WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
May 8, 2004
Sirtii Qarsoonayd ee Quixtar oo La
Fashiliyay
- TV-ga NBC oo Dabagal Dheer Ku sameeyey
Shirkada Quixtar
Kumayaal qof oo si xaqiiqo ah u rumaysan
Quixtar ayaa isugu soo ururay goobo ka tirsan daafaha dalka Maraykanka,
dhammaan dadkaasi waxay rumaysan yihiin in ay heleen wadadii saxda ahayd ee
guusha ay ku gaari lahaayeen riyadii ugu weynayd ee taajirnimada. Ballan
qaadka loo fidiyey waa fursad dahabi ah oo gaarsiineysa riyadooda -- guryo
qurux badan, gawaari casri ah, doonyo iyo diyaarado khaas ah. Haddaba waa
kuwee dadkaasi, waase maxay waxa ay sidaas ugu shaqaynayaan?
Dadkaasi
waa kuwo wax usii iibinaya shirkadda lagu magcaabo Quixtar, shirkadaas oo
sheegtay waxyaabaha ay iibisey ilaa sannadkii 1999 in qiimohoodu uu gaarayo
$3 billion, dadka shirkadaas leh waxa ay sheegeen in qaab dhismeedka
shirkadaasi ay ka dhigtay taajiriin. Laakiin ujeeda ugu weyn ee shirkadaasi
waa in ay dadka alaabta u iibinaya u sheegto in ay sidaas oo kale ayaguna
sameeyaan si ay u lacagaystaan. Sidaas waxaa ku bilaabmay barnaamij dheer oo
laga soo daayey Telefishanka Maraykanka ee NBC, barnaamijkaas oo
baaritaan iyo
dabagal qoto dheer ku sameeyeey Quixtar oo ah shirkad dadka u ballan
qaada in ay si fudud ku taajirayaan.
Quixtar waxa ay dadka u sheegtaa in ay
iibiyaan waxyaabaha ay shirkadu soo saarto (sida: saabuunta, waxyaabaha
biyaha lagu safeeyo, waxyaabaha la isku qurxiyo, Fiitamiinada iwm), taas oo
qofka alaabtaas sii iibinaya loo sheegayo in uu ka helayo faa'iido boqolkiiba
waxa uu iibiyo. Waxa kale oo dadka ay Quixtar u sheegtaa in qofku ka
faa'iidayo haddii uu dad kale soo xera geliyo oo ku qanciyo in ay shirkada
kusoo biiraan oo ay alaabta shirkada u sii iibiyaan, taas oo qofkaasi dadka
uu keenay uu lacag kasii helayo. Halkaas marka uu marayey ayaa Telefeshinka
NBC waxa uu is weydiiyey su'aasha ah: arintaasi ma kuula muuqataqaa mid
xaqiiqo ah? waxana uu TV-gu raaciyey: waa u malaynay sidaas, xaqiiqadiise
waxa uu noola muuqday shirkad hore oo dhawr sano ka hor wararka lagu soo
qaatay, taas oo lagu magcaabi jirey
Amway, shirkadaas
hore oo dawlada Maraykanku ay ganaaxdey kun aamartay in ay joojiso ballan
qaadka aan caqliga gelikarayn ee ay u samayneysey dadka alaabta u sii gadi
jirey.
Haddaba
inta aynaan xusin waxyaabihii uu daah furay ama soo ogaadey TV-ga NBC, aan
akhristayaasha xusuusino qaabka ay u shaqayso shirkada Quixtar: Ugu horayn si
aad uga mid noqotid Quixtar waxa aad bixineysaa lacag hor marin ah, marka aad
ka mid noqotid waxaa markiiba lagugu soo dhoweynayaa shirkada ayadoo laguu
sheegayo in aad iibsatid cajalado ay ku duuban yihiin siyaabaha aad markiiba
u faa'iidi lahayd, waxaana markiiba soo dhoweynta hore kaaga baxaya ugu
yaraan $200. Taas marka aad bixisidna waxa aad ku dhacday dabinkii u
horreeyey, waayo waxaa markiiba lagu tilmaamayaa in aad sannad gudihiis ku
taajiri doontid haddii aad soo xera gelisid dad kale, isla mar ahaantaasna
aad iibisid waxyaabaha ay soo saarto shirkadu. Waxaana markiiba si qeyru
caadi ah laguugu ballan qaadayaa taajirnimo kuula muuqaneysa riyo. Waxaa
lagugu casumayaa in aad timaadid goobo ay ku shiraan dhammaan dadka shirkada
kujira ee deggan aagga ama gobolka aad deggan tahay, waxaana dhici karta in
meesha kulankaas lagu qabanayo ay aad kaaga fogtayay oo ay tahay in aad
baaruur u qaadatid ama diyaarad u raacdid, kaddibna aad degtid hoteel hoos
yimaada shirkadaas ama ay gacan saar leeyihiin: u fiirso halkaas:- waxaa
dhici karta in lagugu qanciyo in aad raacdid bas ay dhirkadu leedahay,
kaddibna aad seexatid hoteel shirkada u kiraysan, marka aad halkaas tagtidna
in marka shucuurta dadka aad aratid in lagugu hago sidii aad u iibsan lahayd
cajalado kale oo laguugu sheego in aad ka heli doontid furihii guusha:
Dhammaan arimahaas adiga ayaa kharashka iska bixinaya - baska, hoteelka,
cuntada iyo cajaladaha iyo buugaagta.
1
10
100
1,000
10,000
100,000
1,000,000
10,000,000
100,000,000
1,000,000,000
10,000,000,000 |
Waxaa taas ka daran in lagugu qanciyo haddii
aad toban qof keentid in aad muddo gaaban ku taajiri doontid, oo aad gaari
doontid waxa loogu yeero heerka qalinka (bronze), kaddibna haddii dadkaasi ay
keenaan kuwo kale ay dhici karto in aad u qalin jebisid derejada dahabka
(gold), oo aad sidaas ku taajireysid. Ufiirso: waxaa lagugu qancinayaa in
nidaamkani uu u shaqeeyo qaab xisaab ahaan u dhigma Saddex-xagalka
Ahraamta sida ka muuqata sawirka dhanka midig ee boggan; Marka aad
keentid toban qof, oo qof kasta oo tobankaas ka mid ah uu keeno toban kale,
muddo gaaban ayaad ku gaari kartaa kumayaal qof oo kuu shaqaynaya; sidaas
ayaa lagaa dhaadhicinayaa, taas oo weliba laguu sheegi doono in ay taasi
tahay furaha guusha ee taajirnimada habeenka gudihiisa lagu gaari karo ee u
eg riyada. Xaqiiqaduse waxay tahay in aad u shaqayneysid shirkadaas oo
alaabta la iibsanayaa ay leedahay shirkadu, haddiiba la helo tiro intaas
le'eg oo dad ah ay lacagtaasi ku dhici doonto jeebka shirkada, adiguna aad
waqtigaagii ku lumisay in aad dad ku baridid in ay ka mid noqdaan shirkadaas,
adigoo lacagta kaa baxday ka sokow ay kaag abaxdo maskax badan in aad daba
orodid dad si ay uga mid noqdaan shirkadda.
Waxaa aad u cajaa'ib badnaa markii TV-gu
waraystay dhakhtarad haysata shahaado sare, isla mar ahaantaana
dhakhtarnimadeeda ku qaadata lacag heer wanaagsan, laakiin sheegtay in ay
meelaha makhaayadaha tagto maalmaha sabtida si ay dadka ugu qanciso in ay ku
biiraan Quixtar ama ay gadeyso alaabta Quixtar. Gabadhaas dhakhtarada ah
ayada ayaa isla yaabtay sida loo hodey.
Su'aashu waxay tahay: Soomaalidu deggan
Maraykanka iyo canada dabinkaas ma ku dheceen? Soomaali shirkaasi xero
gashatay ma la heli karaa? meeqa ayey arintaasi Soomaalida saamayn ku
leedahay?. Jawaabta arintaan waxaan ku soo qaadan doonaa qormade dambe Balse
hadda aan dib ugu laabano xaqiiqada uu daah furay barnaamijkiisa caanka ah ee
Dateline kaas
oo xalay (May 8, 2004) laga soo daayey TV-ga NBC.
Waxyaabihii uu NBC shaaca ka qaaday waxaa
kamid ahaa in:
- Waxa ay Quixtar lacagta ka sameeyaan
cajaladaha iyo qalabka kale ee la mid ah ee dadka loogu sheego in ay ka
heli doonaan furaha guusha taajirnimada. Waxana TV-gu ogaadey in lacagta
qalabkaas ka soo baxda aysan gaarin dadka caadi ah ee kusoo biira shirkada,
waxa lacagtaasi u khaas tahay in gaar ah oo shirkada leh.
- Waraysiyaal kala duwan oo TV-gu qaaday
waxa uu ku ogaadey ama dadkii waraysiga bixiyey ay sheegeen in Quixtar
qaabka ay u shaqayso uu yahay hab khiyaamo bareer ah oo dadka la sirayo,
loona ballan qaadayo wax aan caqliga gelayn. Ganacsiga rasmiga ah ma ahan
kan dadka loo sheegayo. Qof uu TV-gu arrintaas si gaar ah wax uga weydiiyey
waxa uu yiri lacagta uu qof caadi ah oo xubin ka ah Quixtar uu samaynkaraa
waa $1,400 sannadkii oo dhan (waa haddiiba ay dhacdo'e), taasna waxaa
cadayn u ah qoraal ku qoran far yaryar oo xagga hoose lagaga qoray foomka
ka mid noqoshada Quixtar, lacagtaas oo aad uga yar $248,600 ee naloo ballan
qaaday ayaa qofkaasi yiri.
- Waxa TV-gu soo ogaadey in sannadihii
sagaashanadkii (90-naadkii) daroogo lagu qabtay nin ka mid ah kuwa ugu
sareeya Quixtar, lana xiray oo xilligaas dacwad lagu soo oogey, dacwadaas
oo ilaa hadda ka oogan Gobolka North Carolina.
- Waxa kale oo NBC daah fureen in hadda uu
baaritaan ku socdo Quixtar, baaritaankaas oo ay wadaan FBI iyo qaybta
dembibaarista u qaabilsan IRS.
- Dad ka mid ahaa kuwa ugu sareeya ee wax u
sii iibin jirey Quixtar ayaa dacwad ku oogey shirkadaas dacwadaas oo ay ka
fureen maxkamada dawlada dhexe ee Maraykanka.
- Quixtar waa shirkadii Amway oo magacaas u
xuub-siibatey, waxaana Quixtar maamula badanaa dadkii maamuli jirey Amway
oo sida kor ku xusan horay looga manuucay in ay dadka u ballan qaado balamo
aan waxba ka soo bixi doonin.
KHIYAAMADII NAYJEERIYA OO LA OGAADEY
The
Nigerian Scam Defined
Sharaxaad dheer ayaa laga bixiyey khiyamadii 419 ee Nayjeeraya, waa hab
qofka loo soo xeragelinayo ayadoo si khiyaamo ah looga qaadayo lacag
hormaris ah, taas oo ahayd khiyaamo aad u weyn oo soo foodsaartay
caalamka...
Taasi
waa digniin in siweyn looga taxadaro qoraalo ku andacoonaya in ay hayaan
maaliyad weyn, kuwaas oo ka imanaya dalka Nayjeeriya, waxaana ay qofka
kusoo xeragelinayaan in ay u sheegeen lacag madaxiisa ka wareerisa. Si
aad wax badan arintaas uga ogaatid
GUJI.
[English] |
Barnaamijka TV-ga NBC waxa lagu soo khatimay
erayo ay yiraahdeen dad uu TV-gu waraystay, erayaas oo ahaa: Dadka badankiis
si rasi ah ayey u aamineen Quixtar. Boqolaal iyo kumaynyaal qof ayaa sannad
walba lagu soo dumaa Quixtar, kuwaas oo loo ballan qaadayo in ay ku noolaan
doonaan nolol heer sare ah. Haddii aan arintaas wax laga bedelin, taasi waa
ballan qaad jaban taas oo qalbi jab ku ah dad badan.
Wax laga faa'iido Quixtar iska daaye, waxa
uu NBC tusaale ahaan u soo qaatay qoys kharash gareeyey lacag dhan $35,000
lacagtaas oo ay ku bixiyeen cajaladaha QUixtar iyo safarada ay u galaan
goobaha ay ka dhacayaan kulamada Quixtar. Waxaana soo shaacbaxay in lagu
baraarugayo sirtii qarsoonayd ee Quixtar iyo ballan qaadyadeeda aan waxba ka
soo baxayn.
Quixtar saamayn intee le'eg ayey ku yeelatay
Soomaalida daggan Maraykanka iyo Kanada, jawaabta kala soco qormada dembe
insha Allah....
Halkan ka akhri
Dateline: MSNBC
Tarjumadii SomaliTalk.com | May 8, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|