SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Faallo ku saabsan Musharixiinta Madaxwaynanimadda somalia

Musharixiinta Madaxwaynanimadda Somalia oo laban laabay Ololahooda ay ku
doonayaan in loogu doorto Jagadda Madaxwaynanimadda Somalia.

Maxaad ka taqaanaa Shaqsiyaadka ugu caansan Musharixiinta Madaxwaynanimadda
Somalia,?


Musharixiinta Madaxwaynanimadda Somalia ayaa loolan adag ugu jira inay ku
soo baxaan Jagadda Madaxwaynanimadda Somalia. kadib markii la dhamaystiray
Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Somalia.

C/qaasim Salaad Xasan oo ka mida Musharixiintaasi ayaa kulamo kala duwan la
leh Siyaasiyiinta ka qayb galaysa Shirka Kenya iyo Xildhibaanadda
Baarlamaanka Federaalka. Wuxuuna kala xaajoonayaa inay ku taageeraan
Musharaxnimadiisa Madaxwaynanimadda Somalia.

C/qaasim Salaad Xasan waxa uu magacaabay Guddi u ololeeya Doorashadiisa oo
uu Madax u yahay Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mida Xildhibaanadda Baarlamaanka
Federaalka Somalia. Waxaana Guddigaasi Xubno ka ah Xasan Dhimbil Warsame,
C/kariin Axmed Cali, Prof C/raxmaan Ibbi, Yuusuf Dheeg, iyo Siyaasiyiin kale
oo Muhiim ah. Iyadoo Xubnahana oo ka wada tirsan Baarlamaanka Federaalka
Somalia ay billaabeen inay Xildhibaanadda kale u sameeyaan Ballanqaadyo
haddii ay Codkooda ku taageeraan C/qaasim Salaad Xasan.

Maxaad ka taqaanaa C/qaasim Salaad,?

C/qaasim Salaad Xasan oo haatan haya Jagadda Madaxwaynanimadda Somalia kadib
markii lagu doortay Tuuladda Carta ee Dalka Jabuuti waa Hogaamiye Cod Kar ah
oo Afkiisa ku qancin kara Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool Raas Casayr
min Raas Kambooni. Laakiin waa Nin aan lahayn Tallaabooyin wax qabad oo lagu
xanto inuu yahay Hogaamiye Fadhiid ah.

C/qaasim Waa Hogaamiye Nabadda Jecel oo aan marna ku fakarin in Maamul uu
Madax ka yahay uu Dagaal gallo. Wuxuuna xittaa ugu yaraan ka illaaliyay
Dawladiisu inay Burcadda la dagaalanto.

C/qaasim waxa uu xiriir wanaagsan la leeyahay Dunidda Carabta. Laakiin
C/qaasim iskuma fiicna Reer Galbeedka iyo Itoobiya oo la aaminsan yahay inay
Aas aas u yihiin Mushkiladda Somalia. Waxaana ay Dalalkaasi u yaqaanaan
Hogaamiye Diimeed Xiriir la leh Kooxaha Mayalka Adag.

C/qaasim Waa Siyaasi Ruug Caddaa ah oo ku soo barbaaray Nidaamkii Kaligii
Talisnimadda ee Gen Maxamed Siyaad Barre, mana jecla inuu qaato Tallooyinka
Saaxiibadiis iyo Ragga la shaqeeya. Wuxuuna jecel yahay mar kasta in lagu
shaqeeyo Mawqifkiisa. Laakiin ciddii ka hortimaada waa Nin aan gadaal u
jaleecin Miisaankeeda Beeleed iyo Siyaasadeed ee si Deg Deg ah ayuu Xilka
uga tuuraa. Tusaale ahaan Cali Khaliif Galayr oo si wayn u dhisay Xiriirkii
ay TNG-du la lahayd Caalamka markii ay is qabteen C/qaasim waxa uu ku amray
Baarlamaanka inay Xilka ka qaadaan isagoo waliba xilligaasi Shir Caalami ah
uga qayb galayay Maraykanka. Wuxuuna Jagaddiisii u magacaabay Xasan Abshir
Faarax oo markii dambe ay isna isku jiireen Arrimaha Shirka.
C/qaasim Salaad Xasan waa Nin aysan Beeshiisu jeclayn, sababta arrintaasna
waxa lagu macneeyay inuusan ahayn Nin Qabiil. Waxaana uu wattaa Astaan ka
mida Astaamaha lagu garto Hogaamiye Daacad ah. Ma ahan sidoo kale Hogaamiye
Guddoon Jilicsan taasna waxay labaynaysaa Astaamaha lagu yaqaan Hogaamiye.
Laakiin waa Nin Gacan Adag. Sidaasna waxa uu ku waayay Deeqsinimaddii laga
rabay Hogaamiye. Inkastoo la xaqiijiyay inuusan ahayn C/qaasim Madaxda
Dhaqaalaha Dalka ku takri fasha.

Ololaha Madaxwaynanimadda ee C/laahi Yuusuf Xaggeey Marayaan,?

C/laahi Yuusuf Axmed oo isagu ka mida Musharixiiintii ugu horaysay ee ku
dhawaaqda Musharaxnimadooda ayaa haatan ku sugan Dalka Imaaraadka oo uu
jooga inuu ka hello Dhaqaalihii uu ku gali lahaa Tartanka Doorashadda
Madaxwaynanimadda. Waxaana uu Shirkadaha ka kalluumaysta Xeebaha Waqooyi
Barri waydiistay inay siiyaan Dhaqaale u fududeeyo inuu ku soo baxo
Jagaddaasi. Iyadoo Shirkadahaasna Illo ku dhow dhow ay xaqiijiyeen inay u
ballanqaadeen C/laahi Yuusuf inay ka bixinayaan Dhaqaalaha uu ku galayo
Tartanka Doorashadda.

Waa Nin Caynkee ah C/laahi,?


C/laahi Yuusuf waa Kornayl Ruug Caddaa ah oo ka tirsanaan jiray Ciidanka
Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Laakiin ka baxsaday markii ay is khilaafeen Gen
Maxamed Siyaad Barre. Waxaana C/laahi Yuusuf uu muddo dheer u halgamayay in
mar uun uu noqdo Madaxwayne Xoog iyo Xeelad midduu doono ha ku halee.

C/laahi Yuusuf Waa Hogaamiye aan la cabsan, lana Xishoon Mawqifkiisa. Waa
Nin aamisan in Dalkan Xoog iyo Dhiig Daata lagu hoggaamin karo. Waxa uu
marar badan ku cel celiyay in haddii la doorto uu Dalka si deg deg ah u
nidaamin lahaa. Isla markaana ciddii Xukunkiisa ka hortimaada waxa uu ku
goodiyaa inuu Badda ku darayo.

Ma ahan Nin Diimeed, waxa uu aad u neceb yahay Kooxaha Diinta. Waxaana uu
marar badan sheegay in Somalia ay Xarun u tahay Kooxaha Argagixisadda.
Waxaase uu C/laahi ku fashilmay Deegaanka Shimbiraale oo uu sheegay inay
Xarun u tahay Al-Qaacidda. Laakiin taasi waxay beenoowday markii ay tageen
Deegaankaasi Suxufiyiin ka kala socota Warbaahinta Gudaha iyo Caalamka.

C/laahi Yuusuf waxaa lagu sifeeyaa inuusan ahayn Nin Xilka uu hayo aan ku
urursan Hanti. Waana Nin uun Jecel inuu wax Hoggaamiye. Laakiin aan dhaqaale
doon ahayn. Waana Nin wax kasta u hurra inuu gaaro Yoolka uu leeyahay ee ah
inuu Madaxwayne Noqdo.

C/laahi Yuusuf waxay dad badan aaminsan yihiin inuu yahay Hogaamiye Mudan
xilligan adag inuu hogaamiyo Soomaaliya oo ay Dadkeedu hilmaameen Nidaam iyo
Kala dambayn. Waxaana Dadkan ay ku tilmaamayaan C/laahi Yuusuf inuu yahay
Nin Ad Adag oo Dalkan hogaamin kara.

C/laahi Yuusuf waa Nin ku fiican Fulinta Ballamaha uu Dadka la gallo. Waa
Nin ku wanaagsan Wada Shaqaynta iyo Saaxiibtinimadda. Laakiin dadka la soo
shaqeeyay waxay ku dhaliilaan inuu yahay Nin Qabyaaladiiste ah oo marka aad
is qabataan Qof ay Qaraabo yihiin kaaga hiilinaya. Waxayna ku Macneeyeen
Qabyaaladiisu inay gaartay Heerka ugu hooseeya. Isagoo xittaa Jufo Jufo u
kala Saara Beesha uu ka dhashay ee Cumar Maxamuud.

C/laahi Yuusuf waxa uu illaa iyo Bilawgii Shirka Kenya ahaa Ninka Majaraha u
hayay Jihaynta Shirka. Wuxuuna illaa xilligaasi ku adkaysanayay inuu yahay
Musharax Madaxwaynanimo. Laakiin Marxaladii ugu dambaysay ee Shirka ayeey
Siyaasaddu si deg deg ah isku badashay. Kadib markii Kornaylku uu ka diday
Olalaha C/qaasim Salaad oo isna markii dambe Marxladdu badashay. Illaa iyo
Mudadaas C/laahi waxa uu isku aqoonsanaa Madaxwaynaha Somalia ee
Mustaqbalka. Iyadoo Haddii uu Jagadaas Waayana aan la ogayn sida uu ku
dambayn doono Xaalka C/laahi Yuusuf oo ah Hogaamiye Da'a ah,
Caafimaadkiisuna uu liito.

Olalaha Muuse Suudi ee Musharaxnimadda,?


Muuse Suudi Yalaxoow oo ka mida Hogaamiye Kooxeedyadda ku sii biiray
Siyaasadda 14-kii Sanno ee ay Dagaaladda Sokeeye ka socdeen Somalia ayaa
isna ku biiray Liiska Furan ee Musharixiinta Madaxwaynanimadda Somalia.
Waxaana Muuse uu kaga dhawaaqay Musharaxnimadiisa Kulan uu la yeeshay
Xubnaha Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed ee uu Madaxda u yahay.

Muuse Waa Nin Caynkee ah,?


Muuse Suudi Waa Hogaamiye Mayal Adag oo aan ka dabcin Mawqifkii uu qaato.
Waa nin Dadka yaqaanaa ay ku tilmaamaan sidii Hogaamiye Dhaqameed u taagan
Gar Nacleey, waa Nin aan ka xishoon ku dhawaaqidda wixii Maskaxdiida ku soo
dhacda.

Muuse Suudi Waa Hogaamiye Beeleed aaminsan inuu Xaq u leeyahay Masiirka ugu
sareeya Somalia, maadaama uu muddo dheer soo halgamayay, Waxa uuna ku
adkaystaa in haddii aan isaga Kaalintiisa meel la saarin inaysan Xaajo
Soconayn.

Muuse Suudi waxa uu ku caan baxay ka hadalka Qadiyadda Muddulood oo ah
Beesha uu ku dhashay. Waxa uuna ku doodaa in Gobalka Banaadir uu yahay Gobal
Muddulood. Sidaas darteedna Dadka kale ay waajib ku tahay inay isaga baxaan.

Ma ahan Nin leh Diblomaasiyad furfuran oo uu kula dhaqmo Dalalka Deriska la
ah Somalia. inta la xasuusto waxa uu hal mar xiriir la sameeyay Itoobiya oo
markii dambana ay is jiireen. Sidoo kale Beelaha kale ee Soomaalida lama
lahan Xiriir Wanaagsan. Waxa uuna si toos ah Qalabka Warbaahinta uga caayaa
hadba Beeshii uu doono, mana ahan Nin ku xisaabtama in Siyaasaddu ay is
badali karto Mustaqbalka.

Marka uu Waraysiyadda bixinayo Muuse Suudi waxa uu leeyahay Dhagaystayaal
Badan oo ku soo xoomo Goobta uu ka shidan yahay Raadiyaha uu ka hadlayo,
waxaana lagu qiimeeyaa inuu yahay Hogaamiyaha ugu dhagaystayaasha Badan,
iyadoo taana loo sababeeyay sida uu u hadlo iyo Mawqifkiisa xag jirnimadda
ah.

Muuse Suudi Erayadda lagu xasuusto waxaa  ka mida Dadkaygu yeeli maayo
Qanyaraa wax Noqday, Muusana wax ma noqon oo uu ka yiri BBC-da Laanteeda
Soomaaliga xilli Muqdisho looga dhawaaqay Maamul uu Gobalka Banaadir yeesho.
Iyo C/laahi Yuusuf Kabo ka waawaynaas isku Jimayhaa, Kursiga
Madaxwaynanimadana waxaa xaq u leh Hawiye.

Waraysigan Dambe oo isla BBC-da siiyay Muuse Suudi galabkii uu baxayay
markii ay soo gashay Iddaacaddu waxaan fadhiyay goob lagu shaaheeyo
xilligaasoo uu BBC-da furay Axmed Xasan Cawke oo ah Suxufi ku wanaagsan
Ararta Barnaamijyadda. Waxa uuna ku furay, yaa Xaq u leh Madaxwaynanimadda
Somalia,? Yaase Mudan inuu Somalia hogaamiyo,? Muuse Suudi oo arrintaasi noo
sharixi doona.

La soco Qaybo kale oo Xiiso Leh Sabtidda, Waxaanan ku faaqidi doonaa
Musharixiinta kale ee ay ka midka yihiin C/laahi Axmed Caddoow, Faarax
Sendiko, Caasha Axmed Cabdalla, Cali Khaliif Galayr. Iyadoo aan isku dayi
doono inaan idiin soo gudbino Macluumaad ku saabsan inta badan Musharixiinta
Madaxwaynanimadda Somalia, inkastoo qaar ka mida Musharixiinta la ii sheegay
inay yihiin kuwo aanba u qalmin xittaa Isbasiino oo ah Xilka ugu yar ee  Qof
lagu aamino, Qaarkood waa Dad ay Balwaddu ka tan badisay oo Suuqyadda
Xaafadda Islii ee Nairobi isla hadla, halka qaarna ay yihiin Dhalinyaro aan
u qalmin Hogaaminta Dal.


F.G:- Qoraalkan iyo kuwa soo socda ma ahan kuwo lagu waxyeelaynayo Beel iyo
Shaqsi gaar ah, ama lagu taageerayo Beel iyo Shaqsi. Laakiin waa Fikrado ka
soo dhex baxay Hogaamiyayaasha aan faaqidi doono Dadkii la soo shaqeeyay iyo
Asxaabtooda. Waxayna ku salaysnaan doonana Dabeecadda Siyaasadeed ee
Hogaamiye  kasta.

La Soco Qaybo kale oo Xiiso leh Sabtida.......


Waxaa Soo Ururiyay Qoraaga Soomaaliyeed C/casiis Maxamuud Guuleed "Afrika"
Wixii Talo iyo Tusaale ahna ugu soo hagaajiya Ciwaankiisa
abdiazizafrica@hotmail.com



Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 2, 2004

»TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA [Qaybtii 2aad]
»
Moorgan baa Weerar soo wada maxaa looga dan leeyahay? [jagne]
»
GEEL NINKII DHICIN LAHAA UU DHACAYO LAMA DHICIN KARO [B.M]
»
Maansada iyo mujtamaca [ Maqaalkii Shaafici] 
»
Shiicadu Shuyuukhdooda jecelaa; Soomaaliduna..... [C/waxid]
»
GUURTINNIMADA SALEEBAAN: GUNNO XUJEYSAN [Baashe]
»
Shacabku wuxuu Guran doonaa waxaad u abuurtaan.. [Siyaad]
»
Faalooyinka I Dooro aan ku dilee & I Dooro aan ku dayacee [D/yare]

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD