- Boqor Fahad Bin Cabdul Casiis oo Geeriyoodey...
- Boqor Abdullah
oo Loo Caleema Saaray Boqortooyada Sucuudiga
- Madaxweyne Kuxigeenkii
Suudaan, John Garang, oo Geeriyoodey...
Boqor Fahad Bin Cabdul Casiis oo Geeriyoodey:::
Agoosto 1, 2005
Wararka
ka imanaya Sucuudiga ayaa tibaaxay in Boqor Fahad uu
geeriyoodey.
Barnaamijyadii
Tefelishanka qaranka ka socdey ayaa la joojiyey,
waxaana lagu bedeley aaayadaha Quraanka.
Dublamaasiyiinta Sucuudiga ku sugana waxay durbadiiba
cadeeyeen in Boqor Fahd bin Abdul Aziz Al-Saud uu
geeriyoodey. Wax yar ka dib si rasmi ah ayaa loogu
dhawaaqay boqor Fahad uu Geeriyoodey.
Boqor Fahad waxa uu
sannadkii 1923 ku dhashay magaalaad Riyaad (Taariikh-yahanada
qaarkood waxay yiraahdaan waxa uu dhashay sanandkii
1921), waxana uu ahaa wiilkii toddobaad ee u dhashay
boqor Abdul Aziz.
Sannadkii
1995 oo xanuun degdeg ah oo maskaxda ah uu ku dhacay
wixii ka dambeeyey awood uma lahayn in uu waddanka
hogaamiyo, waxana si kumeel gaar ah ilaa waqtigaas dalka
u hogaaminayey walaalkiis Cadullahi.
Boqor Fahad oo sagaal
jir ah, sanandkii 1932, ayaa aabihiis Abdulaziz bin
Abdulrahman Al-Saud asaasay boqor tooyada Sucuudiga.
Waxa uu wax ku bartay
dugsigii ugu horeeye ee lo dhiso boqortooyada (ee Ibn Saud).
Sannadkii 1953 asagoo
30-jir ah ayaa waxaa loo magcaabay wasiirka waxbarashada
Sucuudiga.
March 25, 1975, markii
la diley Boqor Faisal oo uu diley wiil uu adeer u ahaa,
ayaa boqor tooyada waxa qabtay Boqor Khalid. Markaas ayuu
Boqor Fahad noqday ninka ku xiga ee leh dhaxal tooyada.
June 13, 1982 markii u
udhintay Boqor Khalid ayaa la caleema saaray Boqor Fahad,
sidaas oo uu ku noqday Boqorka Sucuudiga ilaa uu
xanuunsadayna uu asago talada dalka Sucuudiga toos u hayey.

Sannadkii
1986 waxa uu Boqor Fahad qaatay cinwaanka "Khaadimka
Xarameenka Shariifka ah - Maka iyo Madiina".
29
November 1995 ayaa waxaa Boqor Fahad ku dhacay xanuun
kadis ah oo maskaxda kaga dhacay kaas oo jirka qaybtiis
hawl gab ka dhigay.
Isniin Agoosto 1, 2005
ayuu geeriyoodey Boqor Fahad asagoo da'diisu ahayd 82
jir.
Waxaa isla maanta (Agoosto 1, 2005)
Boqortooyada loo caleema saaray Boqor Abdullah oo ahaa
ninka leh dhaxalka, ahaana kan dalka taladiisa hayey
ilaa markii uu Fahad xanuun saday. Waxaana boqor
cabudllahi dhaxalka ku sii xigi doona wasiirka difaaca,
Prince Sultan.
Boqorka dhaxal-tooyada
la wareegey, Abdullah bin Abdulaziz al-Saud, waxa uu ku
dhashay Riyaad sanandkii 1924, waxana uu kamid yahay 37
wiil ee uu dhalay boqorkii asaasay Sucuudiga, Abdulaziz
bin Abdulrahman Al-Saud.
Wax yar ka dib geeridii
Boqor Fahad waxa uu xoghayaha guud ee midowga carabta,
Amr Moussa, ku dhawaaqay in muddo toddobaad ah dib loo
dhigay kulankii degdeg ahaa ee dalalka Carabtu ay August
3-deeda ku yeelan lahaayeen magaalada Sharm ee xeebta
Badda cas ee Masar.
Sida ay werisey
IslamOnline, qiimaha Saliida ceeriin (Oil) waxa uu kor
ku caya 50 cents, geeridii Boqor Fahad ka dib, taas oo
ay fuustadii gaartey $61.
Hoggaanka Boqortooyada
Sucuudiga waxaa lagu tiriyaa dadka dunida ugu taajisan
xagag lacagta. Jariidada Al-Jazeera waxay ku tilmaantay
in hoggaamiyaha boqortooyada Sucuudigu uu leeyahay
adduunyo gaareysa
$20
billion Doolar.
Isha: Warbaahinta
Sucuudiga | tarjuamdii Somalitalk.com | Aug 1, 2005
Madaxweyne Kuxigeenkii
Suudaan, John Garang, oo Geeriyoodey...
- John Garang,
lix qof oo asaga la socdey iyo toddoba shaqaalihii
diyaarada ah ayaa geeriyoodey kaddib markii ay la
dhacday Helicopter ak duushay Uganda una sii jeedey
Sudan.....
Khartoum,
Aug. 1 -- Wararka ka imanaya dalka Suudaan ee laga helay
UN-ta ayaa sheegay
in madaxweyne ku xigeenkii Suudaan,
John Garang, uu ku geeriyoodey shil helicopter la dhacday.
Waxaa wararku intaas ku
dareen in ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo Ugandha
la dhaqaajiyey si ay u baadi goobaan diyaarada ilaa hadda
la la'yahay ee sidey madaxweyne ku xigeenka. Waxaa kale
oo baadi goobka ka qayb qaadanaya ciidamada UN ee aagga
ku sugan.
Wararka saakay oo
Isniin ah ka soo baxay Suudaan waxay sheegayaan in aan
la helin diiyaaradii sidey madaxwene ku xigeenka,
warkaas oo ka duwan kii shalay galab la sheegay ee ahaa in
diyaarada la helay. Sidaas waxa cadeeyey wasiirka
warfaafinta Suudaan Abdel-Basit Sabdarat oo ka hadlay
teelefishaanka qaranka Sudan.
John Garang waxa uu
Uganda tegey Jimcadii halkaas oo uu kulan laba maalmood
ah la yeeshay madaxweynaha Uganda Yowery Museveni
kulankaas oo ka dhacay guriga uu ku nasto madaxweynaha
Uganda ee
ku yaal Mbarara
oo 300 km koonfur galbeed ka xigta
caasimada Kampala.
(Sawirka hoose oo ay
qaaday Reuters, waxa uu muujinayaa John Garang
oo
July 29, 2005 diyaarad
helicopter ah ka raacaya garoonka Kampala ee Entebbe
International Airport asagoo ku sii jeedey Mbarara oo
meesha uu deggan yahay madaxweynaha Uganda)

Kaddib kulankii
madaxweynaha Uganda, waxa uu
madaxweyne ku xigeenka Sudaan ka ambabaxay Uganda
maalimadii Sabtida asagoo raacay diyaarad nooca
Helicopter ah oo laga leeyahay Uganda, xiriirkii
diyaaradaasina waxa uu go'ay 6:30 p.m. (1530 GMT) hawada
oo xumayd awgeed, waa sida warku u dhigaye. Wararka kale
oo ay qoreen warbaahinta kenya ayaa ku waramay in
diyaaradu dhacday kadib markii shidaalku ku yaraaday.
Warar saakay laga helay
Sudan ayaa sheegaya in dad aagga degan ay heleen
burburkii diyaaradii siday John Garang.
Warar kaas ka dambeeyey
ayaa tibaaxay in telefishanka qaranka ee Sudan uu
sheegay in ay geeriyoodeen John Garang, lix qof oo la
socdey asaga iyo toddoba shaqaalihii diyaarada ah.
John Garang waxaa
madaxweyne ku xigeenka Sudan loo dhaariyey July 9,
2005, arintaas oo ka dambeeysey heshiis la kala saxiixday
bishii Janaayo ee sannadkan, kaas oo soo afjaray dagaal
ahli ah oo dalkasi ka socdey muddo 21 sanadood ah,
dagaalkaas oo bilowday 1983 waxaa jabhaddii SPLA ee
dagaalkaas wadey madax hogaamin jirey Lt. Gen. John Garang.
John Garang wax auu
madaxweyne ku xigeen ka noqday dawladda uu hogaamiyo
madaxweyne
Omar
Hassan al-Bashir oo ay muddo dheer col ahaayeen. Waxana
uu qorshuhu ahaa in
Bashir iyo
Garang
ay dawlad wada-jir ah soo
dhisaan Agoosto 9, 2005.
Shilakni markii uu dhacay waxaa markiiba kulan degdeg
ah qaatay madaxweyen Bashiir iyo madaxweyne ku xigeenka
labaad Ali
Osman. Baarlamaanka Sudan waxa uu kulan degdeg ah
qaadanayaa 9:00am ee Isniinta.
Dagaalka Sudaan ilaa waqtigii uu bilowday (1983) ilaa
dhammaadkiisii (July 9, 2005) waxaa ku geeriyoodey
qiyaastii in ka badan hal million oo qof.
John Garang waxa uu
dhashay sannadkii 1945, waxana uu ka dhashay qabiilka
dega koonfurta ee Dinka qabiilkaas oo caan ku ah
caabuditaanka cirka ay caabudaan, iyo muusiqa ay ku
ciyaaraan geesaha ariga iyo jacaylkooda hilibka solan.
John Garang waxa uu
shahaadada sare ee cilmiga beeraha ka qaadatay jaamacad
maraykan ah, waxana uu wax ka bartay
Grinnell College, Iowa.
Mar dambena waxa uu ku laabtay maraykanka si uu tababar
militari uga soo qaato Fort Benning, oo ku taal gobolka
Georgia.
Jariidad ka soo baxda
Kenya oo tilmaameysey John Garang waxa ay tiri
hoggaamiyaha jabhada ee haystay shahaadada ugu saraysa
ee beeraaha waxa uu noloshiisa badan keeda ku qaatay
duurka asagoo qorshaynayay qarxinta ceelasha saliida
(Oil), mana uu ogolayn, ayey tiri jariidadu, in cidi
fallaago ka noqoto, qofkii ka hor yimaadana waa la xiri
jirey ama waa la toogan jirey, ayey tiri jariidada
Standard.
Wararka ka imanaya
Sudan ayaa sheegay in rasbashado maanta (Isniin) ka
dhacay Khartuum ay sheegeen in ugu yaraan 24 qof ay ku
dhinteen, waa kadib geeridii Garang.
Tarjumadii
SomaliTalk.com | Agoosto 1, 2005
Wafti uu Hor Kacayo
Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Canada oo Booqanaya
Jawhar
- SomaliTalk |
Toronto, Canada | July 31, 2005
Wararka ka imanaya
dalka Canada ayaa tibaaxay in wafti uu hogaaminayo
xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Canada oo laga soo
doorto
Etobicoke
(Toronto) oo magaciisa la yiraahdo
Borys Wrzesnewskyj in uu maanta (Axad
July 31, 2005) u ambabaxayo dalka Soomaaliya,
socdaalkaas oo xaqiiqo raadis ah wuxuu qaadan doonaa
saddex maalmood.
Xildhibaanku waxa uu
magaalada Jawhar kula kulmi doonaa madax sare oo ka
tirsan DFKMG, oo ay kamdi yihiin madaxweynaha DFKMG
Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaare Cali
Maxamed Geeddi.
Jawhar oo 95 km woqooyi
kaga aadan caasimada Soomaaliya, waa meesha ay si kumeel
gaar ah ugu sugan yihiin madaxweynaha iyo ra'iisul
wasaaraha DFKMG.
"Dawladda Canada oo
kaashanaysa jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Canada - oo
ah jaaliyada ugu ballaaran ee ka soo jeeda afrikada bari
ee ku dhaqan Canada - waxay kaalin weyn ka qaadan karaan
nabad ku soo dabaalida dalka burburay (Soomaaliya)"
sidaas waxaa yiri xildhibaan
Wrzesnewskyj
oo ay soo xiganeysey jariidada Inside Toronto.
Xildhibaan
Borys waxa uu ka tirsan yahay xisbiga
Libral-ka' ee haya talaad dalka Canada.
Waxaa wararku intaas ku
dareen in xildhibaanku uu wixii uu dalka Soomaaliya kala
soo kulmo uga warbin doono dawlada Canada.
Waxaa waftiga ka mid
Soomaali reer Canada ah.
Xildhibaanka waxaa lagala
xiriiri karaa:
Halkan....Guji..
ISHA:
Inside Toronto.... | Tarjumadii SomaliTalk | July
31, 2005
Warbixin labaad hoos ka
akhri.
Wafdi ka socda Dalka
Canada oo ku soo wajahan dhawaan caasimada kmg ee Jowhar
Wararka ka imaanaya
caasimada Canada ee Toronto ayaa xaqiijinaya in wafdi ka
socda Baarlamaanka dalkaas ay ku soo fool leeyihiin
magaalada Jowhar.
Wafdigaan ayaa waxaa
horkacaya Xildhibaan Borys oo ka tirsan xisbiga dalka
talada hayo ee liberal partiga.
Wafdigaan ka socda
Dalka Canada ayaa waxa ay isku xilqaameen in ay ukala
dab qaadaan madexweynaha iyo afhayeenka waxayna kulamo
layeelan doonaan labada dhinac si ay u soo afjaraan
khilaafaadka yar ee ku dhexjira labada dhinac.
waa wafdigii ugu
horeeyay ee ka socda Dalka Canada oo booqasho ku yimaado
Soomaaliya gaar ahaan caasimada Xarunta Kmg ee dawlada
federaalka magaalada Jowhar.
Warkaan ayaan ka soo
xigtay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka
Canada mudane ingineer C/shakuur Maxamuud Gurey oo ka
mid ah wafdiga xildhibaanka Canadian-ka ah.