Shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulka ay Itoobiya gumaysato ee
Ogadenya waxaa haystay cunsur iyo gumaysi madaw oo naxariis daran
ilaa iyo xiliyadii la qaybsaday Afrika hase ahaatee waxaa dhacday in
Afrka inteedii kale ee xiligaas la qayb saday ay ka madax
banaanaadeen dhamaantood gumaysigii balse nasiib darro shacabka
soomaaliyeed ee Ogadenya nooli nasii uma aysan helin inay aayahooda
ka tashadaa.
Hadaba iyadoo ay saas tahay ayaa waxaa jirta in aysan shacabku marna
ka daalin hanashada xaqooda uu gumsigu ka dhunsaday iyadoo siyaabo
kala duwan lagu doonay oo qori iyo qalinba leh.
hadaba wadanka waxaa soo maray jabhado kala duwan kalana
xoogsareeyay oo u dagaalamayay xoraynta ciida hooyo.
Maanta ayaa waxay ku dhow dahay maalintii ay ciidamadii xaq udirirka
ahaa ee xoraynta soomaali galebeed ay calanka ka taageen qaybo badan
oo kamid ah wadanka isla markaana ay qarka usaarantahay in calanku
kababado hawada ciida Ogadenya.
Ciidamadaas u dagalamayay qadiyada shacabkooda waxaa dhiciseeyey
jamhuuriyadii soomaliyeed oo dano gaara lahayd,kadib markii ciidankii
soomaaliyeed iyo xooogagii WSLF wadankii laga qabsaday wadankii ayaa
hadana ciidankii Soo hadhay inta laysugu geeyey gudaha soomaaliya
hubka laga dhigay.
Dhabar jabinta intaas le'eg markii shacabku arkay ayaa Ururkii
dhalin yarada soomaaligalbeed
waxaa uu bilaabay in xal la sameeyo uunana bur burin halganka
xoriyad doonku ayaa uu ururkii dhalin yaradu uu bilaabay abaabul
hoose oo dib loogudhisayo halgankii gobanimadoon ee shacabka ururkaas
ayaa aas aasay JABHADA WADANIGA XORAYNTA OGADENYA. taas
oo si si qarsoodi ah ku socoty ilaa mudo .
Hadaba maanta ayaa waxaa soo if baxay xoriyadii shacabku mudo aad u
dheer raadinayay taas oo u muuqata in hada aya mudo dhow gacanta
shacabka soo galidoonto mar hadii ciidamada wadaniga xorayntu ay si
hufan uga soo baxeen waajibkoodii isla lamarkaana ay quus badeen
ciidanka tabarta daran ee u hawl gala TPLF ayna kacaageen inay ukala
safraan dhamaanba wadanka Ogadenya halka ay waayadii hore dhex
mushaaxi jireen wax ay doonaana ay gaysan jireen.
Qaybo badan oo wadanka ka mid ahna uu san hada gaadhsiisnay waxa loo
gu yeedho maamul kilil gaar ahaan ama hawgu badnaadeene gobalka
Dhagax buur Fiiq Jigjiga iyo Godey iyo qaybo kale oo badan sida
Qabri dahare Gobalka liibaan iyo Gobolka Doollo halka garab case ay
kaga xaraysan yihiin ciidan aad u tira badan oo diiday inay u baxaan
dhulalkaas aan sheegnay, waa yahana waxaa socda seminaaro loogu
dhaqan celinayo rag badan oo kamid ahaa ciidanka ka howlgali jiray
Ogadenya oo laga kala keenay jigjiga iyo dhagax buur kuwaas oo hada
ku sugan Addis ababa.
Markii ciidamada TPLF ay ogaadeen in wax kasta oo ay shacabka u
gaystaani yahay wax ka go'an ciidankooda gaar ahaana lala beegsanayo
madaxda wadata ayaa ay ka caageen inay wax yeelo u gaystaan
shacabka taasi oo ah guul wayn oo ay JWXO soo haysay isla markaana ay
wali beegsanayso inta kadhiman oo hada aadba u yar.
Gabagabadii ayaa waxa uu shacabka Ogadenya aad ugu diirsaday isla
markaana uu dugsanayaa guusha ay xoogaga u kacay wadanka Ogadenya ee
ay JWXO hogaaminayso maalinba maalin u horseedayaan shacabka kuna
dhiiri galinayaa inay siyaadiyaan Geesinimada ay muujiyeen.
Hereri
Haji
hereri01@hotmail.com