SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

May 26, 2004

WARARKA MAANTA

  • HAY’ADDA NOVIB OO TABABAR U SOO GEBAGABEYSEY KOOX MACALIMIIN AH…..
  • SULDAAN SICIID CALI “Waxaan u soo jeedinayaa ergooyinka ka qeyb galaya ..
  • MADONNA OO DIL LOOGU HANJABAY HADDII AY KA HEESTO  

HAY’ADDA NOVIB OO TABABAR U SOO GEBAGABEYSEY KOOX MACALIMIIN AH…..

 

Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Amiira ee magaallada Muqdisho lagu soo geba-gebeeyey tababar socday muddo 8-bilood ah oo ay ka qayb galeen 30-macallimiin ah iyo 22-hay’adood, kuwaasoo ku baranayay barnaamijyo la xiriira habka maamulka, qorsheynta iyo hoggaaminta.

 

Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda NOVIB ee fadhigeedu yahay Dalka Holland ayaa waxaa ugu horreyntii ka hadlay Guddoom-iyaha hay’addaasi C/llaahi Xeydar Max’ed oo isagu faah-faahin ka bixiyey ujeeddada ka dambeysa tababarka, waxaana uu sheegay in sababaha loo qabtay tababarkan ay tahay sidii ururrada samafalka ay u heli lahaayeen shaqsiyaad ku habboon dhinaca maamulka iyo qorshe dejinta, si looga kaaftoomo macallimiintii laga keeni jirey dibadaha, waxaa kale oo ka hadlay Xasan Sh. oo ku hadlayay magaca jaamacadaha, waxaana uu sheegay in tacliintu ay tahay warshad, warshaddaas-na ay ka faa’iideystaan dad aad u fara badan, isagoo ula jeeday macallimiinta tababarkaasi uu u soo dhammaaday oo uu sheegay in loo baahan yahay in ay aqoontooda gaarsiiyaan dhammaan Ummadda Soomaali-yeed, waxaa kaloo ka hadlay Batuulo Maxamed Mursal oo ku hadleysay magaca hay’adda COGWO, waxayna u mahad celisay intii gacanta ka geysatay taabba-gelinta tartankaasi, gaar ahaan hay’adda NOVIB.

 

Barnaamijka ay ku howl-galayeen macallimiinta ayaa waxaa loogu magac daray “Strengthening of Civil Society in Somalia (SOCSIS)”, waxaa kale oo ka hadlay Abuukar Sh. Maxamuud oo u mahad celiyey intii gacanta ka geysatay tababarkaasi, waxaa kale oo ka hadlay Max’ed Axmed Hiraabe, Max’ed Caagane Faarax iyo C/qaadir Max’ed Kutub oo dhammaantood sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay u baahnaayeen dad kala taliya dhinaca maamulka iyo hoggaaminta, iyadoo intii aysan furmin xafladdani ka qayb galayaashii tababarkani ay soo bandhigeen waxqabadkoodii 8-da bilood ahayd, iyadoo halkaasi lagu guddoonsiiyey dhammaan-tood shahaadooyin iyo abaal-marinno kala duwan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com   

 

SULDAAN SICIID CALI “Waxaan u soo jeedinayaa ergooyinka ka qeyb galaya ..

 

Suldaaan Siciid Cali Yuusuf ahna suldaanka Koonfur WAAMO, xubin buuxdana ka ah golaha bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in uu ku  faraxsan yahay u gudbidda wajiga saddaxaad ee awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed ee madasha shirka dib u heshiisiinta ee Magaallada Nairobi, waxaana isagoo ku hadlaya magaca odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed shirka ka rajeynayaa in ay ka soo baxdo dowlad loo wada dhan yahay lehna madaxweyne, Raii’sul Wasaare, Ra’iisul Barlamaan iyo in dowladda la soo dhisayo ay noqoto mid awood u leh hubka dhigista Jamhuuriyadda oo dhan iyo in ay ilaaliso jiritaanka  Qaranimada iyo sharafta iyo heybada Ummada Soomaaliyeed.

 

Suldaanka Koonfur WAAMO oo war saxaadadeedkiisa ku cadeynaya in uu ka tirsan yahay Golaha sama bixinta Qaranka Soomaliyeed  ayaa waxa uu sheegay in golahaasi uu yahay mid ummadda u horseedaya horumar, sinnaan iyo caddaalad waxaana bahda nabadda jecel uu ugu baaqay in ay taageero buuxa siiyaan golaha sama bixinta Qaranka Soomaaliyeed isagoo sidoo kalena sheegay in jiritaanka Jamhuuriyadda Soom-aaliya ay tahay mid muqaddas ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

 

 

MADONNA OO DIL LOOGU HANJABAY HADDII AY KA HEESTO  

 

          Madona oo lagu sheegay inay tahay fanaanad hadana ah qof ad-adag oo waxyaabaha qaarkood aan u aabbo yeelin ayaa markan cabsi darteed meel ay joogto garan la’ kaddib markii maalintii isniinta ahayd ay soo gaareen fariimo loogu hanjabayo iyada iyo labadeeda carruurta ah in la dilayo haddii ay ka heesto dalka Israa’iil.

 

Madonna waxay cabsida ku sii beerantay markii kooxaha u hanjabay ay xuseen magacyada carruurteeda, waxay si deg-deg ah u baabi’isay 3-heshiis oo keenayay inay ka heesto Israa’iil, balse webka ay madoonna ku leedahay Internate-ka ayaa lagu xusay in loo maleynayo kooxo reer falastiin ah, markii hore waxay ku fekertay inay aaddo Israa’iil oo ay diyaarsato ilaalo xoog badan, balse markii dambe waxay tiri: “Naftayda ma biimayn karo

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk  May 26, 2003 

Maan Deeq u Curatay Reer Minnesota!

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
 


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...



kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD