SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
MUDANE/MARWO XILIBAAN WAXAA KU SAARAN BADBAADA UMADAADA DOORASHADAADA KU SALEE YAA SAMATA BIXIN KARA UMADAN BY IDAAWAQACA QAYBTII IKOOWAAD

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)

Kenya,Nairobi
 

axmeddheere65@hotmail.com 

Guud ahaan marka aad eegto qaabka ay u socoto ama loo dardar galinayo doorashada madaxwaynaha soomaaliya ayaad moodaa in uu ku socdo xawli aad u sareeya oo runtii aan oran karno waxa uu marayaa heerkoo ugu daraa intii uu shirku socday 

Marka aad booqato ama aad aragto musharaxiinta goobaha ay daganyihiin ayaa ah meelo sareeya iyagoo musharaxiinta aad moodo in ayba hada yihiin madaxwayne.

 Waxii xiligaasi ka danbeeyay waa Ogtoobar 1969kii waxaa hogaanka wadanka soomaaliya la wareegay Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliya oo uu hor kacayo Jen Maxamed Siyaad Bare, 

Jan Maxamed Siyaad Bare waxa aan oran karaa wadanka waxa uu garsiyay horumar si wayn loogu tanaaday dhinaca beeraha kaluumeeysiga warshadaha amaanka waloow xiliyadii danbe Jan Siyaad u xiibsiibtay in uu diinta wax ka sheego umadana caburiyo balse Maxamed Siyaad Bare waxa aan oran karaa in uu Boqolaal manta Joogta kana wadanisanaa umadaana uga fiicnaa , 

Xilyadii colaadaha iyo dagaalada Sokeeye shacabka soomaaliyeed kuma aysan guuleeysan in ay salka u dhigaan hogaan doowladeed oo ay kumideeysan yihiin laakiin Shirar soomaalida loogu qabtay wadanka Jabuuti ayaa waxaa 6 urur siyaasadeed waxa ay madaxwayna aabn cidina aqoonsan ugu doorteen Cali Mahdi Maxamed laakiin waxa ay si cad is kaga hor yimaadeen Jan Caydiid waxana halkaa ka biloowmay dagaalo aad loogu hoobtay oo aysan aheen ujedada qoraalkeeyga balse geestay dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi Karin  

Colaadaha iyo dagaalada sokeeya waxa ay sababeen in Caydiid ay taageerayaashiisa ugu doortaan muqdisho madaxwayne balse ma dhaafin doorashada ay taageera yaasha caydiid sameeyeen Koofurta muqdisho, 

Is ku day badan ka dib shirkii Carta waxaa soomaalidu ay ku soo doorteen Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan Doowlada Cabdi Qaasin oo iyadu heshay taageero shacbi ma aysan helin mid caalami xaga kaalmada sida ay qireen aduunka oo xitaa waxa ii sheegay in adiinku dayacay Doowladii Carta Wsiirka Arimaha Dibada Ee Jabuuti Cali Cabdi Faarax Xili uu iigu waramayay Magaalada Nairobi, 

Hadaba hadii aan u soo gudbo ujeedadadeeyda hada waxaa Magaalada Nairobi ku soo gaba ga boobay shirkii soomaalida uga biloowmay 15 Ogtobar 2002 waxaana sida ay IGAD shaacisay 15 Bishan la caleema saari doonaa Madaxwaynaha Doowlada Federaalka ah ee Soomaaliya  

Umada soomaaliyeed waxa ay caalin ku tahay dhibaatadii faraha badneed oo ay soo martay waxaana xilkaan u sharaxan 60 Musharax ka badan hadaba yaa u qalba xilkan? 

Waxa qalad badani ka yimid  soo xulusta xubnaha baarlamaanka soomaaliya iyadoon loo eegin aqoonta kartida shaqsiyada iyo in lagu aamini karo qaranka soomaaliyeed balse lagu soo xulay aragti gaar ahaaneed iyo bal in xilibaanadu ay barito u daneeyaan ninka manta soo qoray balse aan loo qaymeen mas uu liyada ay qaranka u sidaan ,

Hadaba hada oo la doonayo in xilibaanadu ay soo doortaan madaxweeyne xilibaanadu ma waxa ay soo dooran doonaan ragii iyaga manta ku keenay danta gaar ahaaneed mise waxa ay soo dooran doonaan nin umadan soomaaliyeed samata bixin kara  

Mudane/Marwo xilibaan umadaadu waxa ay soo martay 14 sano oo murugo& Tiiraanyo badan waxa ay umadaadu soo martay qaran la aan  dhalaanka soomaaliyeed ma helin wax barasho amaan caafimaad nolol ku filan waxa uuna ku jiray qax aduunka dacaladiisa oo dhan ah  

Mudane/Marwo xilibaan maankaaga gali muwaadiniin badan oo naftooda ku waayay xeebaha Yaman Liibiya Talyaaniga iyo kuwo ku dhintay xasuuqii soomaaliya sanadihii murugada iyo tiiraanyada han badii ka hartay in aad u tahay xilibaan la guuna doortay badbaada umada soomaaliyeed , 

Mudane xilibaan sabab ha u noqon bubur& Colaad sokeeya hana taageerin shaqsiyaad doonaya in ay sii huriyaan colaada iyo dhibaatada soomaaliya  

Mudane/Marwo xilibaan dhalaanka soomaaliyeed ee u badan agoonta iyo danyarta adiguna aad u tahay hogaan waxa ay kaa sugayaan in aad u horseedo nabad cadaalad caafimaad doowlad qaran iyo in ay helaan neecaaw qaboow laakiin mudana kaagama fadhiyaan in aad sabab u noqoto murugo&dhibaato kale, 

Mudane/Marwo xilibaan aaway deegaankii soomaaliyeed aaway dhirtii udgooneed aaway buurihii dahabka ee soomaaliya iyo macdantii deegaankeena bilicda san? 

MudanaMarwo xilibaan  aaway calankii buluuga ahaa ee Shanta Xidigood dhaxda uga tiilay yaabada diifta& dhibaatada ka m,uuqata? 

Mudane/marwo xilibaan aaway warshadihii dalkeena hooyo Iskuuladii iyo ilihii bulshada u dhaxeeyay  Ee lagu dhisay Canshuurtii umada soomaaliyeed? 

Mudane/Marwo xilibaan maankaaga gali in ay jiraan dhalaan soomaaliyeed oo la qabsaday buburka& nidaam la aanta ku baahday dalkanaga hooyo 

Mudane/Marwo ma is leedahay in ay jiraan Yurub& Ameerika dhalaan soomaaliyeed oo ay ka luntay dhaqankii dahabiga ahaa ee Soomaaliyeed qarakana ay u saran yihiin in ay lumiyaan diinta Islaamka , 

Mudane /Marwo xilibaan aaway midnimadii umada soomaaliyeed is jaceelkii iyo is deegaan sigii bulshada soomaaliyeed u dhaxeeyay  

Mudane/Marwo ragii umadaan u horseday cadaab aduunyo waxa ay hada doonayaan in aad doorato umadaana aad uga dhigto hogaan, 

Shacabka soomaaliyeed mudane xilibaan uma baahna in uu dib ugu noqdo burbur qabiileeysi qax tahriib xaalufinta dhirta dhoofinta macdanta iyo in ay kheeyraadkooda u gudbiyaan deegaano kale , 

Mudane/Marwo waxaa jira musharaxiin aan wax qorin waxna aqrin waxaa jira kuwo aan miyir qabin oo waalan waxaa jira gacan ku dhiig layaal sabab u ahaa buburka aan kor ku soo xusay hadana doonaya in aad doorato, 

Mudane/Marwo xilibaan waxaa jira kale dile isku dire umadeed mid boobay hantidii umada soomaaliyeed watana boorso lacaga oo doonaya in uu kaa iibsado codkaada qaaliga ah hadhoowna boobo qaranka soomaaliyeed hantidooda, 

Mudane/Marwo xilibaan waxaa jira iimaan laawe raba in uu gato qaranka soomaaliyeed oo xiriir laleh wadamada gumeeysiga walibana ku faanaya in uu wadan hebal ay xiriir wadaagaan  

Hadaba mudane/Marwo waxaa kula gudboon in aad ilaaliso danta umada soomaaliyeed adna ku fakarto in umadan loo helo badbaado qaran mideeysan  

In umadu hesho waxbarasho heer walba leh mid caafimaad ilaalinta deegaanka difaaca calanka iyo diinta  dadka qaxay loo helo deegaan ay ku soo noqdaan naafadana la xanaaneeyo dhalaanka soomaaliyeed waxa ay ubaahanyihiin fakar dheeraada dhalaanka soomaaliyeed ee qaxootiga lagu dhalay& hooyada soomaaliyeed ee ku m urugootay nololsha sanadihii murugada  

Mudane/Marwo Xilibaan shacbkaan badbaadadiisa waa in aad xil iska saartaa la soco Qaybta Labaad...

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya,Nairobi

axmeddheere65@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 1, 2004

»Moorgan baa Weerar soo wada maxaa looga dan leeyahay? [jagne]
»
GEEL NINKII DHICIN LAHAA UU DHACAYO LAMA DHICIN KARO [B.M]
»
Maansada iyo mujtamaca [ Maqaalkii Shaafici] 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD