Gogol Fariisigii ugu Horreeyey ee Dhex Maray
Beelahii la Hayb Sooci Jirey iyo Leelkase.
- C/Raxman Shiikh "Abu Turaabi" oo Ka Run
Sheegay Ballan Qaadkiisii, iyo Gabdhihii oo Laga Guddoomey
SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA |
Jan 3, 2003

Abu Turaabi |
Kulan aad u qiimo badnaa oo caawa lagu
qabtay magaalada Minneapolis ee katirsan gobolka Minnesota ee dalka
Maraykanka ayaa C/Raxmaan "Abu Turaabi" uu si rasmi ah ugu bixiyey labadii
gabdhood ee uu
Bishii December 29keedii, 2003
ku ballan qaaday kulan diineedkii saddexaad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika.
Kulankaas hore waxa uu ka yiri "Magacayga waxaa la yiraahdaa CabdiRaxman
Shiikh, waxaan ahay Qabiilka Leelkase, waxaana go'aansaday oo aan ballan
qaadayaa in aan saddexdayda gabdhood laba kamid ah siiyo cidda lagu tuhmayo
nasab dhimanka, iyo in saddexdayda wiil labo kamid ahna aan u guurinayo
gabdho ciddaas ka dhashay, Ballan ayaana ku qaadayaa in haddii Allah carruur
kale i siiyo in aan wax ka siinayo ciddaas la yaso".
Taas waa ka run sheegay 'Abu Turaabi' kaddib
markii uu kulankii caawa ka caddeeyey in uu labadii gabdhood ee uu horay u
ballan qaaday uu bixiyey. Asagoo arintaas ka hadlayana waxa uu yiri "Waxaan
arintaas u sameeyey Allah hortiis iyo in Allah iigu gargaaro qabriga, iguna
xil furto maalinta aysan jirin wehel kale". Waxana uu 'Abu Turaabi'
kulankii xusuusiyey sida uu ugu niyad san yahay go'aankiisa, uuna ugu
faraxsan yahay caadadaas xun oo suuleysa, caadadaas oo aan boos ku lahayn
diinta Islaamka ayna tahay waajiba in la jebiyo.
"Si aan caadadaas u suulino waxaan ka
bilaabay gabdhahayga, waana iga go'an tahay arintaasi" ayuu hadalkiisii ku
daray.
Si geesinimo leh ayuu "Abu Turaabi"
gabdhihii u guddoonsiiyey raggii goob joogga ka ahaa beesha uu siiyey,
ayagiina si niyad ah ayey uga guddoomeen, sidaas ayaan goobtii loogu kala
kala qaatay sooryadii.
Kulanka oo ay kasoo qayb galeen qabaa'il
kala duwan oo Soomaaliyeed waxaa goob joog ka ahaa
Xaaji Muuse Cabdi Mire oo ah Ugaas Soomaaliyeed
oo caan ah, oo sharaf iyo maamuus ku leh Soomaalida dhexdeeda.
Xaaji Muuse oo kulanka ka hadlay waxa uu
yiri "ma fileyn inta aan noolahay in aan arki doono kulan sidaan oo kale la
isugu soo hor fariistay arrin xaq ah oo ah si xushmad leh in la isu siinayo
gabdho, gabdhahaas oo la siinayo dadka magacyada loogu yeero ama la takooro".
"Waxaan qirayaa in hadda gar nala siiyey" ayuu ku daray.
"Qowmiyadda aan nahay oo dhan ilaa intii aad
arintan kaga dhawaaqday shirkii, waa kuu ducayneyney" ayuu yiri Xaaji Muuse
oo si toos ah ula hadlayey C/Raxmaan "Abu Turaabi". Waxana uu intaas ku daray
'waxaan aad ugu faraxsanahay sida geesinimada leh ee aad shir lagu abaabuley
magaca Islaamka si bareer ah uga sheegtay in aad jebin doontid caado xun'.
Raggii gogosha fidiyey ee goobta joogey
waxaa kamid ahaa:
- Fu'aad Maxamed Diiriye
- Xuseen Ducaale Daahir
- Saleebaan Cumar Maxamed
- Xaashi Keynaan
- Cali Geeddi
- Siciid Cabdullaahi (Siciid Tumaal)
- Barkhad Cali Geeddi
Waa intii qalinkaygu qabtay'e markii ay
magacyadooda sheegeen, waxaase kulanka joogey rag kale rag oo aad u farabadan
oo ka mid ahaa kuwii gogosha fidiyey.
Waxaa kale oo kulanka kasoo qayb galay
Maxamuud Nuur Wardheere oo ah Soomaaligii ugu horeeyey ee mar isu soo taagey
doorashada duqa magaalada Minneapolis, asagoo dhowaan kasoo laabtay safar uu
ku kala bixiyey dhawr dal oo kamid ah Yurub. Wardheere oo kulanka caawa ka
hadlay waxa uu yiri "ugu horayn waxaan ku faraxsanahay in aan kasoo qayb galo
kulan noocaan oo kale ah, waxaana u sheegayaa walaalkay 'Abu Turaabi' in
uusan go'aankan keli ku ahayn ee uu haysto garab dhinac taagan".
Wardheere oo hadalkiisii sii wata waxa uu
yiri "'Abu Turaabi' jaahiliyada ayuu dagaal ku qaaday, garabna waa u haystaa
halgan kiisa".
Waxaa kale oo kulanka dadkii kasoo qayb
galay kamid ahaa Maxamed Axmed Keynaan oo ah ganacsade kamid ah ganacsadata
Soomaaliyeed ee aadka looga yaqaan labada magaalo ee mataanaha ah St.Paul/Minneapolis,
waxana uu kulankan ku tilmaamay furaha niyad wanaag dhex mara gebi ahaan
ummada Soomaaliyeed ee walaalaha ku ah diinta Islaamka ee wanaaga badan.
Waxa kale oo kulanka ka hadlay Cabiwahab A. Ugaas oo sheegay wanaaga meesha kamuuqda in uu yahay nimco Allah, waxana uu yiri
waa la ogyahay in wiilasha qabaa'ilkii la takoori jirey aysan gabdho waayin,
laakiin arintu waxay tahay in la dumiyo oo weliba la suuliyo caado xun oo aan
diinta meel ku lahayn. Waxana uu intaas kudaray: 'Abu Turaabi' waxa uu soo
nooleeyey sunne wanaagsan oo laga tegey, waxana uu ajarkeeda ka heli doonaa
qof kasta oo sunnadaas wanaagsan raaca."
Kulanka oo jawigiisu aad u wanaagsanaa,
waxaana dadka wajiyadooda ka muuqatey farxad iyo niyad sami, rag kale oo fara
badan ayaa ka hadlay oo dhammaan tood qiray wanaaga meesha ka dhacay,
cabitaan iyo macmacaan fududna waa lagu nastay.
Halkaas ayaa caawa waxaa ku burburtay caado
muddo dheer soo taxnayd taas oo ahayd in qayb kamid ah Soomaalida la takoori
jirey ayadoo aan loo eegeyn diin ee loo eegayey sababo aan ilaa hadda
Soomaalidu qeexi karin. Waa caado haddii gabar iyo wiil muslimiin ah ay is
doonaan aan lasoo hor fariisan jirin qabaa'ilkaas la takoori jirey caawa ka
hor, caawana waxay ahayd waa cusub oo u dhashay Soomaalida.
Nin dhallinyaro ah oo aan wax ka weydiiyey
isida uu u arko in caadadaasi ay soo af-jarantay waxa uu yiri: "Soomaalida oo
run ka sheegta diinta Islaamka, markaas caadadaas xun waa baabi' doontaa".
Duco iyo niyad wanaag, iyo guddoon ayuuna
kulankii ku soo gabagaboobey.
Qore: Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Jan
3, 2004 |
BAYAAN: Kasoo Baxay
Beelaha La Hayb Sooco
oo ku socda Boqorada, Suldaanada, Ugaasyada,
Garaadyada,.
Guji
Shirkii Minneapolis
iyo Wacdarihii ka Dhacay!
Ugaas Xaaji Muuse Cabdi Mire ayaa
sheegay in...
Guji 31/12
Kulankii 3aad ee
Culimada Woqooyiga America:
Fariimo Bulshadeed oo Dahsoon:
Warbixintii
Ceynte 30/12
Baaq Kasoo Baxay
Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika
Gabagabadii mu'tamarkii 3aad ee Soomaalida W/A
ayaa waxaa imaamayada Masaajida waqooyiga Ameerika ka soo saareen go'aan ka
kooban 9 qodob kaas oo...
Guji
[Dec 29]
Kulan diineedkii
3aad ee Soomaalida W/A oo Guul ku Soo Gabagaboobey
Waxana uu kulankaasi ku dhammaaday...
Guji
[Dec 29]
MA DEGAN TAHAY MINNEAPOLIS
IYO ST.PAUL: HAMOOGAAN
MAKTABADA RISAALA, CEDAR, GUJI.....
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|