SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Madaxweynanimadu Soow Markii Reer Waqooyiga Maaha 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

Sept 2, 2003

Horay baa siyaasiyiin hore sida C/Risaaq Xaaji Xuseen oo kale u sheegeen inay habboon tahay in qabiilooyinkii aan horay usoo arag madaxweynanimada lagu fiirsho. Aniga laftaydu maqaal aan horay u soo qoray ayaan ku iri: Soomaaliyeey Siilaanyo madaxweyne ma u dooranaa. Markaan Siilaanyo magacaabayey waxaan ka waday qof uun ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya. Maaddaama aan Soomaali ahay waxaan xaq u leeyahay inaan fikrdayda ka dhiibto arrimaha Soomaaliya. Waxaan anigu soo jeedin lahaa ra’yi ahaan in nin ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya madaxweyne Soomaaliya looga dhigo arrimahaan dartood: 

  1. Midnimada Soomaaliya darteed.
  2. Inaysan horay u soo arag oo ay wax tabanayaan.
  3. Inay hadda yihiin maamul goboleedka ugu nabadda badan Soomaaliya.
  4. Sidii horay loo sheegay waxaa meesha ka baxaya is-fiirsashada qabiilooyin waaweyn oo kale.
  5. In dadka reer Waqooyiga ka socda ay intooda badan ka dhisan yihiin xagga aqoonta maaddiga kuwo hadda hor-boodaya qabiilooyinka kale. Ilayn meesha culumo ma joogtee.
  6. In haddii ay Jabuuti ka dhabtahay inay Soomaaliya heshiiso waa inaysan ka soo gelin albaabka gadaale ee ay iridda hore kasoo gashaa; taasi waxay keenaysaa inay heshiiska iyo is-dhexgalka ka soo bilaawdo Waqooyiga Soomaaliya ilayn iyagaa dariska koowaad ahe. Si Ismaaciil Cumar Geelle khaladkiisii hore u saxo waa inuu hadda arrimahaas kor ku xusan dartood uu ku taageero mid ka mid ah ergada reer Waqooyigaa si uu madaxweyne Soomaaliyeed u noqdo. Waa sidaas sida Jibuuti ku kasban karto taageerada reer Waqooyiga iyo tan Soomaali weyn labadaba.
  7. Si reer Waqooyigu eedda noola qaybsadaan ilayn horaa Soomaali u tiri: nin xil qaaday eed qaad. Waxaa dhici karta inay harto sheekadii ahayd: Koonfur baa na duudsiday.
  8. Haddii magaalooyinka Koonfureed xasilooni laga waayo; madaxweynahaasi wuxuu awoodaa inuu Hargeysa ama meel kale la aado.
  9. Dadku waxay indhaha ku hayeen Somaliland iyo Puntland. Nasiib darro waxaa laga niyad jabay tii Puntland markii kornaylku uu xoog ku korarsaday, shacabkii Puntland ay madaxa rogteen halka reer Waqooyigu ay u maareeeyeen si Soomaali oo dhan la yaabtay. Marka aaminaaddii loo hayey weli meesha kama bixin.
  10. Sidoo kale C/Qaasim iyo maamulkiisii Carta meeshay iskula dhaceen waa la ogaa ilaa ay madaxa isla galeen ra’iisul wasaarayaashiisii iyo gudoomiyahiisii baarlamaankaba. Ma filayo inaan diyaar u nahay in hal god mar kale lanaka qaniino.
  11. Ugu yaraan intaan ku warwareegi lahayn Amxaaro iyo wax la mid ah waxaa reer Waqooyigu awoodaan haddaynaan shisheeye dabo-orodki deyneyn inay tagaan fagaarayaal badan oo siyaasadda adduunka laga falkiyo sida London iyo Washington oo kale. Sidoo kale reer Waqooyiga qaarkood waxay xiriir fiican la leeyihiin waddamada Carabta.
  12. Xagga wax-wada-cunka waxaa la arkay in reer Waqooyigu nooga fiican yihiin qolyaheenna Koonfureed marka hadday shaxaad soo helaan waxaa dhici karta inay wax na soo gaarsiiyaan ee aysan sida kuwii Carta jeebka iskaga shuban.
  13. Faa’iidada aan intaas ka dhicin waxaa weeye waxaan madaxweyne noqonayn C/Qaasim iyo kornayl C/hi oo labadaba khaati laga taagan yahay. Waxaan sidoo kale ku talin lahaa ciddii madaxweyne noqotaba inaysan labadaas nin xitaa ra’iisul wasaare ka dhigin.
  14. Si loo xalliyo dhibta ay keento soohdimo-beeneedyada iyo qafaalkii dadka reer Koonfurta ee Waqooyi joogay. Arrintaas oo ah arrin ugub ah oon Soomaaliya looga baran.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaanadaba ka codsanayaa inay arrintaas si fiican u fiirshaan si rajada dowlad Soomaaleed laga qabo ay usii kacdo. Mid baan xildhibaanada iyo shacabka kalaba ka codsanayaa waa inaysan dad ma-gudbayaal ah  hoosta noo soo gelin sida labadaas nin ee aan ku xusay. Hadday taasi dhacdo waxay noqonaysaa inaan dib ugu noqonno meeshaan ka nimid. Sidoo kale waxaan ka rajaynaynaa siyaasiyiinta reer Waqooyiga ee Kenya jooga inaysan isku qabqabsan isu sharraxaadda madaxweynanimada ee si habboon ay qof usoo xushaan. 

Ilaa hadda waxaan la yaabbanahay shacabka Soomaaliyeed ee uun wax iska daawada. Shacaboow arrintiinna marti haka ahaanina. Kii hadli karoow hadal; kii qof fiican noo soo bandhigi karoow soo bandhig oo taageero la daba istaag; kii ducayn karoowna ducee.

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 2, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»Moorgan baa Weerar soo wada maxaa looga dan leeyahay? [jagne]
»
GEEL NINKII DHICIN LAHAA UU DHACAYO LAMA DHICIN KARO [B.M]
»
Maansada iyo mujtamaca [ Maqaalkii Shaafici] 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD