Cuna qabateenta Xoolaha
Soomaaliaya ee loo iib geyn jiray Dalka Sacuudiga oo laga Qaaday.
Wasiirka
Ganacsiga iyo
warshadaha DGPL Faarax Maxamuud Yuusuf (Dooxajoog) ayaa u
sheegay somalitalk in ay ka heleen Fax hay,ada Cuntada iyo
Beeraha ee loo yaqaan (FAO) Qoraalka Fax-kaa ayaa hay,adu ku
sheegtay in uu jiro Warar sheegaya in laga qaaday
Cunaqabateentii saarneed Xoolaha loo Iibgeeyo Dalkaa Boqortooyda
Sacuudigaa. Oo ka dhoofa Soomaliay, Wasiirka oo hadalkiisa sii
wata ayaa sheegay in ay ku dadaaleen in ay u xaqiijiyaan
Walaalaha Madaxda iyo Shacabka Sacuudiga in uu Cudurkaa jirin
Rift Villey Fever (RVF) aana keenay Dhaqaatiir kala duwan oo ah
Dhaqaatiir Xoolaha oo ka socda Hay,adaha Caalamigaa oo ay ka mid
tahay Hay,ada (FAO) oo ku dadaaleysay in ay u xaqiijiyaan
Dawlada Sacuudiga in uu Cudurkaa Jirin Dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa
sheegay in Soomaaliya tahay mid u suuq geeysa Xoolaha iyo Miraha
Beeraha ka soo go,a Dalka gudihiisa Dalka Dibadiisa kana hesha
lacagta adag lacagtaana ay ku soo iibsadaan Cuno, Dhar iyo wixii
kale ay u baahanyihiin lakiin markii la xanibay Xoolaha loo suuq
geeyo Dalka Sacuudiga oo ah Wadanka kaliya ee qaata xoolaha ugu
badan ee Dalka Soomaaliya laga Dareemay Guud ahaan Soomaliya
mudadii ay Saarneed Cuna Qabateenta.
Wasiirka oo ka
jawaabaya in ay hayaan in ay jirto in ay Ganacsatadu Bilaabi
karaan u iib geeynta xoolaha Suuqyada Sacuudiga ayaa ku jawaabay
in ay jiri doonto Sharciyo ay keeni doonaa Dowlada Boqortooyada
Sacuudiga iyo Hay,adaha Caalamigaa ee ku howlan arinta
Furitaanka Xoolaha Soomaaliayeed Wasiirka ayaa sheegay in ay
jiraan Wadamo badan Dariskaa ay isku dayeen in Dakadahooda laga
dhoofiyo Xoolaha Soomaaliya lakiin ay suuru gal ahaan wayday.
Wadamo badan
oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa laga joojiyay in ay u iib
geeyeen xoolaha Suuqyada Dalka Sacuudiga markii ay Dawlada
Sacuudigu ku tilmaantay Xoolahaa in ay Qabaan Cudurka Rift
Villey Fever (RVF) Cudurkaana uu ku dilay 125 Qof sadexsano
kahor Magaalooyin ka mida Dalka Sacuudiga.
Qoraalkaa ayaa
hay,ada (FAO) ka soo Xigatay Boga Wararka ee Internet-ka
arabnews.com waxaana la soo daabacay Bisha April
26 2004, Wararkaa ayaa sheegaya in Dawlada Sacuudiga ay ka
Qaaday cuna Qabateentii Xoolihii ay ku sheegtay in ay Qabaan
Cudurkaa (RVF) kadib markii ay ka heshay Hay,adaha Caalamiga in
uu Cudurkaa had jirin.
Qoraalka ayaa
waxaa ku saxiixnaa Wasiirka Beraha iyo Xoolaha ee Boqortooyada
Sacuudiga Dr Fahd Balghaneim ayadoo ay ku ayideen Wasiirka
Arimaha Gudaha Prince Naif, Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Arimaha
Reermiyiga, Wasiirka Caafimaadka.
Xaflad aad ay u soo Abaabuleen Ururka Horumarinta Waxbarashada
Puntland oo ka dhacday Boosaaso.
Waxaa Xaflad looga hadlaayey ka
hortaga Anshax xumada lagu qabtay Xafiiska NGO Hodman ee
magaalada Boosaasoo Xafladaa ayaa waxaa soo abaabulay Ururka
Horumarinta Waxbarashada Puntland Xafladaa waxaa ka soo qayb
galay oo Marti sharaf isugu Jirta Maamulka DGPL iyo Hay,adaha
Wadanigaa iyo kuwa Caalamigaa Xafladaa ayaa ugu Horeentii waxaa
ka Hadlay Gudoomiyaha Ururka Saciid Cali Faarax oo ka warbixiyay
Waxqabadka Ururka iyo sida ay uga Qayb qaataan la dagaalanka
Anshax xumada waxaa isagana ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka G-Bari
Yuusuf Muumin Bide oo ka hadlay wajibka ka saran maamul ahaan la
dagaalanka Anshax Xumada iyo ku gacan siinta cidii la
dagaalamaysa horana ay uga Qayb qaateen Gobol ahaan waxaa kaloo
ka hadlay Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Ciise oo ka hadlay Dhanka
Culimada Diinta Islaamka sida ay ugu haboontahay in Ruux walbaa
ay haboontahay in uu Diinta Islaamka Fahmo kuwa aan fahmina ay u
ducaynayaan Illaahay in uu soo Fahansiiyo Waxaa iyagana ka
hadlay Ururada Dhalinyarada ka jira Boosaasoo oo ay Qaarkood ku
Bahoobeen Dalada Wadajir Dhanka haweenka ayaa Waxaa u
hadlay Mahado oo ah Gudoomiyaha NGO-ga Hodman oo Tilmaantay in
ay hayaan Waxna Baraan Dumar aad u Badan ayna ku wacyi Galiyaan
sidii ay iyaga Naftooda uga dheeraan lahaayeen Anshax Xumida
Dhalinyarada kalena ay uga Digi lahaayeen.
Dood looga Hadlaayey
Xeerhoosaad ladoonayo in loo sameeyo Badaha Puntland oo lagu soo
gabagabeeyay Xarunta Wasaarada Kaluumaysiga, Qayraadka Bada iyo
Dekadaha DGPL.
Waxaa lagu
soo Gabagabeeyay
Xarunta Wasaarada Kaluumaysiga Qayraadka Bada iyo Dekadaha DGPL
Dood looga hadlaayay Xeer Hoosaad loo samaynayo Badaha Puntland
kasoo ay soo Qoreen Quburo ka tirsan Wasaarada iyo kuwo Ajnabiya
Doodaa oo socotay Mudo labo casho ah ayaa waxaa ka soo Qayb
galay Aqoonyahano u dhashey Gobolda Puntland oo Sharci yaqaana,
waxaa ka mid ahaa oo aad looga Dooday sidii ay u heli lahaayeen
Xuquuqdooda Kaluumaysatada Yaryar ee dhibku ka haysto
Maraakiibta Jariifkaa Xeerkaa ayaa waxaa doodihiisa ku jiray
sidii laga yeeli lahaa Maraakiibta jariifkaa iyo in la soo Qabto
sidii loo heli lahaa waxaa halka lagu soo Qaaday in loo iibiyo
Doomaha Dheereeya Ciidamada Bada oo hada Shaqadooda ay Qabato
Shirkad Madax banana oo ay heshiis la gashay Maamulka Puntland
waxna aan u soo kordhin Ilaalinta Badaha Puntland Sharci
yaqaanada halakaa ka soo Qayb galay ayaa ku taliyay in la Howl
galiyo Ciidamada Bada Puntland oo Shaqadoodii ay ka Dayacantahay
Xiritaankii Doodaa ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee
Kaluumaysiga iyo Qayraadka Bada DGPL Axmed Saciid Nuur oo
tilmaamay in ay tan tahay Fursad Qaaliya oo u soo hoyatay
Wasaarada ayna Xeerkaan hor geeyn doonaan Golaha Wakiilada si ay
ugu ansixiyaan agaasimaha ayaa u mahad celiyay ka soo Qayb
galayaashii Doodaas.
Ardey ka Gudbaysay fasalka sagaalaad ee Dugsiga Dhexe una
Gudbaysay Fasalka Kowaad Dugsiga sare oo Xaflad ku qabtay
Iskuulkoda.
Waxaa xaflad aad u balaaran oo
ay soo bandhigay arday ka gudbaysay Fasalka Sagaalaad ee Dugsiga
dhexe una Gudbaysa Fasalka koowaad ee Dugsiga Sare Ardaydaa oo
Dhigata Dugsiga Hoose Dhexe Sare Imaamu Nawawi ee magaalada
Boosaasoo Ardaydaa ayaa halakaa ku soo Bandhigay Hadalo iyo
Ruwaayad ay kaga hadlayeen Waxbarashada iyo Qiimaha ay leedahay
ayaga halkaa waxaa Cabasho ka soo jeediyay Gabdhaha Ardayda ah
oo Waalidiinta ku eedeeyay in ay Gabdhaha Waxbarashda u diidaan
oo ay kaga Shaqeeystaan Guriga oo aan Badnayn Gabdhaha
Waxbarashada Dhamaysta Ardaydaa ayaa ugu baaqay in ay helaan
Aqooonyahankooda Dibada ku maqan si ay uga Faa,iidaystaan
madaamada ay ku yartahay Macalimiinta Aqoonta u leh in ay wax ka
dhigaan Dugsiyada Sare iyo Jaamacadaha intooda badana ay dibada
u shaqo tageen waxa ay ku baaqeen in ay dib ugu soo Noqdaan
Dalkaaga iyo Dadkaaga ayaa kuu baahan ayay yiraahdeen ardaydaa
Xafladaa ayaa ardaydu waxa ay Gudoonsiiyeen Macalimiintoodii
Dugsiga Hoose Abaalmarin Ardaydaa ayaa Xafladaa kadib Qaaday
Heestii Calanka Soomaaliyeed.
Maalinta Bisha Cas iyo
Laanqeyrta Cas oo lagu qabtay Xarunta Bisha Cas Boosaaso.
Waxaa
Taariikhdu Markay
ahayd May 8 2004 looga dabaal dagay Magaalada Boosaasoo maalinta
Bisha cas iyo Laanqeeyrta Cas ee Aduunka Dabaal dagaas ayaa
Halku dhig looga Dhigay Ka digtoonoow Cudurka Dilaaga Qarniga ee
loo Yaqaan Aids Xaflada
Dabaal dagaa ayaa agu qabtay Xarunta Bisha cas ee Boosaasoo ugu
horeentii ayaa halakaa waxaa lagu soo Bandhigay Ruwaayad ay
matalayeen Dhalinyaro ka mida Ururka Bisha Cas Boosaasoo iyo
Kooxda Fanka Walaalaha Boosaasoo Ruwaayadaa ayaa ka hadleysay
Cudurka Aids
iyo sida looga Digtoonaado Jilaaga Ruwaayadaa ayaa ka dig
toonaanta Cudurkaa ku sheegay ku ekaanshaha Xaaskaaga iyo Ku
dhaqanka Diinta, Ruwaayadaa kadib ayaa halakaa waxaa ka hadlay
Isku duwaha Wasaarada Dowladaha Hoose DGPL Gantelman oo aad uga
hadlay Dhalinyarada iyo Dhibka ka haysta sidii ay isaga jiri
lahaayeen Cudurkaa Aids
waxaa isagana ka hadlay Wakiil ka socda Wasaarada Caafimaadka
DGPL oo isaguna ka hadlay Cudurkaa in uu san Daawo laheeyn
lakiin Ruux walbaa ay haboontahay in uu iska baaro si uu u
ogaado in uu Cudurkaa uu Qabo ayna haboontahay haduu Guursanaayo
ay is baaraan isaga iyo Lamaanihiisa si ay u Ogaadaan
Caafimaadkooda Sababtoo ah buu yiri waxa uu Cudurkaa maryaa meel
aad u Xun Faafidiisa Waxaa isaga ka hadlay Wakiilka WHO ee
Puntland Sheekh Cali oo isagana Tilmaamay Cudurkaa iyo Halista
uu ku hayo Aduunka Waxaa Ugu dambeentii ka hadlay kalkaa
Gudoomiyaha Ururka Bisha Cas Boosaasoo Bishaaro oo ka hadashay
Taariikhda Bisha Cas iy iyo sida ay uga qayb qaataan Daryeelida
Dadka Qaba Cudurka Aids
Waxaa ka loo ay ka hadashay tabobarada ay siiyaan Dhalinyarada
ku howlan iyo Cidkasta oo ku howlan Daryeelka Dadka Qaba Cudurka
Aids
Xarun Cafimaad Tabarucaada oo laga Furay Xaafadaha ay
Dagenyihiin Dad kasoo barakacay Koonfurta Soomaalaiaya iyo
Dalalka deriskaa.
Ururka Dalada Wadyo oo ah Urur
Dhalinyaro ayaa ka Furay Goob Caafimaad oo ay ku Daaweynayaan
Dadka ka soo Barakacay Dagaanada Koonfurta Soomaaliya iyo
Wadamada dariskaa Dagaaladii sokeeye owgood Dadkaa oo Degaan ka
Dhigtay Dhul iska banana ee Magaalooyinka Puntland ayna ka
dhistaan Guryo ka samaysan Jawaano iyo Baakado. Goobtaa
Caafimaadka ay fureen Urukaa ayaa waxa ay ku daawaynayaan Lacag
la.aan Dadkaa dhibaataysan Mar aan wax ka waydiiyay Daawada
meesha ay ka Helaan ayay ii sheegeen in ay ka soo Aruuriyaan
Farmashiyeyaasha ku yaal Magaalada Boosaasoo oo ay in badan ku
hayeen Wacyi galin si ay uga helaan ku gacan siin xaga Daawadaa
dhaqtarka ka daweynayay Goobtaa Caafimaad oo lagu magacaabo
Buruko iyo Cali Ismaaciil ayaa ii sheegay in ay ay Goobtaan
Caafimaad tahay Xaruntii ugu horaysay ee laga furo Xaafadaha ay
dagan yihiin Dadyawga soo barakacay taasna ay ku dhalisay markii
ay arkeen Baahida ka jirta Xaafadahaa in ay helaan Goob
caafimaad iyagoon awoodin Dadkaa in ay tagaan Goobha Caafimaad
oo ay Furteen Dhaqaatiirta iyo Isbitaalka Boosaaso oo laga
Doonayo Qarash aysan awoodin.
Dadkaa soo
barakacay ayaa isugu dhex jira kuwo doonaya in ay helaan Nolol
ay ku sugaan inta ay soomaaliya Nabad noqonaysa iyo kuwo ka
shakheesta Dhismayaasha iyo Shaqooyinka Hoose ee laga Qabto
Guryaha kuwa kalana waa ka Tahriibaan. Dadweynahaa oo aan wax ka
weydiiyay ayaa ii sheegay in ay aad ugu farax sanyihiin iyagoo
ii sheegay in ay Qaarkood u Geeriyoodaan Cuduro aad u Sahlan
Dawo la,aan awgeed
Wakiilka Warshada Laasqoray oo beeninaya Qoraalo ay Qoreen Qaar
ka mida Bogaga Internetka Afka Soomaaliga ku qoran.
Waxaaa uu Beeniyay Wakiilka
Warshada Laasqoray Cabdixakiin Xaaji Maxamed Warar Lagu Faafiyay
Boga Internetka oo sheegaya in Warshada Laasqoray La
Bililiqeystay Albaabahana loo xiray.
Wakiilka
Warshada Cabdixakiin oo la soo Xiriiray wakiilka somalitalk
Boosaasoo ayaa sheegay in ay warshadu Wado howlaheedii Caadigaa
wax dhibana aysan jirin oo sida ay sheegeen Bogagaa internet-ka
ku Qora afka Soomaaliga aysan waxba ka jirin arinta aan aadna
ula yabney hadii aan heli lahayn meelo looga dacwoodo waan ka
dacwoon laheeyn wax ku kalifayna ma naqaan ayuu yiri Cabdxakiin.
Mar aan wax ka
waydiinay in ay jiraan Wax bililiqo ah oo ka dhacday Warshadii
hore ee Laasqoray Biraheedii loona qaadayo Magaalada Muqdisho oo
ay waraka Sheegayaan ayuu ku jawaabey Furfurida iyo Gurista
Warshadaa waxa uu biloowday markii ay Dhacday Dowladii
Soomaaliya intaa ilaa hada waa la gurtaa lakiin malin dhweyd
ayaa la keenay Booliska Degmada oo la xanibay Bililiqadii ka
socotay ayuu ku soo gaba gabeeyay hadalkiisa.
Waxaa jirta
Xaalufin ay dadku ku hayaan Degaanka oo ay ka raadinayaan Lacag
tasoo oo ay ku hayaan Furfurashada Biraha Warshadihii hore ee
Dawladu gacanta ku haysay iyo Dhirta la goynayo waxaad arkaysaa
meelo Geeduhu ay aad uga bixi jireen oo hada aan hada ku ool hal
Geed taasna ay keentay Dowlad la,aanta.
Wareegto ka soo baxdey Xafiiska wasiirka Arimaha Gudaha DGPL oo
uu ka Biyo diiday Gudoomiyaha G-Bari.
Waxaa manta oo Taariikhdu tahay
May 09 2004 kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha DGPL
wareegto Xilka uu kaga Qaadayo Gudomiyaha G-Bari Ibrahin Cartan
Ismaacil (Xaji Bakin) wareegtadaa ayaa amraysay in uu
Gudoomiyaha Xilka ku wareejiyo Gudoomiye kuxigeenka Kowaad
Yuusuf Muumin Bide Xaaji bakiin oo ka biyo diiday Wareegtadaa
ayaa sheegay in uusan Xilka ka Qaadi Karin Wasiirka oo xilka uu
u dhiibay isaga iyo Wasiirkaba Cabdulahi Yuusuf oo ah
Madaxweynaha DGPL isagana uu ka Qaadi karo mar wax laga waydiiya
Xajibakiin in uu Wasiirka warqadiisa ay ku qorneen in uu
Ogaysiin siiyay Madaxweyne kuxigeenka haduu madaxweyne
kuxigeenkana uu kuamro in uu xiilka tiriyo ayuu ku jawaabay in
uu Cabdulaahi Yuusuf kaliya uu ka Qaadi karo Xilka Cidkalena
uusan u aqoonsanany. Xaajibakiin oo ka hadlayay Arimaha keenay
in uu Wasiirku Wareegtadaa soo saaro ayuu ku tilmaamay in ay
Jiraan qilaaf baryahaanba socday oo ka dhexeeya isaga iyo
Wasiirka kasoo ku saabsan Dhaqaale lakiin wasiirka uu lunsaday
lacagihii loogu talagalay Abaaraha taasna aan u gudbinay Golaha
Xukuumada ayuu yiri Xaajibakin.
Wasiir
kuxigeenka Wasaarada warfaafinta Cabdishakuur Mire Aaden oo ah
Nin ay isku cid yihiin Xaajibakiin ayaa ku tilmaamay Wareegtada
Wasiirka in ay tahay mid Fidno abuura oo uu doonayo in uu ku
huriyo Gobolada Bari sidii uu ugu abuuray Gobolada Sool dhibka
ka jira Hada oo Gen Cade uu ka wado Nabadeenta ayuu yiri Wasiir
ku xigeenka.
Mar wax laga
awydiiya Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa ku Gaabsaday inuu awood u
leeyahay in uu ka Qaado xilka uuna ka jawaabayo markii loo
baahdo Arimaha keeney mar wax laga Waydiiyay in ay jiraan
eedaymaha ka soo yeeray Xaaji Bakiin ayuu wasiirku ku jawaabay
in ay cid walba wixii qalad ay gashay la hor keeni doono
Sharciga.
Khilaafyadaan
ayaa ahayn kuwo ku cusub Gobolada Puntland ayadoo ay jiraan
Khilaafyo lagu tilmaami karo in ay ka dhasheen kuwa hada u
dhaxeeya Wasiirka iyo Gudoomiyaha oo ah Khilaaf ka dhexeeyay
Maamulaka Gobolka Bari iyo Degmada Boosaasoo.
c/fatax jaamac
Somalitalkpl@yahoo.com