SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May11, 2004

WARARAKA BOOSAASO:

  • Kalfadhigii Golaha Wasiirada DGPL ee shalay oo looga hadlay Baasaboorada Kenya.

  • Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DGPL iyo Wakiilka Warshada Kaluunka Laasqoray ee Xafiiska Boosaaso oo Beeninaya Warar ay qoreen Bogaga Internetka qaar.

  • Wareegto kahor imanaysa tii ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha DGPL oo uu kaga joojinayay Shaqada Gudoomiyaha G-bari ayaa waxa ay ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka DGPL.

Cabdifataax Jaamac Mire
Somalitalkpl@yahoo.com

Kalfadhigii Golaha Wasiirada DGPL ee shalay oo looga hadlay Baasaboorada Kenya.

(May 11 2004 Somalitalk Puntland Boosaaso)

 

Waxaa maanta lagu qabtay Magaalada Garoowe oo ah Caasumada DGPL shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirada DGPL oo uu Gudoominayay Madaxweyne kuxigeenka DGPL Maxamed Cabdi Xaashi, Shirkaa ayaa waxaa hareeyey ka hadalka Baasaboorada Kenya. Waxaa kalfadhigaa la keenay Warqad codsiya oo ay soo Qoreen Hay,adaha Samafalaka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi oo sida la sheegay ay warqadaa ku codsadeen in Maamulka Puntland uu ka noqdo mamnuucida Baasaborka Kenya oo uu hay,daha dhib weyn ka soo gaaray, Shaqaalaha u shaqeeya hey,dahaas ayaa u badnaa Kenyan oo markii laga mamnuucay Baasaborka Kenya ay ka tageen shaqooyinkii ay ka hayeen Degaanada Puntland, Mamnuucida Baasaborada Kenya ayaa Maamulka Puntland ay kaga jawaabayeen Mamnuucida Baasaborada Soomaaliga ay mamnuucday dawlada Kenya Horaantii Bishii Hore April 2004 mamnuucidaa Baasaborada Kenya  ee Degaanada Puntland ayaa aad ay u soo Dhaweeyeen Gobolo ka mida Konfurta Soomaaliya iyagana Qaatay Qaraarkaa oo kale oo ay ku mamnuucayaan Baasaborada Kenya.

 

Kalfadhigaa Golaha Wasiirada DGPL ee Maanta ayaa ay kaga Jawaabeen in aan la Qaadeyn Mamnuucida Baasaborad Kenya ilaa ay Dawlada Kenya Qaado Mamnuucida Baasaboorada Soomaaliya.

 

Waxaa iyadana aad looga hadlaayay Suuqyada Magaalada Boosaasoo Warar ka soo baxay Dalalkaa Emaaraadka Carabta Dubai oo Joojiyay Visa-ha ay ku bixin jireen Baasaboorada Soomaaliya kasoo ay tilmaameen Ganacsatada iyo Bulshada kunool Boosaaso in ay keeni karto dhabar jab xaga Ganacsiga iyo Dadka oo u tagi jiray Arimo Caafimaad  Dalkaa Emaaraatka, Wararkaas ayaa ku keenay jahwareer Ganacsatada iyo Bulshada kaleba ayagoo u aaneynayey in arintaan ay ka dambeeyso dowlado shisheeshe oo Baasaborada Soomaaliya ku eedeeyay in loo isticmaali karo Falal Argigixiso kuwaas oo Dowladaha Ganacsiga laleh Soomaaliya Culees ku saaray in ay Xanibaan Baasaboorkaa Soomaaliga. Wararka Qaar ayaa sheegaya in ay Dowlada Emaaraatka ay Wado Qorshooyin loogu Sameynayo Travel Document Dadka Soomaaliadaa ee iyagu u Safraaya Dalka Emaaraatka Carabta oo ay ka helaan lacag aad u Badan Dowlada Emaaraatka waa sida aan ka helnay Ganacsato aad ugu xiran Dalka Emaaratka Carabta.

 

Dawladda Imaaraadka oo Diidday in ay viso ku Dhufato Baasaboorka Soomaaliga
 

Puntland oo Mamnuucday Baasaboorka Kenya
 

Kenya oo mamnuucday in dalkeeda lagu soo galo baasaboorka Soomaaliga

 

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DGPL iyo Wakiilka Warshada Kaluunka Laasqoray ee Xafiiska Boosaaso oo Beeninaya Warar ay qoreen Bogaga Internetka qaar.

 


Muqaalaka Magaalada laasqoray Qaarkeed

Warshada Kaluunka Laasqoray ee Cusub


Gasacyadii oo ku socda Howlihii Warshada

Warshada Kaluunka Laasqorey ee Cusub oo kaluunkii shaqaalaha ay Goy goynauaan

Shaqaalihii oo Jarjaraya Kaluunkii

Shaqaalihii oo jarjaraya Kaluunkii Warshada Dhexdeeda


Warshadii Hore ee Laasqoray Gudaheeda ee qeybtii Degaanka

Dekadii warshada hore ee Laasqoray


Muqaalka warshadii hore ee Laasqoray

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha DGPL Farax Dooxajoog

Wakiilka Warshada Laasqoray ee Xafiiska Bosaso Cabdixakiin Xaaji

(May 11 2004 Somalitalk Puntland Boosaaso)

 

Waxaa isa soo taraya Beenintii Wararkii ay Qoreen Bogaga internet-ka Qaar oo tilmaamayay in Maamulka Punland uu Albaabada u Xiray Warshada Kaluunka Laasqoray. Waxaa intii uusan u kicitimin Wasiirka Ganacsiga Faarax Dooxajoog Magaalada Caasumada DGPL Garoowe uu ka Raali galiyay Hantiilayaasha Warshada Kaluunka Laasqoray Wararkii Beenta ahaa ee ay Qoreen Bogaga Internet-ka ee ku qoran Afka Soomaaliga Qaar oo ahaa in ay Dowladu Albaabada u Xirtay Warshada Kaluunka Laasqoray Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku Jawaabay in ay jiraan Dad jecel in ay xumaan ka sheegaan Horumarka Puntland lakiin Xukuumada aan ka tirsanahay ee Puntland ay soo Dhaweynayso Warshadaha ayna u samaysay Canshuur ka dhimid Dowladu Madaxweynahana uu Saxiixay, Sidoo kale ayuu yiri Wasiirku siyaasadeena Maamul ahaan maaha in aan Ganacsiga Xanibno ee Ganacsiga ka jira Puntland waa mid furfuran.

 

Wasiirka oo ka jawaabaya ayaa ku eedeeyay Warbaahinta ka jirta koonfurta Soomaaliya Muqdisho ay jecelyihiin in ay Burburto Puntland halkaana ay uga tabiyaan Wararka Jahwareerkaa Shaqsiyaad Dhaqaale doona lakiin waxaan u sheegayaaa in aysan Warbaahintu ahayn nid wax Burburisa ayuu ku soo Gabagabeeyay Wasiirku.

 

Wakiilka Warshada Kaluunka Laasqoray u fadhiya Boosaaso C/xakiin Xaaji Maxamed oo isagu ku howlanaa in uu helo meeshii ay ka soo baxeen Warkaa ayaa inta badan la xiriirayay warbaahinta Madaxa banana isagoo ku eedeeyey cidii arintaa ka shaqeysay ay doonayaan wali hadii ay helaana ay Maamulka kaga Dacwoon doonaan. Wakiilka oo aan wax ka weydiinay inay jiraan Qilaaf ama Tartan ka dhexeeya Warshado kale ayaa ku tilmaamay in uusan ogeen Gudaha Soomaaliya lakiin ay jiraan Warshado dibadaa.

 

Wakiilka ahna Madaxa Iibka Warshada Xafiiska Boosaaso C/xakiin ayaa waxaan wax ka waydiinay in ay jiraan dhib kaga yimi xaga Maamulka Puntland wakiilka ayaa ku Jawaabay anaga iyo Maamulka Xiriir wanaagsan ayaa naga dhexeeya oo aad ayay noogu soo Dhaweeyeen Ganacsigeena Warshada Kaluunka oo Meelwalba Gaaray kaluunka Gasacadeeysan Aduunka oo ay ku soo arkeen nooguna tahniyadeeyeena Madaxda Maamulka waxaan oran karnaa waa Wadaniyiin sida ay noola shaqeeyeen, wakiilka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri waxaan jecelahay warbaahintii arintaa Faafisay in ay Raali gareen ka bixiyaan oo Beeniyaan.

 

Boosaaso oo Laga Furay Wershedo Yaryar oo soo Saaraya Saabuunta, Shaambada iyo Buskudka

 

Wareegto kahor imanaysa tii ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha DGPL oo uu kaga joojinayay Shaqada Gudoomiyaha G-bari ayaa waxa ay ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka DGPL.

(May 11 2004 Somalitalk Puntland Boosaaso)

 

Waxaa Maanta ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka DGPL Wareegto lagu amrayo in uu Gudoomiyaha G-Bari Ibraahin Cartan Ismaaciil uu Sii wato howshiisa iyadoo hore ay u jirtay wareegto ka soo baxdey Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha DGPL tasoo Shaqada looga joojiyay Gudoomihaya.

 


Gudoomiyaha G-Bari Xaaji bakiin

Gudoomiyaha ayaa ka biyo diiday wareegtadaa isago ku tilmaamay wareegtadaa ka soo baxday Xafiiska Wasiirka in ay keentay qilaaf ka dhexeeya isaga iyo Wasiirka kasoo ku salaysan Dhaqaale.

 

Wasiirka ayaa wax wara ka soo bixin kadib intii uu soo saaray Wareegtada Madaxweyne kuxigeenka taas ayaa u muuqata in uu Wasiirka Wareegtadiisa uusan kala tashan Madaxweyne Kuxigeenka

 

Qore: Cabdifataax Jaamac Mire
Somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2004

Cuna qabateenta Xoolaha Soomaaliaya ee loo iib geyn jiray Sacuudiga oo laga Qaaday
.Wareegto ka soo baxdey Xafiiska w/A/ Gudaha DGPL
.Dood: Xeerhoosaad ladoonayo in loo sameeyo Badaha
.Xarun Cafimaad  oo laga Furay Bosaso
.Maalinta Bisha Cas oo lagu qabtay Boosaaso
Ka akhri wararka Boosaaso ee Maanta
May 10

Ciidanka CID Boosaaso oo Qabtay Qalab lagu Sameeyo Khamriga: Waxaana lagu qabtay nin u dhashay dalka Eritrea... Guji... 15/4/04

Boosaaso oo Lagu Gubey Xashiishad  iyo Khamri:
Xashiishad gaaraysa 40 Kg iyo Khamri dhan 20 Kartoon ayaa lagu hor gubey Maxkamda Boosaaso, kaddib markii maxkamada lasoo taagey gabar lagu qabtay daroogada...
Guji 8/3/04

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD