Awowgay oo ka dhashay reer sabool ah, oo Halo toban ka yar iyo labo
tiro oo adhi ahina xoolo u yihiin, arradan oo diihaalsan, ayaa waxaa
habeen soo martiyey ninman dhankaas iyo xeeb ka yimid oo Qoryo(hub)
soo iib keenay. Awowgay wuxuu la dhacay waraysigii aabbihii iyo
nimankii martida ahaa iyo barwaaqada ay ka sheegayaan Xeeeb iyo
Magaalo iyo weliba sida loogu dhoofo Tawaahi(Cadan).ee Yaman oo durba
loo tanaado.
Awowgay wuxuu Aabbahii ka codsaday in uu nimankaa tolka ah xeeb iyo
magaalo u raaco, wuuna ka yeelay sidaas ayuuna magaalo ku galay
isagoo saddex neef oo adhi ah wata.
Wuxuu muddo ku dhex wareego tuulooyin xeebta teedsan sida Xiis,Maydh,
Teed,Hago,Laasqoray, Maakhir,Durduri,Cadcaddo, Ceelaayo, Qaw,Bosaso,
Mareero, Hantaara,Bacaad, Buurgaaban Buruc iwm. oo giddigood berigaas
ahaa marsooyin yar yar ee doonyuhu ku soo xidhaan inkastoo maanta
qaarkood baa'bay qana magaalooyin waaweyn noqadeen.
wuxuu Markii ugu dambaysay Doon ka raacay meel dadka degaankaasi u
bixiyeen dakattu raxmaan.(Marsadii eebbe) ee ku taal Xeebata Mareero.
Markii uu isagoo dhowr iyo toban jir ah ka degay Tawaahi(Cadan) ayaa askarigii
dekedda joogay oo dadka magacyada ka qorayey magaciisa carabi ku
weydiiyey markaas illeen carabi ma uu aqoon eh wuxuu u maleeyey in la
weydiiyey Doontu halka ay ka soo dhooftay markaas ayuu wuxuu yidhi "Mareero".
kuwii la socday ayaa ku qosalay, askarigii magacyada qorayeyna
Mareero ayuu u qoray. Maalintaas wixii ka dambeeyey """Mareero"""
ayaa Naanays u ahayd dadkuna ugu yeedhi jireen.
Maalintaas ayaa saboolnimo ugu dambeysey Qoyskii Awowgay iyo wixii
isaga ka sii tafiirmayba. Alxamdu lillaah. ""Mahadsanid Mareero""
Doonta la raacayaa oo dabashaa wadda, Matoor iyo Jiheeye toonna ma
laha, waxay kun jeer ka xuntahay kuwo ilaa maanta Mareero laga Raaco.
Hase yeeshee ruux kastaaba isagaa u badhedhaym dantiisana u socda.
ilaahna talo saartay,ruuxna lama khasbin. weligeedna sidaas ayaa loo
dhoofi jirey. naftan mar uun go'ina loo miidaamin jirey. haddii ay
sidaas ku tagtana oo Doont badda gashana la arki jirey, haddii Alle
badbaadiyona la arki jirey.
Haddaba maanta waxaa jirta in hawl laga dhigtay dad masaakiin ah oo
nolol raadis doonayana in ay u tacabiraan berri carab iyo meeshii
kaloo oo ay nolol ta ay ku haystaan dhulkooda raadinaya. dadkaasu ma
aha kuwo dalkooda ka carararaya ee waa shaqo tag. intooda badanina
waa dadka waddanka lagu dulmo waa kuwo Tigreeygu gumaadaan ee aanay
nolol u oggolayn haddii ay xaggaa iyo deriskooda u soo cararaanna la
yidhaahdo waa ONLF iyo waa argagixiso oo cadwogii ay ka soo
carareereen dib loogu gacan geliyo. waa kuwa Xamar iyo agagaarkeeda
looga yaqaanno beelaha aan hubaysnayn iyo
looma ooyaanka waa kuwa Indha cadde iyo Cabdi-qaasim
Beerahoodii iyo dhulkoodiiba kala wareegeen.
Dadkaas dhoof doonka ah ee Tahriibka (Baxsadka) loogu yeedhaa eed
malaha oo waa nolol raadis. dadak Doonyaha ka kireeyaana eed malaha
ee waa shaqadoodii oo waa wixii Doonta loo sameeyey in Badda lagaga
tallaabo Cidda raacdana lacag laga qaado. Mareerna eed malaha oo waa
marso ilaah u sameeyey in badda laga galo..
Adduunkoo dhan ayaa loo maraa nolol raadis, dadka maanta waddanku ku
tiirsan yahay ee dadka inta badan masruufaa safarro kuwaaska daran
bay soo mareer. kiinasdo gelid, baryo, been sheegid, baasoboor
googoyn.suulio isku xidhid.iwm
Dawlad goboleedka Puntalnd waxaa u eg in aanay dadkaas awalba
dhibaataysnaa sii dhibatayayn ee ay u fududeeyaan safarkooda. dadka
dhibaatadooda ka faa'iidaystana ka qabtaan.
bal malee adigoo waadan u socda haddii kii aad taraansiitka ku ahayd
dhexda kaa soo celyo lacagtii iyo Baasaboorkiina kaa qaado. sow Alle
u baryi maysid in uu waddaankaa belo cirka kaga soo rido.
haddaba haddaynu reer Puntland nahay yaan cuquubo innaka raacin
dadkaas dulman ee hawshooda ha loo fududeeyo.
Markaa yaan dheef iyo magac laga raadin miskiin dulman, haasaawe iyo
wax Idaacaduhu ka hadlaanna laga dhigan.
waa Rido gar leh riyuhuna gar leh.
Cawl Mareero