Waxey ahaayeen sawirro laga
naxo sida ay ula dhaqmeen ciidamo ku sheegii la geeyey dalka Ciraaq ee u
hub iyo saanad arruursaday iney xukunka ka ridaan madaxweyne dunida
muctarif ka ahaa.
Madaxweynahaasoo u muuqday mid la eeday xukunkiisii
adkaa ee muddo dheer kala talisnimada ku dhaqmayey.
Sanadkii hore maanta oo kale dadka reer Ciraaq guud
ahaantii in yar mooyee waxey u muuqdeen kuwo xiiso badan u qabay
gumeystaha cad ee u sheegay iney Saddaam Xuseen iyo hubkiisii sida darran
wax u gumaada hadafkooda yahay, kadibna ay tallada ku wareejin doonaan
Ciraaqiinta marka ay timaado waqti ku haboon. Balse maanta oo ay sanad ka
soo wareegtay duulaankii garrdarada ahaa, dadku waxey ka tooseen hurdo
dheer oo ay ku jireen. Waxaase habooneyd ka hor inteysan aqbalin
ciidamada awooda isticmaalayey iney dadka Soomaalida ah wax ka weydiiyaan
nabada iyo dowlad la'aantu waxey tahay. Malaha waxey heli lahaayeen
tallooyin wax ku ool ah.
"Nasiib xumase tallo iskuma kaa sheegto horaa Soomaali
u tiri" Oo dadku waxey ku waaberiisteen 20 kii Maarso 2003-da, sawaxanka
madaafiicda iyo gantaalaha laga soo riddo diyaaraha AC 16, kuwaasoo si
naxariis darro ah u duqeynayey magaaladii Xadaarada Islaamka ee Bakhdaad.
Hadaba wargeyska Daily Mirror iyo telefeyshinka CBS,
waxey ahaayeen warbaahin ku sheegta xorta ah ee daaha ka rogay xogg oo
indhaha caalamka ka qarsooneyd kuna saabsan falalka waxashnimada leh ee
ay kula dhaqmaan dadka ay dhulkooda qabsadeen.
Shaki kuma jirro in sawirada foosha xun ee la soo
qaaday xabsiga Abuu Qureyb, iney yihiin kuwo aad looga xumaado lagana
baxsho camaabreyn xoog leh xitaa madax ku sheega labada dal ee xooga ku
qabsaday dalka Carbeed ayaa laftooda sheegay iney yihiin wax laga naxo
damiirkana uu diido.
Balse su,aashu waxey tahay siddee loola dhaqmayaa dadka
damiirkoodu liito ee xumaanta intaas la eg geystay ciqaabta ay mudan
yihiine miyaa la siinayaa?
Hadaba arrintani sida ay u muuqato waa mid aan wax
badan laga qaban doonin, balse waa mid dib u noo xasuusineyso hadaanu
nahay Soomaali mid lamid ah tan iminka loo geystay maxaabiista reer
Ciraaq. Horaantii sagaashameeyadii ayey ciidamo ku sheeg loo diray dalka
Soomaaliya ay ku kaceen falal ka dhan ah bani,aadnimada. Waxaana laga
xasuustaa sidey ciidamadii Belguim ee ka howl galay Kismaayo ula dhaqmeen
dadkii maatada ahaa, sidoo kale Talyaaniga iyo Kanada ayaan iyaguna wax
naxariis ah haba yaraatee aan u muujin dadkii rayidka ahaa ee goobahooda
ka talinayeen.
Sanado kadib ayaa qiil loo sameeyey ciidamadaasi
gumaadka darran u geystay bulshada Soomaaliyeed.
Xukuumadda Kanada ayaa iyadu bari ka yeeshay qaar kamid
ah askarteedii waxaana ay ku sheegtay inuu ku dhacay cudurka duumada,
qaarkoodna ayba waali ka soo qaateen. Halka Talyaaniga iyo Belguim la
dhowrayo weli cadaalada ay u adeegsadeen kuwii kale cawaanimada ku
dhaqmay.
Sidaas aawadeed dadka reer Ciraaq guud ahaantii waxaa
maanta haboon iney dulqaad u yeeshaan xanuunka ay leedahay dowlad
la,aanta iyo gumeystaha hadafka fog leh ee saaran.Dadka Soomaaliyeed
waxey yihiinba maanta wey hayaan faa,iidada ay leedahay dagaalo sokeey,
nabad galyo xumo, qab qable dagaal oo aan siyaasad waxba ka aqoon iyo
dowlad la,aan intaba.
Ugu dambeyntii dadka reer Ciraaq waxaan nasteexo ahaan
u leeyahay iney wadaan halganka ay kula jiraan Gumeystaha Qarniga ee
xorriyad ku sheega ku gabanaya. Taasoo haddii ay sii wadaan ay dhici
kareyso iney gumeystahaasi ka tanasulo hadafkiisa wax gumaadka ah.
Uumus Ciraaqeey Soomaaliba kulamid bey aheyde!
Aaamus Ciraaqeey saxariista Soomaali baa idiin kaga
horeysaye!
Aaamus Ciraaqeey Soomaali baan maareyn sidey u wajday
dhibkeeda e!
Aaamus Ciraaqeey waad sitaan taageeradii dadka wax
garadka ahee!
Dulqaadkuna waa dahab duliga idiin saaran waad ka
baxeyseene!
Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan