeyey ee aqbalay qaxootiga
Soomaaliyeed kadib markii dagaalka ahliga ah uu kaqarxay
Soomaaliya, haddana ay Canada ku nool yihiin jaaliyadda
Soomaaliyeed ugu ballaaran dunida.Waxan uu xusay sida ay
wadna xanuunka u tahay qaabka ay ku nool yihiin dadka ku
dhaqan qaranka burburay ee Soomaaliya.
Waxaa la filayaa xildhibaan
Borys in uu maanta oo Isniin ah Agoosto 8 marka ay saacada
Nairobi (Afrikada Bari) tahay 1:00pm uu halkaas ku qaban
doono warsaxaafadeed uu kaga hadli doono safarkiisii
Soomaaliya.
Faafin: SomaliTalk.com |
Agoosto 8, 2005
Hosbital Cusub ayaa laga
hirgeliyey Magaalada Dhahar.
Dhahar: Wararka ka imanaya
degmada Dhahar ayaa sheegaya in magaalada Dhahar laga
hirgeliyey Hosbital cusub oo hadda dhismihiisu marayo heer
geba-gebo ah, dhismaha Hosbitalkan ayaa waxa ku deeqday
hay’adda Al-manhal oo hore mashaariic uga fulisey meelo ka
mid ah gobolka Sanaag sida dhismaha iyo qalabaynta
Hosbitalka Badhameed qaybtiisa cusub.
C/laahi Cabadi Shabeel oo ku sugan magaalada Dhahar ayaa
wargeyska u sheegay in Hosbitalka laga hirgelinayo magaalada
Dhahar uu ka kooban yahay: 1- Qol hool ah oo la jiifin karo
markiiba ilaa 15 qof .2- Qolka qalliinka 3- Qolka Doctorka
iyo Computerka 4- Qolka raajada. 5-Qolka shaybaarka . 6-
Qolka Pharmacy-ga 7- Qolka shaqaalaha. 8- Meel loogu
talagalay qaabbilaadda 9-Afar suuli. 10-Saddex waji-dhaq 11-
Barande. 12-Barkad biyood (taangi ) kor loo dhisay. Xagga
qalabaynta waxay hay'addu ballan qaadday inay keenayso qalab
casri ah oo uu ka mid yahay: 1-Shaybaar 2-Raajo (X-rey)
3-Computer.
Maxamuud Ciyoon | Calmadow
Badhan | Email:
ciyoon10@yahoo.com
Faafin: Agoosto 8, 2005
Wafdi Heer Sare ah oo ka
socda Midowga Yurub oo beri ku soo food leh Soomaaliya
Wafdi siyaasadeed oo ka
socda Midowga Yurub ayaa ku soo wajahan gudaha dalka
Soomaaliya maalinta beri ah.
Dimlomaasi ku sugan
caasimada Beljamka magaalada Brussels ayaa warsidaha
SomaliTalk.com u sheegay in wafdigan ka socda Midowga
Yurub lagu wado in ay kulamo la yeeshaan xubnaha dawlada
ee ku sugan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.
Wafdigan ayaa ka kooban
sida aan ku helayno warar hoose sharci yaqaano ku
taqasusay habka baarlamaaniga, waxaana loo maleynayaa in
ay ku hormari doonaan magaalada Muqdisho si ay oola
kulmaan Afhayeenka Baarlamaanka iyo xubnaha labada gole
,ee ku sugan Hotel Saxafi.
Wafdigan Sharci
yaqaanada ayaa loo maleynayaa in ay kula talin doonaan
Afhayeenka Baarlamaanka in uu dhiso gudiyadii kala
duwanaa ee Baarlamaanka ,inta uu isku taxalujinayo
arimaha Dawlada uu Reysalwasaare ka yahay Prof-Geedi,
waa sida aan warku u dhigaye.
Xuseen Yaasiin
Gode-Gode
UK: Hooyo Soomaaliyeed oo Geeriyootey
Kaddib Markii ay Kasoo Dhacday Daar Dheer Dabaqeeda 13aad.. Laakiin qaabka
ay usoo dhacday iyo Qaabka ay Dhimatay waxaa kujira
shaki...
Glasgow | UK | Aug 7,2005
Hooyo Soomaaliyeed oo dhallin yaro ah ayaa
geeriyootey kaddib markii ay ka soo dhacday dabaqa 13aad ee sar dheer,
sidaas waxaa qortay jariidada Sunday Mail oo ka soo baxda dalka Ingiriiska.
Meydkii hooyada oo da'deedu ahayd 27-jir
ahaydna qaxooti ka timid Soomaaliya, haysateyn laba carruur ah, ayaa shalay
laga helay magaalada Scotstoun, Glasgow.
Deriska ayaa sheegay in habeenkii ka
horeeyey (helitaanka meydkeeda) ay qaylo xooggan ka maqleen dhanka qolka ay
daqaba ka deganayd hooyada Soomaaliyeed.
Fatima Kashani, oo 35-jir ah
waxay tiri: "Waxay ahayd qof aad u aamus badan. Inta badan
waan u dhoola cadayn jirey waxana ku dhehi jirey iska warran.
Waxaan u malaynayaa in ay halkan ku noolayd ilaa sannadkii
tegey qiyaastii."
Paulo Ndjoba, oo 39 jir ah oo
deggan aagga waxay tiri: "Waxaan arkay go' weyn oo
midabkiisu caddaan yahay oo dhiig miiran ah, aad ayaan u
cabsaday, waxaan u welwelayaa qoyskayga."
Boolisku waxay xaqiijiyeen in dhimashada qoftaas
dumarka ay tahay mid shaki ku jiro qaabka ay u dhimatay, waa sida ay qortay
Sunday Mail. [Eeg
www.sundaymail.co.uk/news/].
April 18, 2000 ayey ahayd markii magaalada Toronto ee dalka Canada uu ku
dhintay wiil yar oo Soomaali ah oo da'diisu ahayd 3.1/2 [saddex iyo bar jir]
kadib markii uu kasoo dhacay dabaqa siddeed iyo tobnaad ee sar ku taal
xaafada ay Soomaalidu ku badanyihiin ee lagu magcaabo Dixon ee magaalada
Toronto, Canada. Waxaa wiilkasi yari uu daawanayey TV, ayeeyadiis oo
kujirtey Jikada ayaa maqashay "Ayeeyo", laakiin markaas waxay ahayd mar aysan
waxba ka qabankarin oo uu mar hore ka dhacay meel daaqad oo kale ah oo loo
baneeyey qaboojiyahay guriga. [Eeg halkan].
Sidoo kale July 29, 2000 ayaa magaalada London, Ontario, Canada waxaa uu
wiil Soomaliyeed ka soo dhacay dabaqa saddexaad ee sar dheer, waxana uu
galay Komo. [Eeg halkan].
Isha: SundayMail & warar hore | Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 7, 2005
Booliska
Ireland oo Shaaca ka Qaaday Aqoonsiga iyo Sawirkii Ninkii Soomaaliyeed ee
Dublin Lagu Diley Horaantii Sannadkan 2005....
- Ninka Soomaaliyeed waxaa meydkiisa
oo lagoogooyey oo aan madax lahayn laga helay magaalada Dublin,
Ireland.. Ilaa hadda madaxiisii lama helin..

Farah Swaleh Noor
|
Booliska Ireland oo loo yaqaan Gardaí ayaa
soo bandhigay sawirka ninkii Soomaaliyeed ee sannadkan horaantiisii
meydkiisa laga helay kanaalka lagu magcaabo Royal Canal ee Dublin. Waxayna
sawirka u soo ban dhigeen in ay shacabka uga helaan akhbaar si loo helo
dadkii diley ninka Soomaaliyeed.
Farah Swaleh Noor oo Ireland ku noolaa ilaa
1996 waxaa meydkiisa la helay bishii March 30keedii, waxaana markaas
da'diisu ahayd 38-jir.
Boolisku waxa uu dadweynaha reer Ireland
uga baaqay in qofkii aqoon u lahaa marxuum Faarax Swaleh Nuur ama qofkii
marayey aagga wadada Ballybough ama kanaalka Royal Canal markey taariikhdu
ahayd March 28 ama March 30 uu la soo xiriiro booliska.
Bishan Agoosto 3deedii ayaa Booliska
magaalada Dublin waxay xireen afar qof oo looga shakiyey in ay lug ku
lahaayeen dilkii Marxuum Faarax.
Farah Swaleh Noor waxaa meydkiisa oo si
xiriir ah toorey ama mindi loola dhacay oo la googooyey laga helay meel u
dhow buundo dulmarta kanaalka Royal Canal bishii March ee sannadkan 2005,
asagoo weliba madaxa laga gooyey, ilaa hadana madaxii lama helin. Waxaa
wararku tibaxeen in meydka qaybta dhexe laga helay ayagoo kujira bac
madow, gacmahana iyo luguhuna laga helay meel u dhow. [Eeg
halkan...] iyo [Halkan].
Isha: tcm.ie & iol.ie| Tarjumadii
SomaliTalk.com | AUg 7, 2005
Saraakiil
ka socota Ugandha oo sahan ku tagaya Soomaaliya
Canab Mumtaz | SomaliTalk.com |
canabmumtaz@yahoo.com
Dowlada Ugandha ayaa qorshaynaysa in ay soomaaliya u dirto Wafdi ka socda
Saraakiisha Ciidamada ee Ugandha si u soo qiimeeyaan xaalada Soomaaliya iyo
baahida loo qabo in ay ciidamadeedu ka howlgalaan
Ujeedada socdaalkan oo aan ka waraysay Axmad cumar oo ah xubin kala shaqaysa
ciidamada Ugandha xiriirka Soomaaliya ee siyaasadda Amnig Gudaha ayaa ku
tilmaamay in ay ka dhalaty safarkii uu dhawaan ku tagay magaalooyinka jowhar
iyo mogadisho Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo la kulmay
siyaasiyiinta Labada dhinac ee dowladda iyo Baarlamaanka Federalka ah ayna
ka dalbadeen qaarkood in la soo celiyo hanaankii ay dowladda ugandha ugu
diraysay ciidamado Soomaaliya ee hakadka galay si ay uga caawiyaan amniga
goobaha dowladda ay dagayso ka hor inta laga helayo ciidamo xoogan oo ay
yeelato Soomaaliya.
Mr.Fall ayaa ka dalbaday Dowladda Ugandha sida uu sheegay COL. PETER
OLLOWERO,oo ah Madaxa ciidamda Soomaaliya loo diyaariyay in ay dowladiisa ay
qabanqaabiso wafdi ka socda ciidamad Ugandha oo booqasho sahan ah ku sameeya
mogadisho iyo jowhar si ay u soo diyaariyan qaabka ay ciidamadaas uga
howlgalayaan gudaha Soomaaliya kulamona ay la soo sameeyaan dhinacyadd
siyaasadeed ee Soomaaliya kadib si loogu gudbiyo warbixinta ay keenaan
Qaramada Midoobay laanteeda Amaanka.
Wafdigan oo qorshaynayay in ay baxaan talaadada soo socota ee bari dambe
ayaa dib u dhac ku yimid sida uu ii sheegay axmad cumar oo ka mid ah xubnaha
wafdiga ee u ambabaxaya Soomaaliya iyagoo ugu horay tagi lahaa mogadisho
kadibna jowhar.
Dib u dhaca ayaa ka dhashay kadib markii ay xiisad ka timid geeridii John
Grand ka abuurtay lavada dal oo ay IGAD xiligan siinayso Muhiimad gaar ah
laakiin waxaa la filayaa in ay baxaan isla Todobaaadka soo socda.
Canab Mumtaz | SomaliTalk.com |
canabmumtaz@yahoo.com
Qaramada Midoobay oo Xafiisyo ka furanaysa
magaalada Jowhar
Xuseen Yaasiin Gode-Gode
Warar aan ka helay ilo war gal ah ayaa
sheegaya in Qaramada Midoobay xafiiisyadii ka furnaa magaalada neyroobi
loo soo wareejin doono caasimada KMG-ah ee Soomaaliya magaalada Jowhar,
maadaama inta badan xubnaha dawladu ay ku sugan yihiin, waa sida warku u
dhigaye. Xafiiska oogu horeeyo oo
loo soo rari doono Jawhar ayaa lagu sheegay xafiiska siyaasada ee
Soomaaliya ee loogu magac daray UNIPOS.
Dhinaca kale xafiiskii UNDP uu madaxda
ka ahaa Maxwel Gaylard ayaa la qorsheynayaa in isna ,loo soo rari doono
magaalada Jowhar mustaqbalka dhaw si uu halkaasi ooga fuliyo hawlihii
gargaarka iyo mushaharbixinta dhamaan hey'adaha Dawlada.
Soo guurida Hey,adahan ee Jawhar ayaa
noqoneysa mid u sahasha in ay ka hawlgalaan gudaha Soomaaliya.
Xuseen Yaasiin Gode-Gode
ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON
EE LEICESTER
Soomaalida ku nool magaalada muslimiinta badan deggan yihiin
ee Leicester ayaa muddo gaaban ku muujiyay dadaallo iyo
horumar aad u ballaaran, warbixin arintaas ku saabsan
ka
akhri halkan...
Guji... Aug 7
- Zainab
Al-Ghazali oo Ku Geeriyootey 88-jir
- Dadka Reer Holland oo Raacsan in Shaqaalaha
Laga Mamnuuco Dharka Islaamka...
- Dalka
Ruushka oo ay Ku Nool Yihiin 23 Million oo Muslimin ah, si Joogto ahna
tiradaasi ay u Kordheyso..
Zainab
Al-Ghazali oo Ku Geeriyootey 88-jir

Zainab Al-Ghazali
|
Zainab Al-Ghazali oo si weyn loog ayaqaan dalka Masar ayaa Arbacadii
taariikhdu ahayd Agoost 3, 2005 geeriyootey ayadoo da'deedu ahayd 88 jir.
Zainab Al-Ghazali waxay sannadkii 1917 ku
dhalatay meesha loo yaqaan Al-Baxiira. Waxana ay ka soo jeeda qoyska Cumar
Bin Khataab, Khaliifkii Labaad ee Muslimiinta iyo Xasan bin Cali ibn abii
Daalib.
Zainab waxay diinta Islaamka ka baratay
culmi aad looga yaqaan Jaamacada Al-Azhar sida Sheikh Ali Mahfouz iyo
Mohammad El-Naggar.
Yaranteedii waxat Zainab ku biirtay ururka
dumarka ee loo yaqaan "Egyptian Feminist Union", ururkaas oo sannadkii 1923 asaastay gabadha magaceedu yahay Huda Sharawi.
Laakiin Zainab ururkaas waa ka baxday
waxayna sannadkii 1937 ayadoo markaas labaatan jir ah asaastay urur ay
leeyihiin dumarka Muslimiinta ah oo lagu magcaabo "Muslim Women's
Association", ururkaas oo loo dhisay si loo dardar gelinta dumarka ayadoo
asaas looga dhigayo sida ay diintu qabto iyo ujeedada diinta.
Markii ay ururkeeda asaastay waxay isla
markiiba laysan ka heshay wasaarada Awqaafta Masar si ay u dhisto 15 masjid iyo
dersin kale oo ay ayadu gaar u maalgelisey.
Zainab Al-Ghazali waxay aad ugu
doodi jirtey dhaqan gelinta Shareeca Islmaaka, arintaas oo ka hor keentay Madaxweynihii
Masar, Jamaac Cabdi Naasir. Waxaana Zainab loo taxaabay Xabsiga, halkaas oo
si xun loogu ciqaabay, sida aad hoos ku arki doontid waxaa la weriyey si
kasta oo loo ciqaabay in aysan marna ka leexan aaminsanaateedii hirgelinta
Shareecada Islaamka.
Waxaa la weriyey in sannadkii 1962 ay si
qarsoodi ah ula xiriirtay Sayyid Qutb ayadoo u fariimaha usii marisay laba gabdhood oo
ay asaga walaalo ahaayeen, waxana la weriyey in ay sidaas ku heshay qayb
kamid ah buug uu xabsiga ku qoraayey. Barashada quraanka iyo daalacashada
buugaas Qutb ayey bilaabeen kooxo kooxo in ay si qarsoodi ah u dersaan, waxaana qorshohoosu
ahaa in dadka reer Masar diinta la baro muddo 13 sano ah, taas oo looga
qiyaas qaatay mudadii uu Nebi Muxamed Makka dadka ku wacdinayey. Kaddib in dadka
afti laga qaado, haddii markaas boqolkiiba 75% ay aqbalaan in dalka
shareecada Islaamka lagu dhaqo ay markaas ku dhawaaqaan sidaas. Haddiise taasi dhici
weydo in 13 sano oo kale dadka diinta la baro, sidaas oo kalena cod looga qaado, haddii weli dadku aysan diinta in lagu dhaqo aan 75% raacsanayn in
markale sidii loo soo bilaabo 13 sano oo hor leh ilaa laga gaaro waqti ay
dadku aqbalaan in shareecada lagu dhaqo Masar.
Sayyid Qutb waxaa la xiran sannadkii 1954,
kaddib markii la isku deyey in la dilo madaxweyne Jamaal Cabdi Naasir.
Waxaana Sayyid Qutb xabsiga laga soo daayey sannadkii 1964 arintaas xabsiga
laga soo daayey oo uu qayb ka qaatay ra'iisul wasaarihii Ciraaq, Cabdul
Salaam Caarif. Laakiin 8 bilood ka dib ayaa markale dawlada Masar xabsiga u
taxaabtay Sayyid Qutb, xilligaas oo ahayd 1965. Waxana lagu xukumay dil Qutb
iyo lix qof oo kale, waxana Sayyid Qutb daldalaad lagu diley 29 August 1966.
Dadkii la xirxiray sannadkii 1965 waxaa
kamid ahaa Zainab Al-Ghazali. Xilligaas oo ay dawlada Masar si sir ah ku
ogaatey ururada siyaasadeed ee ka jira Masar waxay ku dhaqaaqday burburintooda, waxaana la
xir xiray dad aad u tiro badan, rag iyo dumar, markaa sayaa la baabi'iyey
ururkii ay Zainab Al-Ghazali asaastay ayadiina xabsiga loo taxaabay. Waxaana
Zainab maxkamad la soo taagey sannadkii 1966 waxaana lagu xukumay
xabsi daa'im ay u dheer tahay in ay qabato shaqo culus. Waxaase la soo daayey sannadkii 1971.
Waa kadib dhimashadii Jamaal Cabi Naasir oo dhintay 1970. Waxaa markaas
madaxweyne noqday Anwar Sadaat, sidii ayeyna Zainab u sii wadey fikirkeedii
ahaa in la helo dawlad Quraanka iyo sunadu ay xukun u tahay.
Sannadkii 1981 mar waraysi lagula yeeshay
gurigeeda oo ku yaal Heliopolis, Masar, Zaynab al-Ghazali waxay tiri:
Islaamku wuxuu siiyey wax kasta rag iyo
dumarba. Waxa uu Dumarka siiyey wax kasta-- Xoriyad, xuquuq dhaqaale, xuquuq
siyaasadeed, xuquuq arimaha bulshada, xuquuq caam ah iyo mid gaar ah.
Islaamku wuxuu dumarka siiyey xuquuq aan qof kale oo qoyska ah la siin.
Xorayn waa ka hadli karaan dumarka bulshada masiixiga, bulshada yuhuuda, ama
bulshada aan diinba haysan, laakiin bulshada Islaamka waa khadal aad u weyn
oo meel ka dhac ah in laga hadlo xoraynta dumarka. Qofta Dumarka ah ee Muslimada
ah waxaa waajib ku ah in ay Islaamka barato si ay u ogaato ama ugu baraarugto in
Islaamku siiyey dhammaan xuquuqdeeda.
Waxaana lagu tilmaamay in hab fekerkii Zainab
uu sidaas ahaa ayna rabtey in dumarka Muslimiinta la baro diintooda si ay ugu
baraarugaan xuquuqda ay diinta Islaamku siisay , dhinacoodana ay u ogaadaan
waajibaadka lagu leeyahay, taas oo ay rumaysnay in ay wado u tahay
helitaanka dawlad Islaam ah oo lagu dhaqo Quraanka iyo sunada Rasuulka
Muxamed (scw).
Sannadkii 1981 waxa uu Anwar Sadat bilaabay
in uu qabqabato xabsigana u taxaabo dad tiradooda lagu qiyaasay 1600 oo qof,
arintaas oo dunda badankeedu kaga soo hor jeesatey hab lagu tilmaamay
gacantiisa adag iyo xoog ku muquuninta dadka mucaaradka ku ah, iyo
dhaqaalihii dalka oo aad hoos ugu dhacay.
Bishii October 6deedii sannadkii 1981 ayaa
la toogtey Anwar Sadat asagoo joogey goob dabaaldeg lagu soo bandhigayey.
Waxaana madaxweyne nimada la wareegey madaxweynaha hadda, Xusni Mubaarak.
Zainab Al-Ghazali intii ay noolayd buug ay
qortay ayey kaga hadashay nolosheedii, buugaas oo lagu magcaabo
Ayyam min Hayati.
Isha: Wikipedia & IslamOnline | Tarjumadii
SomaliTalk.com | Aug 7, 2005
Dadka Reer Holland oo Raacsan in Shaqaalaha
Laga Mamnuuco Dharka Islaamka...
Sida
laga soo xigtey United Press International, cod bixin ay dhowaan qaaday
hay'ad Dutch ah ayaa waxaa ay sheegtay in badanaa dadka reer Netherlands
(Holland) ay raacsan yihiin in dawladu ay dumarka Muslimiinta ah ee
shaqaalaha ah ka mamnuucdo in ay xirtaan xijaabka, khimaarka iyo dharka kale
ee Muslimiinta.
Hay'addaas oo lagu magcaabo TNS Nipo waxa
ay su'aalo weydiisey 433 qof oo qaan gaar ah, kuwaax oo 63% oo dadkaas u
dhashay Netherlands ay taageersan yihiin mamnuucida in dadka ka shaqeeya
goobaha madaniga laga mamnuuco xirashada dharka Muslimiinta, iyo in 80% ay
raacsan yihiin in shaqaalaha dawlada guud ahaan aysan xiran dhar noocaas ah.
Dadkaas su'aalaha la weydiiyey ayaa 57%
waxay yiraahdeen waa in dumarka macalimiinta ah aysan xiran khimaar, halka
77% ay yiraahdeen waa in dumarka booliska ah aysan xiran khimaar, iyo 81% oo
yiri waa in qareenadu aysan xiran khimaar, Waxa laga hadlayaa waa dumarka
Islaamka ah'e.
Waxaa codbixintu sheegtay in fikrada dadka
reer Netherlands ay wax weyn iska bedeleen marka loo barbar dhigo sannadkii
2003.
September 2, 2004 ayey ahayd markii
Sharcigii Jacques Chirac ee Dugsiyada Faransiiska Lagaga Mamnuucayey
Khimaarka Gabdhaha Muslimiinta uu Ka Dhaqan Galay dalka France.
Guji...
Halkan.
Boqorada
Denmark, Margrethe II |
Boqorka
Begium, Albert II |
Horraantii sannadkan 2005 ayay ahayd markii
Boqoradda ka talisa
dalka Denmark ay ku dhawaaqday erayo aad u kul-kulul oo ku wajahan
muslimiinta dalkeeda jooga.
Margrethe II, boqoradda Denmark ayaa Islaamka ku tilmaantay in uu yahay wax
dunida oo dhan khatar ku ah, isla markaana ay tahay in la hor istaago. “waa
in aynu muujinno diidmadeenna Islaamka” ayay tidhi iyadoo iska dhagatiraysa
layaabka dunida. Guji...
Halkan..
Isla sannadkan 2005
horraantiisii ayey ahayd markii
Boqorka Belgium uu
Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban. Boqor
Albert II ayaa bishii Janaayo 12keedii soo dhoweeyey nin agaasime shirkadeed
ah iyo gabar xijaaban oo uu ninkaasi difaacey, waxana uu boqorku arintaas
uga gol-leeyahy in uu ku muujiyo taageeradiisa uu u hayo ninkaas taageersan
in gabadhaasi xirato Xijaab marka ay shaqayneyso.
Guji.... halkan.
Isha: Qaar kamid ah wararka IslamOnline | Tarjumadii
SomaliTalk.com & Warar hore | Aug 7, 2005
Dalka
Ruushka oo ay Ku Nool Yihiin 23 Million oo Muslimin ah, si Joogto ahna
tiradaasi ay u Kordheyso..
Sida ay werisey hay'adda wararka u faafisa
Ruushka ee loo yaqaan Interfax, guddiga muslimiinta ruushka ee loo yaqaan
"Council of Muftis of Russia" ayaa shaaca ka qaaday in dalka Ruushka ay
hadda ku nool yihiin 23 million oo Muslimiin ah. Tirada guud ee dadka
Ruushku waa 144 million.
Warbixintaas oo ay Khamiistii faafisay
Interfax waxa ay intaas ku dartay in dadkaas Muslimiinta ah ee ku dhaqan
Ruushka ay san ahany dad qaxootinimo ama laajinimo ku yimid ruushka, balse
ay yihiin dad weligood inta taariikhdu xusuusato halkas deganaa.
Waxaa warku intaas ku daray in tirada
muslimiinta ee dalka Ruushku ay si joogto ah u koreyso dadkuna ay
diinta Islaamka u soo gelayaan si aan kala go' lahayn.
Isha: Mosnews.com | Tarjumadii
SomaliTalk.com | Aug 7, 2005
London, UK: Amiirka u
Caleemo Saaran Qatar oo Laga mamnuucay Meel Nightclub ah

Amiir:
Tameem Bin Hamad Al-Thani |
- "Saddex nin oo Reer
Qatar ah oo uu ka mid yahay Amiirka 25-jirka ah ee u
caleema saaran Qatar, Tameem Bin Hamad Al-Thani, oo
Khamriaysan, kuna kacay ficilo anshax xumo ah ayaa laga
mamnuucay Night Club-ka ugu weyn London. Club-ka waxaa
lagu magcaabaa "Good As You" oo loo soo gaabiyo
(G.A.Y ). "
Sida ay qortay shabakad
laga leeyahay dalka Qatar, Islamonline.net, Amiirka u
caleema saaran boqornimada dalka Qatar oo ah mid wax ku
bartay dalka UK, oo xilligan xagaaga ah badankiisa joogey
magaalada London, ayaa waxa uu ka qayb qaatay dagaal feer la
is dhaafsaday (saddexda reer Qatar oo uu amiirku ka mid
yahay) iyo dhallinyaro reer London ah.
"Amiir Tameem iyo
saaxiibadiis dembi laguma soo oogin, laakiin, waxaa laga
mamnuucay Club-ka muddo 30 maalmoo dah" sidaas waxaa yiri
mas'uuliyiin, sida ay xustay shabakada reer Qatar.
Mamnuucidaas oo ay amreen booliska London waxa muddo hal bil
ah ka dhigeysaa in uu san amiirku Clubka tegi karin, waa
sida ay shabakaasi qortaye. Waxaaana warku intaas ku daray
in meeshii feerku ka dhacay lagu xiray nin 30 jir ah oo
magaciisa la yiraahdo Heard Michael oo dagaalka ka qayb
qaatay.
Shabakada Islamonline.net
arintaas uu ku kacay Amiirku aad ayey u cambaraysay ayadoo
cambaraynteeda sal uga dhigeysa culmo tixraacaya diinta:
Shabakada oo qoraalkeeda
sii wada waxa ay tibaaxday sida Allah u mamnuucay quumu
luudnimada, waxana ay soo xigatey xadiiska At-Tirmidi ee
lamabarkiisu yahayi: 1376.
Waxa kale oo shabakadu soo
xigatey sheekha deggan Qatar ee aadka loo yaqaan, Sheikh
Yusuf Al-Qaradawi oo yiri: "Culmiada Islaamka sida, Maalik,
Shaafici, Axmed, iyo Isxaaq waxa ay yiraahdeen qofkii
dembiga noocaas ah ku kaca waa in lagu dilo dhagax, hasoo
maro guur ama yuusan soo marine".
F.G: Amiirka u
caleemo saaran Qatar: Waa nin ka dhashay reer Boqorka dalka
Qatar, isla mar ahaantaasna leh dhaxalka boqortooyada,
bedelina doona amiirka ama boqorka hadda.. ...
ISHA: Islamonline.net
| August 2, 2005 | Tarjumadii SomaliTalk.com
|