SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Janaayo 20, 2004

HIRDANKA XISBIGA DIMUQRADIGA IYO GUUSHA OLOLAHA JOHN KERRY EE GOBOLKA IOWA

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


MANCHESTER  NHL IOWA: IYada oo badhtamaha lagaga jiro ololahii doorashada ee xisbiga dimuqradiga ee dalka maraykanka ayaa waxaa shallay lix musharax oo ka tirsan sideeda musharax ee xisbiga dimuqraadigu waxay ka ololeeyen gobolka IOWA, halkaasi oo afar musharax oo ka mid ah lixda musharax maalintii shallaytoole ahayd gelinkii danbe ay tirada cododka laga qaadaayey gobolka IOWA isku dhawaayeen,

Musharaxiinta kala ah Senator John kerry oo ah senator laga soo doorto gobolka Massachussets, John Edwards ah isagu Senator kale oo laga soo doortay gobolka North Carolina, Governor Howard Dean oo ahaa Badhasaabkii hore gobolka Vermont iyo CongressMan Dick Gephardt oo isagu ah dimuqraadi u matala xisbiga dimuqraadiga golaha Congresska oo laga soo doorto Gobolka Missouri ee badhtamaha maraykanka, waxaa musharaxiintu maalintii isniintii gelinkeedii hore ilaa saqdii dhexe ee habeenimadii salaasada ay wadeen ololahooga doorashada iyaga oo qudbado iyo dhiirigelin ujeedinaayey taageerayashooda gobolka IOWA, saadal laga qaaday maalintii Isniinti gelinkeedii hore ayaa si weyn u muujisay in John kerry oo isagu ah Senator ka tirsan golaha senateka ahna nin si weyn ay u taageersanyahiin shaqaalaha iyo weliba dab-damiyayaasha iyo weliba dadka dabaqadda dhexe ee dalka maraykanku u si weyn ugu soo bixi doono doorashada sidoo kale waxaa si weyn ay yididiiladiisu kor ugu kacday ninka da'da yar ee u loolamaya jagada ugu saraysa dalka maraykanka waa Senator John Edwardska laga soo doorto South Carolina, waxaasi saadashani la yaab weyn ka muujisay ninkii isagu safka hore ku hogaaminaayey saasashii kal hore laga qaaday New Hampshire Howard Dean inuu ku soo bixi doono aqlabiyadda xisbiga Dimuqraadiga oo isagu codod aad u yar lagu muujiyey kaalinta seddexaadna ku jiray, waxaa isagu rajo xun laga muujiyey Ninka metala Gobolka Missouri Congressman Dick Gephardt.

 
Hadaba habeenkii xallaytoole wakhti danbe magaalada Machester NHL oo ah xarunta gobolka IOWA ayaa waxaa shaashadaha waaweyn ee ku hor rakibna xarunta ay joogeen codbixiyeenada iyagu dhiibanaayey codkooga kalana dooranaayey musharaxiintu waxaa laga soo daayey sidii cododka loo kala hellay waxaana halkaasi guul weyn ku raacday Senator John Kerry oo ku guulaystay cod aqlabiyadeed oo dhan 38% halka John Edwards oo kaalinta labaad ku guulaystay uu hellay %32 waxaa kaalinta seddexaad ku soo baxay Howard Dean oo hellay cod dhan 18%, halka Dick Gephardt uu hellay aqlabiyad ah 11%, taasina waxay soo afjartay ololahii Dick Gephardt oo isagu muddo labaatan sanno laga joogo isaga oo da'yar ka ololeeyey isla gobolka IOWA si uu ugu soo baxo doorashada xisbiga dimuqraadiga.
 
1. John Kerry 37.7%
2. John Edwards 31.8%
3. Howard Dean 18%
4. Richard Gephardt 10.5%
5. Dennis Kucinich 1.3%
6. Al Sharpton 0.7%
[Joe Lieberman iyo Wesley Clark kuma ay jirin tartankani]
 
John kerry oo taageerayaashiisa la hadlaya ka dib markii lagu dhawaaqay natiijada ayaa wuxuu yidhi "Iowa waad ku mahadsantahiin inaad iga dhigteen Kerry soo noqday, waxaynu soo gellay dedaal iyo juhdi badan, waxaan doonaya inaan farriin u diro George Bush waxaanu ku soo jira wada sidii aanu kaaga saari lahayn guriga cad, ha isku dayin inaad albaabka guriga cad dib danbe u garaacdo, waxaanu kugu celin doona gurigaaga Taxes annaga oo ku odhan doona Nabad gelyo George Bush.
Senator John kerry oo ku mashquulsan salaanta taageerayaashiisa gobolka
IOWA.
 
sidoo kale waxaa la hadlay taageerayaashiisa isaga oo wejigiisa farxadi ku ladhantahay ninka da'da yar John Edwards oo lama filaan ay noqotay sida uu ugu soo baxay cododka aqblabiyaddani, waxaa isagu halkaasi ku dhawaaqay inuu joojiyey ololahiisi doorashada Dick Gephardt oo lagaga adkaaday markuu hellay aqlabiyad aad u hoosaysa.
 
Si kasta ha ahaate ololaha dooarashada ee xisbiga dimuqraadigu waa socon doonta waxaana la isla tegi doona gobolo kale sida New Hampshire, Arizona, iyo NewYork.
 
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
 KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 21, 2004

»USA:Yaad Dooran Doorashada Madaxtinimada Dalka Mareykanka
»USA:Tartanka Aqalka Cad, Ninba Ceesaantii Ceelka Keen [Aden]

»USA: DOORASHADA XISBIGA DIMUQRADIGA EE  2004 [Diridhaba]

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD