Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com
Mobile:
00-92-300-2600907
Ilaahay ayaa mahadleh, Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaate
Nebigeena Suuban Maxamed (C.S.W).
Waxaan jecelahay inaan Jawaab kooban ka bixiyo qoraal uu ka soo saaray
Jaamac Khaliif oo yidhaahda waxaan ahay Musharax Shirka ka socda Magaalada
Nairobi, qoraalkaasi oo uu ugu baaqayey xabbad joojin dhinacyada iskaga soo
horjeeda Magaalada Laas Canood ee Gobolka Sool.
Horta ma xuma in loogu baaqo ummad la dhex dhigay dhibaato iyo xumaan iyo
necayb inay dantooda gartaan oo xabbadda joojiyaan oo iloohoda usoo noqdaan
oo danbi dhaaf weydiistaan, waana taasi ta dawladda iyo Shacabka Somaliland u
heelanayeen markii Madaxweynaha Somaliland tegay Magaalada Laas Canood
Sannadkii 2003, hadaba waxaa isku kay qaban waayey dhawr arrimood oo aan kula
yaabay Jaamac Khaliif iyo Baaqiisan soo habsaamay.
Waxaynu ogayn in arrinta Laas Canood uu muran badani ka taagna tan iyo
badhtamahii sannadkii 2003, markaasi oo qarka la isku saarmay in Dagaal weyni
dhex maro ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kuwa Cabdilaahi Yuusuf Axmed,
markaasi oo Cabdilaahi Yuusuf si badheedh ah oo aan gama' lahayn ugu soo
xad-gudbay xuduudka caalamiga ah (the International Border) ee Somaliland,
Jaamac Khaliif iyo rag badan oo reer Mennipolis ah oo daba carara juuq iyo
jabaq kama ay odhanin gardaradaasi markaa dhacday, balse waxa isku kay qaban
waayey waxa weeyan sababta uu Jaamac Khaliif Baaq uga soo saari waayey
Gardaradii Cabdilaahi Yuusuf Yey, ee hadda sababtay baaqiisani.
Mise Jaamac Khaliif maba oga in dhibaatada iyo cabudhinta ka socota
Magaalada uu ku dhashay uu sabab u yahay Cabdilaahi Yuusuf Axmed.
Walaal ma necbi inaad wax noqoto, kama xumi inaad mansab siyaasadeed soo
korto, inkasta oo aanan arkaynba inaad hadda mansabkeed socoto, hadana waxaan
jecelahahay bal inaad dib wax u eegto oo aad daraasadayso sida ay wax u
socdaan.
Guntii iyo Gebo-gebadii ayaan Saaxiibkay Jaamacow ku odhan lahaa Laas
Canood xaalkeedu hadda ma bilaabmin, ee arrinkaa sidiisa ha loo gorfeeyo ama
halkeeda ha lagaga hadho, aan ku soo gunaanado qoraalkaygan gaaban:-
Dacwadayda Ciinow
Dire dire umaan tirin
Deel-qaaf ka xeel dheer
Uma jeeddo daw dhaaf
Daandaansi kama wado
Ka da'weyni ruuxaas
Derejiyo xil-qaadkeed
Nin u dudaya maan ihi
Damac wayga xaaraan
Dilla gabay ku faankiyo
Doqonniino hadalkiyo
I dayaay wax kum falo
Maba lihi dareenkaas
Waxa qalinka igu diray
Dadku way tirsanayaa
Deyna waa ka maqan yahay
Dana jirena waan ahay
Danyartiyo saboolkiyo
Anigiyo doc-wadhantuna
Isku digato miihine
Daawaannu leenahay
Diilalyada cuslaysiyo
Daalaa-dhacoodaanAniguna
damqanayaa
Xaq haddaan ku daakiro
Ma deyrkii Maakaan gubey?
Danbarkiyo karuurkiyo
Caanaha durduurta ah
Dadku haw sinnaadeen
Haddii laygu dilo taas
Taariikhdu duugeed
Dirirrada sidkod go'ay
Door-roone haw hadho
Dibna mooyi saw noqon