Madaxwayne
balaayo sheeg ah, Prime Minister beenloow ah, Baarlamaaan
bilaa aqoon ah, Wasiiro bilaa damiir ah, Bambo bilaa
naxariis ah, Dil bilaa ujeedo ah, shacab bilaa caqli
ah,Saxaafad bilaa damqasho ah iyo dal bilaa dad ah,
Maqaalkaan ma aha mid iiga
bahan faahfaahin dheer oo cinwaankiisa ayaan oran karayaa
wuu koobay ujeedada iyo dulucda guud ahaan, balse waxaan
jeclaan lahaa inaan wax yar oo faahfaahin ah ugu noqdo
sharaxaada guud oo aanan ku fogaan doonin isla markaana ma
rabo inaan ka dhigo mid aad u dheer oo aqriskiisa laga daalo,
hadaan hal hal u kala qaado cinwaanka qoraalkaan waxaan ku
hormarayaa maxaan ula jeedaa Madaxweyne Balaayo sheeg ah ?
si fudud u arag ha is oran waa mucaarad kasoo horjeeda
madaxawaynaha Soomaaliya ma ahi mucaarad qalinkaygana ma aha
mid aan u qaato fikirka an qabo ama cidan taageero iyo
cidaan ka horjedo intaba ee waa mid aan u wato qalad sixid
iyo iftiimin waxyaabaha mugdiga ku jira,waxaan ahay taageere
qaran qof jecel wada jirka iyo umad ku noolaata nabad iyo
barwaaqo, miyaysan adiga aqristaha ah xataa kuula
muuqan in uu madaxwaynaha Soomaaliya yahay mid markuu
hadlaba ay dhagaha aadmiga iyo farahooda is raadsadaan oo
warkiisa yahay mid abuura balaayo, colaad iyo dagalao hor
leh, ?
Madaxwaynaha Soomaaliya waa
madaxwayne laga habaaray hadalka macaan oo aan uba baran
sida loogu hadlo oraahda macaan ee soo jiidan kartaa
cadoowgaaga, waa madaxwayne u arka is dabcinta iyo
jiljileeca mid nacasnimo ah, waa madaxawayne u yaqaan
raganimada in qof si xun hadal loogu weeraro iyadoo uu
hadalkii u danbeeyey si aan munaasab ahayn ugu af
lagaadeeyey ra’iisul Baarlamaanka, waxaana dadkoo dhan ay
hadalkiisa ka dhex fahmaan inuu yahay mid balaayo sheeg ah
ama huriya balaayo,.
Markaan wax yar ka taabto Prime Ministerka Soomaaliya waa
nin dadaal badan iskuna muujinaaya inuu diyaar u yahay inuu
xal u helo kala qaybsanaanta dowlada dhawaan lagu dhisay
Kenya, waa nin isku muujinaaya inuu hore usii wado nidaamkii
Somaaliya ee ahaa geed hoostiis wax ha lagu xaliyo, waana
tan aad ka arkayso mar kasta isagoo sawirada laga soo qaado
dhamaan la fadhiya mas’uuliyiinta meel aan dhismo qurxanayn
oo ah meelo carshaan ah, haba la yiraahdo waa wax ay dani
baday oo Jowhar ma aha meel ay dowlad ka dhigan karto
xafiisyo oo sideedaba ah meel ay ka samaysan yihiin guryo
duug ah iyo magaalo aad u yar oo aan marnaba noqon karin mid
dabooli karta baahida dowlad dhan.
hadaan taas si fudud uga gudbo waxaa muuqanaysa in Prime
Ministerka uu yahay mid aan wali isku dayin inuu qanciyo
wasiiradiisa ka gadoodsan oo wali ku taagan mindi midni ku
taag, taasna ay waliba sii dheer tahay in ay mas’uuliyiin
badan oo ka tirsan dowladiisa ay ku tilmaamayaan kagana
cabanaayaan inuu yahay mid beenta ku qubaysta oo ah waxa la
yiraahdo Alfa Bi Waaxid yacni ay kunkiisa hadalba hal uu ka
run yahay inta kalana ay yihiin been, laga yaabe inu Prime
Ministerka u arko in ay maanta tahay beentu xalka ugu dhaw,
balse markii lagu cabiro caqli fayoow aysan ku wacnayn inuu
Prime Minister dal dhan u ah hogaamiye uu beenta ku
qubaysto,.
Waxaan la sheekaystay
hogaamiyeyal badan oo leh Prof. Geedi Been baa loogu
baqtiyey oo Kalaan run ah ma sheego, inkastoo aniga aanan
lahayn waa run taas balse waxaa Soomaalidu tiraahdaa wadar
iyo waaxid yaa waalan ? mar hadii aan kaligay iraahdo taasi
waa been abuur waxaa igu soo laabanaysa maahmaahdaas oo inta
kale oo dhan kuma oran karo waxay ka been abuurayaan Prime
Ministerka waxaase qurux badan mar hadii uu Prime Ministerka
doonaayo inuu dib u xasiliyo Soomaalidaan wareersan ay
gudboon tahay in aan u sheego in been aan wax lagu gaareyn
ooay tahay mid la is wada bartay si kale aan u
iraahdee filinkaas waa gubtay yacni Timirtii horaba dab loo
waa, aqristoow adigaba is waydii sidee u aragta mar
hadii uu Prime ministerkaagu yahay mid been sheeg badan.
Baarlamaan bilaa aqoon ah igama ah inaan u gafaayo dadka loo
soo dhaariyay in ay maamulaan dal dhan, aanse si fudud wax
kuu dareensiiye mar hadii lagu soo xulay qabaa’il oo
qabiilku uu soo dooranaayo mudanaha baarlamaanka Soomaaliya
isla markaana ay soo dirayaan mudanaha beelo laga yaabo in
ay hogaamiyeyaashooda wax badan oo fikrad ah ka haysan
aqoonta iyo wax barashada sidee baa loo oran karaa
baarlamaankaasi waa mid ay mudanaayaasha yihiin kuwo aqoon
leh, mase ogtahay in ay mudaneyaal badan ay yihiin kuwo aan
waxna qorin waxna aqrin anigoo magacaabayn.
Wasiiradase ma kuwo damiir
leh baa ? adigaan ku waydiiyee mar hadii ay iyagoo ka tirsan
dowlada misna ay leeyihiin waxaan nahay mucaarad oo aduunku
yaaban yahay ilayn sida dhaqanka siyaasada lagu yaqaan
hadaan qeexno waxa ay tahay in qofkii dowlada aan ku
qanacsanayn uu noqdo mucaarad ka soo horjeeda, balse
waligeed ma dhacday wasiir dowaladiisa leh waxaan ku ahay
mucaarad ? soow ma aha wax cusub oo aan hore loo arag ?,
waxaa mar mar ila soo xiriira dad mas’uuliyiin ah oo doonaya
in ay wax ka ogaadaan xaalada siyaaasadeed ee Soomaaliya
laakiin isla markiiba waxay caloosha ka jaraan siyaasada
Soomaaliya markii ay maqlaan wasiiro dowladooda ay ka midka
yihiin ku leh waxan ku ahay mucaarad oo isla iyaga
duminaaya, sidoo kale waxaaba ugu sii darran wasiiro isla
madaxwayne ay iyaga doorteen ayna cidi ku qasbin ku leh
madaxwaynaha ma aha mid u qalma booskaas, aan su’aal uga
baxo qoraalkaane sidee bay ku suuro gashaa inaad qof aad
dooratay adigoo maskaxdaada ay joogto, aad misna tiraahdo
ma aha qof aan aqoonsanahay ? mise hogaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa la oran
karaa kuligood maskaxdooda ma joogto, oo ma aha kuwo caadi
ah ? mise waa dad isticmaala drugs iyo waxyaabaha maanka
dooriya oo markii ay dooranaayeen madaxweyne Yuusuf mid
kasta wuxuu ku sugnaa xaalad sawirka Cabdulaahi uga dhigtay
qof kale waa yaabee, hadaan sidoo kale wax yar ka iraahdo
wasiiradaan mucaaradka ah ee ku sugan iminka magaalada
Muqdisho maxay tahay doonistooda ? mar hadii aysan Muqdisho
xataa ugu yaraan ay muujin waayeen ifafaale nabadeed oo
ciidankii ay iyaga hubka u gadeen ama siiyeen aysan awood u
lahayn in ay ka qaadaan ama ay isbaaradii xal u waayeen,
isla markaana ay un kaga soo hartay Muqdisho waa caasimada
Soomaaliya iyadoo aysan cidi lahayn ma aha caasimaad laakiin
la leeyahay waxaad tihiin kuwii meesha joogee meesha
nabadeeya oo ilaa hada wax la taaban karo aan laga hayn,
miyaysan kula ahayn in ay yhiiin kuwo bilaa damiir ah ?
hadii aysan kula ahayn ii sheeg macno kale ama kalmad
kale oo loogu yeeri karo,hadii ay xal u la yihiin bambo aan cidna u
aaboyeelayn oo cidey doonto ku qarxaysa oo cirib tirtay
umadii Soomaaliyeed isla markaana ay yihiin kuwo la saaxiib
ah bambo bilaa naxariis iyo falal dil ah oo loo gaysanaayo
dhamaan inta biri ma gaydadda ah iyo intii indheer garadka
Soomaaliyeed ahayd ee ay wali dadku la qaraacansan yihiin
dilalkii ka dhacay caasimada Dhiiga (Muqdisho) hal bil
gudaheed ee leh waxaan ahayn hogaamiye ama wasiir bal
iigu sheeg magac kale oo kan dhaama,maxaan ugu yeeri karnaa
?
Shacabka Soomaaliyeed ee ayaanka darran oo iyagu ahaa kuwa
ku jirey mudo dheer xaalad amni darro una ahaa la
haysteyaasha dhowr qabqale oo haatana u xuub siibtay
“wasiiro mucaarad ah” walina diyaar u ah in ay u xadreeyaan
cadowgooda koowaad ee aan kala garan dantooda iyo
dhibaatadooda miyaan iyagana ugu yeeri karnaa kuwo caqli leh
? adigaan kuu daayee, mise ku saxsan yihiin in ay wali ku
celceliyaan shacabka waxa loo baahan yahay dib u hishiisiin,
iyadoo la ogyahay in dib u hishiin loo fadhiyay laba Sano
dhan mise dib u hishiinta maba dhamaato oo waa sida filimada
musalsalka ah oo loo baahan yahay in ay mar kasta ka socdaan
TV yada caalamka ?.
Maskaxdayda waxay igu
celcelisaa marar badan ayaa ka danbeeya dagaalada iyo
colaada aan istaagin sanooyin badan ?, waxaan u raadshaa
jawaab kaafisa maskaxdayda waxaan u warwareega meelo
badan oo hadba waxaan madaxa la dhacaa darbi laakiin
aaqirkii waxaan ka fursan waayaa jawaabta runta ah inaan
indhaha ka xiran, taasoo ah waxaa u sabab ah saxaafada oo
aan anigaba ka tirsanahay taasoo markastaa buun buunisa inta
xun iyagoo u arkaaya in ay ku helayaan magac, sumcad iyo in
la iibsado badeecada ay hayaan, taaso ah tan maanta keentay
in ay sidii quraan ugu celceliyan kalmada muraalo dilaaca
leh ee ah Labada Garab ee dowlada mase is waydiiyeen
saaxiibadeey in wax la yiraahdo laba garab oo dowladi
ay tahay aysan jirin mise waa casri hadda la bilaabayo
?. Bulshada caalamka ayaa ka yaaban weerahaas ay saxaafadu
isticmaasho iyagoo xataa gaaray in ay soo saaraan warbixin
saxaafadeed ay ku sharaxayaan in aan waligeed la maqal laba
garab oo hal dowlad ah waxayna sheegeen in ay aqoonsan
yihiin
hal dowlad, miyaysan kuula muuqan in ay saxaafada Soomaaliyeedna tahay mid
aan damaqasho lahayn oo wali sii hurinaaya colaado oo iyagu
ah kuwo baaba’saday dal dhan iyo umad dhan waqti
badana jiitamaayay oo laga daalay?
iga raali ahaada haduu qoraalkayga oo dhan kusoo biyo
shubtay negative balse waxaan jeclahay inaan ku qatimo
su’aal kale oo ah hadii dalka Soomaaliyeed uu yahay mid
dhexda ugu jira intaasoo marxaladood ma kula tahay inuu
noqon karo mid waligiis xasila mase oran karnaa waa dal leh
dad ?
Waxaa qorey Saida Sheikh Ahmed (VIP)
Brussels Belgium
saidavip1@yahoo.com
Afeef: Aragtida maqaalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 4, 2005
MAQAALADA
MAANTA:::
»Dadku
diide FAATAXO, ee bal DAADKANA ha lagu dayo |
A.D. Elmi
»Soomaalida
iyo ismiidaaminta | Dayax
»Warbaahinta
Cabbursan ee Puntlad: Heer qaylo-dhaan mudan! | B.A.
»Illeen
baroortu hiillo waa Gashaa!! (Dilkii yaxye iyo Muunin)
| Wallays
»Cambaareeyn
Falalka Dileed ee Caasimadda Muqdisho ka Dhacaaya
»Duuliye
Sare Xaaji Dhagax oo Dhambaal u Diray C/Risaq Xaaji Xuseen
»Khudbadaha
C/lahi caadifadii qabiilka ayey dib u soo noolaynaysaa
»GABAY:
DHUL SHISHEEYE
| suleiman
»Falka
lagu tuhmay Yaasiin X. Cumar oo saamayn ku yeeshay Somalida
»WAA
QABIILKEE YAASIIN XASAN CUMAR |
Nasteex
»GUULEYSO
FAHADOOW MAXAAD SIDAAS NOOGU GASHAY | Dayax
»Somaliland
Ictiraaf ka dheer nin doonayna wareer | Siciid
»Dowladdii
cidla joog, maxay curatoo dalka keentay? |
A.D. Elmi
»Ina
Waraabe and the Gang in Hargeisa: | A Omar
»95-KM
AYAA NABADDA IYO KHILAAF XALINTU JIRTAA | X. carab
»MAQAALADA
KALE EE MAANTA:::
KA AKHRI HALKAN... GUJI..
|