.
Ugu horayn waxaan tacsi wadata murugo iyo tiiraanyo u soo dirayaa
dhamaanba dadkii ay ka baxeen kumanaanka Soomaaliyeed ee ku haligmay xeebaha
u dhaxeeya dalka Somalia iyo wadanka Yemen ee ku yaala gacanka carbeed. Iyo
sidoo kale xeebaha u dhaxeeya wadamada Liibiya iyo Talyaaniga dadkaas oo aan
laga hayn raq iyo ruux midna hase ahaatee warka ugu dambeeya ee laga helaa
uu yahay in ay badweynta dhuumbadeen ka dib markii ay doontii ay saarnaayeen
ay xiratay xijaabka geerida.
Xaalada bulsho iyo ta siyaasadeed ee wadanka Somalia ka jirtay dhawr iyo
tobankii sanno ee la soo dhaafay oo maalinba maalinta ka dambaysa sii
xumaanaysay waxay ku kaliftay boqolaal kun oo ka tirsan shacabka
Soomaaliyeed hiyi kac xad dhaaf ah oo aan noociisa oo kale hore loo arag
taasoo ay nafahoodii qaaliga ahaa la soo beegsadeen bad iyo bariba si ay uga
soo tagaan dhulkoodii hooyo, yoolkooda kama dambaysta ahina waxa weeyi YURUB
XAGAY NAGA XIGTAA?.
Dhiilada quxuuntiga soomaalidu waxay dhaaftay xaalad lagu tilmaami karo
TACABIR ee waxa la odhan karaa waa butaac(Oxudus) iyo aafo rabaani ah oo ka
mid ah masiiboobinka waaweyn ee ku habsaday shacabka soomaaliyeed qarnigan.
Ilaa laba milyan soo Soomali ah ayaa quxuunti ku ah qaarada yurub iyo
waqooyiga America, malaaayiin kale ayaa iyaguna hoganaya wadamao ku yaala
bariga Africa, Koonfurta Africa iyo dunida Carabta oo aan niyad u hayn inay
ku laabtaan wadankoodii Somalia, laakiin himiladooda dhabta ahi ay tahay
YURUB AMA YAXAASKA.
Shakhsiyaad ku sugan wadamada koonfur bari qaarada Asia sida Brunia,
Indonisia, Malaysia iyo Singapore oo aan la xidhiidhay waxay ii sheegeen
inay ku soo badanayana wadamadaas tiro Soomaali ah oo xad dhaaf oo raba inay
uga soo gudbaan qaarada Australia. Xaaladan dhiilabad iyo murugada wadata oo
ah ALLOW ILA BAXSO waxay kaga tagtay shacabkii Soomaaliyeed sidii kuul go’da
oo kale waana qaran jab weyn oo ku habsaday ummada Soomaaliyeed.
Haddii niyadjabkan weyn ee dadka Soomaaliyeed ka qaadeen wadankoodii iyo
qulqulkani uu sidan ku sii socdo waxay ka dhigi doontaa dadkii Soomaaliyeed
xaaladooda mid ka daran tii ka dhacday shacabki reer SUMERIA oo ku noolaa
dhulka CIRAAQ qarniyo badan ka hor ka dib markii dhulkii ay ku noolaayeen ay
dagaalo ku habasadeena waxay dadkaasi noqdeen sida ayaxa oo kale oo waxay ku
faafeen darafaha dunida maantayna shabacbkii reer SUMERIA malaha jiritaan
iyo meel loogu soo hagaaho midna.
Baaqan waxaan u soo jeedinayaa dhamaan shacabka Soomaliyeed ee ay
niyadooda ku jirto inay ku soo tacabiraan doonyaha inaanay naftooda ku soo
biimayn khatartaas.
Aniga oo ku sababaynaya qodobodan soo socda awgeed:
- Doonayaha laga kireeyo rakaabka soo tacabirya ee ka soo baxa xeebaha
wadanka Somalia sida Bosaaso, Ceelmacaan iyo dakadaha kale ee wadanka ee
u soo jeeda wadanka ku yaala gacanka carabta ee YEMEN iyo kuwa ka soo
baxaya iyaguna wadanka Liibiya ee u soo kicitimaya wadanka Talyaaniga,
maaha doonyo la odhan karo waa caadi ee waa doonyo ay ka dhacday ruqsada
ah inay isaga gooshi karaan badaha, injiinka saaran doonyahaas waxa la
xaqiijiyey boqolkiiba sagaashan inaanu ahayn injiin si caadi ah u
shaqaynaya ee waa injiin ciladaysan oo rakaabka loo soo istaadho oo kali
ah marka ugu horaysa ee ay doonida korayaan.
- Ilaalada xeebaha wadamada Yemen iyo Liibiya oo si adag uga digtoon
soo galaytiga wadamadooda sida sharci darada ah ku soo galaya oo aan
iyaguna wax naxariis ah u hayn rakaabka doonyahaan saaran kuwaasoo inta
badan dhacda inay doonyahaas ku afuufaan mawjado biyo ah si ay badweynta
ugu haligaan.!
- Nimanka doonyaha kireeyaa waa ma naxayaal dad qalato ah waxaanay
inta badan sameeyaan inay ka goostaan doonta uu rakaabku saaran yahay
iyagoo isticmaalaya laash, taasina waa markay ogaadaan in aanay doonto
sii soconayn cilado farsamo awgeed ama iyagoo ogaada inay u soo
dhawaadeen goobaha ay ku sugan yihiin ilaalada amaanka xeebaha,
arintanina waxay dhaxal siisaa rakaabkii doonida saarnaa cir kaa dheer
dhul kaa dheer aakhirkana waxay dhuumbadaan badda waxaany ku dambeeyaan
yaxaaska.
- Sida ka dhacday dooni siday rakaab soomaali ah xeebaha wadanka Yeman
doontaas oo ka soo baxay gobolada waqooyi bari ee wadanka Somalia mar
sii horaysay in nimankii watay doontii ay rakaabkaas soomaalida ahi
saarnaayeen in qori caaradii laga daadiyey doonta iyadoo aan wali soo
gaadhin qooriga xeebta halkaas oo ay ku geeriyoodeen badi rakaabkii
doonida saarnaa.
Maqaalkan waa baaq iyo qaylo dhaan aan u soo jeedinayo dhamaan dadka
doonaya in soo tacabiraan iyagoo isticmaalaya doonyahaas aan soo
sheegnay , waxaanan u aragnaa inay tahay geeri ay dadku lacagtooda ku
badalanayaan.
Inta badan way yartahay inta doonyahaas ka soo badbaada ee soo gaadha
meeshii ay u socdeen, boqolkiiba 70% ama boqolkiiba 80% inta laga arkay
safaradaasi waxay ku dambeeyaan guul darro. Sidaas awgeed iyadoo la
tixgalinayo qodobaas aan soo sheegnay ha ogaadaan jeexayaasha
Soomaaliyeed ee u soo hanqal taagaya yurub ama wadamada ku yaala gacanka
carabtu inay u soo badheedhayaan khatar weyn oo ah shul ama shal.
Mr: Hassan Salahuddin
Gudoomiyaha Ha’adda warbaahinta iyo wararka
GLOBAL MEDIA GROUP
BRISTOL UK.
Salahuddin100@hotmail.com
Tel: 00-44-7946175433.
Faafin: SomaliTalk May 30, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN
SOOMAALIYA
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com