SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

May 21, 2004

WARARAKA MAANTA:

.Shiiq Soomaaliyeed oo Maydkiisoo dal dalan laga helay Gurigii uu ka daganaa Magaaladda Bristol ee Dalka Ingiriiska. 
.Qiimaha Basiinka oo Muqdisho ka gaaray heer uusan waligiis gaarin. 
.Xuseen Caydiid oo Dayn lacageed loo xirtay.
 
.Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD oo ku kulansan Hoteelka Green Rich. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim  Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com 

Xuseen Caydiid oo Dayn lacageed loo xirtay. 

Xuseen Caydiid oo ka mida Hogaamiye Kooxeedyadda ugu tunka wayn Muqdisho ayeey Maxkamad ku taala Dalka Kenya  ku xukuntay Hal Bil oo Xarig ah. Kadib markii uu dacwad ku soo oogay Ganacsade Kenyan ah. 

Xuseen Caydiid oo shalay ay Boolisku Kenya ka taxaabeen Hoteelkii uu daganaa ayaa waxaa si deg deg ah loo saaray Maxkamad iyadoo loo diiday inuu qabsaddo wax qareen ah. Waxaana dabeeto uu Xeer Ilaaliyihii Maxkamaddu ku xukumay Hal Bil oo xarig ah iyo inuu bixiyo Lacagaha loo haysto ee uu sheeganayo Ganacsade Kenyan ah inuu ka lunsaday. 

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadii la saaray Caydiid ayaa ku xukumay Xuseen Caydiid in lagu leeyahay 15 Milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta 180 Kun oo Doolar. Lacagtaasoo Xeer Illaaliyuhu uu sheegay in 1997-dii uu Ganacsade Kenyan heshiis kula galay Caydiid inuu mashaariic uga fushado Somalia. 

Xabsiga Industrial Area oo lagu xiray Caydiid ayaa waxaa maanta hordhoobnaa Soomaali badan oo ka caraysan sida sharci darradda ah ee loola dhaqmay Hogaamiye Kooxeedka Xuseen Caydiid. Waxaana ay dadkan oo isugu soo ururay Banaanka hore ee Xabsiga ay ka dalbadeen Kenya inay soo dayso Caydiid. 

Hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa iyaguna carro taa la mida muujinaya. Waxaana Hoteelka Green Rich oo Hogaamiyayaasha Soomaalida Maanta isugu soo urureen si ay ula kulmaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD ay muujinayeen sida ay uga xun yihiin Tallaabada lagu

xiray Xuseen Caydiid. Waxayna ka dalbadeen Kenya inay si deg deg ah ku soo dayso Caydiid. haddii aysan taasi dhicina waxay ku hanjabeen inay isaga baxayaan Shirka. kuna laabanayaan Goobihii ay ka yimaadeen ee Somalia. 

Sharci yaqaanadda Kenya ayaa iyaguna aaminsan in Dambiga loo haysto Xuseen Caydiid uusan mudnayn in loo xiro haddiiba uusan ahayn qof baxsanaya. Waxayna sheegeen in xittaa uusan sharcigu fasaxayn Xukun deg deg ah in lagu fuliyo qof hanti lagu sheeganayo. Laakin ay tahay in marka hore looga yeero Maxkamadda isaga oo aan Maxbuus ahayn.dabeetana loo oggolaado inuu qabsado Qareen. Laakiin Caydiid oo shalay uun la soo qabtay ayaa maxkamad isla shalay la saaray waxay ku riday Xukun deg deg ah. 

Xarriga Xuseen Caydiid oo yimid maalin ka hor Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD oo looga hadlayo Arrimaha Somalia ayaa laga yaabaa inay wax wayn u dhinto Sumcadiisa Siyaasadeed. Waxaana sidoo kale uu xarigan dhabar jab ku yahay Ololihii uu Siyaasiga Da’da yar ee Xuseen Caydiid ku doonayay inuu isku soo taago Jagadda ugu saraysa Somalia ee Madaxwaynanimadda. 

Xuseen Caydiid ayaa noqtay Hogaamiye Kooxeedkii labaad ee xabsiga loo taxaabo tan iyo intii uu shirka Soomaalidu ka socday Kenya. Waxaana horay loo xiray Mawliid Macaane oo Madasha Shirka ay ku dagaalameen isaga iyo nin kale oo ka mid ahaa Ergadda shirka ka qayb galaysa. 

Warar DHeeraad ah: XUSEEN MAXAMED CEYDIID OO LOO TAXAABAY XABSI KU YAALLA MAGAALLADA NAIROBI

Qiimaha Basiinka oo Muqdisho ka gaaray heer uusan waligiis gaarin. 

Qiimaha Basiinka ayaa ka gaaray shalay iyo Maanta Magaaladda Muqdisho heerkii ugu sareeyay ee uu gaaro Muddo 7 Sanno ah. 

Liitarka Basiinka ah ayaa Shalay iyo maanta waxaa lagu kala iibsanayay Magaaladda Muqdisho 25 kun oo Shilinka Soomaaliga ah una dhiganta lacag ku dhow Labo Doolar. Waana sare u kacii ugu sareeyay ee uu Basiinku ka gaaro Muqdisho muddo Toddobo Sanno ah. Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Shirkadaha Shidaalka keena Somalia. 

Shirkadaha Shidaalka ayaa sare u kacan ku macneeyay mid Caalamka oo dhan ka jira. Laakiin aan Soomaaliya ku koobnayn. Waxayse Sheegeen inay sida ugu dhaqsiyaha Badan dalka ku keeni doonaan Basiinka oo ka mida Shidaalada sida wayn looga isticmaalo Somalia. 

Isu socodka Gaadiidka iyo Adeegyadda Bulshadda qaarkood ayaa maanta iyo shalay laga dareemayay sare u kacan ku yimid Qiimaha Basiinka. Waxaana dhaqaalo yahanaddu ay  aaminsan yihiin in isbad badalka Qiimaha Shidaalka ee Suuqyadda Muqdisho ay saamayn xoogan ku yeelan karto Dhaqaalaha Dalka oo markiisii horaba aan wanaagsanayn. 

Shiiq Soomaaliyeed oo Maydkiisoo dal dalan laga helay Gurigii uu ka daganaa Magaaladda Bristol ee Dalka Ingiriiska. 

Shiiq Soomaaliyeed oo Caan ah ayaa Maydiisa laga helay Magaaladda Bristol ee Dalka Ingiriiska. Sida ay Xaqiijiyeen dad Soomaaliyeed oo degan Ingiriiska. 

Allaha u Naxariistee Shiiq Daa’uud oo ka mida Mashaa’iiqda Soomaalida ah ee sida wayn looga yaqaano Dalka Ingiriiska ayaa laga helay Maydkiisa guri uu ka daganaa Magaaladda Bristol isaga oo dal dalan. Waxa uuna Shiiqan Iimaam ka ahaa Masjid wayn oo ku yaalay Magaaladaasi. 

Booliska Ingiriiska oo la wareegay Maydka Shiiqaasi isla markaana baaraya sababaha keenay geeridda Shiiqaasi ayaa sheegay inay ka bixin doonaan faah faahin rasmiya sababta keentay in Shiiqaasi uu is dal dalo marka ay u dhamaato Baarista ay wadaan. 

Allaha u Naxariistee Shiiq Daa’uud waxa uu markiisii hore ka yimid Dalka Holland sida ay Soomaalida Ingiriiska dagan u sheegeen Shabakadan. Wuxuuna ahaa Caalim ku Xeel Dheer Diinta Islaamka isla markaana Iimaam ka ahaa Masjid wayn oo ku yaalay Bristol. 

Soomaali badan oo ku nool Dalka Ingiriiska ayaa Aragtiyo kala duwan ka bixinaya sababaha keenay in la helo Maydka Shiiqa oo Dal Dalan. Soomaalida Badan oo ku sugan Magaalooyinka Ingiriiska Isla markaana ay la xiriirtay Shabakadan ayaa aaminsan in Shiiqa la dal dalay. Hase yeeshee waxaa jira Tiro yar oo Soomaali ah oo aaminsan in Shiiqu uu isagu laf ahaantiisa is dal dalay. Laakiin labadan fikradoodba waxay ku egyihiin Tuhun ay Soomaalidu qabaan. Balse ma jirto illaa iyo hadda Baaris Cilmiyaysan oo Muujinaysa qaabka uu u dhintay Shiiq Daa’uud. 

Ma ahan markii ugu horaysay ee Dalka Ingiriiska lagu arko Maydka Shiiq Soomaaliyeed oo dal dalan. Saddex Sanno ka hor ayaa laga helay Magaaladda London  Maydka Shiiq C/qaadir oo dal dalan. Waxaana baaris ka dib ay Booliska Ingiriiska sheegeen in Shiiqu uu isagu is dilay kadib markii ay soo wajahday Shiiqa Dhibaato dhinaca Qoyska ah.  

Dhaqankan ah in la is dal dalo ayaan ahayn wax looga bartay Soomaalida oo ah Ummad Islaam ah. Isla markaana ku qanacsan Qadarta Eebe. Laakiin Soomaali badan oo tagay Waddamo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ay ku kala duwan yihiin ayaa ku kadsoomay Dhaqamadda Qiyaaliga ah ee Reer Galbeedka. 

April 11, 2004: Qofkii 23aad eee Soomaaliyeed oo lagu diley Koonfur Africa
 

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD oo ku kulansan Hoteelka Green Rich. 

Wasiiradda Arrimaha Dibadda IGAD ayaa lagu soo waramayaa inay maanta ku kulansan yihiin Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya. 

Wasiiradda ayaa kulankooda uu ka socdo Hoteelka Green Rich waxaa loo diiday Saxaafaddu inay ka qayb gasho iyadoo ay yar tahay xogta dhabta ah ee laga heli karo. Laakiin wariye ku sugan Hoteelka uu shirku ka socdo ayaa u sheegay Shabakadan inay Xubno ka tirsan IGAD oo kulanka ka qayb galay ay daqiiqadihii Nasashadda u sheegeen in dood adag ay ka taagan tahay Waqtiga uu furmayo Wajiga Saddexaad ee Shirka oo wasiiradda qaarkood ay ku adkaysanayaan in isla maantaba lagu dhawaaqo inuu furmay Wajiga Saddexaad ee Shirka. Laakiin Jabuuti iyo Uganda ayaa ku taliyay in marka hore la qanciyo Hogaamiyayaasha ka biyo Diidsan Shirka Kenya. 

 Kulankan ayaa marka uu dhamaado waxaa la filayaa inay Wasiiraddu kulan wadatashi ah la yeeshaan Hogaamiyayaasha Kooxaha Soomaalida intooda joogto Magaaladda Nairobi. Waxaana Wasiiraddu ay dhagaysan doonaan Talooyinka ay soo jeedinayaan Kooxaha Soomaalidu. Iyadoo ugu dambayntana ay Wasiiraddu soo saari doonaan Go’aano ku aadan Shirka Soomaalida. 

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Lixdan Waddan ee IGAD isla markaana u xilsaaran arrimaha Somalia ayaa baaqday shalay kadib markii ay shalay soo gaari waayeen Nairobi Wasiiradda Arrimaha IGAD qaarkood taasoo keentay inuu shirku baaqsado. 

Wargayska Washington Post oo soo bandhigay Muuqaalo Naxdin leh. 

Sawiro dheeraad ah oo muujinaya tacadiga ay Ciidamadda Maraykanku ka gaysteen Ciraaq ayeey soo bandhigeen Jaraa’idka Maraykanka. 

Wargayska Washington Post ee ka soo baxa Dalka Maraykanka ayaa qoray inuu arkay sawiro muujinaya tacadiyo fool xun oo loo gaystay Maxaabiista Ciraaq. Waxaa ka mida Sawiradda Washington Post uu soo bandhigay Muuqaalka Maxbuus Ciraaqiya oo inta la qaawiyay Saxaro loogu qubeeyay. Iyo dhacdooyin kale oo fool xun. 

Jariiraddu waxay sheegtay inay Muuqaaladan ay heshay ay ahaayeen kuwii Pentagon-ku uu u soo bandhigay Koongareeska Maraykanka. Waxaana Muuqaaladani ay Jariiraddu soo bandhigtay ay si aada uga fool xun yihiin kuwii horay ay Jaraa’idka kale ee Caalamku u soo bandhigeen. 

Muuqaaladan Cusub ee Washington Post ayaa sii xoojinaysa murankii waynaa ee ka dhashay tacadiyadda loogu gaystay Dadka Ciraaqiyiinta ah Xabsiyadda uu Maraykanku gacanta ku hayo. Waxaana Muuqaaladani ay wiiqayaan Siyaasadda Maraykanka ee Ciraaq ku aadan oo awalba dhaleecayn Caalamiya si isdaba joog ah u soo wajahaysay. 

Dhinaca kale ugu yaraan Boqol Maxaabiis Ciraaqiyiina ayaa maanta laga sii daayay Xabsiga Abuu Quraya oo ah halka ay ka  soo shaac baxday Fadeexadii ugu waynayd ee uu Maraykanku ka gaystay Ciraaq. 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim  Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk  May 21, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
 


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...



kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD