SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

May 21, 2004

XUSEEN MAXAMED CEYDIID OO LOO TAXAABAY XABSI KU YAALLA MAGAALLADA NAIROBI

 


Xusen Caydiid

Xusen Maxamed Faarax Ceydiid oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qayb galaysa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, sanooyinkaan dambena ku sugnaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan magaallada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shalay loo taxaabay xabsi ku yaalla magaallada Nairobi, kaddib markii maxkamad ku taalla magaalladaasi ku xukuntay hal bil oo xarig ah.

Xuseen Ceydiid ayaa sababaha xabsiga loogu taxaabay ay tahay kaddib markii nin u dhashay waddanka Kenya uu ku soo eedeeyey in uu ka qabo lacag gaareysa 118-kun oo Dollar (boqol & toban iyo sideed kun) oo uu Xuseen Ceydiid ka qaatay sanadkii 1997-kii sanad kaddib markii uu aabihii kala wareegay xilkii hoggaanka SNA iyo weliba dowladdii Salballaar.

 

Xuseen Ceydiid ayaa lagu xiray xabsiyada lagu xiro dadka shisheeyaha ayaa dowladda Kenya waxa ay markiiba u sameysay hall weyn oo uu ku qaabilo dadka soo booqanaya iyo suxufiyiinta. Xuseen Ceydiid illaa iyo haatan kama hadlin xariggan, balse afhayeenkiisa Naaleeye ayaa waxa uu ku tilmaamay xabsigan mid siyaasadeed oo la doonayo in looga reebo wejiga 3-aad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo weliba tartanka musharraxnimada madaxtinimada Dalka Soomaaliya.

 

Xuseen Ceydiid xariggiisa waxa uu ku soo beegmay xilli loo diyaar garoobayo furitaanka wejiga 3-aad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyadoo maalinta berri ah uu furmi doono shir ay isugu imaan doonaan wasiirrada arrimaha dibadda ee waddammada IGAD, kaasoo looga hadli doono qaabka uu u furmi lahaa wejiga 3-aad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan go’aanno wax ku ool ah oo la doonayo in hore loogu sii dhaqaajiyo shirkaasi.

 

Mar aan la xiriirnay Xarunta isbahaysiga SNA ee magaallada Muqdisho maanta waxaan wax ka weydiinnay xarigga Xuseen Maxamed Ceydiid, waxa ayna noo sheegeen in ay tahay mid la doonayo in sharafta looga qaado xuseen Maxamed Ceydiid, iyagoo sheegay in ay falkan ka dambeeyaan siyaasiyiin kale oo Soomaaliyeed oo ay sheegeen in ay u adeegaan cadowga Soomaaliyeed, waxayna ka dalbadeen dowladda Kenya in si deg-deg ah loo sii daayo Xuseen, isla markaana sharaftiisii dib loogu soo celiyo. 

 

 

Amiin Yuusuf Khasaaro

Email: amiinkhasaaro@hotmail.com

Mogadishu-Somalia

Faafin: SomaliTalk  May 21, 2003 

Rasaas Culus oo Laga Maqlayey Muqdisho
. C/Lahi Yuusuf oo Si diiran loogu soo dhoweeyey Nairobi
. Dagaal ka Dhacay agagaarka Xaramka oo ah degaanka Jilib
. Beeraleyda Sh/Hoose oo ka cabanaya Cayayaan
ka akhri halkan...

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...
 


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...



kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD