SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ROOBAB
WARKII HORE: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO

Warbixin: Magaalooyinka Qardho iyo Dhahar

  • Abaarihii iyo Roobabkii Isku Xigsadey

c/fatax jaamac
somalitalkpl@yahoo.com
SomaliTalk | Boosaaso | Nov 30, 3004

Warbixin ku saabsan Qardho


Hooyo Xoolihii ka dhamaadeen oo Dab shidanaysa | Eeg sawirada..

Magaalada qardho oo ah magaalooyinka aadka u da' weyn Soomaaliya ayaa waxaa Degaan ahaan aad ugu manafacaadsada Dadka Xoolo dhaqatada ah ayadoo dhaqaalaha ugu badan uu ka soo galo Xoolaha Magaalada ayaa Biyuhu ka go'naayeen mudo aad u dheer ayadoo ay aad uga caawiyeen sidii biyo loo heli lahaa Ha,ado Samafala oo ay ka mid yihiin UNICEF iyo Al-Mubtada, Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ka cabi jiray Xoolo aad u fara badan oo isugu jira Ari, Lo, iyo Geel kadib markii ay Ceelasha ay Jabeen ayaa waxaa ku dhacay xoolo dhaqatadii in ay ka fogaadaan Magaalada.

Degmada Agagaaraheeda iyo Gudaheeda waxaana aad ugu soo ururay Dadkii xoolaha ay ka dhamaadeen oo ah qoysas aad u balaaran iyagoo kasoo ag dhawaaday Dadka ehelka la,ah si ay uga helaan Caawinaad, Mar aan wax ka weydiiyay arimahaas Dadka Reer baadiyaha Gudoomiyaha Degmada oo lagu magacaabo Cusmaan Buux ayaa waxa uu ii sheegay in ay ilaa hada wax dhaqaale ka helin xaga maamulka lakiin ay Hay,adaha WFP iyo shacabka degaanka wax uga soo qaadeen hadana ay u qaylo dhaaminayaan cidii Illaahay wax uga soo qaadayo, Gudoomiyaha oo iiga waramay Qaybta Caafimaadka Degmada ayaa waxa uu ii sheegay in Isbitaalka uu iska tabar daranyahay ayna ku talo jiraan sidii ay u hormarin lahaayeen.


Macadka SIBA ee Qardho

Dugsiga Hoose Dhexe ee Degmaa Dhaha
 |  Eeg sawirada..

Degmada ayaa Iskoolada Waxbarashada kaga jirta goboldaan Puntland kuwa ugu horeeya ayadoo hada ay wadaan in laga furo qayb ka mida Jaamacada Bariga Afrika oo xarunteedu tahay Boosaaso, waxaa hada laga furay oo mardhow laga bilaabi doonaa waxbarashada Macad lagu barto Maamulka iyo Maareynta oo lagu magaacaabo (Somali Institute of Business Administration) SIBA macadkaa ayaa waxaa gacanta ku haya Aqoonyahano u dhashey Degaan qardho.

Warbixin ku saabsan Dhahar

Magaalada Dhahar waxa ay laamiga u jirtaa 38 Kilo Miter marka laga Leexdo Magaalada Xido oo ka tirsan Degmada Waaciye oo aan safar ku weheliyay Xubno ka mida Gudiga Horumarinta Waxbarasha ee Iskoolka Imaamu Nawawi iyo Ururka Arday Puntland ku tagay Degmada Dhahar si ay uga u furan dugsiga sare. Degmada ayaa hore waxaa uga furnaa Dugsi Hoose iyo Dhexe ee Dhahar. Dagmada ayaa Roobabkii Da,ay aad ka garanaysa Dhulka Quruxdiisa ayadoo meelaha qaar ay fadhiyaan biyihii Roobka, waxaad ku arkaysaa meelaha qaar Lafihii Xoolihii ay Qaadeen Roobabka kadib markii ay tabardaro kaga dhacday Abaarihii Dalka guud ahaan saameeyay.


Lafahii Xoolihii ay laayeen Roobabku oo ay ku soo ururiyeen goob qura  Eeg sawirada

Degmada ayaa waxaa ka dhisan Ururo ka kooban kuwo Dhalinyarada iyo kuwa Haweenka oo badanaa ku howlan sidii ay wax uga qaban lahaayeen horumarinta Degaanka Dhahar xubno ka mida Ururadaa oo wax aan ka weydiinay sida ay uga hortagaan Xaalafinta Degaanka ayay ku jawaabeen in hada ay wacyigalin ku sameeyaan madaama ay yihiin dhalinyaro waxa ku howlan arintaa oo ka dhiganaya Manaafacaad hadii lala isticmaalo awood ay arintu dhowr goor isku badasha arin qabii hada lakiin aan u raadinayno wax loogu badalo dhalinyaradaa oo shaqaa, Degmada waxaa dul yaal Dadkii Xoolaha ay ka dhamaadeen oo ku jira Guryo ka samaysan Baco.

Magaalada dhahar waxa ka dhisan shirkad telfoonada Golis ee Xarunteedu tahay Boosaaso oo ay ka isticmaalaan Telfoon, Fax, iyo Internet tasoo ay degmada u sahashay Bulashada in ay la xiriiraan eheladooda ku nool Dalka Dibadiisa iyo Magaalooyinka kale ee Soomaaliya gudaheeda, Magaalada waxaa ka go,an Biyaha oo waxaa ka jaban Ceelashii.

Sawirada Halkan ka eeg... Guji..

c/fatax jaamac
somalitalkpl@yahoo.com
SomaliTalk | Boosaaso

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2004


Olole ballaadhan oo tabarucaad loogu uruurinayo dadkii ku tabaaloobay roobabkii ka da’ay deegaanada Nugaal iyo Qardho oo ka billawday Boosaaso. 

Faafin: Nov 28, 2004

WARARKA ROOBABKA LIXAADLKA LEH EE KA DA'AY SOOMAALIYA:::
Meelo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya waxaa saamayn weyn ku reebay roobabkii lixaadka lahaa ee sababay daadadka xooga leh, kuwaas oo jebiyey daamanka togagga iyo webiyada, waxweelo gaarsiiyey xoolihii, caarqaladeeyey isu socodkii.. Roobkaas oo ku xigsadey saddex sanadood oo ay Soomaaliya abaar ahayd...

LAAS QORAY:::

Meelaha ay sida ba'an u saameeyeen roobabka xooga leh waxaa kamid ah Laasqoray iyo aaga Gobolka Sanaag. Waxaana la gu soo waramay in roobabku ay jareen wadooyinkii, islamar ahaantaasna dumiyeen ilaa 50 guri.

JAWHAR:::

Magaalada Jawhar iyo aaga G/shabeelada Dhexe waxaa lagu soo waramay in roobku uu aad u waxyeeleeyey, gaar ahaan waxaa uu si weyn u saameeyey magaalaad Jawhar oo 2/3 ay daadadka iyo fatahada webigu go'domiyeen. Dhanka kale waxaa daadku qariyey dhul beeraadkii ay beeraleydu ku abuuran lahaayeen dalagyada sannadkan.

JAMAAME, BU'AALE & MAREEYEY:::

Dhanka weliba Jubba waxaa lagu soo waramay in daadadku ay si weyn u wax yeeleeyeen dhul beeraadkii, webiga ayaana ku fatahay, gaar ahaan waxaa ugu sii daran aagga jamaame, Bu'aale iyo Mareerey.

ISHA: WFP [World Food Programme]

Habeennimadii jimcaha 26/11/2004  waxaa ka billawday masjidka Rawda ee magaalada boosaaso olole tabrucaad loogu uruurinayo dadkii ku caydhoobay duufaantii qaboobayd ee ku habsatay deegaanada nugaal iyo qardho ololhan waxaa si wada jir ah uga qayb qaadanayay culimo ay ka mid yihiin sh.daahir cabdish. c/laahi cali xaashi , sheekh xasan xuseen ,iyo sh. Bashiir jaamac kite . culmada oo qayla dhaan kicisay dareenka dadka soo bandhigay ayaa dad waynaha u soo jeediyay inay is garab taagaan walalohooda tabaalaysan naf iyo maalbana ay u huraan sidii loo dabooli lahaa baahida haysa , sheekh bashiir oo si gaar ah hadalka ugu leexiyay dadka wax haysta ama ganacsiga ku jira ayaa yihdi: maanta oo kale hantiilayaasha iyo ganacsatada waxaa laga rabaa haddii ay horaantii dadka faa’iido ka heli jireen oo ay suuq u ahaayeen  inay maanta xisaabta ku darsadaan in laga rabo inay ugu hor maraan caawinta dadka hanitidu dhaaftay , dadweynihii masjidka rawda oo si caadifad leh ay u saamaysay qayla dhantii culimadu ayaa isla markiiba ka jawaabay oo qof waliba ku baaqay wixii uu heli karay ama haaban karay lacagta laysku qorayna waxay gaadhay 5600$ tabarucaadka kale ee la ballan qaadayna waxaa ka mid ahaa :

  • 1.     100 kiish oo raashin ah .
  • 2.     100 teendho
  • 3.     100 buste
  • 4.     iyo 50 jeerigaan oo saliid ah .

 deeqdaasna waxaa ku tabarucay shirkadda Amal Bank oo horay loogu bartay ka qayb qaadashada mashaariicda bulshada wax loogu qabanayo.

5.130 kiish oo raashin ah oo ay ku tabaruceen dadweynaha masjidka rawda. 

maalinimadii jimcaha 26/11/2004 waxaa olluhu ku sii baahay qaybo ka mid ah masaajidda magaalada boosaaso :

  • 1.     masjidka ramaaan oo si gaar ah dumarku ugu kulmeen waxaa lagaga tabarucay lacag dhan 2700$
  • 2.     masjidka al hudaa waxaa lagaga tabarucay 800$
  • 3.     masjidka mubaarak waxaa lagaga tabarucay 1500$
  • 4.     masjidka al dacwah waxaa lagaga tabarucay lacag dhan  4045$
  • 5.     masjidka faadima waxaa lagaga abarucay 1300$
  • 6.     masjidka al raxma waxaa lagaga tabarucay 1100$
  • 7.     masjidka al rashiid waxaa lagaga tabarucay 1000$
  • 8.     masjidka al aqsaa waxaa lagaga tabarucay 150$ iyo 15 kiish oo raashin ah

ololahan tabarucad uruurintah oo ku sii baahaya magaalad boosaaso ayaa 27/11/2004 ka bilawday qaar ka mid ah iskuulada magaalada waxaana lagu wadaa in iskuuladu dhammaanba ka wada qayb qaataan wax u qabadka walaalaha musiibada rabbaaniga ahi ku dhacday, sidoo kale waxaa  in maanta 28/11/2004 magaalada suuqyadeeda ka hawl galaya mutadawiciin maraya dhamaanba goobaha ganacsiga oo guddoomaya waxyaabaha la sadaqaysanayo mood iyo noolba , mutadawiciintu waxay wataan dhar ay ku caddahay in ay qayb ka yihiin ololaha tabarucaadka loogu uruurinayo dadka roobabka ku tabaaloobay waxayna adeegsanayaan codbaahiyayaal iyo gaadiid waxaana lagu wadaa in dadweynuhu si kal iyo laab ah ula tacaawuni doonaan . 

Sidoo kale waxaa isla maanta iyana hawl gal kaas oo kale ah shirkadaha waaweyna kula kulmaya koox ka mid ah culimada iyo ducaadda dhaqaajinaya mashruucan loogu gurmanayo dadka tabaaloobay. 

Waxaa xusid mudan in musiibadan rabbaaniga ahi ay dhacday habeenimadii 15ka ramadaan xilligaas oo ay deegamada nugaal iyo qardho ka de’een roobab lixaad leh oo socday 30 saacadood oo watay dabayl qabow oo aan deegaanka horay looga aqoon , waxayan sababtay in 80% xoolihii degaankaas ku dhaqnaa ay dhammaadaan sida ay soo sheegeen qaar ka mid ah ha’adaha sama falka ee ka hawl gala deegamadaas dadka ku tabaaloobay musiibadanna waxaa lagu qiyaasay 2500 oo qoys oo ah inta ay xoolohoodii ka soo hadheen 20 neef oo adhi ah ama ka yar ama ayna waxbaba u hadhin iyada oo la ogsoonyahay in dhibaatadu dadka deegaanka oo dhan wada gaadhay . 

Wax ka qabadka musiibadn rabbaaniga ah waxaa isu taagay guddi mutadawiciin ah oo uu madax u yahay sh.c/qaadir nuur farax ayna xubno ka yihiin qaar ka mid ah madax dhaqameedka deegaanadaas musiibadu ka dhacday iyo ganacsato , guddigan oo ka samaysmay garoowe ayaa ilaa iyo hadda deeqo wax ku ool ah gaadhsiiyay aagagga dhibaatadani saamaysay , waxana xusid mudan in guddigu aqoonsi ka haysto maamul goboleedka puntland , sidoo kale dadaalada laga wado boosaaso waxay dhammaanba ku uruurayaan gacanta guddigaas iyada oo deeqaha la gaadhsiin doono dhammaanba deegaamada dhibaatadani saamaysay. ciddii walba oo ka qayb qaadanaysa wax u qabadka dadweynahaas ku caydhoobay musiibadanna waxay si toos ah ula xidhiidhi karaan guddiga ama goddoomiyihiisa sh.c/qaadir nuur faarax oo si weyn looga yaqaanno deegaanada puntland iyo soomaaliyaba guud ahaan.

Waxaa qoraalkan isku soo dubaridey Abuu Xassan oo hadda Jooga Boosaaso

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada.
dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2004

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
 


kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD