SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BELGIUM

May 31, 2004

Dowladda Mareykanku ma taageeri doontaa miraha ka soo baxa shirka Soomaalida ee ka socda Kenya?

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Brussels, Belgium

E-mail: Ingiriis@yahoo.com

Waxaa yar danta Mareykanka iyo Midowga Yurub ugu jirta in Soomaaliya dowlad ka dhalato. Markii la ogaaday sannadkii 2002 in Soomaaliya aysan fariisin u ahayn argagixisada, wax dan ah oo weyn oo kaga xiranna aysan jirin Bin Laden iyo kooxdiisa ayaa la goostay in quful kale la sii dulsaaro kii horey loogu xiray mushkiladda Soomaaliya.

Arrimahaas waxaa caddeynaya sida Midowga Yurub uusan u siinaynin shirka Nairobi taageero ka badan mid dhaqaale. Waddanka Talyaaniga keliya ayaa arrimaha Soomaaliya hor-cararaya Yurub inteeda kale, laakiin wadammada Yurub qaarkood waa daneynayaan in Soomaaliya dowlad laga dhiso, sida dalka Norway oo sannadkii 2002 horgeeyey Golaha Ammaanka qorshe nabad loogu soo dabaalayo Soomaaliya.

Safiirkii hore ee Talyaaniga u fadhiyey Soomaaliya, Carlo Ungaro markaan Kenya ku weydiiyey "lacagta aad shirka Soomaalida ku bixisaan ma waxaad u siisaan Kenya inaad ku naas-nuujisaan," jawaabtiisii waxay ahayd "waxaan goosannay inaan maslaxadda Soomaaliya u hurno wax kasta sidii ay dowlad u noqon lahayd."  Dabcan, waa wax kasta oo aan ficil ku jirin.

Hase ahaatee, nasiib darro, qorshihii ficilku la socday ee Norway waxaa is hor taagay dowladda Mareykanka, sida ay qortay International Herald Tribune. Sarkaal Mareykan ah oo magaciisa qariyey oo ka tirsan Wasaaradda Dibadda (State Department) ayay jariiraddu weydiistay sababta, waxa uu yiri "ma aanan oranin waan diidnay gebi ahaanba, laakiin waxaan niri xilligaan ma oggolin."

Dhab ahaantii, Maamulka Mareykanku muhiim buu u yahay joojinta dhibaatada Soomaaliya. Sida hadda socota, Mareykanku lugaha sidii la rabay kulama jiro dib u heshiisiinta Soomaalida markaad eegto shirka Kenya. Bilcaksi - Mareykanku wuxuu nagu hayaa ceego. Sababta uu ceegada noogu hayo waxay tahay aargudasho (retaliation).

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo Somalida Minnesota La Hadlay
Qodobadii uu Winston Tubman ka hadlay waxaa kamid ahaa: Shirka Nairobi, Hogaamiye Kooxeedyada, Mareykanka & Arrinka Somalia iyo Dowladaha Darika Ah, warbixintii Ceynte... Guji May 22

Nin Professor ah oo wax ka dhiga Jaamacad ku taalla Mareykanka ayaan weydiiyey; "Mareykanku maxay naga damacsan yihiin?."  Wuxuu yiri "waxay idinka rabaan inaad u soo gur-guurataan."  Waxaan iri "ma jiraa caqli aan gurguurasho ahayn oo aan isugu imaan karno."  "Maya" buu igu yiri.

Maqaal walba oo saxaafadda Mareykanku ay ka qorto arrimaha Soomaaliya, waxaa lagu soo dhex daraa askartii Mareykanka ee lagu laayey dariiqyada Muqdisho. Inaan nala rabin oo nala xooray waxaa caddeynaysa intii shirka Kenya socday, Mareykanku wuxuu noo soo diri jiray Mudane Glenn Warren, isaguna hadda shaqadii waaba ka dhammaatay oo qof kale baa lagu soo beddelay.

Mr. Warren title-kiisu waxa uu ahaa Political Officer [sarkaal siyaasadda u qaabilsan safaaradda Mareykanka]. Waddan ku yaalla dunida oo loo diro sarkaal darajadiisu heerkaas tahay ma jiro. Mushkiladda Eretrea iyo Ethiopia waxaa u xilsaarnaa ergay gaar ah oo Madaxweynuhu soo diray oo ah Anthony Lake, mushkiladda Suudaan-na laba diblomaasi baaba loo xilsaaray oo uu ku jiro Robert B. Oakley.

Sidaas awgeed, waxaa muuqata in Mareykanku nagu sameeyey bahdil diblomaasiyadeed [diplomatical humiliation]. Habeenkii 15-ka October 2002 ee uu furmay shirka nabadda Soomaalida ee Kenya waxaan miis casho isugu nimid Lauren Moratti oo ah gabadha ku magacaaban Agaasimaha Bariga Africa ee Waaxda Arrimaha Dibadda.

Waxaan weydiiyey hal su'aal oo toos ah oo ah "muxuu Mareykanku noogu soo magacaabi waayey ergay gaar ah?" Jawaabtii waxay noqotay qosol. Soomaaliya danjire gaar ah oo Mareykan soo diro waxaa ugu dambeeyey 1994 oo uu joogay Daniel Simpson.

Walter Kansteiner oo mar dhoweyd ka fariistay jagada kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee bariga Afrika, waxa uu yiri "Haddii Mareykanka iyo bulshada caalamku ay doonayaan dowladnimada Soomaaliya in ka badan inta Soomaalidu doonayso dadaalkaasu waa guuldarro."

Sidoo kale, Chester Crocker oo Kansteiner xilka ugaga horreeyey, marna wakiil Mareykanka uga noqday Soomaaliya, waxa uu isna yiri "waxaa jirta iska-caabbin tixgelinteeda leh iyo walaac aan qabno oo ah inaan dib ugu noqonno isku daygeennii ahaa inaan go'aan ka gaarno dad wanaagsan oo aan ku taageerno hoggaaminta Soomaaliya."

Haddaba, waa kaas walaaca Mareykanku qabo!

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Brussels, Belgium
E-mail: Ingiriis@yahoo.com


Faafin: SomaliTalk May 31, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...

April 11, 2004: Qofkii 23aad eee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Africa
 

Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD