SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 4, 2004

WARARKII MAANTA

. Dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaalada Balad Xaawo oo istaagey.
. Prof. Ciise: Kenya uma dhisi karto Soomaaliya dawlad aan Itoobiya Raali ka ahayn
. Baarlamaanka DKMG: Waxaa lagu xadgudbey awood Qaybsiga
. Afhayeenka G-8: Ka maqnaanshaha Itoobiya ee shirka waa cudur ka maqan
. Shidaal la’aan baahsan oo ka jirta Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan ee Baladwayne.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAMQO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji May 2
Dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaalada Balad Xaawo ee ,ka tirsan Gobolka Geddo ayaa lagu soo waramayaa in uu gabi ahaanba istaagey.

Dhaqdhaqaaqa ganacsiga magaalada Balad Xaawo ee ,ka tirsan Gobolka Geddo ayaa lagu soo waramayaa in uu gabi ahaanba istaagey iyadoo Cabsi laga qabo in ay isku dhacaan maleeshiyooyin Hubaysan oo ku sugan deegaankaasi.

Maleeshiyooyinkaan iska soo horjeeda ayaa ka wada tirsan SNF/SRRC-da uu hogaamiyo Maxamuud Sayid Aadan, ka dib markii khilaaf soo kala dhex galey.

Maleeshiyooyinkaan ayaa Fariiso Ciidan ka kala sameysay Guduha Magaalada Balad Xaawo Taasoo keentey in dadka Rayidka ah ay ka Qaxaan Magaaladaasi.

Dadka ku dhaqan Magaalada Balad Xaawo oo dhibaatooyin fara badan kala kulmey Dagaalada horey deegaankaasi ugu dhex marey garabyada iska soo horjeeda ee SNF-ta ayaa iyagoo ka cabsi kaqaba dagaal marka kale ka dhex qarxa gudaha magaaladaasi waxay billaabeen inay ka qaxaan, si ay dhalaankooda u badbaadshaan golufla colaadeed ee ka soo cusboonaadey deegaankaasi.

Wararka lagu helaya Isgaarsiin gaar ahaan Nuuca Fooneeyaha ayaa sheegaya in dadka Rayidka ahi ay ku yaraadeen magaalada, waxaana isugu soo horey Maleeshiyooyinka iyo dad u harey iney ilaashadaan hantidooda Maguurtada ah.

Shidaal la’aan baahsan oo ka jirta Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan ee Baladwayne.

Shidaal la’aan baahsan oo ka jirta Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan ee Baladwayne ayaa hakad galisay isu socodka Gaadiidka ee isaga kala goosha Baladwayne iyo Magaalooyinka kale.

Shidaal la’aantaan ayaa waxay saameyn xoogan ku yeelatay gabi ahaanta isu socodkii gaadiidkii gobolka uga jirey gobolada kale ee dalka, waxaana magaalada Baladwayne ku yaraadey dhaqdhaqaaqa baabuurtii Badeecooyinka kala duwan keeni jirtey magaaladaasi.

Sidoo kale shidaal la’aanta ka jirta magaalada Baladwayne ayaa waxay hawlgab ka dhigtey Baabuurta B-L ah ee ka dhex shaqayn jirtey gudaha magaaladda waxaana la arkayey dadwayne fara badan oo hor dhoobnaa goobaha shidaalka lagu iibiyo.

Nuur aadan oo ka mid ah ganacsatada shidaalka ee Magaalada Baladwayne ayaa sheegay in baahida shidaal la’aaneed ee ka jirta Gobolka Hiiraan gaar ahaan magaaladda Baladwayne ay wada saameysay dhammaanba Bulshadda Deegaanka, wuuxuna sheegay in dadku khatar ugu jiraan inay galaan nolol qalafsan hadii aan shidaal soo gaarin magaalada Baladwayne maalmaha inagu soo aaden.

Prof: Ciise Maxamed Siyaad oo sheegey in dowlada Kenya aysan Somalia u dhisi Karin Dowlad aysan raali ka aheyn Ethiopia.

Prof: Ciise Maxamed Siyaad oo ka tirsanaan jirey Isbaheysiga SNA, hadana isu badaley Siyaasi qun yar socod ah ayaa sheegey in dowlada Kenya aysan Somalia u dhisi Karin Dowlad aysan raali ka aheyn Ethiopia.

"Dowlada Kenya Somalia uma dhisi karto wax aysan raali ka aheyn dowlada ku taagan qaran u helida Somalia ee Ethiopia" ayuu yiri Prof Ciise oo dhanka kale sheegay in maqnaanshaha Ethiopia ay ka maqan tahay shirka ay tahay dhibaato inteeda la’eg.

Hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi iyaga ayaa garan waayey inay isaga soo tagaan mar hadii meesha waxba ka soo naasa cadaan waayeen.

Prof Ciise wuxuu carrabka ku adkeeyay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya iyo Guduumiyaha Guddiga farsamada IGAD uusan khilaaf u dhaxayn ee wararka sheegaya in khilaaf u dhexeeyo ay tahay qorshe qayaano ah oo loogu talo galey Soomaalida.

Prof Ciise waxa uu wax aan la qaadan Karin ku tilmaamey tirade ergooyinka Soomaalida oo lagu soo koobay 203 oo xubnood, wuxuuna tilmaamey in soomaalidu aysan raali ka noqoneyn arrintaasina ay u muuqato mid Soomaalida lagu bah dilaayo. 

Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Dowlada KMG ah ayaa sheegay in lagu xadgudbay awood qaybsiga Beelaha Soomaaliyeed ee 4.5-ka.

Xildhibaan Cabdi Isxaaq Ibraahim (Boon) kana mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlmaanka ugu jira Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa sheegay in ay jiraan eedeymo badan oo ay ka tabanayaan dowladda Kumeel Gaarka ah gaar ahaan qaabka awood qaybsiga Beelaha Soomaaliyeed.

Xildhibaanku waxa uu tilmaamey in arrintaasi ay u gudbiyeen Madaxwaynaha Dowladda Kumeel gaarka Dr. Cabdi Qaasim Salaad Xasan, muddo todobaad ahna ay ka sugayeen jawaab, welina uusan Madaxwaynuhu jawaab ka siin arrintii ay u gudbiyeen wuxuuna Xildhibaanka ka digay hadii aan jawaab la siin iney iyaga jawaab Cadi kasoo bixi doonto

Afhayeenka Kooxaha G-8 C/llaahi Shiikh Xasan oo ku tilmaamay maqnaanshaha Dowlada Ethiopia ay ka maqan tahay Shirka Cudur ka maqan Shirka.

Afhayeenka Kooxaha G-8 C/llaahi Shiikh Xasan ee ka qayb galaya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda dalka Kenya ayaa sheegay in maqnaanshaha dowlada Ethiopia ay ka maqan tahay shirka dib u heshiisiinta ay tahay Cudur.

Afhayeenku waxa uu sheegay in maqnaanshaha dowlada Ethiopia uu yahay Cudur hadii ay joogto goobta shirku ka socdana ay la joogto Cudur kale.

C/laahi Sh, Xasan waxa uu sheegay in Soomaalidu nasiib daro ay tashan waayeen hadii ay tashan waayeena uusan shaki ku jirin in loo talinayo, waxa uuna soo dhaweeyay in la yareeyo Ergooyinka Soomaalida uga qayb galay shirka dib u heshiisiinta, laakiin waxa uu shaki ka muujiyay ugu heshiin karto tirada ergooyinka.

"cida aaminsan in Ethiopia ka shaqeynayso maslaxada somalia waa cid qaldan"ayuu yiri C/llaahi Sheikh Xasan oo intaasi ku darey in maqnaanshaha ay Ethiopia ka maqan tahay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ay Soomaalida dani ugu jirto.

Ciidamada Isael oo dib uga gurtay halka Uu ka dagan yahay Magaaladda Ramalah Yaser Arafar.

Ciidamada Israel ayaa lagu soo waramayaa in ay dib uga gurteen Guriga ka dagan yahay Magaaladda Ramalah Yaser Arafar ka dib marki ay muddo labo saacadood ah ay ku hareeraysnaayeen,

Arrintaan ayaa illaa iyo hadda wax faah faahin ah ka bixin dowlada Israel, laakiin Falastiiniyiintu waxa ay ku tilmaamayaan iney falka ay ku dhaqaaqday dowlada Israel ay qayb ka tahay dhibaatada iyo Cadaadiska ay ku hayaan Madaxda iyo Shacabka Reer Falastiin,

Wararku waxaa kale oo ay intaasi ku darayaan in Ciidamadda Israel ay dhaawacyo u gaysteen Dad aan si rasmi ah tiradooda loo xaqiijin oo Falastiiniyiin ah, laakiin warar goor dambe soo baxay ayaa sheegaya in dhaawaca Falastiiniyiintu uu gaaro illaa sodomeeyo,

 Ugu yaraan shan qof oo Ciraaqiyiin ah ayaa ku dhimatey dhawr iyo toban kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal galintii dambe ee shaley illaa iyo xaley u dhexeeyey Ciidamadda Mareykanka iyo Taageerayaasha Wadaadka Moqtada Al-Sadri

Mareykanku waxa ay sheegeen in Saldhig ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Najaf ay weerar ku soo qaadeen Ciidanka Jeyshul Mahdi ee uu hogaamiya Wadaadka Moqtada Sadri.

Ciidamada Jeyshu Mahdiga ee ka amar qaata moqtada Sadri ayaa Saldhiga ku soo weerar Hoobiyayaal iyo Basuukaal taasoo keentey in dagaalku uu waynaado.

Dhinaca kale Wariye ka tirsan Telefishinka Afka Carabiga ku hadla ee Al-Jazeera ayey Taageerayaasha Wadaadka Moqtada Sadri u Xaqiijiyeen in ay dhulka soo dhigeen Diyaarad Helicopter ah oo ay layaaheen Ciidamada Mareykanka eek u sugan magaalada Najaf ka dib markii ay la heleen gantaal nuuca garabka laga gano ah.

Laakiin ma jirto wax hadal ah oo ku saabsan ridista Diyaaradaaasi oo ka soo baxay Ciidamada Mareykanka, wali mareykanku waxay ku hareeraysan yihiin Magaalada Najaf iyagoo ugu baaqay Wadaadka Moqtada Sadri in uu isaga soo baxo magaalada taasoo ay sheegeen in uu ku dhuumanayo qayb ka tirsan Magaalada Najaf.

Dhanka kale hal Askari oo Mareykanka ayaa dhintey Sadex kalena waa ay dhawacmeen ka dib markii lagu weeraray iyagoo mareyay wadada aada Air Port ka Baghdad interonational.

Sawirada lix ka mid ah Askarta Mareykanka oo si xun ula dhaqmaya Maxaabiis Ciraaqiyiin ah ayaa siyaaba kala duwan looga Hadley.

Sawirada lix ka mid ah Askarta Mareykanka oo si xun ula dhaqmaya Maxaabiis Ciraaqiyiin ah ayaa siyaaba kala duwan looga Hadley ka dib markii ay si Bini’aadanimada ka baxsan ula dhaqmeen maxaabiistaasi.

Waxaa Telefishinka laga leeyahay dalka Marekanka ee CNN uu soo bandhigay qaar ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee sugan gudaha dalka Ciraaq oo si xun ula dhaqmaya Maxaabiis Ciraaqiyiin ah.

Sawirada naxdinta leh ee uu soo bandhigay Telefishinka CNN ayaa waxaa ka muuqanayay Askari Mareykan ah oo Maxbuus Ciraaqi ah oo Qaawan garaacaya iyo Maxbuus Ciraaqi ah oo dal dalan.

Haweenay afhayeen u ah Ciidamada Mareykanka eek u sugan dalka Ciraaq ayaa sheegtey in aysan garan Karin sababta ay Ciidamadoodu sidaa u sameeyeen, laakiin General- ka tirsan Ciidamada mareykanka yaa sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan arrintaan foosha xun ee ay ku kaceen Ciidamadoodu.

Hooyada dhashey maxbuuska la dal daley ayaa iyadoo ilmaynaysa sheegtey in ay garan waysay muuqaalka Wiilkeeda taasoo ay ugu wacan tahay sida badan ee lo jir diley.

Tacadiyada ay ku kacayaan Ciidamada Xulafada ah ee Mareykanku hor kacayo ayaa marba marka ka dambaysa iso soo taraya tan iyo markii ay xooga ku qabsadeen dalka Ciraaq.

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD