Waa maxay Furqaanka Xaqa ah?
[Waa buug cusub oo ka faalloonayo qorshe lugu badalyo Quraanka Kariimka ah]
- Isbadal lugu sameeyo manaahijta dalalka Islaamka
- Demoqraadiyada oo lugu baahiyo
- Bush oo sheegay in dagaal Diimeed lugu soo qaaday isna uu qaadayo
- Telefeyshinada Carabeed ee macno la’aanta ah oo la kordhiyo
Dhamaantoodna qeyb ka ah dagaalka tooska ah ee Islaamka lugu jirro.
Waxaa Tarjuntay,Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com
Qeybtii 3aad
Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad
Waxaanu labaddii qorme ee hore kaga soo hadlanay buug ay si qibradeysan u qoreen koox ay ku dheer tahay naceybka Islaamka iyo dadkiisa, waxaanu sidoo kale qeybtii labaad ku soo qaadanay sida ay kooxahani ugu go’an tahay iyagoo kaashanaya waayeelkooda, carruurtooda iyo dhalinyaradooda iney dagaal dhankasta ah ku qaadaan dadka Muslimiinta ah, taasoo ay u arkaan xalka keliya ee ay ugu taqalusi karaan waxa ay u arkaan iney lid ku tahay fikirka ay aaminsan yihiin. Hadaba qeybta saddexaad ee qoraalkan taxanaha ayaan halkiisa ka sii amba qaadeynaa bal waxa uu xambaarsan yahay buugga ay dadkan xagjirayaalka ah ugu magac dareen ”Furqaanka Xaq ah”
Qoraal kale oo kamid ah buugaasi ayaa misna waxa uu leeyahay ”Waxaa waajib ku ah ciidamada Mareykanka, Yahuuda iyo Yurubta iney dhaq dhaqaaq sameeyaan muddada afarta sano ah ee soo socota iyagoo taageero ka heleya shacuubtooda barakeysan si ay weerarkooda kor ugu qaadaan fikirka weyn ee caddaalada Masiixiyadda iyo Yahuudda ee ku wajahan Bariga dhaxe. Si ay Israa’iil ay ugu bad baado dil ugu yimaadaa kooxaha Sharta wada. Arrintani waa mid si taxadar weyne ku jirto aan ugu dhaqaaqi doono. Ugu horeyna waxaanu ku dhaqaaqi doonaa isku heereynta dalalka Carabta iyo Muslimiinta muddooyin sanno ah tan iyo inta ay iska dhiibayaan. Ama ay si cad u ogolaan doonaan dalabkeena ah ku dhaqanka ”Buugga Furqaanka Xaqa ah”
Nuqul kale oo kamid ah buugaasi waxa isaga oo tusaaleynta arrintaasi ku saabsan kala dhig dhigaya leeyahay hareereynta aan ku sameyn doono dalalka Carabta iyo Islaamka waa mid ka bilaabaneynsa wadamada ku dhow badda dhaxe. Markaa kadib waxaanu u sii gudbeynaa meelaha inoo haray oo ay kamid yihiiin Masar, Boqortooyada Sacuudiga,Iiraan iyo Pakistaan. Duulaanka aan dalalkaasi ku qabsan doono waa mid baaxad weyn oo siqibradeysan looga fiirsanayo. Sababta aan sidaasi u yeeleyno waa mid aan xal u aragno, waxaan in muddo ah geed dheer iyo mid gaabanba u kornay siddii u qancin laheyn annagoo u sheegeyna in ”Kitaabka Quraanka ah uu yahay mid aan xaq aheyn oo ku wanaagsaneyn nolosha Basharka”
Qoraalkale oo Buugaasi kamid ah misna waxa uu leeyahay ”Dagaalkani aan qaadeyno waa mid ahmiyad weyn ku fadhiya kana miisaan iyo culus dagaaladii koowaad iyo labaad ee dunida soo maray.Siida muuqatana waa mid noqon karra dagaalkii saddexaad ee dunida Balse cinwaanka uu sito ayaa ah ”Towxiidka Caalamka ee u adeega Bani’aadanimada”. Arrintani waxaa ay taaba geli kartaa oo keliya marka Quraanka Kariimka ah meesha laga suuliyo, waayo inta Kitaabkaasi ku jiro gacanta Muslimiinta marna noo suuroobibimeyso inaan gaarno hadafka aanu leenahay.
Akhriste hadaba hadaan dib milicsano nuqul kamid ah Cutubka koowaad ee buuggani ayaa waxa uu leeyahay isagoo weli kala rog rogaya dhiiragelintii iyo guubaabadii uu ku doonayey inuu si waadix ah u sharxo halka Muslimiinta lagaga soo geli karro iyo sida ay aakhirkoda ku dambeyn doonto.
”Gacanta adag ee walaalaha waa mid barakadiisa gaarsiin doonta dadka, Masiixiyaduna waxey doontay iney gaarsiiso adanaha Kalgacaltooyo si ay u quutaan dadka ku nool dhulka. Maxaa yeelay Kalgacaltooyadani asalkeeda waa mid ka timid Sammada waana Muqadas lama taabtaan ah” Tani waxaa daba socda badinta daabacada Cahdigii hore iyo kan cusub iyo kutubta Yahuuda. Balse marnaba dafirimeyno in caqabado badan la kulmeyno, laakinse waxaanu ku jiifnaa inaan guusha ku dambeyn doono. Maanka waxaanu ku heynaa in ”Nin muslim ahi diintiisa uusan uga tageyn diin kale illaama lala gallo dagaal qaraar oo lugu bur burinayo dalkiisa, dhaqaalihiisa iyo in gumeysi xagga maskaxada ah la geliyo. Taariikhduna ay xusi doonto. Waayo tani waa mid looga aar gudayo diinta ay ku sheegeen in dadka ay ku gaarsiin karaan dagaal seefta ay dadka qudha kaga jaraan. Diinteena Masiixiyada iyo Yahuuda ogolaan meyso dulmi noocaas ah, waxeyna geli doontaa Jihaad adag ay kula jirto Munaafiqiintaasi”.
Nin la yiraahdo Shamxuun Miinaan, oo kamid kooxaha mayalka adag ee sida weyn iskugu howlay daabicadda buugan ayaa yiri ” Qudus waa gurigii ugu sareeyey ee cibaadada ummaddii Muuse iyo Ciise, balse in loo ogolaado kooxahaasi sharta wada ee Muslimiinta iyo argagaxisada iney soo galaan gurigaasi barakeysan waa mid aan caqliga aqbaleyn. Sidoo kale kooxaha a iney maqaamkasi lug kuyeeshaan waa mid dembi weyn Illaaheyna uusan noo dhaafeyn. Maxaa
yeelay maqaamkani maahan mid loo nisbeeyey kooxaha ”Faasiqiinta ah ee Muslimiinta”.
Ninkani maan gaabnimada ku dheertahay oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri. ”Aniga sidaad u fekereysaan uma fekerayo. Hadaad u aragtaan Kacbada iney tahay meesha keliya ay Muslimiinta wax ku caabudaan gacantana ugu jirta , waxaan leeyahay Kacbadu waa Xajar (dhaggax) weyn aan qiimo sidaasi u laheyn oo aanba aheyn goob cibaadeysi. Waxaanse xoogga saareynaa siddii aan ugu soo jiheyn laheyn xagga Qudus oo ah goob lugu cibaadeysto nabadgalyana ay ka jirto.
Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu yiri ”Arrintani waxey ahmiyad leedahay kolka fikirka caqliga raqiiska ah ee kooxahaasi rumeysan yihiin meesha laga saaro. Waxeyna iman kartaa sanado badan kadib marka dagaal melateri iyo mid maskaxadeed intaba lugu qaado. waxaan kaloo arkaa iney lama huraan ay tahay in deg deg loogu dhaqaaqo oo ay isbar bar socdaan dagaalka meletari iyo midka maskaxadeed, marka aan gaarno dalalkooda kooxahaasi waxaanu u tageynaa iyagoo diyaar u ah aqbalida buuggan Furqaanka Xaqa ah”
La soco qormada dambe ee warbixintan insha Allaah!
Isha warka: Wargeyska toddobaadlaha ah
EL Esbuuc: Kana soo baxa dalka Masar.
Akhri: Qaybtii 1aad