SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 

YAA MADAXWEYNE KA NOQONAYA SOOMAALIYA?

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Brussels, Belgium

E-mail: Ingiriis@yahoo.com

 

            15 September waxaa lagu ballansan yahay in lagu dhawaaqo Madaxweyne Soomaali ah oo uu soo doortay Baarlamaan distoori ah oo ay dhaarisay Jimciyadda Quruumaha.  Ugu badnaan 70 musharrax ayaa u istaagay inay tartamaan.  Midkoodna ma haysto taageerada dadweynaha caadiga ah ee Soomaaliya, laakiin waxa ay haystaan taageerada dunida dahanaha leh.  Sida ay muujinayso aftida saadaasha ah, waxaa ugu rajo fiican:

 

1. Cabdilqaasim Salaad Xasan.  Waa madaxweynaha dowladda KMG ah ee hadda jirta.  Waa musharraxa koowaad.  Sida President George W. Bush ayuu ku mintidayaa in loo doorto second term.  Waxa uu taageero ka haystaa Djibouti, Ereteriya, dalalka Carabta iyo dunida Muslimka.  Baarlamaanka la dhisay waxaa raacsan 27%.

 

2. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.  Waa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka cusub.  36 sannadood ayuu ku haminayey inuu hoggaamiyo Soomaaliya maalin maalmaha ka mid ah.  Waxaa taageersan dowladda Ethiopia, oo ah cadowga koowaad (Somalia's Enemy Number One).  Waxa uu haystaa baarlamaanka cusub 22%.

 

3. Cabdullaahi Axmed Caddow.  Waa musharraxa ugu macquulsan.  Waxa uu hadda ka hor sympathy ka helay Mareykanka, waxaana ay u arkaan inuu yahay nin ay la shaqeyn karaan.  Waxaa taageersan dowladda Kenya.  Taageero lixaad leh ayuu ka haystaa Baarlamaanka cusub 33%.  Waa mid ka mid ah kuwii uu wax ka qori jiray David Klaidman.

 

4. Cali Khaliif Galayr.  Waa professor, University of Minnesota.  Ninka saddexaad ayuu noqday doorashadii Djibouti.  Xeelad la mid ah tii doorashadii Djibouti ee 'cod-isku-darsiga' ayaa la filayaa inuu ciyaaro.  Waxa uu haystaa siyaasi uu codadka ku darsado.  Baarlamaanka cusub waxaa la safan 9%.  Dowlad la dhacsan lama hayo.

 

5. Faarax Sendiko.  Waa Guddoomiyaha Olombikada Soomaaliya.  Waxa uu haystaa dhaqaale ku filan oo u suura gelin kara inuu ka dhex tartamo Baarlamaan la hubo inuu wax ku dooranayo laaluush (bribery).  Waxa uu taageero ka haystaa saaxiibkii Ciise Xayaatu iyo Xiriirka Kubadda Cagta Afrika.  9% ayaa la safan Baarlamaanka cusub.

 

6. Maxamed Qanyare. Cidna taageero kama haysto.

 

7. Xuseen Caydiid.  Cidna taageero kama haysto.

 

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Brussels, Belgium

E-mail: Ingiriis@yahoo.com

 


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 2, 2004

»TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA [Qaybtii 2aad]
»
Moorgan baa Weerar soo wada maxaa looga dan leeyahay? [jagne]
»
GEEL NINKII DHICIN LAHAA UU DHACAYO LAMA DHICIN KARO [B.M]
»
Maansada iyo mujtamaca [ Maqaalkii Shaafici] 
»
Shiicadu Shuyuukhdooda jecelaa; Soomaaliduna..... [C/waxid]
»
GUURTINNIMADA SALEEBAAN: GUNNO XUJEYSAN [Baashe]
»
Shacabku wuxuu Guran doonaa waxaad u abuurtaan.. [Siyaad]
»
Faalooyinka I Dooro aan ku dilee & I Dooro aan ku dayacee [D/yare]

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD