SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

May 28, 2004
SPR, C/risaaq X Xuseen, iyo Osman Sheikh maxaa ka dhexeeya?

Abdisaid Musse Ali-Koor
aabdisaid@hotmail.com

 Dhamaantood waa isku jifo hoose....Odeyguna wuxuu Adeer u yahay labada wiil ee aflagaadadu ka badatay...La yaab maleh, qofka guriisa aan lagu soo barin akhlaaqda, lagama yaabo asagoo weyn inuu barto...Gaar ahaan markuu haysto Odey ka weyn oo meel xun u jiheeya....

La yaabse ma leh, oo Oday wax laga sheegaa wuxuu leeyahay Odey kale...

Sidooda manoqonayno, oo been-abuur, warar riqiis ah ma sheegayno...

Laakiinse, ma xaq baa haddaan Odeygaan u cafinay inuu maalinkuu prime minister ahaa uu walaalihiis oo dhan madax ka wadadhigay, sidoo kale ilma adeertiis usoo diray waxbarasho dibadeed, kana dambeeyey dilkii Cabdirashiid sida la sheego,...  La yaab maleh in shakhsigaas uu maanta si walba ula dagaalamo Cabdullaahi Yuusuf...

Oo aan ognahay in taas Allaah asagoo nool uu tusay falxumadiisu, fadeexaday leedahay, ma rabno inaan ka hadalno hadda...Laakiinse waxay ila tahay waa laga wadadharagsanyahay...

Odeygan waxaan u cafinay dagaalkii uu ka ahaa aabaha ee Mudug, marabno asagana inaan faar faarno!...

Odeygan waxaan u cafinay la shaqayntii uu la shaqeeyey C/qaasim si loo sii huriyo dhibka Puntland ka jira, oo dadka jifo jifo la isugu diro....

Odeygaan waxaanu isaga indha tirnay nimankii uu soo hubeeyay oo uu yiri ku duula beel hebla...

Odeygaan ma wuusan ogeyn kuwuu shalay kala hadli jiray Puntland inay maanta yihiin dad la safan Cabdullaahi Yuusuf....Miyuusan ogeyn in isla dadkii ka xogwarameen...

Odeygaan ama wiilal ha adeegsado, amase, dad kale ha adeegsado, hal ha ogaado, inta aad saraha dhaadheer ku nooshahay, naftana aad jeceshahay soomaaliya waxba kama noqonaysid....Agabxumo ayaana kuu taal....

Inta aad ku jirtay xintan, xaniiftan, iyo xaasidnimo hoose meel ma gaaraysid, dhalintana wakhtigooda ha dhumin baan ku oran lahaa...

Waxaan qofwalba kula talinayaa inuu akhriyo taariikhdii madoobayd ee Odeygan, waxaad ogaanaysaa wax kaa caraysiiya kasoo bilow markii laga dhigay Wasiirka koowaad, kaligii taliskii markuu u noqday Safiir, iyo intii ka dambaysaba....

Haddii aad Odeygan taariikhdiisa madow akhrisid, waxaad ogaanaysaa sababta uu soomaaliya u tagi waayey inay tahay dakano weyn uu dad badan ka qabo....

Odeygan waan wada ogeyn markii la weydiiyey taariikhdii marxuumkii Ina Ibraahim Cigaal wuxuuu ku jawaabay asagoo qarin la' carradiisa, iyo nacaybkiisa, 35 sanno ka dib!!!!!

Waxaan ugu bishaaraynayaa dhowrka wiil ee uu maanta madaxa ka haysto inay sidaas u ciil qabi doonaan 35 sanno kadib, kuna dhamaan doonaan nacayb, ciil, xaasidnimo, xoolo-la'aan, iyo xumaan....

Abdisaid Musse Ali-Koor
aabdisaid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk May 28, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

"Caqliga Cabdiqaasim iyo kan Cabdullahi waxaa dhaanta sida xaal yahay" Qoraal kasoo baxay SPR ayaa... Guji: May 27

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

April 11, 2004: Qofkii 23aad eee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Africa


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...

Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD