SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - 2004

OLOLAHA XISBIGA DIMUQRADIGA MARAYKANKA: GUUSHA JOHN KERRY EE NEW HAMPSHIRE

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

MANCHESTER N.H: John Kerry oo ah Senator laga soo doorto gobolka Massachussetes una tartamaya musharaxnimada Xisbiga Dimuqraadiga ee sannadka 2004 ayaa wuxuu habeenkii xallay ku guulaystay cododkii laga qaaday Gobolka New Hampshire, halkaasi oo todobaadkii ugu danbeeyey lixda nin ee u tartamaya Musharaxnimada Xisbiga Dimuqraadigu ay ku loolamayeen, John Kerry oo hore ugu soo guulaystay gobolka IOWA, waxay tani u ahayd guul labaad oo uu ku celiyey, cododkii la tiriyey 97% ayaa Senatorka reer Massachusetes wuxuu aqlabiyad dhan % 39 kaga adkaaday ninkii isagu ku soo xigay oo ahaa Badhasaabkii hore ee gobolka Vermont Governor Howard Dean oo isagu hellay codod dhan % 26, waxaa iyagu si weyn kaalinta Seddexaad ugu hirdamaayey Senatorka laga soo doorto waqooyiga Carolina John Edwards iyo Ninka isagu hawlgabka ka ah Militeryga maraykanka ahaana Janeralkii ciidamada Gaashanbuurta Nato, Janeral Wesley Clark oo labadooduba ku guulaystay codod isku mid ah oo dhan 12%, waxaa kaalinta afraad soo gallay Senatorka laga soo doorto gobolka Connecticut, Joe Lieberman oo isagu hellay aqlabiyad codod ku dhow % 9 cod, xagga ninka ninka Congress ka maraykanka u metala gobolka OHIO, uu hellay cod aqlabiyad oo aad iyo aad u yar oo dhan %2.
 
John Kerry oo u dabaal degaya guusha
uu ka gaadhay cododka gobolka N.H
 
 
 
John Kerry oo la hadlaya taageerayaashiisa gobolka New Hampshire ayaa wuxuu yidhi "Waa aan jecelahay gobolka New Hampshire waxaa kale oo aan jecelahay Iowa" wuxuu sidaa ka hor yidhi boqolaal taageerayaashiisa ah oo isugu soo baxay guusha uu gaadhay, wuxuu yidhi Kerry "Waxaan ka codsanaya dhamaan dimuqraadiyiinta meel kasta oo ay joogaan inay na taageeraan (nagu soo biiran), waayo waa sababta keliya ee aynu kaga adkaan karo George W. Bush dhaqaalaha maraykanka ee liitana kor ugu soo qaadi karo" Senator Kerry oo ay wajigiisa farxad weyni ka muuqato wuxuu ku celiyey Farriintii uu diray George W. Bush guushiisi IOWA, wuxuuna yidhi " Waanu ku soo socona Guriga cad adiguna waad ka sii socota, ha isbidin inaad dib u garaacdo albaabada guriga cad".
 
Howard Dean
 
 
Sidoo kale waxaa kaalinta labaad ku soo baxay Badhasaabkii hore ee Gobolka Vermont Governor Howard Dean, iyada oo todobaadkii hore cododkii laga qaaday gobolka IOWA uu ku soo baxay kaalinta labaad ayaa wuxuu hadda ku soo baxay NEW HAMPSHIRE, kaalinta labaad, wuxuuna Governor Dean ku tilmaamay tani arrin aad iyo aad ugu muhiim ah oo ay horumar sameeyen,  isaga oo la hadlaya boqolaal qof oo ka mid ah taagerayaashiisa iskuguna soo baxay hudheelka uu ka waday ololaha doorashadiisa ee ku yaalla magaalada Plymouth wuxuu Dean yidhi "Waxaa guushani suuro geliyey dadka reer New Hampshire, waa aynu guulasanayna, Miyaanay sidaasi ahayn? ayuu Dean yidhi waxaynu bedeli doona ameerika oo aynu kor ugu qaadi doono rajadeedu halkay taallo"     
 
 
Howard Dean wuxuu hellay codod aqlabiyadeed oo dhan % 26, weriyayaasha ku sugan magaalada Manchester ee xarunta Gobolka New Hampshire ayaa sheegaya in uu muujiyey Howard Dean horumar la taaban karo marka loo eego cododkii laga qaaday todobadkii hore IOWA, balse aan la odhan karin wuxuu Dean taaganyahay sidii loo saadalaniyey muddo seddex todobaad ka hor ah.
John Edwards oo la dabaal degaya Taageerayaashisa
Gobolka New Hampshire.
 
 
Janeral Wesley Clark oo la hadlaya
Taageerayaashisa New hampshire
 
Ololaha doorashada ee xisbiga dimuqraadigu wuu socon doona iyada oo todobadada soo socda la isla tegi doono gobolada Arizona, South Carolina, Missouri, Washington.
 
 
WAXAA ISKU SOO URUURIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA
        KARACHI, PAKISTAN.

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 29, 2003

Afeef: Aragtida Qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD