SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 5, 2004

DAD IYO DAL -DARYEELDOON AH!

Liiban Maxamed Shariif(dhegacade)
Sweden Stockholm
Somalia60@hotmail.com

SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAMQO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji May 2

 

Afar iyo toban sano oo doowlad la´aan ah, dagaalo sokeeye oo aan kala go laheyn. Daryeelkii caafimaadka guud oo gebi ahaanba burburay, masiibooyinka dabiiciga ah oo is bedela marna daad marna abaar, muqaadaraaka qaadka oo isticmaalkiisu gaaradhay geeljirha geela raaca, aqoonyahan ka gaajoonaya aqoontiisi, hooyo quud ula awlaadeedi, col-ooge hoobiya meel la fadhiya, dhamaan sifooyinkan kor ku xusan waa kuwo Soomaaliya aan ka aheyn wax qofka ku rida amankaag, balse ka mid ah nolosha ka jirta maanta dalka.

Waxa aad looga hadlaa ama la iftiimayaa inta badan dhibka iyo xaalufka lagu hayo degaanka sidda dhirta la gubo, kaluunka sida aan caadiga aheyn loo gurto, xeebaha la su- meynayo, iwm. Hase yeeshee waxaan marnaba tooshku qaban xaalada uu ku suganhay ruuxa soomaaliga ah ee inta dhibaato ee kor ku xusani deriska la yihiin, meel uu uga baxaana aaney jirin. Wax lala yaabo ma ah in dhalinyaro soomaaliyeed ay naftooda ku aminaan maanta oo lagu jiro 2004 in ay laash yar ama doonyo wakhtigoodi dhamaaday mad weynta Mediterranean- sea-da kaga gudbaan iyagoo nolo raadis ah.

Dadkii waa bahaloobay” waa odhaah inta badan dheguhu maqlaan. Maxeyse odhaahdani ka turjumeysaa, macnaheeduse muxuu ina odhanayaa? Fasiraaduhu waa badan karaan, balse teydu waxay tahay sidan: odhaahdu waxay isku soo uruurinaysaa dhamaan sifooyinka iyo calaamadaha ruuxa ka saara jidka nolosha bedka qabta.

Aadamigu sidiisaba waa rajo kunool, oo rajadu waa waxa shaqsiga/yaadka geliya in uu hami iyo hadaf yeesho, haddise uu waayo waa marka aynu afsuuqiga ku nidhaahno hebel noloshii buu ka dhacay. Oo macnaheedu noqon karo ruux noloshii ku adkaatay, fekeray, isku buuqay, jaadna miciinsaday si uu dhabta hor taala ugaga dhuunto.

Isuku soo duub dhibaatooyinka ba’ an ee Soomaali hor yaala ma ah kuwo sahalan, malaayiin Soomaliahna waxay ubaahnaan doonaan in loo helo aqoonyahano ku takhasusay cilmi-nafsiga iyo dhakhaatiir tayadoodu Afrikaba ku yartahay si loo helo daryeel ay dadka Soomaaliyeed mudan yihiin. Waa muhiim in la fahmo lana garto in dhibka dadka iyo dalka haystaa in uu yahay mid aan si sahlan ku iman oo mudo dheer soo jiitamayey, haddana lahayo maxsuulkii. Xalku mid fudud ma aha, hase ahaatee waynu ku khasbanahay in aynu xal helno. Waa lagama maarmaan in la dabro dhibka, dabadeedna la derso si daawadiisa loo helo. Dalkoo dega waxay ku xirantahay dadkoo daryeel hela, daryeelna ma imankaro dalkoo degin. BIRMADKUSE XAGEE BUU KA IMAN?

Liiban Maxamed Shariif(dhegacade)

Sweden Stockholm

Somalia60@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2004

 AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD