SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

May 20, 2004

Shir aan caadi aheyn oo lowgana wada hadlaayay Marxalada maanta ay ku sugantahay Siyasadda Qowmiyada Banaadiriga oo u baahan Badbaadin aya markale loo Dooretay Muriidigolf Goddoomiyaha Siyaasadda Ururka SANU/NSC ee si xallaal ah lo’so Doortay " Democracy"..

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay loogana doodaayay yaan ku aminaa karnaa Xilka Hoggaaminta Siyaasadda ee qowmiyada Banaadiriga aya doodo isweydaarsiyo badan ka dib aya waxaa ka so if baxay si buuxda laysuna waafaq "Mr. Muriidigolf " U yahay guddoomiyaha sida Dhabta ah u mitilikaro Qowmiyadda Banaadiriga dhanka Siyaasadda .Sidoo kale waxaa halkaasi lagu soo hadal qaaday laguna soo xusay Sandguuradahii SANU/NSC iyo SYL oo 61 jirsaday laguna Qabtay isla goobtaas Hotel 2000 plaza ee Nairobi Kenya .

Xafladaas oo lowga hadlaayay Halgankii dheera ee ururka SANU/NSC iyo ururkii Xurnimo doonka ee SYL .ee horumoodka ay ka ahaayeeyn Dhalinyar aad iyo aad u firfircoona ee Reer Banaadiriga oo laga soo dhex xulay ururkii SANU ee la aas aasay 1943 15kii april waxaana ka soo dhex muuqday 6 ka mid ah halgamayaal maal iyo naftoodi u huray halgankii dheeraa ee xurayda Soomaaliya ayagoo la dagaalamaayay Gumeeysigii Caddaanka aha.

waxaadna aad moodaa in ay isu dhawyahiin waqtiyadii la'aas aasay 2daasi urur oo midka hore uw aha SANU ee Banaadiriga oo Dhidibada loo taagay 15kii April 1943dii sidoo kale waxaa asagana a'aas aasay Ururkii SYL oo 15kii May 1943. oo ku bahoobay 13 dhalin yaro Soomaaliyeed .

Xaaji Cabdi Islaaw oo ku hadlaayay Magaca odyaasha Qowmiyadda Banaadiriga ee uso joogay waqtiyadii xiliydii la'aas aasay ururadii SANU iyo SYL.oo warbixino ka bixiyay Taariikhdii ayso mareeyn SANU iyo SYL. aya sidoo kale la dardaamay Dhalinyarada Banaadiriga meelkastoo ay ku nool yahiin wuxuna yiray dadaalka sii wada sidii SYL walaalahiina oo idinka horeeyay oo kale adkeysi muujia hana niyad jabina wiligiina guusha ugu danbeeyn waad hanti doontaane..ka dib waxaa si sidaasi lamid ah ayagna u hadlay oday-yaasha iyo waxgaradka ayka kowanyahiin belahala Banaadiriga sida (Chief Caaqil) : Sadiiq Caddow Cali IWM waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Mudanne Cusmaan Nuur Xaaji Dheere oo ah Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee ururka SANU/NSC ee Samata-Bixinta Qaran Mr.Cusmaan Nuur Xaaji Dheere waa ca'ilada ama Duriyada SYL ee Xurnimo doonkii soomaaliya mar u ka hadlaayay Mr. Cusmaan Nuur aya aad iyo aad ugu dheeraaday halgankii SYL ee sida adeerkiisa murxuum dheere Xaaji Dheere u halkaasi ka caddeyay in hanti farabadan oo ay ka midyahiin gurigiisa ama daaro u gaday kuwa kalena rahan galiyay si u gaaro guusha ugu danbeen ee Xurnimo doonka Soomaaliya .. Sidoo kale waxaa asagana soo gunanaday Xafladaasi Dr. Cabdulqaadir Xaaji Suufi (muriidigolf) oo ah Guddoomiyaha SANU/NSC oo ka tirsan Golaha Samata_Bixinta Qaranka .


Dr. Cabdulqaadir Xaaji Suufi
Muriidigolf...

wuxuuna hadlkiisa u ku bilaway sida tan. ugu horentii waxaan oga mahad celinaaya Alle oo ino sura geliyay isu imaatankeyna maanta iyo quluubteyna mideeyay iyo Ragii ka danbeeyay Abaabulkaan iyo inta ka soo qeybgashay dhamaantiina waad ku mahad santahiin .waxay itahay Farxad in Bulsho weeynta Banaadiriga oo mideysan iso horfariistaan waa markii ugu horeeysay oo muda ah sidaan oo kale lagu arag golayaasha lisu wada yimaado sida madow,cadaan casaan jareer jileecba leh waa guul usoo hoyatay Dhamaan Bahweeynta Banaadiriga oo in muda ahba laga dhex waday qas iyo kala faquuq ayna wadeyn dad cadawga Gudaha iyo mid dibadda Guddoomiyaha wuxuu sheegay manta waxii ka danbeeyo ay Banaadiriga Gamcaha isqabandoonaan cadawgoodana gudaha iyo mid dibadda ay si wada jir ah ula dagaalami doonaan . Mr. Muriidi golf aya sheegay in u balaarin doono kulnkaan oo kale gaar siindoona dalka gudahiisa iyo Dibaddiisa wuxuu kalo ka hadlay Guddoomiyahu Fac weynida SANU wuxuu shegay Degaano iyo Taageeroyaalba ay ku leyahiin Dalka sida Gobolka Banaadir,Shabeelaha Hoose,Jubadda Hoose,Bay iyo Bakool,Gabiiley ee Soomaliland iyo Harar kalinka 5aad ismaamulka Soomaalida ..si oo lamid ah odayaashii ka horeeyay wuxuu guud maray Taariikhdii SYL iyo SANU . xafladaasi waxaay ku soo bandhigayn Taageerayaasha SANU/NSC ee Banaadirga ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ay u leyahiin Qowmiyadda .waxaana aad iyo aad loo Xiiseeyay "SHIRTA" Banaadiriga ee lagu soo Bandhigay Hotelka 2000 PLZA ee Nairobi Kenya.

gaba gabadiina waxaa halkaasi BAQ NABADEED Logo soo jeediyay Dhamaan Kooxaha ku dagaalamayo Xamar in ay joojiyaan Dagaalada Bilaa Sharuud . wayo dagaal wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhintaa, waxaa kaloo waxyeelo so gaaran dad aaan waxba galabsan,sida qaxida IWM.

Qowmiyada Banaadiriga Waxay ku soo gunaanaday Xafladaasi Faatixo iyo Do'co ..

abdulkadir sufi mohamed (Muriidigolf) waxaa lagala xiriiri karaa muriidigulf@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk  May 20, 2003 

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD