SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxay ku kala duwan yihiin shirkii carte iyo kan Kenya ka socda ?

ilaah baa mahad leh naxariis iyo  nabad gelyo korkiisa ha ahaato suubane nebi maxamed (s.c.w )

Tan iyo markii dowladii soomaliya ay burburtey  waxaa wadanka guud ahaan soo food saaray dhibaatooyin farabadan , ku waas oo la oran karo waxaa ugu darnaa dagaalada sukeeye ee soo maray wadanka , taas oo aynu maanta xog ogaal u nahay  dhibaatooyinkeeda, waxaa fara ha ka baxay mid nimadii iyo qarankii soomaaliyeed , isku xirnaashihii u mada soomaaliyeed , dadka soomaaliyeed ayaa waxa ay ukala jabayn qaybo  , waxaa suurta gal noqon  waysay in mar uun la isu keeno soomaaliya loona sameeyo markaas dowlada dhexe oo hanata guud ahaan wadanka ,

Si kastaba ha ahaatee  waxaa jirey isku day badan oo dowladaha deriska la ah soomaaliya ay dadaal ugu jireen sidii mar uun dib loogu soo celi lahaa qarankii soomaaliya , haba u badnaadeen kuwa dana gaar ah watey markaas , shirarkaas oo ku dhamaadey iyaga oo aan wax natiijo ka soo bixin  , hadaba hadii aynu soo qaadano labadii shir ee ugu danbeeyay , ku waas oo ay soo qaban qaabiyeen  Dowladaha Jabouti iyo Kenya ,  shirkan ka hor waxaa jirtey sida aynu wada ogsoonahay  shir ay soo qaban qaabisay dowlada jabouti kaas oo la oran karo  waxa uu ahaa shir wax ku ool ah, iyada oo ay markaas dowlada jabouti ay ka go地ayd in soomaaliya dhibaatada ay ka baxdo i4 jirsatey dowlad dhexena loo helo  , shirkii carte ayaa waxaa ka soo baxay  dowlad soomaaliyeed taas oo umada soomaliyeed aad ugu hanweynaayeen in ay ka saarto dhibaatada wadanka haysata , hase ahaate nasiib daro  dowladii kumeerka ahayd iyada oo markaas ay yareyd awoodeedu waxa suurta gal noqon waysay in ay ku guulaysato wax ka qabadka wadanka , carqalada badan oo soo food saaray awgeed , carqaladahaas ayaa la oran karaa waxaa ugu waynaa ,  hogaamiya kooxeedyada  oo meel uga soo wada jeestey  sidii loo fashilinlahaa dowlada , mida labaad ayaa la oran karaa mas置uliyiintii  markaas xilka loo doortey  oo aan waajibkoodi ka soo bixin iyada oo markaas ay timid khilaaf ka dhex abuurmay  madaxda sarsare oo dowlada ,  markaas oo ay fursada u noqotey  hogaamiya kooxeedyada (war leaders) in ay  suurta gal u noqoto in ay ku guulaystaan mowqifkoodii markaas ,

 Hadaba akhriste su誕ashu waxa ay tahay waa maxay farqiga u dhexeeya labada shir ( carte and Mbagathi ) ?

Shirkii carte waxaa loo soo  qaban qaabiyay qaab taariikhi ah  oo markaas ku cusub taariikhda soomaalida ,  tusaale ahaan hadii aynu soo qaadano  qaabka wax loogu qaybiyay  qabaa段lka soomaaliyeed , waxaa laga dhigay  4.5 ( afar beelood iyo bar ) iyada oo aynu oran karno kan hada ka socda Mbagathi  in isna  qaabkii mid la mid ah la maray ,

Dadkii ka soo qaybgalay shirkii carta  ayaa iyagu waxa ay u badnaayeen dad  aqoonyahaniniin  ah hogaamiye dhaqameed (isimo)  waxaa kaloo aan meesha ka maqnayn  fanaaniinta oo iayaguna la oran karo waxa ay ka qaateen qayb libaax , ku waas oo markaas ay ka go地ayd in ay dowlada wax ku ool ah  wadanka loo helo , marka aad fiiriso  dhinaca khilaafka  shirkii carta waa ka khilaaf yaraa kan hada ka socda Kenya ,  iyada oo markaas wax kasta ku dhamaadeen is fahan , 

Marka la eego dhinaca  ansaxinta baarlamaanka  shirkii carta waxaa ansaxiyay baarlamaana  hogaamiya yaasha dhaqanka (isimada) iyada markaas ay mudnaanta lahaayeen , halka kan Kenya ay mudnaanta koowaad leeyihiin hogaamiyayaasha  siyaasada ( war leaders)

 baarlamaankii carta lagu soo dhisay ayaa waxa ay dhamaayeen  245 xildhibaan   dhinaca kale kan hada Kenya lagu soo doortay waxa uu dhanyahay 275 mudane , waxaa u dhexeeya labada 30 xildhibaan , oo kan Kenya hada uu dheeryahay ,

Marka aynu eegno qaabkii doorashooyinka  madaxwaynaha iyo ra段sul barlamaanka  waxaa la orankaraa waxa uu u dhacday si cadaalad ah oo aysan markaas ku jirin is daba marin , iyada oo dhamaan shacabka soomaaliyeed ay ku daawanayeen in dhahooda

 Marka aad fiiriso shirka hada ka socda Kenya ayaa waxaa la oran karaa waxaa mucaarad yar yahay kii carte iyada oo markaas dhamaan hogaamiyaashii siyaasada isku hayay  aad moodo in ay ka go誕ntahay maanta in dowlad la helo ,  tu saale ahaan marka aad eegto barlamaanka cusub waxaa ka dhex muuqda rag badan oo  ka mid ah raga siyaasada iskaga soo horjeeda .taas oo fursada u noqonkarta dowladda ka soo bixi doonta shirka  in ay wax badan ka qabato  wadanka ,

 Marka la eego rajada shirka  Kenya ka socda ayaa waxaa la orankaraa waa mid natiijadiisu aad u wanaagsantahay , ka dib markii laga gudbay carqalada fara badan , marka aad aad eegto rajada ay qabaan shacabka soomaaliyed ayaa iyadu ah mid aad u wanaagsan iyaga oo markaas rajaynaya dowlad ,

 Ugu danbayn waxan u waxaan u soo jeedinaya baarlamaanka cusub ee dowlada federalka soomaliya , ku wii ka soo baxa mas置uliyada ay qaadeen , waxaana ilaah ka rajaynaynaynaa hogaamiye daacad ah iyo midnimadii soomaaliya oo soo noqota , Aamin

  wabilaahi towfiiq

W/Q : Mohamed Ali farah

m_alishiino@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 2, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Moorgan baa Weerar soo wada maxaa looga dan leeyahay? [jagne]
GEEL NINKII DHICIN LAHAA UU DHACAYO LAMA DHICIN KARO [B.M]
Maansada iyo mujtamaca [ Maqaalkii Shaafici] 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD