
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com
HARGEISA: Intii lagu
jireyba qabanqaabada munaasibaddii xuska 18-ka May sirdoonka faraha badan ee Madaxweyne Rayaale iyo
dadka ku dhow-dhow ee xukuumadda ku jiraa waxay ku
mashquulsanaayeen oo ay habeen iyo maalinba u ordayeen
inay ogaadaan halka laga abaabulayo iyo cidda ku hawlan
mudaharaad ay ka war-heleen in la samaynayo. Waxaana la
sheegay in Madaxtooyada ay gaadhayeen wararka laga
helayo arrintaas.
Mudaharaadka la sheegay in dowladdu ka
war-heshay waxa la filayey inuu ku xidhiidhsan yahay
mudaharaad hore oo ay ka hortageen ciidamada Boolisku,
dhallinyaradii abaabushey iyo kuwii ka qayb-qaadanayeyna
la qab-qabtay intii aanay si fiican jaanta isula helin.
Mudaharaadkaas oo la siidaayey dadkii loo xidhay marka
laga reebo ninkii abaabulay, waxa uu ahaa mid lagaga
cabanayey, laguna diidanaa musuqmaasuqa, biyo la'aanta
caasimadda, shaqo la'aanta iyo maamulxumada dowladda,
waxayna dadku ku doonayeen in Madaxweyne Rayaale jawaab
ka bixiyo musuqmaasuqa baahay ee xukuumaddiisa iyo
lacagta $16 Milyan ee doolar ka badan ee uu Inj. Maxamed
Xaashi, wasiirkii hore ee Ganacsigu sheegay in aanay ku
dhicin khasnadda dowladda, miisaaniyadda dowladdana aan
lagu soo darin.
Sidaa darteed, xukuumadda iyo
hay'adaheeda wardoonku waxay xoogga saareen sidii ay wax
uga ogaan lahaayeen xaafadaha Buurta saaran ee Waqooyiga
magaalada oo dadka deggan ay u tirinayaan inay
taageersan yihiin ama uu saamayn badan ku leeyahay
Maxamed Xaashi. Waxaana loo diray sida wararku
sheegayaan sirdoon fara badan oo xaqiiqo raadis ah.
Sidoo kale, odayaal iyo cuqaal xaafaddaas ah ayaa la
sheegay in la hawlgeliyey, isla markaana ay dedaal ugu
jireen sidii ay xukuumadda ugu xaqiijin lahaayeen in
xaafadooda aan laga wax abaabul mudaharaad ah, haddii uu
jirona aanay shaqo ku lahayn, kii horena ay ku jirin.
Hase yeeshee, sida wararku sheegeen
xukuumadda iyo sirdoonkeedu kuma guuleysan inay helaan
war sugan oo ku saabsan mudaharaadka ay raadgurayeen iyo
waqtiga uu dhacayo, inkasta oo saraakiisha boolisku ay
xaqiijiyeen inay sii ogaayeen habeenimadii 18-ka May in
mudaharaad la wado. Wararkuse waxay sheegeen in
Xukuumaddu filaysey labadii maalmood ee shalay ka
horreeyey mudaharaad, laakiin ugu dambayntii sirdoonku
soo sheegay in dib loogu dhigay 18-ka May. Iyadoo laga
eegayey ama la tuhunsanaa dhinacyo kala duwan oo ay ka
mid yihiin mujaahidiinta SNM, Xisbiga KULMIYE iyo dad
loo malaynayo in uu kiciyey hadalkii Maxamed Xaashi.
Waxaase xaqiiqo ah, ugu dambayntii
shalay inuu dhacay mudaharaad aan cid qorshaysay iyo cid
abaabushey aanay jirin, balse ka dhashay baqdinta
xukuumaddu ka qabtey mudaharaad, si lama filaan ahna uga
bilaabmay goobtii laysugu soo baxay ee fagaaraha
Khayriyada.
Iyada oo loogu cudur-daarayo in
qorraxdu aad u kulushahay oo dadka looga tudhayo inay
bacadka taagnaadaan muddo dheer ayaa Madaxweyne Rayaale
waxa uu ku soo jarmaaday Fagaaraha Khayriyada, isaga oo
ay daba yaacayaan baabuur badan oo tikniko ah oo ay
hareeraha ka laadlaadaan ciidan koofiyad cas ah intooda
badan ku jeeniqaaran Silsilado rasaas ah oo ku xidhan
qoryaha boobayaasha culus ah oo ay ku ilaalinayeen.
Barxadda fagaaraha oo xadhig lagu xayndaabay si aanay
dadku u soo dhaafin meel ka fog mambarka oo loo
calaamadiyeyna waxa ku xeercaan ciidan. Guryaha ku
dhowdhow Khayriyada dushooda ayaa iyana lagu arkayey
askar koofiyad cas ah oo qoryo la dulsaaran. Waxa
ciidamo la dhigay dhammaan waddooyinka, iyada oo ay
ciidamadaasi xidheen dhammaanba jidadka agmara
khayriyada oo aan loo ogolayn dad iyo baabuur toonna.
Ciidamadaa tirada badan iyo ilaalada koofiyad casta ah
ee guryaha dushooda fuushan ayaa markiiba didmo geliyey
dadka, qaarkoodna waxay ku xasuusteen sida loo
ilaalinayo keli-taliyihii Siyaad Barre.

Madaxweyne oo khudbad ka jeedinaya fagaaraha Khayriyada
iyo ciidamada tirada badan ee qar-qiyey fagaaraha
khayriyada hargeysa. |
Iyadoo ay marka horeba isla caddibmeen
dadka iyo ciidanku ayaa haddana sameecadihii ay
khudbadda ka dhegeysanayeen aamuseen, hadalkiisiina la
maqli waayey. Waxa bilaabmay sawaxan iyo buuq, iyadoo ay
dadku is-riixayaan oo ay doonayaan inuu u siqaan dhinaca
mambarka Khayriyada si ay khudbadda u maqlaan. Haddii uu
dhawr goor khudbadiisa hakiyey si loo hagaajiyo
mikrifoonada, Madaxweyne Rayaale hadalkiisii wuu iska
sii watay, markii buuqa iyo dhaqdhaqaaqa dadku sii
batayna, si degdeg ah ayaa la taliyayaashiisa iyo raggii
la socdey khayriyada uga dejiyeen, waxaana lagu warhelay
xafarka baabuurta. Dadkii wuu isku meeraystay, waxa
isa-sudhmeen ciidankii ku xeernaa ee celinayey oo markii
Madaxweynuhu baxay kadib iyaguna iskaga baydhay.
Uugaankii halkaas ka dhashayna waxay u soo qaadeen
waddada dheer ee Madaxtooyada, iyaga oo cadhaysan.
Qaar ka mid ah dadkii mudaharaadayey
oo aan weydiiyey waxa dhacay ayaa ii sheegay in
Madaxweynuhu u khudbadayn waayey, dabadeedna ay ka
cadhoodeen. Qaar kale, waxay ka hadlayeen biyo la'aanta
oo Fagaaraha ay kaga hadleen X.Cabdi Waraabe iyo
Madaxweynuhuba. Kuwo kalena, waxay lahaayeen muxuu uga
hadli waayey musuqmaasuqa iyo lacagtii la sheegayey.
Waxayse cabashada ugu weyni ahayd in Madaxweynuhu aanu
muddo dheer dadka la hadlin, gaar ahaan markii dhowaan
uu ka soo laabtay Ingiriiska oo ay sugayeen inuu
khayriyada ugu waramo, iminkana hadalkiisii la maqli
waayey.
Madaxweyne Rayaale, waxa uu soo
gaadhey Khayriyada 8:00 Subaxnimo, markii uu salaanta
qaatayna waxa lagu soo dhoweeyey mikrifoonka, waxana uu
khudbadiisa ku akhriyey muddo 15 daqiiqadood aan ka
badnayn, 9:00 subaxnimo oo wax la'na dib ayuu ugu noqday
Madaxtooyada. Waxaa jirey iyaguna dad badan oo aan ku
soo gaadhin khayriyada oo cadho dib ula noqday.
Khudbadda lafteeda oo Toban bog ahayd ayaanu si fiican u
dhammayn oo la ogaadey in ugu yaraan uu laba bog ka
boodey, isaga oo weliba boobsiinayey.
Waxa kastaba, sababtu ha ahaate, waxa
aan shaki ku jirin in aanay jirin cabsi kaga dhalatay
Khayriyada, balse Madaxweyne Rayaale uu baqdin iyo
taxader weyn oo nabadgelyo kaga soo baxay Madaxtooyada,
taasina ay dadka kaga cadhaysiisay. Ka sokow, ciidamada
faraha badan ee uu isku xeeray iyo degdegga uu ku yimi,
kagana baxay khayriyada, mid ka mid ah shaqaalihii
habeenkii 18-ka May ka shaqaynayey Khayriyada oo uu
waagu ugu baryey ayaa ii sheegay in isaga laftiisu uu ka
cadhooday markii 6:00 subaxnimo ay ugu yimaaddeen
khayriyada nin sita qalab kadibna ay nagu amreen ayuu
yidhi in aanu ka dareerno meesha (mambarka) si ay miino
uga baadhaan. Waxa uu sheegay inay qaadan waa ku noqotay
meeshii ay xalay oo dhan ka shaqaynayeen ee waagu ugu
baryey in la yidhaahdo miino ayaanu ka baadhaynaa in la
dhigay. Sidoo kale, xawliga ay ku socdeen baabuurka
Madaxweynaha iyo ilaaladiisa oo aad u sareeyey ayaa dad
badan argagax geliyey. Markay arkeen sida loo ilaalinayo
Mudane Rayaale odayaal aan la kulmay waxay ku talinayeen
in aan Khayriyada la tegin, sababtuna waxa weeye ayay
yidhaahdeen haddii ay waxyar dareemaan waxa imanaysa in
ciidanka ilaalinayaa ay dadka rasaas iskaga furaan,
sidii markii Siyaad Barre shilka galay (Jidka isku xidha
Afgooye iyo Xamar) oo la sheegay in ilaaladiisu ay
laayeen dad rakaab ahaa oo wadada marayey.
Hase yeeshee, xukuumadda iyo dadka
taageersani waxay rumaysan yihiin in la soo abaabuley
mudaharaadka uu ka dambeeyo Xisbiga KULMIYE iyo dad
taageerani. Laakiin, ilaa iyo hadda boolisku waxay
sheegeen in ay baadhayaan ciddii ka dambeysey. Mid ka
mid ah dhallinyaradii mudaharaadeysey oo biyo ka cabayey
maqaayad waddada hareerteeda ah oo uu ku soo leexday
ayaa maqlay dad is-weydiinaya; "Waxaas oo dhallinyaro
ahi ma taageerayaasha Kulmiyaa?". Wuxuuna la soo booday
"Maya, ee waxaanu nahay dadkii UDUB u codeeyey, sababaha
aanu ku diidneyna qoraal baanu ku bixinaynaa". Dad goob
joog ahaa xalay fiidkii markii la kala saarayey dadkaas
ayaa iyaguna sheegay in su'aasha qof kasta la
weydiinayey ay ahayd xisbigee u coddaysay? Dhallinyarada
la xukumay badidooduna waxay sheegteen inay u codeeyeen
UDUB.
Madaxweyne Rayaale oo taliyihiisa
Boolisku sheegay maanta in boolisku uu adeegsan doono
tallaabo kasta si uu u badbaadiyo nabadgelyada ayaan
isagu waxgarawshiinyo ah ka bixin cabashada iyo
dhaliilaha xukuumaddiisa, gaar ahaan ceebta musuqmaasuqa
ee uu Inj. Maxamed Xaashi daahfuray, waxa uu khudbadiisa
ku yidhi;
"Waxaan leeyahay dadka beryahan dambe
caruurta iyo dumarka tashuushka ku abuura, ummaddiina u
naxa oo ka daaya beenta iyo fidnada aad kula
dhexwareegaysaan. Illaahay wuu idin weydiin aakhiro e".
Si kastaba ha ahaatee, mudaharaadkii
shalay ka dhacay Hargeysa oo ku beegmay maalin qiimo
weyn leh ma ahayn mid lagu talagalay oo la abaabuley,
balse waxa la odhan karaa waxa uu ka dhashay baqe laga
dareemay kasha Madaxweyne Rayaale iyo saluug is-biirsaday.
Warbixintani waxaa soo diyaariyey
Weriyayaasha ururka suxufiyiinta somaliland SOLJA.
Hargeysa, Somaliland.
Waxaana sii gudbinaya MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.
diridhaba2001@hotmail.com