HIIL IYO HOO
Ismail A. Hassan (khaliil)
Khalka1@aol.com
Hiil iyo Hoo waa laba
arimood oo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed meel sare kaga jira, qofkii
ku sifoobaana uu qadarin iyo qiimo weyn bulshadiisa ka helayo.
Dabeecadaha iyo nolosha
qalafsan ee reer guuraanimada ay colaadda iyo baahida joogtada ahi
salka u yihiin ayaa sababay muhimadda is taageeridda iyo is
taakulaynta inta dhiig iyo dhalasho wadaagta.
Qabiilka ayaa ahaa welina ah
caymiska keliya ee qofka Soomaaliyeed ku jiro ee uu u ciirsado
maalinta ay arrini ka maroorto. Haddii uu dhib geysto qabiilkiisa
ayay masuuliyadda kama dambeysta ahi ku soo noqonaysay oo furdaamin
jiray welina furdaamiya. Sidoo kale haddii uu dhibbane yahay iyagaa
qareen u ah oo inay xaqiisa soo dhiciyaan masuul ka ah.
Qofku waa inuu mar kasta
diyaar la yahay wixii hiil iyo hoo looga soo baahdaba, haddii hagar
iyo lexojeclo laga dareemana wuxuu noqonayaa wax matare bakhayl ah
oo aan sharaf ku lahayn dadkiisa. Gar iyo gardaba waa inuu
qabiilkiisa ku taageeraa, waana halka ay Soomaalidu ka tiraahdo fiqi
tolkii kama janno tago.
Markii ay dhalintu xoogsi
tagto wixii ay soo xero gashaan ayaa iyana tolku qaybsadaa.
Xoogsigu ma ahan in
Sacuudiga ama Imaaraadka loo shaqo tago ee waa in xoolo islaameed la
soo dhaco.
Haddii ay beel dagaal gasho
waa in intii ay magac wadaagaan hiil iyo hooba isla garab taagaa oo
ay meel kala soo jeestaan haddii kale waxaa imanaysa godob
taariikhda gasha oo gabayo iyo geeraaro laga tiriyo.
Hadaba dhaqankaas hiil iyo
hooda ku dhisan ee ay Soomaalidu asalka u lahayd waa mid aad uga
gedisan midka dawlad laga rabo ee shuruucda iyo qawaaniintiisa wata.
Markii Soomaalidu xoriyadda
qaadatay ayaa dawladdii laga dhigay hal. Hashani waa mid ka geddisan
geelii ay Soomaalidu dhaqan jirtay kalana dhici jirtay waayo ma
ahayn mid xero tol keliya ku jirta ee waxay ahayd mid ummad dhan ka
dhexeysa.
Dhibaatadii ugu horeysay
waxay soo shaac baxday ka dib markii uu reer waliba isku deyay inuu
hashan xeradiisa soo geliyo. Waxaa la iloobay in nidaamaka dawladeed
yahay mid ay muwaadiniintu u simatahay qofka masuulka ahna laga rabo
inuu caddaalad iyo sinnaan ugu adeego idilkood.
Hab dhaqnkii ku dhisnaa hiil
iyo hoo ma ahayn mid si dhib yar uga tirtirmi kara maskaxda qofka
Soomaaliyeed. Hab dhaqankan markii nidaamkii dawladeed lagu dabaqay
ayaa hiilkii wuxuu isku rogay eex halka hoodiina ay ka noqotay
musuqmaasuq iyo in hantida ummadda la lunsado.
Waxaa markiiba bilaabmay in
qof aan xaq u lahayn darajo iyo dallacaad la iska siiyo hantidii
ummadda ka dhexaysayna afka looga buuxiyo, dawladdiina waxay noqotay
hal naaso badan oo qofba meeshii uu ka soo gaaaro ka maalayo.
Waagii miyiga la joogay
qofka markii hiil ama hoo looga baahdo xoolihiisa ayuu wax ka bixin
jiray hase yeeshee markan waxaa timid in qofka madaxda ahi xoolihii
ummadda tolkii ka dhergiyo.
Qofkii xil ummadda u haya ee
isku daya inuu sinnaan iyo caddaalad shacabka ugu adeega wuxuu
noqonayaa tuke canbaar leh iyo wax ma tare naftiisa iyo tolkiiba
gabay oo lagu khasaaray.
Eexda iyo musuqmaasuqaas
salka u ah dhaqanka Soomaalida ayuu qarankii eeday oo uu ku burburay.
Waxa ilaa iyo maanta la isku haystaana waa reerkii ay hasha maandeeq
xeradiisa ku hoyan lahayd ee naasaheeda midka ugu caanaha badan
maali lahaa.
Qofkasta oo Soomaaliyeed
wuxuu doono ha ahaadee waa mid ay argatida qabiil ku dheertahay oo
qaranimadu waxba la ahayn. Waxa Soomaali mideeya ama kala kexeeyaana
waa qabiil.
Waxaa la isku dilay qabiil,
waxaa la isugu eexday qabiil, waxa qaranka lagu burburiyay qabiil,
ugu dambaystiina qabiilkii ayaa maanta ummaddan Soomaaliyeed xal
loogu raadinayaa.
Waxaa sanndihii ugu
danbeeyay soo shaac baxay wax loogu yeero is bahaysiyo ay ku
midoobaan dagaal oogeyaal haybta iyo aragtida siyaasadeedba ku kala
geddisan hase yeeshee ay dani isu keentay.
Dad badan ayaa u arkay
isbahaysiyadan ifafaale lagaga gudbayo aragtidii qabiilka ku
dhisnayd looguna gudbayo mid mabda’a iyo siyaasad ku dhisan.
Hadaba aragtidaasi waa mid
runta ka fog waayo ma jiro siyaasi Soomaaliyeed oo mabda’ aan
qabyaalad ahayn leh dagaal ooge markuu yahayna hadalkiisaba daa.
Mudadii dheerayd ee uu
socday shirkan Nairobi ayaa isbahaysiyada qaarkood samaysmeen sida
G8, Samata bixint iyo ka abaabulka qaranka iyadoo ay horena u jireen
SRRC iyo kuwo kale.
Isbahaysiyadan badankooda
waxaa loo sameeyay si loogu xumeeyo ururo kale isla markaana
shaqsiyaad la yaraysanayay ay isku muujiyaan si ay miisaan ugu
yeeshaan shirka mana lahan ajande siyaasadeed iyo qorsho hawl gal oo
mustaqbka ah midna
Hadaba markii la soo gaaray
wajigii 3aad ee shirka oo ah midka ugu mihiimsan maadaama uu yahay
xilligii ay qabiilo waliba xoogsi tagi lahayd si ay maandeeq
xeradeeda u soo geliso ayaa waxaa caddaadatay in aanay
isbahaysiyadaasi wax macno ah lahayn markii dagaal ooge waliba uu
hiil iyo hoo u raadsaday tolkii.
Arintu maanta waxay isugu
soo biyo shubatay qabiil dagaal ooge kastaana tolkii buu dhinac ka
raacayaa illeen qabiilbaa wax lagu qaybsanayaaye.
Waxaa hadaba is weydiin
mudan dawlad dagaal ooge soo dhiso isagoo welibana balan qaadyo hiil
iyo hoo ah tolkii la soo galay wax tarka ay ummaddan dulman u keeni
doonto?
Qofkii dalkan dan ka lahow
ogow dagaalkii dhabta ahaa hadduunbuu bilawday waana adi iyo
daadnimadaa!
Ismail A. Hassan (khaliil)
Khalka1@aol.com