Iyadoo ololahii ugu danbeeyey ee musharaxiinta Xisbiga dimuqradiga ee dalka
Maraykanku uu socdo ayaa hadana waxaa saadal weyn laga bixinaya gobolada
waddanka maraykanka cidda ku soo bixi doonta doorashada xisbiga dimuqaradiga
ee la loolami doonta Madaxweyne George W. Bush sannadka 2004, Muddo hadda
laga joogo 9 bilood wakhtigaasi oo televisionada waddanka Maraykanka laga
arkay wejiyo cusub oo ka dhex loolamaya xisbiga dimuqradiga bulshada
maraykanka uma ay kala caddayn cid ay la barbar dhigan Madaxweyne Bush waayo
sababa badan oo jira awgood, waa midda koobaade Madaxweyne George W. Bush oo
ka caan ah dhamaan bulshada Maraykanka dhexdiisa ha noqoto qoyska uu ka
dhashay ee reer Bush ama sumcadda uu ka kasbaday dagaaladii uu ku qaaday
wadamada Afghanistan iyo Ciraaq ee uu ku sababeeyey inuu ku ilaalinayo
Amaanka Shacabka Maraykanka waa midda labaad eh Musharaxiinta xisbiga
Dimuqraadiga oo aan ahayn rag si weyn uga caan ah gudaha waddanka maraykanka,
iyo weliba xagga dhaqaalaha oo aan la odhan karin xayndaabka Bush waa la
tartami karayeen wakhtigaasi ragga iyagu u oomana inay ku soo baxaan hogaanka
xisbiga Dimuqradiga, Howard Dean oo ah isagu ninka la filaayo inuu sida weyn
ugu soo bixi doono doorashada xisbiga dimuqradiga ayaa cod laga qaaday
shacabka maraykanku waxaa lagu ogaaday in 10% in ka yari aqoon u leedahay
shakhsiyadiisa.
Hadaba ka dib dagaalkii uu Madaxweyne George W. Bush ku qaaday waddanka
Ciraaq badhtamahii sannadkani aynu ku jiro ee 2003 ayaa waxaa eedayn badani
kaga timid xildhibaano badan oo ka tirsan guriga Senate-ka iyo Congresska ee
waddanka maraykanka oo laf dhabar u ah xisbiga dimuqradiga, iyaga oo
Madaxweyne Bush ku eedeyey inuu buun-buuniyey hanaankii loo adeegsaday
ololahii loogu jiray in Saddam Xuseen xukunka lagaga xayuubiyo, taasi waxay
ka sii dartay markii uu Madaxweyne Bush soo hordhigay labada gole ee waddanka
maraykanka muddo afar bilood laga joogo Miisaniyad lacageed oo ku dhaw 70
Bilyan oo dollarka maraykanka ah oo lagu sheegay in dib u dhis loogu
samaynayo waddanka ciraaq, Saraakiisha iyo sharci-dejiyanada ka mid ah
xisbiga dimuqradigu waxay ku doodayaan iyada oo dhaqaalaha maraykanku uu hoos
u dhacay in ka badan %20 ka dib intii uu xukunka qabtay Madaxweyne Bush,
iyada oo shaqooyinka kuwa ugu muhiimsan ee wax soo saarka warshadaha iyo
shariikadahu ay hoos u dhacday oo 2 milyan oo shaqo in ka badan la waayey,
markaa wakhtigani waxay ku haboonayd in Madaxweyne Bush aan dib loo dooranin
inuu marlabaad hanto xilka madaxweynanimo, Howard Dean oo ka hadlaya 70
bilyan ee dollar ee madaxweyne Bush ka codsaday guriga senate-ka iyo weliba
congress-ka inay ansixiyaan si loogu dhiso ciraaq wuxuu yidhi "Newyork iyo
Alabama iyada oo la oga sida ay korontadu uga go,day iyaga oo shaqaalahii ugu
muhiimsana ee shariikadaha laydku shaqo la,aan ku dhacday waa maxay
muhiimadda inoogu jirtay in lacagta intaa le,eg aynu dalkale gayno, shacabka
maraykanku uma dhamayn in ciraaq lagu duulo wuxuu ahaa go,aan ka yimid Bush,
Powel iyo Rumesfeld iyaga ayaana laga raba in ay keenan caddaymo dhab oo ay
soo hordhigaan shacabka maraykanka". hadaba waxaan jecelahay inaan faalladani
faaqidaad kaga bixiyo cidday yahiin sagaalka musharax ee isku taagaya
doorashada dhawaan ka dhex dhici doonta xisbiga dimuqradiga iyo hanaankooga
siyaasadeed bal mid mid aynu u soo qaadano
1. HOWARD DEAN

Howard Dean oo uu garab taaganyahay ALGORE kuna jira Ololaha
doorashada ee xisbiga Dimuqradiga. |
Howard Dean waa siyaasi dhexdhexaad ah, sannadkii 1991-kii
ayuu ku guulaystay inuu noqdo Badhasaabka gobolka yar ee Vermont, waxaana
lagu tiriya mudadii uu ka ahaa badhasaabka gobolka vermount inuu noqday
badhasaabkii keliya ee waddanka maraykanka soo mara taariikhdiisa ee saxeexa
in shakhsi wal oo gobolka vermont ka tirsani uu heli karo liisan caafimaad,
wuxuu dhimay Governor Dean laba jeer cashuuraha gobolka Vermont, waa dhakhtar
xaaskiisa la weheliya ama la wadaaga cilmiga dhakhtarnimada wuxuu sannadkii
1971 dii shahaadada B.A ka qaatay jaamacadda Yale University, sannadkii
1978-kii ayuu ka dhamaystay kuuliyadda caafimaadka ee Einstein ee magaalada
New york, intii uu badhasaabka ka ahaa gobolka Vermont wuxuu ku guulaystay
inuu abuuro 41000 oo shaqo, waa nin siyaasadiisu tahay mid degen oo dhex
dhexaad ah, aaminsan diinta kiristaanka mad-habta Orthodox-ka
balse aan sida Madaxweyne Bush ahayn nin diinta aad ugu ad adag, Mar wax laga
weydiiyey wuxuu samayn doono haddii uu ku guulaysto doorashada 2004 ee ka
dhacaysa waddanka maraykanka wuxuu ku jawaabay "boqolka (100) cisho ee ugu
horeeya maamulkayga waxaan kaga soo saari doona ciidamada maraykanka ee ku
sugan waddanka ciraaq" waxaa si weyn loo aaminsanyahay inuu ku soo bixi doono
doorashada xisbiga dimuqradiga waxaana sharci-dejiyaal madax banaan oo ka
qaaday dhawaan daraasad cidda ay xisbiga dimuqradigu la dhaceen ama ku
qanceen barnaamijkiisa siyaasadeed inuu yahay Governor Dean daraasadaasi oo
laga qaaday Mac-hadka daraasadaha iyo siyaasadda ee New Hampshire waxaa ka
maqana laba musharax oo keliya oo kala ah Senator Joe Liberman iyo Janeral
Wesley Clark, dhawaan ayaa waxaa cadaayey inuu si weyn u taageersanyahay
ninkii isagu lagaga guulaystay doorashadii hore ee 2000 ka dhacday waddanka
maraykanka Algore siyaasadda Howard Dean.
2.GENERAL WESLEY CLARK
Janeral Wesley Clark waa Janaral hawlgab ka gallay ciidamada Waddanka
Maraykanka kuna soo dhex jiray ciidamada muddo ku siman 34 sanno, Jenaral
Clark, wuxuu noqday Janeralka guud ee ciidamada gashanbuurta NATO.
Wuxuu ku dhashay magaalada Chicago sannadkii 1944-kii December 23 keedii,
sannadkii 1962-kii ayuu dhamaystay iskuulkiisa dugsiga sare HALL HIGH SCHOOL,
sannadkii 1969 kii isaga oo 17 sanno jira ayuu dhamaystay cilmiga edabiyaanta
jaamacadda West Point waxaa uu gallay Jaamacadda weyne ee ingiriiska ee
OXFORD UNIVERSITY isaga oo ka dhamaystay ama Master ku sameeyey cilmiyada
Philosophy-ga, Economics (Dhaqaalaha) iyo weliba siyaasadda (Politics).

Janeral Wesley Clark |
Intii u dhexaysay sannadahii 1997 ilaa 2000 bishii May wuxuu Janeral Clark
ahaa Taliyaha guud ee Ciidamada Gaashanbuurta NATO, wuxuuna ahaa Janeralka
hogaaminaayey ciidamadii gaashanbuurta Nato ee weeraray ciidamadii
Seerbiyiinta ee qabsaday Gobolka Kosovo, kana tuuray xukunka Hogaamiyahii
hore ee Serbia Milosovic, intii u dhexaysay 1996kii ilaa 1997-kii Janeral
Clark wuxuu ahaa Abaanduulaha guud ee ciidamada Maraykanka qaybta koonfureed
ee saldhigoodu yahay Jasiiradaha Panama. intii sannadahaa ka horaysayna
Janeral Clark wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan guriga gaashandhiga ee waddanka
maraykanka wuxuuna madax ka ahaa guddi qaabilsanayd qorshayaasha militeryga
ee waddanka maraykanka, waa nin siyaasadiisu tahay Muxaafid laguna tiriyo
ragga farakutiriska ah ee dimuqradiga ah ee militeryga ah ee isku soo taagay
jagada ugu saraysa ee dalka maraykanka, wuxuu aaminsanyahay diinta
kiristaanka mad-habta Orthodox-ka.
3. SENATOR JOHN KERRY
John Kerry waa Senator ka mid ah guriga Senateka ee waddanka Maraykanka kana
tirsan Muxaafidiinta xisbiga Dimuqradiga ee dalka maraykanka, wuxuu ku
dhashay magaalada Denver ee gobolka Colorado ee dalka maraykanka sannadkii
1943-kii, wuxuu cilmiga edabiga (BACHELOR OF ARTS B.A) ka dhamaystay
jaamacadda YALE University, isla markiiba wuxuu ku biiray ciidamda Badda
(Navy Armies) ee waddanka maraykanka, wuxuuna ahaa farsamayaqaan dayac tira
qoryaha ka dhaca doomaha badda ee waddanka maraykanka, wuxuu ka mid ahaa
ciidamadii ka qayb gallay dagaalkii Vietnam ee maraykanku ku weeraray dalka
vietnam, ka dib markii dagaalka laga soo noqday wuxuu ku guulaystay John
Kerry billad dahab ah oo geesinimo.

Senator John Kerry iyo Ololahiisa doorashada dimuqradiga |
ka dib markii ciidamada maraykanku ka soo laabteen dagaalka vietnam
wuxuu ku biiray urur ay yeesheen askartii ka soo dagaalantay waddanka vietnam
wuxuuna ka noqday afhayeen (vietnam Fighters of america), Senator Kerry oo
aad u xisayn jiray inuu mar uun ku biiro golayaasha sare ee waddanka
maraykanka noqdana siyaasi ka caan ah gobolada waddanka maraykanka waxay
riyadiisasi dhabawday afar iyo toban sanno ka dib wuxuu xoog haye u noqday
Senator Pell oo waagaasi ahaa Senator ka tirsan xisbiga dimuqradiga oo laga
soo doorto Gobolka Massachussets ee dalka maraykanka Senatorkaasi u
qaabilsana golaha senateka maraykanka xidhiidhka arrimaha dibadda ee
maraykanka.
Sannadkii 1984 ayuu Senator Kerry wuxuu isku soo taagay inuu Governor ka
noqdo gobolka Lieutenant, wuuna ku guulaystay sannadkii 1985 kii ilaa hadda
wuxuu Senator Kerry yahay Senator ka mid ah golaha senateka waddanka
Maraykanka. waa nin siyaasadiisu tahay midig aaminsan diinta kiristaanka Mad-habta
Orthodox, wuxuu badanka jeediya qudbado aad iyo aad ugu mucaarid ah
siyaasadda Madaxweyne Bush, wuxuuna ku dhaliila dagaalka uu Bush ku qaaday
waddanka Maraykanka.
4.DICK GEPHARDT
Dick Gephardt waa siyaasi dhex dhexaad ah kana tirsan golaha Congress-ka ee
maraykanka una matala xisbiga dimuqradiga gobolka Missouri ee waddanka
maraykanka, wuxuu ku dhashay kuna bar baara koonfurta ST.LOUIS ee gobolka
Missouri state ee waddanka Maraykanka, wuxuu ka dhashay qoys danyar ah, wuxuu
ka hellay Scholarship kiniisadda magaalada ST.LOUIS si u u barto dugsigiisa
sare, wuxuu ka baxay jaamacadaha North western University iyo jaamacadda
Sharciga ee Machigan University isaga oo ku takhasusay cilmiga sharciga,
sannadkii 1965-kii wuxuu Gephardt ku biiray ciidamada Cirka ee waddanka
Maraykanka wuxuuna ka gaadhay heer sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada cirka
ee waddanka maraykanka, inyar ka dib wuxuu iskaga baxay ciidamada wuxuuna
furtay xafiis garyaqaan, 26 sanno ka dib Dick Gephardt waxaa loo doortay inuu
noqdo Xildhibaan ka tirsan golaha Congress-ka kana mid ah xisbiga dimuqradiga.
 
DICK GEPHARDT IYO OLOLAHIISA DOORASHADA 2004 EE XISBIGA
DIMUQRADIGA.
|
sannadkii 1989-kii wuxuu noqday hogaamiyaha Dimuqradiga ee xildhibaanada
Congresska ugu jira (the democratic Majority congress Leader), intaa wixii ka
dambaysay Dick Gephardt wuxuu ahaa xildhibaan dimuqradiya oo ku jira golaha
Senateka ee waddanka Maraykanka, waxaa lagu tiriya ragga aadka uga soo
horjeeda qorshayaasha Madaxweyne Bush-ka tallada dalka maraykanka hadda haya.
Dick Gerphadt waa nin siyaasadiisu tahay dhex dhexaad aan ahayn Liberal iyo
Conservative midna wuxuu aaminsanyahay diinta Kiristaanka Mad-habta
(orthodox) waana nin aad ugu adag diinta kiristaanka.
N.B: AKHRISTAYAASHA QIIMAHA MUDANLOW WAXAAN TODOBAADADA SOO SOCDA IDIIN SOO
GUDBIN DOONA SHAN MUSHARAX OO KALE OO U LOOLAMAYA DOORASHADA XISBIGA
DIMUQRADIGA DHEXDIISA HADDII ALLA IDMO, Haddii aad Haysaan wixii tallo iyo
tusaale ah iyo weliba fikrado dheeraad ah ila soo xidhiidha haddii alla idmo
idinka oo igala soo xidhidhaya ciwaanadani soo socda
ama Mobile: 00-92-300-2600907
la soco ololaha shanta musharax ee kala ah Senator Joe Liberalman, Senator
John Edwards, Congress Man Denis Kucinich,