Subaxnimadii Axadii 25.April.04 ,10:30 Subaxnimo ayaanu
ka amba baxnay magaalada Kolding ee wadanka Denmark oo aanu dhamaantayo
daganahay waxaanu ka koobnayn 5 xubnood oo dhalasho ahaan kasoo kala
jeeda Soomaali, Denish,Tuki, iyo Albaani. Waxa uu socdaalkayagu la
xidhiidhay mashruuc uu bixiyey lacagtiisa ururka midawga yurub, kaas oo
loogu talagalay in ay isku bartaan khibradoodana isku waydaarsadaan 5
wadan oo ka tirsan qaarada yurub kuwaas oo kala ah- England, Romania,
Italia, France iyo Denmark. Waxaanu diyaarad ka raacnay gagida
dayuuradaha ee Billund Lufthavn ilaa Gatwich airport oo ku yaala
magaalada London halkaas oo aanu uga sii gudubnay magaalada Bristol oo
aanu tareen u sii raacnay. Markii aanu soo gaadhney magaalada Bristol
waxa nagu soo dhaweeyay xubnihii reer England mashruucan uga wakiilka
ahaa oo uu ugu horeeyo John Winsor iyo Jean-luc ku waas oo aanu intooda
badan hore isu baranay markii ay socdaal kani oo kale ah noogu yimaadeen
wadanka Denmark sannadii hore , waxa markiiba wax lala yaaba ku noqday
kooxdayadii reer Denmark sida ay dadka ajanabiga ahi Briten u joogaan
ugana shaqeeyaan kadib kolkii aanu aragnay in dhamaan Tagaasidii ka
shaqaynaysay istaanka tareenada ee Magaalada Bristol ay wadaan dad dhasho
ahaan ka soo jeeda dalal kale oo midabo kala duwan na leh ha u badnaadeen
dad ka soo jeeda qaarada Asia’e.
waxaanu habeen kaas ku hoyanay Premier Lodge oo ahaa
Hotelkii naloogu talagalay in aanu daganaano inta aanu joogno oo ahayd 4
maalmood. Intii aanu joognay Bristol meelihii aanu booqanay waxa ka mid
ahayd jaamacada dhagoolayaasha ee magaalada Bristol taas oo aanu fajacnay
markii aanu aragnay meel dhamaan dadka joogaa ay faraha ku wada hadlayaan
,oo aanay jirin cid ku fahmaysaa iyo cid aad fahmi karaysaa toona hadii
aanad aqoonin astaanta ay dhagoolayaashu ku wada hadlaan,waxaase
nacaawisay macallimad Denish ah oo nalasocotay oo iyadu astaamaha
dhagoolayaashu ay ku wada hadlaan hore u baratay maadaama oo ay gabadh ay
dhashay dhago la,dahay. Waxa kale oo nasiib wanaag noo noqotay in aanu
magaalada Bristol kula kulano Hamish wilson oo ah nin ingriis ah oo ku
xeeldheer dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida mudo badana ku noolaa dalka
Soomaaliya kaas oo uga waramayey qaar ka mid ah dadka reer Bristol
dhaqanka Soomaalida, isaga oo soo bandhigay sawiro iyo qalabka ay reer
guuraaga Soomaaliyeed isticmaalaan oo aad looga helay markii la daawaday.
Waxa kale oo aanu booqanay Iskuulo kala duwan oo wax laga barto iyo qaar
ka mid ah ururada Soomaalida ee magaaladaas ka jira, waxa iyana xasuus
mudan in nala soo tusay Clifton Suspension Brige oo ku yaala galbeedka
Bristol oo ah biriij kii ugu horeeyay dunida ee aan tiirar ku taagnayn
kaas oo ka soo dul daldalan wabiga Avon oo hoos mara biriij kaas cabir
dhan 245 feet .
Guud ahaan magaalada Bristo waa magaalo quruxbadan oo
nadiif ah, inkasata oo aad dareemayso kala duwanaanshiiyo balaadhan oo
dhinaca dhaqaalaha ah marka aad isu eegto Bariga iyo Galbeedka
magaaladaas, waxaa lagu qiyaasaa in ay ku nool yihiin Bristol guud ahaan
600,000 oo qof.
Dadka Soomaalida ah oo intoodii badnayd ay soo dageen
Bristol bartamihii sagaashameeyadii waxaa lagu qiyaasaa tiradooda 7000 –
10,000 oo qof, waxaa dad kaas ka mid ah tiro badan oo ka soo wareegtay
dalal kale oo yurub ka tirsan.ka dib kolkii ay dalalkaas mudo badan ku
noolaayeen jinsiyadihiina ka qaateen , dad kii aan halkaasi kula kulmayna
waxaa ka mid ahaa dad Soomaali ah oo hore usoo daganaanjiray wadamada
Holland, Germany, Sweden, Denmark, France iyo Talyaaniga, ku waas oo
marka aad waydiiso sababta ay dalkaas ugu soo guureen kuu sheegaya sababo
kala duwan, oo ay ka midyihiin in qaraabadoodii joogto halkan, in ay
barashada diinta ee caruurta halkani ku fiicantahay, in ay xuriyad
dheeraad ah ku haystaan oo aanay ka heli jirin dalalkii ay hore ugu
noolaayeen, in ay doonayaan in ay caruurtoodu wax ku barato luqada
Ingiriisiga , in ay u dhib yar tahay in ay ganacsi xor ah halkan ka
sameeyaan, in ay halkan u dhib yartahay in ay shaqo ka helaan iyo sababo
la mid ah , waxa se ay dhamaantood isku raacsan yihiin in xaga nadaafada
, nidaamka iyo guryahaba ay ku wanaagsanaayeen dalalkii ay hore ugu
noolaan jireen, qaarkoodna waxaaba ku dhaca filan waa iyo af kala qaad
marka ay yimaadaan Ingiriiska oo waxay yidhaahdaan sidan maan moodayn!.
Mar aan waydiiyay sababta filanwaagaas keenta ,waxa uu
ii sheegay Mr.Ahmed Du’aale oo ka shaqeeya magaaladaasi in ay dumar
badani la soo guuraan caruur yar yar iyaga oon hore u sii sahamin meesha
ay u guurayaan ka dibna ay dhacdo in reer si wanaagsan ugu noolaa dalkii
ay joogeen marka ay yimaadaan xagan la isugu geeyo qol ka mid ah Hotel
yar caruurtiina ay halkaas kaga xanuusato waxa uu Axmed carabka ku
dhuftay in xanuunada ugu badan ee caruurta ku dhaca uu ka midtay xanuunka
Asmada, ama Hotelka la isugu geeyo dad aan hab dhaqankoodu wanaagsanayn
oo qaxoonti ah dalal kala duwana ka yimi taasina ay qoyskii dhibaato ku
keento.
Dhanka kale Soomaalida reer Bristol waa dad hada ka
muuqda bulshada ku nool magaaladaaas waxaanay hada sifiican ugu jiraan
suuqa shaqada iyo waxbarashadaba sida aanu ku ogaaanay waraysiyo aanu
samaynay intii aanu joognay magaaladaas.
Waxaa ka jira magaalada Bristol ilaa 5 urur oo ay
Soomaalidu leedahay , iyo sadex masaajid oo ay dadka islaamka ah ee
magaaladaa dagan la wadaagaan. Dukaamo ganacsi, maqaaxiyo iyo hudheelo ,
tira badani waxa ay ka shaqaysaa warshadaha oo u badan shaqo xilliyeed,
waxaa ka shaqeeya magaaladaas ilaa 40 kalkaaliyeyaal macallimeed si ay
Iskuulada uga caawiyaan caruurta soomaaliyeed ee caawimada dheeraad ka ah
u baahan ama ay ugu dhaxeeyaan waalidka Soomaaliyeed iyo Iskuulada, tiro
badani waxa ay wadaan gaadiidka dad waynaha sida basaska iyo tagaasida .
Si kastaba ha ahaatee socdaalkii Bristol waxa uu ahaa
mid si heer sare ah u dhacay wax badan na aanu ka soo korodhsanay
dhamaantayo. Waxaanu aad ugu mahadnaqaynaa dadkii nagu soo dhaweeyay
Intii aanu joognay magaalada Bristol oo ka tirsan dalka Ingiriiska .
Mohamed-amiin Siyad Abdi
Somali Radio in Kolding ( Hormuud)
Somali_radio@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2004
AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan