SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 9, 2004
Waa maxay Furqaanka Xaqa ah?
[Waa buug cusub oo ka faalloonayo qorshe lugu badalyo Quraanka Kariimka ah]

  • · Isbadal lugu sameeyo manaahijta dalalka Islaamka
  • · Demoqraadiyada oo lugu baahiyo
  • · Bush oo sheegay in dagaal Diimeed lugu soo qaaday isna uu qaadayo
  • · Telefeyshinada Carabeed ee macno la’aanta ah oo la kordhiyo waxeyna dhamaantood qeyb ka yihiin dagaalka tooska ah ee Islaamka lugu jirro.
  • Waxaa Tarjuntay,Ikraam Cali-kaar
    ikraam@journalist.com

    Ma ahan wax hada bilowday muranka xadaaradeed iyo mid diimeed ee weligeed u dhaxeysay aadanaha ku nool kownkan. Balse waxaanu ogsoonahay in badana la inoogaga soo sheekeyey sida ay ku bilowdeen dagaalkaasi diimeed ee u dhaxeeyey qowmiyadihii innaga horeeyey iyo halka ay ku dhamaadeen.

    Diinteena muqadaska ah ee Illaahey u soo dhiibay suubanaheenii Maxamed NNKH, waxey aheyd Diintii ugu dambeysay ee intii Rasul aheyd loo soo dhiibay, dadkana la faray iney qaataan kuna camal falaan waxkasta oo ay farayo. Sidaas daraadeed Diintani waxey ahaan doontaa mid siddii Alle ugu talagalay ku socota cadow kasta oo isku gadaamaana uu kasban doono ciqaabtiisa adduun iyo aakhiraba leh.

    Hadaba akhriste in dhawaale dadku waxey hadal hayeen in weeraradii ka dhacay dalka Mareykanka ee dhulka lala simay daarihii dhaa dheeraa iyo wasaaraddii Gaashaandhiga ee labaduba astaanta u ahaa cududa meletari iyo awooda dhaqaale ee dalkaasi iney bilow u tahey dagaalka tooska ah ee lugu soo qaaday Islaamka iyo dadkiisu. Haddiise dagaalkani yahay mid hada dadku ku soo baraarugay, waxey xeel dheerayaal iyo mufakariin badan oo Islaam ahi qabaan inuu waa horeba bilowday macno kalese loo yeelay dadkana lugu qaldayo.

    Hase ahaatee waxaa xog badan oo arrintan ku saabsan markale daaha kaaga roggi doona buug dhawaantan si qarsoodi ah lagu daabacay lagana helayo dalalka reer Galbeedka iyo Mareykanka, kaasoo si qoto dheer kaga faalloonaya dagaalka soo jireenka ah ee lugu hayo Islaamka.

    Buuggan waxaa loogu magac darray “Furqaanka Xaqa ah”, waxaa qoristiisa iska kaashaday xag jirayaal Marekan ah iyo Yahuud, kuwaasoo siyaallo kala duwan uga faalloonaya sida guud ahaan dunida Islaamka iyo Diintoodaba looga taqalusi karro, Quraankoodana lugu badali karro.

    Frontline: The Jesus Factor

    Daawo | Akhri

    Akhriste bal si degan u eeg cutubka koowaad ee buuggani iyo nuxurka uu xambaarsan yahay waxaa marka hore uu sawir guud ka baxshinayaa inta caddad ee ka kooban yahay Quraanka Kariimka ah, dabadeedna waxaa loo fekeray siddii fahankiisa macno kale loogu yeeli lahaa. Iyo mashruuc la sheegay in la qaldayo 20-kii sanno ee ina soo dhaaftay sidey aheyd nolosha dadka Muslimiinta ah loona tir tiri lahaa guud ahaan taariikhdooda.

    Hadaba qeybo kamid ah buuggani waxaa ku xusan cutubkiisa koowaad sidda arrintani raad raac loogu sameeyey iyo meelaha laga soo geli karro, iyadoo xoogga la saarayo siddii manaahijta dalalka Islaamka ee waxbarashada looga badali lahaa, shakina dadka looga abuuri lahaa Quraanka iyo caqiidada ay rumeysan yihiin.

    Sidoo kale waxaa misna lugu fekeray in marka manhajkaasi la badalo lugu darro maaddo la yiraahdo “Akhlaada” maahan akhlaadii aynu wada naqiinay ee waa mid salka ku heysa in meesha laga saarro tarbiyada wanaagsan ee Islaamku farayey. Sidaas daraadeed buuggani wuxuu cadeynayaa sida gebi ahaan meesha looga saari lahaa Quraanka Kariimka ah isagoo loogu badalayo mid kale oo ay Yahuudu yeelato, lana gaarsiiyo guud ahaan dunida Islaamka.

    Hogaanka Israa’iil iyo maamulka Washington waxey sanado badan si qarsoodi ah toos ah lugaha kula jireenn qorsha arrintaasi ee buugani sheegayo, iyadoo ra’yiga caalamka ee iminka aaminsan in dagaalka argagaxisada lugula jirro yahay mid ka dhan Islaamka, balse laga dhaa-dhacsiinayo sida dunida Muslinka dhankasta uga liitaan markaana qiil looga dhigto.

    Akhriste inkastoo arrintani ay tahay mid si qote dheer looga soo shaqeeyey malaha la oran karro waxeyba jirtay intii adduunyada boobkii ba’naa iyo dhulqeybsigu socday wejigeey doontaba hala haatee, ayaa hadana waxaan naseexo ahaan kuugu soo jeedinayaa inaadan runsan quraafaadka buuggan kujira haddiiba ay dhacdo inaad maalin nasiib u yeelato inaad gacanta ku dhigto oo aad akhriso. (midna maankaaga ku hay, waa haddii buuggan la soo shaac baxsho).

    Illo lugu kalsoonaan karro oo arrintan ku leh leh ayaa sheegay in hogaamiyaha Mareykanka Bush uu laftiisa si toos ah uu yiri “inuu yahay ereyga qaaska ee ummadan”. Markaa dabadeed hadalkani waxey dhiiragelin weyn siisay kooxaha xagg jirka ah ee iyagu ku meereysta macbudyada Yahuuda ah, iyo ragg meel sare kaga jira hey’adaha sirdoonka Mareykanka iyo Israa’iil.

    Buugan oo hada la soo saaray qeybtiisa koowaad kana kooban labo iyo toban qeyb ayaa iminka socota soo saaritiisa iyo daabacaadiisa, waxaana la runsan yahay in qeybta 12-aad oo ah cadadka ugu dambeeya ee buuggani uu yahay mid macno weyni ku fadhiya balse wataa magaca “Furqaanka Xaq ah” ee loogu magac darray buuggaaasi.

    La soco qormada dambe ee warbixintan insha Allaah!

    Isha warka: Wargeyska toddobaadlaha ah
    EL Esbuuc: Kana soo baxa dalka Masar.

    Waxaa Tarjuntay,Ikraam Cali-kaar
    ikraam@journalist.com

    Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2004

    SHAHIIDKA SOOMAALIYEED

    Sirtii Quixtar oo La Fashiliyay


    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
     
    Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

     .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

     
     

     

     

     

    Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

    © www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More..
    .
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

    kaah

    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri



    XAAFID QUR'AAN cFatax
    Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

     

    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD