Marwada murashaxa dalka Mayakan John Kerry oo ilaa iyo hadda hogaaminayo
isreeb reebka xisbiga demoqraadiga si uu ula tartamo madaxweyne Bush ayaa
qaba haweenay Africanka cad ah oo la yiraahdo
Teresa Heinz.
Teresa waxa ay ku dhalatay dalak Muzambiik ee dhinaca koofureed ee Africa.
Waxay na wax ku baratay dalka South Africa iyo Swizerland waxayna ku hadashaa
5 luqo.
Waxay ay dalka maraykanka tagtay 1966 waxayna u shaqaysay UN tarjumaan
ahaan ka dibna waxay guursatay Senator ku dhintay shil diyaaradeed oo la oran
jiray Senator John Heinz .waxayna u dhashay 3 wiil.
John Kerry oo asagana leh 2 gabdhood iyo Teresa waxay is guursadeen 1995.
Haddii uu ku guulaysto doorashada madaxweynaha dalka Maraykanka Teresa waxay
noqon doontaa marwadii labaad ee degta aqalka cad ee aan ku dhalan dalka
Maraykanka. Bilawgii dalka Maraykanka taariikhdiis mid ka mid ah labadii
madaxweyne ee isdhalay ee ahaa
Adams Family
ayaa guursaday haweenay aan ku dhalan dalka Maraykanka.
Murashax John Kerry ayaa dib u dhigtay inuu ku faano khibradda xaaskiisa
ilaa uu hubsado inuu yahay ka ay isku raaceen xisbigiisa demoqraadiga oo uu
ku soo baxo ka dibna uu kula tartamo madaxweyne Bush. Dadka siyaasadda indho
indheeyaa waxa ay leeyihiin aqoonteeda UN iyo Africa iyo dunida kale wax wayn
ayay u tari doontaa murashax John Kerry inta uu ku jiro loolanka iyo haddiiba
uu ku guulaysto inuu iska caabiyo xisbiga jamhuuriga oo la filayo dhowaan
inay dabooka ka qaadi doonaan recordkiisa iyo cambaarayn lagu dheehay
dacaayada aad looga soo shaqeeyay oo sida la sheegay badan keed diyaar ah.
Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com