14kii sano ee la soo dhaafay, S/land si kasta wax waa ku raadisay si
riyada ah dawlad baanu nahay ay u dhabawdo. Markii hore Cigaal waa tuu
Yuhuud baanu nahay iyo magacayagu Sheekh Isahaaq maahee waa Isak uu wax
ku doonay isagoo waraaq haddaba laga heli karo "Somaliaonline" u qoray
Rabin.
In muddo ahna, waxay wadeen waxyaabo taas la mid ah oo aad la yaabeyso
ayna ka mid yihiin in ay Somalinimadiiba ay iska fogeeyaan shaqsiyaadka
dhalashoodu ay tahay reer Sheekh Isahaaq ee madaxda ka ah mamulka
waqooyiga Somalaaliya ama ka mid ah mucaaradkoodaba.
Waxaana maqlay islaantii Cigaal ay fadeexadda ku kala tageen ee la
yiraahdo Edna oo leh Somaalidu diiinta oo qura ayaa naga dhaxeeysa iyo
waxyaabo kaloo xunba. Dhinaca mucaaradkana waxaa jira nin isaguna ka soo
jeeda reer uu Cawil iyo kuwo kaloo la mid ahba ay ugu yeeraan beelihii
laga adkaaday oo la yiraahdo Feysal Waraabe oo isaguna lahaaa ,'Wiilka
Addis jooga ayaa kan Xamar iga xiga' iyo "Aqoonsi weeynaye , aanu aar
gudanu".
Si kastaba ha ahaatee, maamulka hadda ka jira Somaaliland iyo kii ka
horeeyeyba waxay wadaagaan iyagoo wada ahaa intooda badan
dhabadhilifyadii Siyaad iyo kuwii gacn saarka la lahaaba , una fiirso
jadwalka soo socda:-
1.Cigaal - Ninkii dawladdiisa Siyaad uu afgambiyey oo
oggolaaday in uu safiir u noqdo, la xiro loona dhiibto gudoomiyaha rugta
ganacsiga!.
2.Riyaale - Isagu gaalada xataa sheeegid uguma baaxna ,
Hargeeysana C/casiis cali Bare ayuu la baxsaday eeg Kulmiye.com iyo
Tolwaaye!.
3.Qaybe - Waaba wasiirkii Arrimaha dibedda ee Siyaad ,
qormooyinkiisna uaalaan UNka ee midnimada ku difaacayey dagaalka ka
dib!.
4.Cawil - Isaguna fasiraadiisa buuxda waxaad ka
heleeysaaa qormada Jaamac M. Qaalib ee Hargeysa.org.
5.Ednaa - Islaantii Was. Caafimaadka Siyaad dartiis
looga baqi jiray, isbitaalka tabaruca lagu dhisayna ka bayac mushtarta!.
6..Waraabe - Odayaashii uu Siyad ku shaqeeysan jiran.
7.Madar - Isaguna No. 5 ayuu la mid yahay.
8.Ismaciil - Ninkii SNMta Hargeysa uga cararay markii
Siyaad la riday oo ku si quus ah ugu yiri islaamihii raggoodu lagu dilay
halganka, "Looma baahna islaan goblanta!".
Waxyaabahaas oo dhanna waxay ku tusayaan halka uu ku tuuray Cigaal
calancastii oo maanta gaartay heer uu Cawil ku hanjabo in Siilaanyo oo
ahaan Gud. SNM uu sheego in la xirahayo inkastoo taas keeni laheyd dagaal
kale oo bilaabma walow taas ay uga gudbeen in ay yiraahdaan xad ayan tagi
karin ayaan tageeyna.
Marka haddaan intaas oo qura aan cabirkeeyga ku soo koobo , soo maaha wax
lala yaabo laguna qoslo in maanta dadkaasu ay ku dacwiyaan in Siyaad
Bare uu dhib weyn uu u geystay . Tacabkoodiina maanta Illaahay wuxuu ka
dhigay in Ingiriiska uu yiraahdo "Never,Ever" iyagoo gaalo ku xusay
Hargeeysa, hooyadoodna ku sheegay Elizabeth in ay tahay iyo in ay yihiin
agoontii Ingiriiska.
Waxaana cad in salfudeedka qaarkiis in uusan fiicneyn, ayna haboon
tahay in qofka uu mar walba uu wax isula haro.
Baydan Samatar
baydan@mail.com