w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
-
MAQAAL
|
May 28, 2004
“Waayo-aragnimo la’aaney ba’”
C/Waaxid C/hi Khaliif
MPLS/St.Paul, USA
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Ma dhabbaa inuu Xuseen Caydiid xiranyahay? Ma baasaboor Maraykan ah buu
haystaa? Isagoo ehlu-diin, argagixiso ku sheegaya baan xasuustaa oo rabay in
la xiro laakiin isagii baa xirmay.
Abwaan baa tirshay: Walwaal ka cab baan is iri wadaamihii bay la go’ayoo
weydaartay karkaaradii. Sidoo kale haddaad dagaal-ooge tahay ood u
oommantahay inaad dhiigga shacabka daadiso dabadeedna jaqdo waa inaad
haysataa karkaarro aad ku istaagto waa shacabka iyo wadaan aad ridato oo ah
kuwa dagaal-oogaha u shaqeeya haddaad rabto sheego “sheekh, Professor, Dr,
siyaasi, boqor, garaad, ugaas ama nabaddoon” ama haddaad ka jeceshay
qurbo-joog.
Dagaal-oogayaashii Soomaaliyeed waa isqaybiyeen. Waxay ku heshiiyeen inay
qolo diinta iyo dadkeeda weerarto qaarna culumada u doodaan. Labo
dagaal-ooge oo reer Mudug ahi waxay doorteen inay diinta iyo dadkeeda
weeraraan waa Kornayl C/hi iyo Xuseen Caydiid halka C/Qaasim iyo kuwo kale
iska dhigeen inay diinta difaacayaan.
Labada reer Mudugga ahi waxay ku kala duwanaayeen midi wadaan weyn iyo
karkaarro adag buu samaystay (kornaylka) halka midkood ul booc-booc makaan (tiirka
marka barkadaha ama ceelasha la shubayo lagu istaago) ka dhigtay sidoo
kalana bac iyo dun buu wadaan iyo dowlis ka dhigtay.
Qudbo-sireeddii C/hi & C/Qaasim qarsoomi weyday oo shan bilood dhaaftay
waxayna dadka aan waayo-aragga ahayn u degeen shax. Waxaa beri jiray labo
miskiin oo labaduba indho la’aa kana tuugsan jiray buundo ku taal Baqdaad
waagii dowladda Ummuwiyiintu jirtay. Labada miskiin midi wuxuu ku tawasuli
jiray (ku qaraaban jiray) Ehlu-Beydka iyo Cali Binu Abii Daalib (RC)
markaasaa qolyaha Ummawiyiinta kasoo horjeedaa caawin jireen, kan kalana
wuxuu ku tawasuli jiray Mucaawiye (RC) iyo Ummawiyiinta markaasaa qolyaha
markaas xukunka haystay iyo waxa taageeraa kaalmayn jireen. Qorrax dhaca
ayaa labada miskiin inta isku yimaadaan waxay isku darsan jireen waxay soo
heleen dabadeedna si is le’eg u qaybsn jireen. Hadda masaakiin badan oo
Carta nacayb wax ku bixin jiray iyo kuwo Itoobiyaan nacayb wax looga qaadi
jiray baa xoolahoodii C/hi iyo C/Qaasim isku darsadeen oo Nairobi lagu
qaybsanayaa.
Shacabka masaakiinta ah maahee waxaa kaloo la dagay/siray qolooyin kala ah
SRRC iyo Golaha Samato-bixinta. Waa’ aan dugsiyada dhexe wax ka baran jiray
baan sayniska ku soo arkay tusihii kalgalka curiyayaasha. Waxaan arki jiray
curiyayaasha qaarkood oo loo soo gaabiyo labo xaraf halka qaar badan ay
ahaayeen hal xaraf. Tusaale ahaan, soodiyamka/naateeriyam waxaa loo soo
gaabiyaa “Na” sidoo kale koloriinta waxaa loo asteeyaa “ Cl”. Kuwa hal hal
xaraf loo soo gaabiyo waxaa ka mid ah oksijiinta, O₂ iyo haydarojiin, H₂.
Sida aynu xasuusanno habkey iskula falgali jireen aashitada (acid) iyo
beyska waxaan soo qaadanaynaa tusaalahan:
NaOH + HCl → NaCl + H₂O.
Qolyaha labada xaraf wata ka dhig C/hi iyo C/Qaasim kuwa halka watana waa
Xuseen Caydiid, Maxamed Dheere iyo Muuse Suudi. Maalmihii ugu dambeeyey SRRC
(NaOH) waxaa iskula jiray Kornayl C/hi (Na) Xuseen Caydiid (O₂) iyo Maxamed
Dheere (H₂). Sidoo kale qolyaha ka soo horjeeda SRRC oo lagu sheegi karo
Golaha Samatabixinta ama Carta ama waxaad rabtid waxaad siisaa HCl. C/Qaasim
wuxuu qaatay “Cl” halka Muuse Suudi uu qaatay (H₂). Hadda markii Carab iyo
Carta la isla aaday oo wax la isku shaandheeyey oo la yiri haloo gudbo
wajigii seddexaad waxaa la arkay maxsuulka kor ku qoran:
NaOH + HCl → NaCl + H₂O.
Sidaad masxuulka ku aragtaan labadii jilib-culus waxay is haystaan gacmaha (NaCl)
halka kuwii kale biyo noqdeen oo “daadku qaaday”.
Labada jilib-culus markay qarsoodiga isku arkayeen waxay dhaheen sideen ka
yeelnaa biyo. Waxay dhaheen soowtay akhbaartu nagu soo gaartay: biyo meel
dheer baa la saaraa iyagaa tog u arooriye dabadeedna sidii bey yeeleen ilaa
Xuseen Caydiid god loo qoday (xabsi). Waxay dhaheen waxaa naga maqan curiye
labo xaraf loo soo gaabiyo oo la yiraahdo kaalshiyam loona asteeyo “Ca”,
Soomaaliduna u taqaan Caato oo ah lafdhabarta dagaal-oogayaasha koonfurta.
Arrinta Caato waxaa loo kuurgalayaa maalmaha ina kusoo aaddan haddii Ilaah
ogolaado.
“ Adoo hargeli waayey (gaajo darted) malaguu soo hargalay” (lagu soo
martiyey). Haddee qab-qable kaliyaa qaran dumin kara ee bal suurayso C/Qaasim
iyo C/hi oo is helay. “waa mugdi midba mid dul fuulay”.
Xuseen Caydiid taageero kama helin shacabkii muslimiinta ahaa ee
Soomaaliyeed sidoo kale baasaboorkuu watayna wax u tariwaa. Kaaga darane
wuxuu gacantiisa ku watay “saxiifaddii Mutalamis”. Soomaali ahaan dheh
wadkiisii buu gacantiisa ku sitay. Waxaa dhici karta in C/Qaasim warqaddii
ugu horraysay ee ku socotay C/hi uu u dhiibay Xuseen isagoo qoraya sidan oo
kale:
Ku: C/hi.
Ninkaan warqaddan kuugu soo dhiibay waa nin aad u dhiirran, uguna dhallin
yar hogaamiye-kooxeedyada, waxaa intaas u dheer waa nin dhoofi kara (haysta
sharci Maraykan) marka arrintiisa u dhammee.
Waxaa dhici karta in Xuseen markii warqadda lagu dul akhriyey uu farxay oo
is yiri wax walba waa lagaa taageerayaa ilayn waa isagii maalintii isku
keenay labadoodee laakiin u dhammeedu waa khaarajin toos ah ama mid
siyaasadeed. Haddii maanta Xuseen la soo daayo maxaa u harsan? Hadda waxaa u
furan inay labadoodu dhahaan wasiir baan ku siinaynaaye afkaaga hayso waana
ku khasbanyahay. Haddaad i rumaysan weydaan bal arka Xuseen Caydiid oo leh
madaxweyne ama ra’iisul wasaare ayaan isu taagayaa haddii uusan waalnayn.
Hadduu waasho waxaa ku filan in la yiraahdo tuug baad tahay.
Qadaafi, Ismaaciil Cumar Geele iyo Zenawi waxay isku raaceen in labada
jilib-culus ay Soomaali isu keeni karaan. C/Qaasim wuxuu keeni karaa Xamar,
Kismaayo, Baydhabo iyo Marka halka C/hi keeni karo Bari, Nugaal, Mudug, Sool,
Sanaag qayb ka mid ah iyo Jowhar.
Kollay anigu waan ka faa’iidey wejiga seddexaad ee shirka maxaa yeelay
waxaan ka reystay dacaayaddii ahayd Carta iyo C/Qaasim baad la jirtaa ilayn
“rag Carta wada noqoye” laakiin waxaa dhici karta in berri la yiraahdo
Maxamed Dheere iyo Muuse Suudi baad la jirtaa.
Waxaan arkay dad sheegtay inay golayaal Soomaaliyeed hogaamiyaan oo Xuseen
Caydiid difaacaya oo leh hala soo daayo! Runtii anigu waxaan jeclaan lahaa
in xabsiga loo sii kordhiyo. Sabab? Soow ma aha ninkii shalay isagoo
Itoobiya, Kenya iyo reer Galbeed istusaya lahaa waddanka Soomaaliya waxaa
jooga belaayo iyo aragagixiso? Wuu yahay. Maxay yihiin golayaasha Soomaaliya
matalaya oo leh Xuseen waa nin nabaddoon ahe hala soo daayo? Taasi waxay
caddaynaysaa inaynaan aqoon waxa noo fiican iyo waxa noo daran. Arrintaas
yaabka leh dooddeeda waxaa laga sugayaa shacabka Soomaaliyeed.
C/Waaxid C/hi Khaliif
Minneapolis + St paul, MN, USA
cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk May 28, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN
SOOMAALIYA
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|