SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Wafdigii ka socday Canada oo ka soo degay Garoonka Jowhar International Airport
  • 6nin oo loo maleynayo in ay qaraxyo ka geystaan Magaalada Jowhar oo La Xiray
  • Markabkii afduubka loogu heystay Xarardheere oo ku sii jeeda Dekeda Ceel Macaan.
  • Wariye ku xiran Xabsiga Magaalada Jowhar.

Wafdigii ka socday Canada oo ka soo degay Garoonka Jowhar International Airport

Warbixinadii: Xuseen Yaasiin Gode-Gode

Wararka naga soo gaaraya caasimada Kmg-ah ee Soomaaliya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in wafdigii ka socday Baarlamaanka Canada uu gor dhaweyd ka soo degay Jowhar Airport.

PhotoWafdigan ayaa waxaa horkacaya Xildhibaan Borys Wrzesnewskyj oo ka tirsan xisbiga talada dalkaas canada lagana soo doorto Etobicoke Toronto halkaas oo ay ku badan tahay jaaliyaada soomaaliyeed ee Canada.

Wadigan ayaa la kulmaya inta ay joogaan caasimada Kmg-ah, Madexweynaha iyo Reysalawasaaraha Soomaaliya, waana wafdigii oogu horeeyay ee ka socda Dalka Canada oo qiimeyn doono xaalada siyaasadeed  ee wadanka Soomaaliya, wafdigan ayaa la rajeynayaa in ay ku sugnaan doonaa Caasimada Kmg-ah mudo sadex cisho si ay u soo darsaan xaalada ay ku sugan tahay Dawlada guuritaankeedii ka dib , ka dibna ay warbixin u siiyaan Wasiirka arimaha dibeda Dalka Canada mudane Pierre Pettigrew, waxaana la soo weriyay in uu balanqaaday in uu garab istaagi doono shacabka soomaaliyeed iyo dawladooda inta ay cagaha ku istaageyso.

Xubnaha wafdigan oo ka kooban 4 xubnood ayaa waxa ay kala yihiin:

1-Sheekh Aadan Maxamed Ciise
2-Eng-C/Shakuur Maxamuud Gurey
3-Aadan Cilmi
4-Xildhibaan Borys

Waftiga markii ay ka degeen gegida diyaaradaha ee Jowhar International Air-Port waxay mid mid u gacan qaadeen Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo ku sugan garoonka, dadweyne aad u fara badan ayaa la soo sheegayaa in ay taaganaayeen agagaarka garoonka ayagoo sita calamada Soomaaliya iyo Canada.

Wixii ku  soo kordho wefdiga kala soco, Warsidaha Somalitalk.com

6nin oo loo maleynayo in ay qaraxyo ka geystaan Magaalada Jowhar oo La Xiray

Lix dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay maleegayeen falal qarxin ah gudaha magaalada Jowhar ee caasimada KMG-ah ayaa lagu soo waramayaa in duhurnimadii loo dhaadhicayay xabsiga.

Xariga nimankam ayaa ka dambeeyay kadib markii habeenimadii xalay aheyd lagu soo wargaliyay gudiga amaanka Gobolka Sh/dhexe, in ay meel magaalada ka baxsan ay ku sugan yihiin niman aan heybtooda lagaraneyn balse loo maleynayo, in ay falal qarxin ah ka fulinayaan gudaha magaalada.

6da nin oo isla habeenimadiiba la bilaabay baadigoobkooda ayaa la waayey, balse ay ciidamada ammaanka u suurto gashay in duhurnimadii maanta gacanta kusoo dhigaan ayagoo, sida warku sheegay, ku dhuumaaleysanayo duleedka magaalada.

Arintan markii ay soo baxday ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Gudoomiyaha Maamulka Sh/dhexe canaantay mid ka mid ah xoghaynta Madexweynaha oo la sheegay in isagu damiintay ragaas, markii ay magaalada soo galayeen.

Madexweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa sidoo kale si aad u canaantay ninkaasi oo kamid ah xogheynadiisa waxaana uu ku wargeliyay in uusan mardambe cidna u damiinan si ay u soo galaan magaalada Jowhar, waa sida aan warka ku helnaye.

Markabkii afduubka loogu heystay Xarardheere oo ku sii jeeda Dekeda Ceel Macaan.

Hey.ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada ee WFP ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay in ay heshiis lagaaraan Duqey Soomaaliyeed oo ku sugan Degmada Xarardheere iyo dableydii markabka afduubka oogu heysatay mudo ka badan bil.

Sarkaal u hadlay WFP ayaa shaaca ka qaaday in sida uu dhigayo heshiiskan la gaaray maalintii Jimcaha oo ku beegnayd shalay, heshiiskaas oo ka dhacay magaalaad Jawhar, in shaqaalaha markabka la sii deyn doono sadex maalmood gudahood, isla markaasna raashinka markabka saaran lagu wareejin doono Dawlada Kmg-ah oo la geyn doono Dekeda dabiiciga ee Ceelmaan, kadibna wuxuu u gudbi doonaa Dekeda Mombasa.

Markabkan ayaa ku dhawaad bil iyo bar koox dabley ah ku afduubtay deegaanka Xarardheere, oo ku taal bartamaha Soomaaliya.

Dableydan ayaa markii hore dalbatay in madax furasho ahaan loo siiyo, ilaa iyo nus malyuun doolar, laakiin sida laga soo xigtay Sarkaal u hadlay WFP in aanay jirin wax lacag ah oo la bixiyay.

 Xuseen Yaasiin Gode-Gode

 email: godegode_6@hotmail.com

Wariye ku xiran Xabsiga Magaalada Jowhar.

Canab Mumtaz | canabmumtaz@yahoo.com
 
Ururadda u dooda xuquuda Suxufiyiinta ee Caalamka iyo Kuwa Gudaha dalka ku sugan ayaa maalmihii la soo dhaafay si wayn uga hadlayay xariga lala beegsaday mid ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala xarunta KMG ah ee dowladda Federaalka ah ee Somaliya kaga sugan tahay dalka ee Magaalada Jowhar.
 
Wariyahan ay dhawaan xireen maamulka Maxamad dheere oo Magaaladaasi gacanta ku haya laguna magacaabo C/llaahi Kulmiye Caddow kana tirsan Idaacad iyo TV-shan Fadhigeedu yahay Caasimadda Soomaaliya ee Mogadisho xili uu gudanayay shaqadiisa wariyenimo ayaa xabsiga la dhigay.
 
Maamulka Maxamda dheere oo aan wali wax faah-faahin ah oo ku aadan xariga suxufiga sheegin ayaa hadana warar ku dhaw dhaw dhinaca warbaahinta sheegayaan in wariye C/llaahi uu soo tabiyay warar ka hadlayay sanad dugsiyeedka ardayda ee 2005/2006,ee magaalada jowhar iyo dugsiyadii oo ay buuxiyeen wafuudi halkaasi ku dagtay maadaama ay magaaladu tahay mid aad u yar oo aan wax badan ka qaadi karin sida hadalka loo dhigay Xubnaha labadda golle ee ku sugan halkaasi taasna ay qasab kaga dhigtay Maxamad dheere in uu ardayda u diro guryahooda si uu u dajiyo dowladda.
 
Wariyaha ayaa wali ku xiran xabsiga,mana jirto cid xoogga saartay oo ka mid ah dowladda iyo baarlamaankeeda iyo maamulka jowharba oo iyagu xarigan ka dambeeyay,baaqyo badan oo ka imaanayay ururadda ilaaliya xuquuqda suxufiyiinta ee caalamka iyo kuwa gudahaba ayay iska dhagatirayeen maamulkaasi,wax jawaabna ahna wali kama bixinin.
 
Qaar ka mid ah xubaha dowladda iyo ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa iyo ururadda bulshadda rayidka ah ayaa ka hadlay baaqyona u diray maamulka jowhar in ay sii daayaan wariyaha si uu sii wato shaqadiisa,laakiin wali waxba kama soo baxin waxaana socda dadaalo sida uu noo xaqiiyay wargal ku sugan magaalada jowhar oo aan la xiriirnay goor dhawayd.
 
Qaar ka mid siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka ayaa aad uga soo horjeeda warbaahinta in ay sii daayaan warar lidi ku ah xadgudubyadda ay u gaystaan shacabka xiliyadda ay gudanayaan xilalka ay hayaan,waxaana dhowr jeer dalka horay uga dhacday in xabsiyadda la dhigay suxufiyiin meelo kala duwan ku sugan,qaarkoodna loo gaystay jirdil halka qaar kalena shaqadooda laga fadhiisiyay.
 
Maamuladda iyo siyaasiyiinta xooga wax ku wadda ayaa badankood falalka noocan ah gaysta,si ay u yareeyaan wararka xowliga ku socda ee caqabadana ku ah maamuladda ay hayaan iyo siyaasadoodaba,taasna waa mid ay la wadaagaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed madax badan oo dunidda ah haba ugu badnaadeen wadamada ku yaala qaarada Afrika.

Canab Mumtaz | SomaliTalk
canabmumtaz@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 6, 2005


Canada: Shir Lagu Martigeliyey Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga DFKMG
»Ururada Jaaliyada Toronto oo midnimo ku baaqay:
»Wafdigii ka socday Dalka Canada oo gaarey
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 2

Wafti Reer Canada ah oo Booqanaya Jawhar
Waftigan oo xaqiiqo raadis ah waxaa hoggaaminaya xildhibaan katirsan baarlamaanka dalka Canada, waxayna booqan doonaan magaalada... Guji... July 31

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD