Barnaamijkii Radio Xoriyo
05August 2005
-
Sharikad
Norway ah oo ka noqotay abaalgud ay Zenawi
siisay.
-
Wafti beesha
caalamka ka socda oo booqday magaalada
Jawhar.
-
Qaramada
Midoobey oo Suudaan ka caawinaysa baadhista
dhimashadii John Grang.
-
Iyo waraysi
aan la yeelanay C/raxmaan Sh Amhdi oo ka mid
ah asaasayaashii JWXO.
======================
Sharikad Norway ah
oo ka noqotay abaalgud ay Zenawi siisay
Sharikad laga
leeyahay dalka Norway oo lagu magacaabo Yara
Foundation ayaa ka baaraan-degaysa inay ka
noqoto abaalgud ay siisay keligii taliye Meles
Zenawi, kaasoo ay sheegtay inay ku abaalmarisay
doorka uu ka qaatay la dagaallanka gaajada.
Sharikadu waxay
go'aansatay inay dib uga fiirsato go'aankii ay
abaalgudka ku siinaysay keligii taliye Meles
Zenawi, ka dib markii si wayn looga cadhooday
go'aankeeda, isla markaana ay u muuqatay in
Meles Zenawi uu yahay keligii taliye qori
caaraddii ku xukuma dalka Itoobiya,waxayna
shirkadu sabab uga dhigtay kala noqoshada
abaalgudkaas inuusan Males Zanawi ka soo bixin
ballanqaadkiisii ahaa inuu ka shaqaynayo
horumarinta dalkiisa.
Xubin sare oo ka
tirsan guddiga fulinta ee sharikada ugu
caalamisan dalka Norway ee Yara International
ASA, oo magaciisa qariyay, ayaa qiray in
sharikaddu ay ka xun tahay sida wax u dheceen.
Waxaa dhacay khalad la xidhiidha sida loo xulay
qofka abaalgudka ku guulaystay, waxaana arrin
laga yaxyaxo ah in abaalgud la siiyo qof
dadkiisa ku haya dil iyo jidhdil, taasoo aan
marnaba ka turjumi karin ujeeddadii abaalgudkan
loo sameeyay, sidaas waxaa yidhi xubinkan ka
tirsan guddiga fulinta ee sharikadda Yara
International ASA.
Wuxuu kaloo intaas
ku daray "waxaan fahmi karaa in koox Zenawi u
ololaynaysa ay ku guulaysatay inay saamayn ku
yeelato guddiga soo xulayay qofka abaalgudka la
siinayo". Wuxuuna sheegay in arrintaasi aysan
dib denbe u dhici doonin, isla markaana keligood
taliyayaasha laga reebi doono inay abaalgud
noocan ah helaan. Hase yeeshee wuxuu xubinkani
diiday eedda sharikaddan loo soo jeediyay ee ah
inay abaalgudkan siiso madaxda musuqmaasuqa ku
caan-baxay ee Afrika, si ay uga saxiixato
heshiisyo qiimohoodu malaayiin doollar
gaadhayaan.
Wafti beesha
caalamka ka socda oo booqday magaalada Jawhar
Aroornimadii
khamiista ahayd ayaa waxaa magaalada Jawhar
booqasho ku tegay wafti ballaadhan oo ka socda
beesha caalamka, kaasoo uu horkacayo ergaygii
arrimaha Soomaaliya u qaabislanaa dalka Kenya
Bathuel Kiplagat.
Waftigan oo ka kala socday Jaamacadda Carabta,
Midowga Yurub, Midowga Afrika, Bankiga Adduunka
iyo xubno ka socda Beesha caalamku, waxay ku
degeen xarunta ururka UNICEF, ka dibna waxay
kulan albaabdu u xidhan yihiin la yeesheen
xildhibaannada iyo wasiirrada dawlada ku
meelgaadhka ah ee ku sugan magaalada Jawhar.
Wuxuu kaloo waftigani la kulmay madaxwaynaha iyo
ra'iisal wasaaraha dawlada ku meelgaadhka ah ee
soomaaliya.
Billowgii toddobaadkan waxaa sidoo kale
magaalada Jawhar yimid wafti uu horkacayay
Francois Fall oo ah ergayga arrimaha Soomaaliya
u qaabilsan xoghayaha Qarammada Midoobay,wuxuuna
ergaygaasi halkaas kula kulmay masuuliyiinta
dawalada ku meelgaadhka ah, isagoo kala hadlay
arrimo ku saabsan sidii loo wadahadalsiin lahaa
labada dhinac ee dawlada ku meelgaadhka ahi u
kala qaybsan tahay.
Waftigan ayaa
sidoo kale arbacadii la kulmay wasiirrada iyo
xildhibaannada dawladda ku meelgaadhka ah ee ku
sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagala
xaajooday sida loo heshiisiin karo labada dhinac
ee dawlada ku meelgaadhka ah.
Afhayeen u hadlay
kooxda Muqdisho ee dawlada ku meelgaadhka ah
ayaa sheegay inay waftiga u sheegeen inay diyaar
u yihiin wadahadal ay la galaan garabka kale ee
dawlada ku meelgaadhka ah. Waxaan u sheegnay
waftiga in dawlada ku meelgaadhka ahi u qaybsan
tahay garab ku sugan Muqdisho iyo garab ku sugan
Jawhar, waxaan kaloo u sheegnay in marka hore
loo baahan yahay in loo hoggaansamo dastuurka,
taasoo qayb ka qaadan karta xal u helidda
khilaafka jira, sidaas waxaa yidhi ra’isul
wasaare ku xigeenka dawlada ku meelgaadhka ah
Maxamuud Jaamac C/llaahi (Sifir) oo ka tirsan
kooxda Muqdisho.
Qaramada Midoobey
oo Suudaan ka caawinaysa baadhista dhimashadii
John Grang
Qaramada Midoobey
ayaa dalka Suudaan u soo bandhigtay inay ka
caawiso baadhista lagu samaynayo diyaaraddii la
dhacday madaxwayne ku xigeenkii hore ee dalka
Suudaan Dr.John Grang, sidaas waxaa arbacadii
ka sheegay magaalada Nayroobi afhayeen Qaramada
Midoobey u hadlay.
Ururka uu
hooggaamin jiray John Grang SPLA ayaa codsaday
in baadhis caalami ah lagu sameeyo sababtii
keentay dhicitaanka diyaaraddii ay ku dhinteen
John Grang iyo 13 qof oo kale oo la socday. Qaar
badan oo ka mid ah dadwaynaha koonfurta Suudaan
ayaan garawsanin wararka rasmiga ah ee shaagaya
in dhicitaanka diyaaraddii John Grang uu sabab u
ahaa jawiga oo aad u xumaa.
Dhimashada John
Grang ayaa laga cabsi qabaa inay dalka Suudaan
mar kale dib ugu celiso dagaalladii sokeeye ee
muddada dheer ka soconayay, kuwaasoo la filayay
inay ku soo afjarmaan heshiiskii nabadeed ee
dhex maray dawlada iyo ururka reer koonfureedka
ah ee SPLA. Tan iyo markii daboolka laga qaaday
in John Grang dhintay waxaa magaalada Khartuum
ee dalka Suudaan ka soconayay isuku dhacyo u
dhexeeyaa reer koonfureedka iyo reer waqooyiga
Suudaan, waxaana qulquladahaas ilaa iyo hadda ku
dhintay in ka badan 100 qof.
Booskii John Grang
ayaa lagu beddalay ku xigeenkiisii Salva Kiir,
oo noqday madaxwayne ku xigeenka Suudaan iyo
madaxwaynaha dawlad goboleedka koonfurta
Suudaan. Salva Kiir ayaa taageerayaashiisa ugu
baaqay inay rabshadaha joojiyaan, wuxuuna ku
adkaystay in heshiiskii nabadda sidiisa loo
fulin doono.
Radio
Xoriyo
05 August 2005
C/nuur Sh. Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda
19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada
Bari
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan