SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Baroortu Suldaan Hure ka weyn.

jagne dahir <jagne3@hotmail.com>

Waxan maqalaa Warbaahinta Somaliya qaarkood oo si qorshaysan u weerarayaan
Siyaasiyiinta Somaliya qaarkood waliba kuwo Qabiil gaar ah u badan,  kuna
tilmaamayaan in ay Gacan ku dhiigle yihiin. waxaana la yaab leh in aanay
Warbaahtaasi ka fiirsan in Farahoodii intii kale Farta ay fiiqayaan mooyee
iyaga ku fooraan, maxaa yeelay waxaa Warbaahintaa laga leeyahay Xamar oo la
ogyahay Xasuuqyada ka dhacay iyo sidaa Xuquuqda Aadamaha loogu xadgudbaya.

Waxaa la wada ogyahay in meesha ay Somaliya Musiibada ugu daran ka dhacday
in ay  Xamar, Baydhabo iyo Kismanyo ahaayeen oo malaayin Qof lagu gumaaday,
iyada oo aan Sheekh iyo Shariif loo kala aabe yeelin. waxaana Hogaamiyaasha
Xamar Dagaalka ku galeen hal hayska ah ,, Habari waa Dad Dabool waa weel" oo
loola jeedo Dabooli waa weele ha lala biliqaysto, Habarna waa dad e ha la
dilo.

Haddaba waxaa la yaab leh Warbaahinta Xamar oo la ogyahay in ay
Hogaamiyaasha halaagaas dhigay xirir la leeyihiin in ay Dad kale farta noogu
fiiqaan oo ay ku guulaystaan in ay Dadka ilowsiiyaan kuwii Dakanada ugu Xun
Dalka iyo Dadkaba ka galay.

Waxaanay Warbaahinta Xamar aanay Magacaabin oo ay looma ooyaan ka soo
qaadeen kumanyaal Qof oo Odayaan, Aqoon yahay, Dhakhaatir iyo waliba Dad
Biri ma gaydo ahaayeen oo lagu dilay Xamar, Kismanyo iyo Baydhabo waxaanay
Dilka Dadkaas ka soo qaadaan wax caadi ah oo u dhigma Dhimasha caadiga ah,
taas oo Hogaamiyaasha Xamar ka dhigtay lama canaantaan ayaa Dhiiga daadiyey.

Isla waqtigaas ay Warbaahinta Xamar sheelayaan danbiga malaayiin Qof laga
galay ee ka dhacay Xamar, Baydhabo iyo Kismanyo oo ay dadayaan
Danbiilayaashii Danbigaas galeen  waxay sheegaan oo ay Dadka ku weyrixiyaan
Suldaan Hure oo ay ka dhigaan in  Somali kaligi ka dhintay. waxaanay
warbaahinta Xamar aanay sheegin in dilkaas duruuftii keentay Xamar laga soo
dabaray ilayn Dhaqaalihii Magac Dowlada Somaliya lagu soo helay ayaa loo
adeegsaday in Dal nagi dab lagu galiyo.

Haddaba waxa Somaliya ka dhacay ka weyn lah Qof oo la dilay iyo hal Magac oo
in Dadka lagu werixiyo loo sheegsheego ee waxaa meel ay Raad iyo Cirib
dhigeen lala yahay kumanyaan Qqoon yahayn iyo maatidii isugu jiraan oo min
xamar, Baydhabo ilaa iyo Kismanyo lagu xasuuqay.

waxaase la yaab leh in Warbaahinta Xamar ay ka soo qaadaan Dadkii Dadkooda
min Xamar, Baydhobo ilaa iyo Kismanyo lagu xasuuqay in ay Umul ilowsho dhawo
yihiin iyo waliba in ay Dadkii la dilay  ka soo qaadaan loomo ooyaan aan wax
qaraabo oo ka jir naxda lahayn. Waxaanad u malaysaa markii aad u fiirisid
Qaabka ay warbaahinta Xamar u qarinayaan Danbilayaashii Dadkaas laayeen in 
Beelaha Somaliyeed ay qaar Malaga Moodka mataano yihiin oo waxay dilaan sida
Malaga Moodka  aan mag loogu qabsankarin in iyagana aan wax loo qabsankarin.

La yaabse ma leh in eedaynta ugu daran ee Hogaamiyaasha Somaliya qaarkood
lagu eedaynoyo in ay danbi galeen in ay Warbaahinta Xamar ka soo baxdo ilayn
Somalidu waxay tiraa qumayo intaadan qumayo oran iyadaa ku turaa, waana  wax
caadi ah in Qofkii danbi gala in uu danbiga uu galay Dadkale ku xajiimeeyo.


Haddaba intasta oo ay Warbaahinta Xamar ay geeridii Suldaan Hure qaab
siyaadadeed oo khariban u adeegsanayaan haddana waxaa xaqiiq ah in aanay u
suurto galayn in ay ku guulaystaan in ay Dhibkii Somaliya ka dhacay oo la
ogyahay Dadkii gaysteen iyo Meelihii ay ka dhaceen in ay Dadka indhahooda ka
duwaan oo ay Dadka Indhaha Ciid ugaga rogaan maxaa yeelay dhawaaqa
Warbaahinta Xamar wuxuu u dhigmaa Uubatadii Ubadkay cuntay u ooyday.

waxaana la ogyahay in sheegida ay Suldaan Hure Geeridiisii ay sheegayaan in
aanay bin aadanimo  iyo garsoornimo ay gaaraan ka hayn ee ay  ka tahay in ay
Dadka Indhahooda  ka duwaan Danbilayaashii dileen Somali barkeeed ee dhaceen
waxay Somali waligeed oo tabcaysay ee Gumaadeen Maati bir ma gaydo ah.

Waxaanayn Somali ogtahay in aanu Cabdulaahi Yuusuf waligi Baydhabo hal Qof
ku dilin, Xamarna Dadka ku xasuuqin, Kismanyana wax ku kufsan. Waxaanay
Dadku ogyihiin in Baroortu Suldaan Hure ka weyn tahay oo ay Warbnaainta
Xamar rabaan in ay Dad Suldaan Hure ku weyrixiyaan si ay wixii xamar ka
dhacay Dadka uga dadaan.

Haddaba haddii waxa laga hadlayo uu yahay Danbi ilayn Dadku ma kala fiicnee
may ka hadlaan malaayinkii Baydhabo lagu xasuuqay, Dhakhaatirtii Xamar lagu
dilay, Jananadii iyo Saraakishii sida Shirqoolka ah Xamar loogu dilay iyo
Dadka min Marka ilaa iyo Kismanyo sida xaqdarada ah loogu haysto, mise
Beelaha Somaliyeed qaar baan qaangaarin oo aan waxba loo qabsan.

Mahadsanidin

jagne dahir <jagne3@hotmail.com>

»Moorgan baa Weerar soo wada maxaa looga dan leeyahay? [jagne]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kus axiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3, 2004

Lix Qof oo Soomaali ah oo Lagu Dilay Naiobi
Dad gaaraya lix qofood ayaa lagu dilay meelo kala duwan oo ka mid ah xaaffadda soomalida ee islii...
Guji...

MAGACYADA XILDHIBAANADA OO DHAMEYSTIRAN

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD