SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Baarlamaanka oo maanta kalfadhigii ugu horeeyay iskugu yimid,lix qof oo soomaali ah oo xalay lagu dilay Eastleigh
 
Sept 2, 2004
 
Dad iskugu jiray Ganacsato iyo kuwo caadi ah oo xalay lagu dilay xaaffada soomaalida ee islii.
 
Dad gaaraya lix qofood ayaa xalay lagu dilay meelo kala duwan oo ka mid ah xaaffadda soomalida ee islii,kadib markii ay tuugo soo weerartay goobihii ay daganayeen ee ganacsi, dilkan waxaa kale oo dadkan laga dhacay lacago,illaa hadda ma jirto mid ka mid ah tuugaas dilka iyo dhaca gaystay oo la qabtay.
 
Ganacsataada soomaaliyeed oo aan maanta wax ka waydiiya waxa ay yeelayaan ayaa ii xaqiiyay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo lagula kaco fal dambiyeed noocan oo kale ah waxayna intaasi  ku dareen in ay sameynayaa shaqo joojin ay kaga cabanayaan Ciidanka Amaanka in wax lagaga qabto tuugadan dhaca iyo dilka u gaysanaysa.
 
Inta badan waxaa dad badan shaki kaga jiraa tuugada iyo booliiska amaanka,waxayna dadku is waydiiyaan sababta loo waayo gurmad booliis marka ay dhacaan falalkan loona waayo booliiska,boolisku waxay ay ku eedaynayaan laftooda in aysan soomaalidu soo wargalin xiliga dhacaas loo gaysanayo.
 
Habeen hore ayaa laba ka mid ah soomaalida lagu dhaawacay guryahooda,haddana lagu dawaynayo isbitaalka Kenyatta,waxaa aad u soo badanaya amaan darada deegaanada soomalidu ku badan iyadoo guud ahaan uu dalka kenya la ciirciirayo amaan daro iyo musuqmaasuq daran Hay'daha dowladuna ay mashquulsan yihiin is mucaaradid iyo musuqmaasuq taasna ay dhexda ka saartay howlihii amaanka ee ummaddu u baahnayd.
 
Dadkan iima suurta galin inaan helo magacyadooda oo dhamaystiran balse hadii ay suurta gal noqoto waan idin soo gaarsiin doonnaa  Hadii ALLAHA Awooda lihi ogolaado.
 
 
Baarlamaanka oo maanta kalfadhigii ugu horeeyay iskugu yimid,
Sept 2, 2004
 
 
Maanta waxaa magaaladda Nairobi si rasmi ah looga furay kulankii ugu horeeyay ee baarlamaanka soomaaliyed waxaana ka soo qaybgalay Xildhibaanada iyo wakiilada guddiga fududeynta ee IGAD.
 
Baarlamaanka ayaa kualnkoodi maanta ku doortay shir gudoon si KMG ahaan ah u nidaamiya  isla markaana soo doorta guddi ka shaqeeya diyaarinta Xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo waliba sidii loo dooran lahaa gudoomiyihii Rasmiga ahaa ee Gollaha Baarlamaanka.
 
Gudoomiyaha oo lagu magacaabo Xirsi Bulxan Faarax,ayay dhildhibaanadu ku doorteen Da'ahaan isagoo ahaa xildhibaanka ugu wayn waxa uu jiraa 81 sanno,gudoomiyaha ayaa shaqada sii wadaya waxana uu dooranayaa ku xigeena la wada shaqadda baarlamaanka iyo waliba guddigii samayn lahaa sharciga baarlamaanka ku dhaqan galayo.
 
Kulankan maanta oo ka duwanaa shirarkii caadiga ahaa ee waxa ka muuqday nidaam iyo daganaan iyadoo la wada sugayay waxa uu sheego gudoomiyaha,xildhibaanada oo aan qaarkood wareysi la yeeshay ayaa ii sheegay in ay maanta u tahay maalin wayn ayna ku faraxsan yihiin kulankooda ay maanta yeesheeen iyo waliba gudoomiyaha ay u doorteen shir gudoonka.
 
Mr.Xirsi hurre oo aan wareystay ka dib kulankii baarlamaanka maanta ayaa sheegay in maanta kaliya uu miisaankiisa kor u dhaafay 170kg,horay isagoo u ahaa 70km ay ugu saa'iday 100kg,waad dareemi kartaa qof loo dhiibay xil culayska saaran,waxaa i saaran mas'uuliyad culus oo loo baahan yahay inaan ku xukumo baarlamaanka inta laga helayo mid si rasmi ah ula wareega xilkan,waxa uuna intaasu ku daray in uu ka sugayo baarlamaanka in ay la gaban istaagaan xilkan,maalinta bari ah waxii laga bilaawdana waxan gudagalayaa soo magacabida guddigii diyaarin lahaa sharciga baarlamaanka uu ku dhaqmi doono.
 
 
Waxaa lagu dhaariyay goobtii shirku ka dhacay lix xildhibaan oo ka mid ahaa kuwii uu ka dhex jiray khilaafka,iyadoo baarlamaankana uu bari mar kale iskugu soo laaban doono kulankoodi si ay u sii wadaan dhamaystirka howlaha baarlamaanka.
 
 Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 3, 2004

MAGACYADA XILDHIBAANADA OO DHAMEYSTIRAN

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD