SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Qaramada Midoobey oo u Kala Dab qaadaysa Labada Garab ee Dawladda Soomaaliya
  • Diyaarad Ku Gubatey Garoonka Toronto, Taas oo ay Kabadbaadeen Dhammaan Dadkii Saarnaa
  • London, UK: Amiirka u Caleemo Saaran Qatar oo Laga mamnuucay Meel Nightclub ah
  • Laascaanood: 50 Qof oo Dhuxul shidayaal ah Loo Xiray dhul Daaqsimeed ay Gubeen...

Qaramada Midoobey oo u Kala Dab qaadaysa Labada Garab ee Dawladda Soomaaliya, kuna dhiiri Gelineysa in ay wada xaajood ku dhameeyaan Khilaafkooda...


François Lonsény Fall

Waftigii ka socdey qaramada Midoobey (UN) ayaa soo gabagabeeyey kulankii albaabadu u xirnaayeen ee ay magaaada Jawhar kula yeesheen xubno sare oo ka tirsan dawladda FKMG, kulankaas oo ku saabsanaa sidii loo xallin lahaa khilaafka u dhexeeya garabyada Dawladda Soomaaliya, khilaafkaas oo ah meeshii ay dawladu degi lahayd iyo keenista ciidamada ajnabiga ah ee nabad ilaalinta si dhidibada loogu aaso dawlada dhexe oo laga dhiso wadanka geeska Afrika ku yaal ee dagaalku halakeeyey, waxaa sidaas ku bilowday war ay faafisay qaramada midoobey.

Sida uu sheegay afhayeen magalada New York uga hadlayey qaramada midoobey, wakiilka gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya wakiilka uga ah xog-hayaha guud ee qaramada midoobey Kofi Annan, oo magaciisa la yiraahdo François Lonsény Fall waxa uu Nairobi ku soo laabtay shalay (Aug 1, 2005) kaddib markii uu kulan magaalada Jawhar kula soo yeeshay madaxweynaha DFKMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi.

François Fall waxa uu soomaaliya u tegey in uu hoggaamiyayaasha ka caawiyo sidii ay uga gudbi lahaayeen caqabadaha dhexyaal maamulka dhexe ee kumeel gaarka ah, waa sida warku u dhigaye, gaar ahaan sidii dawlada loo meelayn lahaa, dawladaas oo lagusoo dhisay Kenya sidii loo geyn lahaa Soomaaliya oo aan dawladi kajirin 14 sano taas oo ka dambaysey 1991 markii ay dhacday dawladii Maxamed Siyaad Barre.

 Mr. Fall waxa uu ku baaqay in ay kulan yeeshaan garabyada Soomaaliya si loo dhamays tiro muranka dhex yaal, waxana uu qaybaha ugu baaqay in ay dhamays tiraan faraqa u dhexeeya ee ku saabsan ciidamada safka hore (Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya).

Haddii xaallada ammaanku ay saamaxdo waxaa u qorshaysan wakiilka Qaramada Midoobey, Mr. Fall, in uu booqdo magaalada Muqdisho dabayaqada toddobaadkan (Waxaa loo malaynaya Arbacada) si uu wada xaajood ula soo yeesho afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aaden iyo xubnaha kale ee baarlamaanka ee ku sugan xamar iyo qaybaha bulshada.

Waxaa jira warar kale oo ay qoreen warbahinta Koonfur Afrika, gaar ahaan jariidada Mail & Guardian, oo sheegaya in Cali Maxamed Geedi uu shalay ka hor yimid soo jeedintii Qaramada midoobey ee ku saabsanaa wada xaajoodka garabyada DFKMG. Taas oo jariidadu ay sheegtay in Cali Geedi uu sheegay in soo jeedintii qaramada midoobey ee toddobaadkii hore ahaa mid aan ayaga lagala tashan. Waxaa jariidadu sheegtay in UN loo soo jeediyey aqoonsiga in ay Jawhar oo 95km xamar u jirta tahay meesha dawlada xarunta u ah. Laakiin François Fall oo ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya waxa uu VOA u sheegay in warkaasi uusan sax ahayn, waxana uu sheegay in Cali geedi uu tixgelin siinayo soo jeedintii Qaramada Midoobey, sida in wadamada ku xeeran (Soomaaliya) ay tababaraan ciidamada Booliska. Wararysigii wakiilka Qaramada Midoobey ee VOA Halkan ka dhegeyso [MP3].

ISHA: UN News & VOA| August 2, 2005 | Tarjumadii SomaliTalk.com


Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ku soo Wajahan Magaalada Muqdisho

Wafdi heer sare oo uu hogaaminayo wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya mudane François Fall ayaa lagu wadaa goor dhaw oo maanta ah in ay ka soo degaan garoonka macmalka , diyaaradaha ee Dayniile.

Wafdiga ayaa kula shiri doono garoonka gudihiisa teendho ay u diyaariyeen gudoomiyaha baarlamaanka iyo xubno ka kooban 7 xubnood oo matalaya labada gole ee dawlada federaalka,ee loo xilsaaray inay warbixin ka dhegeystaan wafdiga ayagana u gudbiyaan warbixintooda.
Ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa uu wadaa barnaamij cusub oo la magac baxay (New Road Map) inkastoo reysalwasaare Geedi arintaas ku tilmaamay mid aan jirin , lagana gudbay xiligii dib-uheshiisiinta loona gudbay hawlgalkii dawlada iyo shacabka.
Marka ay dhamaato la kulanka wafdiga xubnaha uu hogaaminayo baarlamaanka ayaa u qorshaysan in ay,warqad dacwad ah u gudbiyaan wakiilka Qaramada midoobay mudane Francois maadaama uu jowhar u aqoonsaday caasimada kmg , ka dib markii uu safarkiisii oogu horeysay ka degay Jowhar kuna tilmaamay magaalo u qalanta caasimad.
 Xuseen Yaasiin Gode Gode
email: godegode_6@hotmail.com
August 3, 2005

Diyaarad Ku Gubatey Garoonka Toronto, Taas oo ay Kabadbaadeen Dhammaan Dadkii Saarnaa

Galabnimadii Talaada (Aug 2) diyaarad (Air France flight # 358) oo soo caga dhiganeysey garoonka diyaaradaha ee magaalada Toronto ayaa ka taraaraxday gegida ay diyaaraduhu soo caga dhigtaan, kaddibna waxay ku istaagtey meel qiyaastii 200 yaardi (yards) u jirta khadka diyaaraduhu ku cararaan, Meesha ay ku istaagtey waa meel aad ugu dhow waddo kamid ah wadooyinka ugu waaweyn Toronto, waqtigaasina uu ahaa xilliga shaqada laga soo baxo oo ay wadadaas maarayeen gawaari aad u farabadan. Markiiba waxaa diyaarada ka kacay dab. Laakiin nasiib wanaag dhammaan rakaabkii diyaarada saraa iyo shaqaalihii diyaarada oo isku darkoodu ahaa 309 qof waa ka badbaadeeen (297 rakaab iyo 12 shaqaale ah). 14 qof ayaa waxaa soo garey dhaawacyo fudud. Dhaawaca oo la geeyey cisbitaal ku yaal Etobicoke (Toronto).

Nasiib wanaag dabku waxa uu diyaarada qabsaday markii ay dadka diyaarada saarnaa ka degeen, waqtigaas oo daqiiqado yar ahayd. Waxaana la sheegay il-birisiyo ka hor intii aan diyaradu garoonka soo caga dhigan in nalalka gudaha diyaarada oo dhan ay ka dameen.

Diyaarada oo ah nooca Airbus A340 oo ay leedahay shirkada Air France, waxa ay ka soo duushay garoonka Charles de Gaulle Airport ee Paris waxaana u qorshaysnayd in ay soo caga dhigato garoonka Pearson International Airport ee Toronto markay saacadu ahayd 4:03 p.m. waqtiga Toronto, xilligaas oo ay hawadu aad u xumayd roob aad u xoog badan oo harqar iyo hillaac wata uu aagga ka da'ayey.

Waxaa wararku tibaaxeen in dadka saara diyaaradu ay si degdeg ah uga dateen albaabada loo yaqaan "gargaarka degdeg ah". In ka yar hal daqiiqona ay gurmadka garoonka Toronto soo gaareen diyaarada. Dawlada Canada iyo France waxay bilaabeen in ay baaritan ku sameeyaan sababtii keentay shilkaas. [Wadada u dhow meesha diyaaradu ku dhacday sida ay gawaaridu ugu badan yihiin. ka Daawo Halkan...... Waxyar ka dib dabkii waxaa la arkayey diyarada qaybteeda dambe ay dhinac u dhecaya ka Daawo Halkan.....

Marka la eego cimilada markaas ka jirtey garoonka iyo sidii ay u gubatey, islamar ahaantaasna ay dhammaan dadkii saarnaa ka badbaadeen, waxaa lagu tilmaamay uun mucjiso.

CBC.TV: Daawo Halkan: Diyaarada oo la daminayo... Guji

Isha: CBC |  Global tv | August 2, 2005 | Tarjumadii SomaliTalk.com


London, UK: Amiirka u Caleemo Saaran Qatar oo Laga mamnuucay Meel Nightclub ah


 Amiir: Tameem Bin Hamad Al-Thani
  • "Saddex nin oo Reer Qatar ah oo uu ka mid yahay Amiirka 25-jirka ah ee u caleema saaran Qatar, Tameem Bin Hamad Al-Thani, oo Khamriaysan, kuna kacay ficilo anshax xumo ah ayaa laga mamnuucay Night Club-ka ugu weyn London. Club-ka waxaa lagu magcaabaa "Good As You" oo loo soo gaabiyo (G.A.Y ). "

Sida ay qortay shabakad laga leeyahay dalka Qatar, Islamonline.net, Amiirka u caleema saaran boqornimada dalka Qatar oo ah mid wax ku bartay dalka UK, oo xilligan xagaaga ah badankiisa joogey magaalada London, ayaa waxa uu ka qayb qaatay dagaal feer la is dhaafsaday (saddexda reer Qatar oo uu amiirku ka mid yahay) iyo dhallinyaro reer London ah.

"Amiir Tameem iyo saaxiibadiis dembi laguma soo oogin, laakiin, waxaa laga mamnuucay Club-ka muddo 30 maalmoo dah" sidaas waxaa yiri mas'uuliyiin, sida ay xustay shabakada reer Qatar. Mamnuucidaas oo ay amreen booliska London waxa muddo hal bil ah ka dhigeysaa in uu san amiirku Clubka tegi karin, waa sida ay shabakaasi qortaye. Waxaaana warku intaas ku daray in meeshii feerku ka dhacay lagu xiray nin 30 jir ah oo magaciisa la yiraahdo Heard Michael oo dagaalka ka qayb qaatay.

Shabakada Islamonline.net arintaas uu ku kacay Amiirku aad ayey u cambaraysay ayadoo cambaraynteeda sal uga dhigeysa culmo tixraacaya diinta:

Shabakada oo qoraalkeeda sii wada waxa ay tibaaxday sida Allah u mamnuucay quumu luudnimada, waxana ay soo xigatey xadiiska At-Tirmidi ee lamabarkiisu yahayi: 1376.

Waxa kale oo shabakadu soo xigatey sheekha deggan Qatar ee aadka loo yaqaan, Sheikh Yusuf Al-Qaradawi oo yiri: "Culmiada Islaamka sida, Maalik, Shaafici, Axmed, iyo Isxaaq waxa ay yiraahdeen qofkii dembiga noocaas ah ku kaca waa in lagu dilo dhagax, hasoo maro guur ama yuusan soo marine".

F.G: Amiirka u caleemo saaran Qatar: Waa nin ka dhashay reer Boqorka dalka Qatar, isla mar ahaantaasna leh dhaxalka boqortooyada, bedelina doona amiirka ama boqorka hadda.. ...

ISHA:  Islamonline.net |  August 2, 2005 | Tarjumadii SomaliTalk.com


Laascaanood: Dhuxul shidayaal Loo Xiray dhul Daaqsimeed ay Gubay

  • Dadkii Loo Haysto in ay Gubeen Dhul Soolasha Oo Gaadhay 50 Maxuus Ayaa Jeelka Laascaanood Lagu Hayaa.
  • Labo Oromo ah oo kamid ah dhuxul shidayaasha.....

Waxaa Soo gaadhay magaalada Laacaanood dadkii looga shakisanaa in ay gubeen dhulka Soolasha, dadkaas oo gaadhaya 50 maxbuus, waxana haatan lagu hayaa jeela magaalada Laascaanood.


Dhuxul Shidayaasha la xiray, loon ahaysto in ay gubeen dhul daaqsimeen

Dadka la soo qabtay ayaa waxa ka mid aha laba qof oo Qawmiyada Oromada ah ee dalka Itoobiya kuwaas oo ay shaqaaleeyeen dad deegaanka u dhashay oo dhuxusha shida.


Oromada dhuxusha ka shidayey Soomaaliya ee la xiray

XAALUFINTA SOOMAALIYA:::

Waa geed Cambe ah oo qoyan oo la jarayo si looga shido Dhuxul. Akhri wararka maalinta dhirta Guji

Taliyaha hawlwadeenkan Gaashaanle Maxmuud Nuur Muuse ayaa saxaafada u sheegay in ay maxkamad soo taagi doonaan dadkaas , iyada oo ay hada gaadhayso dhulka ay gubeen 80km, oo u badanaa dhul daaq sameed dabkuna uu sii fidayo. 

Max’med Max’muud Gaaxnuug
SOMALITALK LAASCAANOOD
August 1, 2005


UNDP oo Soo Saartay Warbixin Ku Saabsan Soomaaliya:

Hay'adda Qaramada Midoobey ee UNDP ayaa soo saartay warbixin ku saabsan Soomaaliya, taas oo ay ku eegeyso saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo xaaladaha Soomaaliya. sawirka hoose oo muujinaya Cali Maxamed Geedi oo ka qayb galay furitaanka kanaalka webi Shabelle oo kamid ah warbixinta ka akhri halkan.... [PDF


Canada: Shir Lagu Martigeliyey Wasiir Dowlaha Gaashaandhiga DFKMG

»Ururada Jaaliyada Toronto oo midnimo ku baaqay:
»Wafdigii ka socday Dalka Canada oo gaarey kenya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...


Boqor Fahad Bin Abdul Aziz oo Geeriyoodey
Boqorkii dalka Sucuudiga,
Fahd bin Abdul Aziz Al-Saud oo 82 jir ahaa ayaa maanta geeriyoodey, waxaana la caleema saaray Boqor Abdullah oo .... Guji... Aug 1

John Garang oo ku Geeriyoodey Shil Diyaarad
Madaxweyne kuxigeenkii Sudaan,
John Garang, ayaa geeriyoodey kaddib markii ay la dhacday Helicopter uu ka raacay Uganda asaga iyo... Guji... Aug 1

Wafti Reer Canada ah oo Booqanaya Jawhar
PhotoWaftigan oo xaqiiqo raadis ah waxaa hoggaaminaya xildhibaan katirsan baarlamaanka dalka Canada, waxayna booqan doonaan magaalada... Guji... July 31


DAREENKAYGII MARKAAN IMID LONDON
Warbixintii Ibraahim Saalax oo booqday UK... Guji... Aug 3

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD