SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Hogaamiyaasha kooxaha “ Waxaa I riday gacantii isoo saartay” 

Taasi waa oraah ka mid ah hadalada ay dhahaan hogaamiyaasha kooxaha soomaaliyeed markii ay fashilmaan, waxaa la mid ah oraah kale oo uu yiri mid ka mid ah hogaamiyaasha kooxaha oo ah “waxaa la igu shaqeysanaayay sadex sano”, labadaas oraahyo waxaan mid ka dhagaystay  telefishinka jabuuti wareysi lala yeeshay mid ka mid ah hogaamiyaasha soomaalida ee jooga shirka kenya midna waxaan ka aqriyay wareysi uu la yeeshay website waagacusub mid kale oo ka mid ah qabqablayaasha soomaalida, labadaas oraahyo hadii laguu sheego waxaad iska fahmaysaa meesha ay udhacayso waana mid iska muuqato, waa calooshood ushaqeysatayaashii markii lagu soo shaqeystay kusoo calaacalaya dadkii ay dhiigoodii gateen. 

Waxaa wax lala yaabo ah in hogaamiyo kooxeedyada  siyaasada soomaaliya ku jiro aysan kala garanayn walaalka iyo cadowga agtoodana aysan jirin wax muqadas ah oo lama taabtaan ah, hadii aan tusaale manta ugu ekaano labadaan hogaamiye ee dhahay hadaladaan waxaa ka cad hadalkooda in ay ushaqeynaayeen muddo badan cadowga umadda soomaliyeed oo ah itoobiya fulinayeen wax kasta oo raaligaliya danaha itobiya iyo dantooda gaar ahaaneed balse la yaabay markii ay arkeen in itoobiya aysan raali ka noqonayn wax dumin kara danaheeda siyaasadeed si kasta oo ay dan ugu jirto camiilkii(dabadhilifkii) iyaga gacanta qabtay, waxaa wax laga naxo ah in ay ku kadsoomaan in dheesha siyaasadu tahay sidaas oo ma waxaysan garanayn in danaha siyaasada ee caalamka hada ka shaqeeyo ay ku dhisan tahay dan joogto ah balse aysan ku dhisnayn saaxiib joogto ah, ma is waydiiyay ninka itoobiya ka sugaayo saaxiibtinimada joogtada ah waxa isaga lugu dooranayo faaiidada xagiisa laga helaayo iyo dadka uu la saaxiibayo waxa ay yihiin iyo suaalo badan oo ah isagana waxa uu heli doono ee u dhigmi karo waxa uu bixinaayo, balse aqristow waxaan u arkaa inaan sii galaayo bad aan laga bixi karin balse jawaabaha suaalahaas  meel dhow ayaan ka soo helay oo waxaa iisoo baxday inta hogaamiye soomaaliyeed ee saaxiibtinimo ka sugay itoobiya inay ku sifaysan yihiin dad aan uqalmin inay wax hogaamiyaan oo ay ka maqan tahay maskaxdii lagu fekeri lahaa iyo heybadii wax lagu wadi lahaa dhamaantoodna ay ku soo bexeen gacan marooqsiga xukunka inta ka soo hartayna ay ka tanbadisay calooda ay u qaadeen qabaail soomaaliyeed oo ay dhexmareen dagaalo si kasta ha u qaraaraadeene, marka waxaan hadana iswaydiiyay aqristow maxaa keenay in itoobiya aysan gacanta ku dhigi karin raga sidaan udamiirka xun oo aysan ku jirin wax ah wadaniyad ama damiir baniaadanimo, aanan lahayn qiimaha dadnimo maxaase keenay isaga(qabqalalaha) inuu waayo saaxiib ku shaqeysto oo aan ridin waa sida uuu jecelyahaye, waxaa igu soo dhacay maahmaah soomaaliyeed oo dhahaysa “ninkii naagtaada  rabo kuma qanco gabadhaada” waa sidaas waxa kala haysto hogaamiyaasha soomaalida iyo itoobiya oo waxay u arkaan qabqablayaasha soomaalida inay bixiyeen wax kasta oo laga rabay oo ay daacad uyihiin danaha itoobiya markaas ayay hadana waxay is arkayaan iyaga oo banaanka joogo waa yaabe maxaa uhorseeday hooga, waa inay aaminsan yihiin in ay koox hebel ama beel hebel hadii aad ka fogayso masraxa siyaasida itoobiya raali ayay kaa noqonaysaa adigana waxaa laguu dhisayaa siyaasad oo gacanta ayay kuu galinaysaa halka ay itoobiya doonayso in aysan arag waligeed qaran soomaaliyeed mar kastana ay la jirto midkii sii fogeynaayo xal u helida mushkilada soomaaliyeed, waa halkas meesha ay iska fahmi waayeen qabqablayaasha iyo cadowga ummada 

Ugu dambeyntii ummada soomaaliyeed waxaan leeyahay waxaan ku jirnaa maahmaahdii soomaaliyeed ee dhahaysay “Col ku dhac tuugo kuu ciidamisay” dalkeenii,dadkeenii waynay waxaa qaatay qabqable waxa iska dhigaayo inuu nooga ciidaminaayo waa itoobiya, waa la yaab yaa u maqan soomaali jawaabta suaasha waan jeclaan lahaa inaan idinka helo. 

Maxamed Axmed Siyaad 

Sanca Yemen 

Siyaad90@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 2, 2004

»TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA [Qaybtii 2aad]
»
Moorgan baa Weerar soo wada maxaa looga dan leeyahay? [jagne]
»
GEEL NINKII DHICIN LAHAA UU DHACAYO LAMA DHICIN KARO [B.M]
»
Maansada iyo mujtamaca [ Maqaalkii Shaafici] 
»
Shiicadu Shuyuukhdooda jecelaa; Soomaaliduna..... [C/waxid]
»
GUURTINNIMADA SALEEBAAN: GUNNO XUJEYSAN [Baashe]
»
Shacabku wuxuu Guran doonaa waxaad u abuurtaan.. [Siyaad]
»
Faalooyinka I Dooro aan ku dilee & I Dooro aan ku dayacee [D/yare]

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD