SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

May 29, 2004

IGAD SIDA KA MUUQATO WEY KA MIDAYSANTAHAY ARINTA SOOMAALIYA.

MUSHARAXNIMADEYDA JAGADA MADAXWEYNE WAXAAN SOO BANDHIGAY BISHII 12. EE 2002.

SOOMAALI NABAD BEY U BAAHAN TAHAY.  

Mudane Jaamac Cali Jaamac oo kamid ah Siyaasiyiinta  waaweyn ee Soomaaliyeed ee ka qabygalaya shirka Soomaalida uga socda dalka Kenay ayaa wareysi dhinacyo badan taabanayaa siiyey Suxufiyiin farabadan oo ka kala socda qaybaha warbaahinta Soomaalida.

Waxaana shirkaan kasoo  qayb galay.  

1.Wargeyska The Horn Star ee kas oo baxa magaalada Nairobi.

2. Baraha Internet-ka ee kala ah. Gedonet.com . Somalitalk.com. iyo Somalitribune.com.  

Su’aal: waxaad ka qayb gashay shirkii loo qabtay  Beelaha Soomaaliyeed 22.kii bishan oo ay Wasiiradda arrimaha dibadda eeIGAD ka soo qayb galeen, maxaad ka filaysaa rajada shirka? 

Jawaab: Sidaad lasocotaan shirkan wuxuu soo maray marxalado kala duwan, bilowgiisa wuxuu ka bilowday Eldoret, waxaana furay madaxweynihii hore ee dalka Kenya. Waxaana markaa shirka gacanta ku hayey Saddexda dowladood oo hawshaas loo xilsaaray,ee dowladaha safka hore kadib waa tii loo soo raray Nairobi. Xiliyadaas waxaa muuqanayey in aan lagu dhaqmeyn nidaam hoosaadka loo sameeyey shirka, oo marwalba waa la khilaafayey, qofkii la rabo ayaa la keenayey shirka, qofkii larabana waa laga saarayey.

Xaalku isagoo uu saas yahay ayaa shirkii 10.naad ee  madaxwaynayaashaIGAD lagu qabtay Kampala, waxaana shirkaas ka soo baxay in nabadeynta Soomaaliya aanan loo deyn 3.daan dowladood ee ay kawada qayb qaataan dhamaan xubnaha urur goboleedka IGAD, iyadoo la dhimayey dowrkii Saddaxdii Dowladood ee awal shirka gacanta ku hayey.

Waxaad kaloo xusuusataan in madaxdii Soomaalida ay heshiis ku saxiixeen Aqalka madaxtooyada ee dalka Kenya  shirkii SafariPark ee wadtashiga ahaa kadib, waxaana heshiiskaas  goob joog ka ahaa madaxweynaha dalka Kenya. Nasiib darro go’aankaas la saxiixay  dad ayaa islamarkiiba diidmo kala horyimid, oo qofwaliba wixii uu tirsanayey ayuu soo saaray. Taasi waxay keentay in loo qaadan waayo arrintaa, kadibna aduun weynihii wuxuu culays saaray dowladihii IGAD, si ay isbadal la taaban karo ugu sameeyaan shirka. Taas ayaana keentay inay wasiirada IGAD shirar isdaba joog ah yeeshaan

Intaas kadib 22.kii Bishan ayey Wasiirada IGAD ku shireen Nairobi waxaana u soo baxday iney shirka wajigiisii Sadaxaad furaan, Soomaalidana ay Beel beel ahaan ula kulmaan, wuxuuna udhacay shirkaas si aad u qurxan, waxaana oran karaa, waxaa dib u soo laabatay nabadii naxashka sii saarneyd, Soomaalina ubax cusub ayaa u baxay, iyo in mustaqbal fiican uu noo muuqdo. 

Su’aal: Shakhsiyan sidee buu ahaa dareenkaaga gaarka markaad qiimeyso siduu shirku u dhacayey?  

Jawaab: Darerenkeyga gaarka ah iyo kan guudba wuxuu ahaa farxad iyo rayn-rayn, waxaa muuqatay heer cusub iyo oog cusub inuu soo baxay, rajo miro dhal ahna ay muuqato. Waxaa sandulle ku noqday dadkii awalba sheeganayey 3.da Xaraf iney meel soo dhigeen, oo qof waliba uu shirka soo xaadiray isagoo wata wixii dhabta ahaa ee uu ahaa, iyadoo laga fogeeyey waxyaalihii kale ee lagu daahayey. Waxaana soo baxday in si siman wax loo qabsanayo, sidoo kale is cafis badan ayaa muuqday, oo dadku waxay u ekaayeen sidii iyagoo jooga dhamaadka bisha ramadaanka, oo ah bil inta badan dadku is cafiyo waxaana saameyn gaar ah igu reebtay siddii hufneyd ee ay wasiiradu dadka ula hadleen gaar ahaan labada wasiir ee Itoobiya iyo Jabuuti.  

Su’aal: Wax qaybsiga Soomaalida sidee ahaanayaa, faragalinse majireysaa?.

Jawaab: Qof waliba damac waa ku jiraa, laakiin wax waliba waa la isku afgaran doonaa, oo qof kasta xuduud ayuu leeyahay uusan soo dhaafeyn, dadkii iyagu wax qabysan waaya xeerar ayaa la dajiyey waxaana  kala xukumi doonaa gudiga xalinta,  waana gudiga khilaafaadka, hadii ay beeluhu isla afgaran waayaan, waxaa wax u qaybinaya gudigaas, waxaanse rajaynayaa in beel waliba ay waxeeda si cadaalad ah u qaybsato, qof waliba tiisa ayuu sugayaa, waa in ruux kasta uu awrkiisu qaado, nidaamkaasna waa kii Carta looga dhaqmay, si nadaamana wax loogu qaybsday, Soomaalidu iyadaa wax qaybsaneysan waxna isu qaybineysa.

Maantana Soomaali waxaa nasiib darro ugu filan kuwii ay iyagu xoriyadda uga horeeyaan ayaa mamnuucaya Basabooradooda, waana arrin Soomaali maanta ceeb ku ah, haddaba waxaa Soomaali la gudboon iney dadkooda u daneeyaa. 

Su’aal: Wasiirradii IGAD intii ay la hadlayeen Soomaalida waxay sheegeen in iyaga dhexdooda uusan hadda wax khilaaf ah dhex oolin. Arrimaha shirkana ay hadda kamideysan yihiin. Adiga ka siyaasi ahaan hadalkaas run makula yahay?  

Jawaab: Haddii ay Aduunka hortiisa ka qirteen iney iyagu shirka carqalad ku ahayeen, kadibna ay shegeen oo ay balan qaadeen iney hadda wixii ka danbeeya daacad yihiin, is wada socod ahna ay u wadayaan shirka, hadaba cid ku khasabtay iney hadalkaas dhahaan majirto, dowlad waliba dano u gaar ah ayey ka leedahay Soomaaliya, laakiin danahaas waa ineysan ka hor iman tan shacabkeenna iyo dalkeena. Marka waxaan qabaa in maanta ay Soomaali diyaar u tahay iney hawshooda wataan, si ay isugu qanacsan yihiin ay u wadaan, saa darteed balanqaadka ay noo sameeyaan IGAD iyo is aaminka ay muujiyeen aan fursadeeda siinno. Waxaana haboon in la’aamino. Haddii ay wax ka soo noqdaanna waan arkaynaa, waana la saxayaa, waana la qabanayaa wixii khalad ah. 

Su’aal: Dhibtan in laga baxayo oo ay Soomaali wax qaybsanayso miyey kula tahay?

Jawaab: Ma’ahan markii ugu horeysay ee ay Soomaali dowlad yeelato, 9.Sano oo dowlad Doorasho ah iyo 21.Sano oo dowlad Milatari ah ayey Soomaali lahayd. Muhimadu waa wada jirka, waligeedna Soomaali waxay wax u kala qaybsan jirtay, in Reer Madaxweyne qaato, Reerna R/Wasaree, Reerna Afhayeen Barlamaan, mana filayo in hal beel ay wax wada qaadaneyso, laakiin hoos baa loo wada daadagi, oo 4.5. ayaa wax lagu qaybsan, waxa meesha yaalana waa wax xadidan,  gaar ahaan jagooyinka sare waana wax la isla arkayo. Waxaana filayaa in si galcaltooyo ah wax loo qaybsado, maxaa-yeelay waxaan nahay dad isku diin ah, isku af ah, isku midab ah, isku dhaqan ah. Sidii uu dhaqanku ahaa ayaana wax loo qaybsan.

Waxaana leeyahay 15.Sano oo caro alleh ah noogu filan dhib, ee aan isqadarinno oo walaaltinimadii soo celinno. 

Su’aal: Warbaahinta waxaanu muddo hore ka maqalnay inaad u sharaxan-tahay Jagada Madaxtinimada ee dalka Soomaaliya. Musharax-nimadaas wali ma’utaagan tahay?  

Jawaab: Bishii 12.ee 2002.dii ayaan soo bandhigay inaan musharax madaxweyne ahay, haddana wali waan ahay, waana u taaganahay, sababta aan u cadeeyey inaan Musharax ahayna ma’ahan inaan xukun doon ahay ee waxaa weeye, sidaad la socotaan Soomaali wali ma’aysan helin hogaankii ku haboonaa ee ay u baahneyd, Cumar Binu-khadaab oo ah Khaliifkii labaad ee Muslimiinta Soomara waxaa uu yiri, (Hogaamiyaha dhabta ah waa kan danyarta iyo dadka tabaaleysan u daneeyaa ee iyaga u adeega,) waxaa laga yabaa in dadka qaarkiis madaxtinimada u yaqaanaan Gawaari iyo hub in la aruursado, oo dad aan waxba galabsan lalaayo taasna ma’ahan tilmaamaha hogaamiya, waa inuu ka war hayaa dadka jilcan, dulimiga iyo xadgudubkana dadka ka dhawaraa, waxaana loo baahan yahay in bulshada Soomaaliyeed isbadal weyn lagu sameeyo, loo soo celiyo nabaddii iyo kala danbeyntii, taasna waxay ku imaan kartaa in la uruuriyo dadka akhyaarta ah ee ay talada dalka ka go’aan waana kuwa nabadda jecel, hadey yihiin Ganacsato, Nabadoono, Culimada, iyo dhamaan wax garadka, waana kuwa loo yaqaan (AHLUL XALLI WAL CAQDI) intaas marka la uruuriyo ayey talada saxda ah soo bixi kartaa.

Soomaaliduna waxay ku maah-maahdaa ( Biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa) saas darteed ayaan isleeyahay isbadalka aad rabto adigu gacantaada ku fuli, waayo mabda’a uu qofku rumeysan yahay isaga ayaa sifiican u hor marin kara, waxaana rajaynaa in Soomaali ay kala garan karto qofka dalka wax u taraya iyo kan wax u dhimaya.

Dhamaad

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD