Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo
Somalida Minnesota La Hadlay.
“Xiriir ka dhexeeya Ingiriiska iyo Puntland oo aan ka aheyn Col. C/llahi
Yusuf oo baaritaan caafimaad London u taga oo aan ogahay ma jiro”

Winston Tubman |


Soomaalidaii kasoo qayb gashay Kulanka |
Uqeybasanaha gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee
Qaramada Midoobay u magacaabay Somalia, Danjire Winston Tubman ayaa
maalintii Jimcihii 21-ka May ka hadlay Jaamacadda Minnesota. Kulankan oo eey
si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen xarunta xuquuqda aadanaha ee Jaamacadda
Minnesota iyo Machadka Hogaaminta Caalamiga ah ee Minnesota ayaaneey
Soomaali badani ka soo qeyb galin, ogeysiis xuma awgeed. Danjiraha oo u
dhashay wadanka Liberia ee galbeedka Africa ayaa jagooyin kala duwan ka soo
qabtay dowladihii hore ee wadankiisa, isla markaana Qaramada Midoobay uga
soo shaqeeyey; Ciraaq, Kuwait, Yuguslaavia, Croatia iyo Somalia. Mr. Tubman
ayaa ka hadlay dhinacyo badan oo eey kamid yihiin: shirka Somalida uga socda
Kenya, qorshaha eey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka leedahay Somalia,
danaha durugsan ee dowladaha dariska la ah Somalia iyo wuxuu ugu yeero
“Halkii Isku-day” (One Shot) ee Somalia hore loo siiyey. Wuxuu kaloo ifiyey
sii jeedka eey dowladda Mareykanku dhabarka soo xijisay arrimaha Somalia, oo
buu yiri “horseed u ah ismaahinta beesha caalamka inteeda kale”. Waxaa lagu
soo gunaanaday su’aalo loo jeediyey Danjiraha.
Danjiraha, Mr. Tubman ayaa markii ugu horeysay Somalia tagay sanadkii
1993-dii, kadib markii la gowracay
27 Xubnood oo kamid ahaa ciidamadii Pakistan ee ku jiray
Isbaheysigii uu Mareykanku hor kacayey. Wuxuu masuul ka ahaa guddi loo
xilsaaray ineey dhacdadaas soo baaraan. Badanaa marka uu hadlayo, wuxuu
arrinta Somalia jecel yahay inuu arrinta wadankiisa hooyo ee Liberia ku
tusaaleeyo, amaba uu-ba u barbar dhigo.
Shirka Nairobi
Markii
uu ka hadlayey xaalka uu ku sugan yahay shirka Somalida ugu socda Kenya,
wuxuu sheegay ineey Qaramada Midoobay sii wadi doonto dadaalkeeda. Ha
yeeshee, wuxuu ka digay in hadii aan la helin feejignaanta ama u dhuun
daloolida Mareykanka ee arrinkan, inuusan shirkani ahaan doonin mid miro
dhal badan. Wuxuu si qurux badan isugu xiray, isla markaana dadweynihii
meesha isugu yimid xiiso gooni ah ku abuuray, in go’aamada ka soo baxa
Golaha Ammaanku eey yihiin kuwa eey badanaa maslaxad gooni ah ugu jirto
xubnaha joogtada ka ah ee shanta ah. Mareykan-kuba ha ugu tun-buurnaadee.
Isagoo taa sii wadana wuxuu cadeeyey inuu jiro dadaal eey Shiinuhu ku
doonayaan in arrinta Somalia goluhu eego, wallow uu misana sheegay in
Mareykanku uu laf dhabar u ahaan doono wareegto walba oo goluhu ku
tallaabsado.
Hogaamiye Kooxeedyada
Danjiruhu wuxuu quud dareeyn ka muujiyey hogaamiye kooxeedyada Somalida.
“Meel kasta oo aan arrinka Somalia ku soo hadal qaado waxaa leygu yiraahdaa
Somalidu heshiis marabaan. Anigana waxaan ogahay in shacabka Somaliyeed eey
yihiin kuwa ugu walbahaarka badan arrinka wadankooda”. Mr. Tubman wuxuu
sidoo kale aad u masuugay carada (Xanaaqa) eey iska caroonayaan qaar badan
oo kamid ah hogaamiye kooxeedyada Somalida. Deedna la soo cara calinayo.
Wuxuu ka digay in beesha caalamku muujineyso dareen “daal” iyo “Karaahsi” ah
oo ku beegan arrinka Somalida.
Mareykanka iyo Arrinka Somalia
Wuxuu si gooni ah iigu sheegay, dadweynahana uu u cadeeyey, una muuqatay
inuu muhimad gooni ah siinayo Danjiruhu, waxa uu ugu yeeray “Halkii Isku-day”
oo laga wado howl galkii dhicisoobay ee
Rajo Soo Celinta ee Mareykanku ka Sayid-Caleynayey ee 1993-dii. Wuxuu yiri “Mar Alla iyo
marka aan tago wasaarada arrimaha dibada ee Mareykanka, saraakiishu wexeey
ii sheegaan ineeysan Somalia kuba jirin miisaaniyada dhaqaaleed ee
Mareykanka”. Isagoo hadalkiisii sii watana wuxuu raaciyey “Mareykanku wuxuu
mashquul aan caadi aheyn ku yahay la dagaalanka argagixisada. Diiradana ma
saarayaan cidii aan Argagixiso ama Kheyraad Dabiici ah oo loogu xisho laheyn”.
Si loo helo feejignaanta Mareynkankana, Danjiruhu wuxuu Somalida Mareykanka,
gaar ahaan kuwa Minnesota ku booriyey ineey xildhibaanada gobolkooda laga
soo doorto ee ku jira aqalka odayaasha oo kale saaraan cadaadis dheeraad ah.
Gaar ahaan waqtiga doorashooyinka. Wuxuu jaaliyadda aad ugu tiritirsiiyey
ineey arrinkaas iska baheystaan.
Dowladaha Darika Ah
Dhanka dowladaha dariska la ah Somalia, Mr. Tubman wuxuu ku soo koobay ineey
jiraan “dano durugsan” oo eey dowladahaasu ka leeyihiin arrinka Somalia.
Kuwaasoo mararka qaar is jiiraya, iyaga ruxooda. Taasoo buu yiri “ Cakiri
karta geedi socodka nabadda Somalia”. Wuxuu kaloo carrabka ku dhuftay in
Geeska Africa uusan laheyn quwad sida Nigeria oo kale ah, oo muquunin karta
xurgufaha ka aloosan gobolka. Wuxuu u barbar dhigay sida eey Nigeria u fara
galisay wadankiisa iyo Siiraalyoon-ba.
Su’aalo iyo Jawaabo
Dadweynuhu su’aalo badan oo xiiso leh ayeey heybinayeen Danjiraha. Sida lagu
yaqaano siyaasiyiinta-na, qaarkood si qayaxan ugama aanuu jawaabin.
Mar wax laga weydiiyey waxa eey Qaramada Midoobay ka qabatay cunaqabateyntii
hubka ee Somalia, wuxuu cadeeyey in run ahaantii eeysan wax weyn ka qaban.
Ha yeeshee eey jiraan dadaallo looga gol leeyahay sidii loo ogaan lahaa
cidda Somalia hubka geeysa. Iyo waliba, in dhowr guddi loo magacaabay
arrinkaas, laakiin eey qoraalladii eey soo gudbiyeen si gooni ah fara ugu
fiiqeyn wadamada hubka geeya Somalia, “Culeysyo siyaasadeed awgeed” ayuu
kusoo afjaray.
If Somalia is Divisible Somaliland is Divisible
AllAfrica.com, Africa - May 7, 2004
... do not want to become like the Kurds of Iraq and Turkey, a
minority in Somaliland and a minority in Somalia and lose their
historic hegemony in Somali politics ... |
Mar la weydiiyey waxa eey dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanku ka qabaan
gobollo goosiga iyo gooni isu taagida Somaliland iyo Puntland, wuxuu ku
nuuxnuuxsaday inuu jiro cadaadis eey sheegteen saraakiil ka tirsan wasaarada
arrimaha dibadda Mareykanka, oo isaga weydiiyeen sida ku haboon ee arrinkan
loola tacaali karo. Wuxuu intaas raaciyey in saraakiishaasu dareensan yihiin
in gobolkan arrinsaday (Somaliland) eey wuxuun arrinkiisa ka qabtaan. Ha
yeeshee wuxuu Danjiruhu sheegay inuu isagu shaqsiyan uga digay saraakiishaas
ineey dhabar jab qaab daran ku noqon doonto geedi socodka nabadda, hadii
Mareykanku soo hadal qaado goosi-doonka Somaliland. Si kastaba ha ahaatee,
Danjiruhu wuxuu sheegay in dowladda Ingiriisku ka fikireyso arrinka
Somaliland, eeyna ugu muuqato in dhulkii eey gumeysteen wuxuun loo qabto.
Walow eey booqashadii Riyale ee kal hore ku sifaayeen “mid aan rasmi aheyn”
buu yiri.
Dhanka Puntland, Danjiruhu wuxuu si qosol ku dheehan yahay u yiri “Ma
garanayo xiriir ka dhexeeya Ingiriiska iyo Puntland oo aan ka aheyn in
C/llahi Yusuf uu dhaqtar ku leeyahay London”. Hadalkaas ayaa ka qosliyey dadweynihii
meesha isugu yimid.
Gunaanadkii, ka soo qeyb galayaal badan oo aan wareystay ayaa ii sheegay
ineey guud ahaan la dhacsanayaan hadalka Danjiraha, wallow eey ka muuqatay
inuu arrinka Liberia siinayo muhimad dheeraad ah. Taas oo dadka qaar ugu-ba
muuqatay ineey shaqada Danjiraha ee Somalia naafeyneyso.
Waxaa isku soo dubaridey:
C/raxman
Ceynte
Minnesota, USA
abdirahmanceynte@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk May 22, 2003
MAANSADA DOODWANAAG... GUJI
WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN
SOOMAALIYA
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|