SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
May 1, 2004

Wararkii Maanta:

  • Roobaba Lixaad leh oo Ka Da'ay Muqdisho
  • DKMG oo ka hadashay  Bur Burka ku yimid Waxbarashadda 

  • Shaqo la'aanta Soomaaliya oo Gaartey heerkii ugu sareeyey

Roobab xoogan oo shalay illaa iyo xalay ka da’ayay Magaaladda Muqdisho ayaa sababay Khasaarooyin Naf iyo Maalba leh.

 

Roobabkan ayaa Khasaarihii ugu waynaa gaystay Xalay markii ugu yaraan Shan dhismo oo Sar ahaa ay ku dumeen Xaafado kala duwan oo Muqdisho ka mida, Waxaaana dhismayaashaasi mid ka mida oo ku yaalay Degmadda Huriwaa ku dhintay 2 qof oo midi ahaa Wiil yar oo 6 jir ah, halka 8 qof oo kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen Bur bur kala duwan oo soo gaaray dhawr dhisme oo Muqdisho ku yaala.

 

Korontadda Magaaladda Muqdisho oo aan Nidaamsanayn ayaa iyaduna dhibaatadda ugu wayni ka taagan tahay, iyadoo ay xalay Koronto ku dishay Deegaanka Cali Kamiin gabar Yar oo Sagaal jir ah, kadib markii Fiilo Koronto ay ku soo dul go’day Meel Biyo Fariistaan oo ay gabadhaasi dhex maraysay, taasoo keentay in Danabkii Korontaddu ay Biyihii ka dhigeen Maaso, Waxaana jira Meelo kala duwan oo ay sidaas oo kale Korontaddu waxyeelo ka gaysatay.

 

Masuuliyiinta Shirkadaha Korontadda Muqdisho ayaa markii ugu horaysay qirtay in Fiilooyinka ay isticmaalaan aysan Hagaagsanayn, Waxayna sheegeen in xilligan aysan dayactir ku samayn Karin Fiilooyinka Korontadda, iyagoo arrintaana u sababeeyay inaysan dhaqaale Hawshaas ku filan diyaar u ahayn inay bixiyaan Dadwaynuhu.

 

Wadooyinkii Waawaynaa ee Muqdisho ay lahaan jirtay oo intooda badan ku bur buray Dagaaladii Sokeeye ee Mudada dheer ka socday ayaa imminka qarka u saaran inay go’aan, Waxaana Gaadiidka Dadwaynuhu ay billaabeen inay isticmaalaan Wadooyin Yar yar oo Jidcadayaal ah isla markaana ku dhex yaala Xaafadaha,.

 

Dhaqaatiirta Muqdisho ayaa iyaguna ka dayrinaya Biyaha fariistay qaybo ka mida Magaaladda oo ay sheegeen in laga yaabo inay ka dhashaan Cuduro halis ah, Waxaana ay ugu baaqeen dadwaynaha inay ka shaqeeyaan Nadaafadda Wadooyinka iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

 

Muqdisho oo mar ahayd mid ka mida Caasimadaha ugu Bilicda San Afrika ayaa imminka Nidaam ahaan iyo Bilic ahaanba ka liidata Magaalooyinka Gobaladda Kale ee Somalia, Waxaana inta badan loo aaneeyaa Dhibaatadda la soo deristay Muqdisho Qabqablayaasha aan Damiirka Soomaalino lahayn ee mid kastaa qayb ka mida Magaaladii xirtay iyo Shacabkeeda oo aan gaarin Bisayl Siyaasadeed oo ay isaga tuuri karaan Heeryadda Dagaal Oogayaasha Somalia.

 

<><><>

 

Iyadoo ay Maanta ku beegan tahay Kowda May oo ah Maalinta Shaqaalaha Adduunka ayaa shaqa La’aanta ka jirta Somalia waxay gaartay Heerkii ugu xumaa ee ay gaarto inta la ogyahay Taariikhda.

 

Shaqo la’aanta ka jirta Somalia oo saamaysay Qoys Kasta oo Soomaaliyeed ayaa waxay gaartay heer aad u hoosaysa, Waxaana Dadka Soomaaliyeed ay xilligan la fadhiyaan Baagamuudo Waddooyinka iyo goobaha lagu qaxweeyo ee ay dadku isugu yimaadaan.

 

Ma jirto dalka Dawlad dhexe oo wax ka tari karta shaqo la’anta ka jirta Dalka, Waxaana xilligii ay Dawladu ka jirtay Somalia ay dadku inta badan u shaqo tagi jireen Hay’adaha Qaranka, Laakiin markii uu bur buray Hanaankii Dawladnimo waxaa meesha ka baxay shaqadii ay qaban jireen Malaayiin qof oo Soomaali ah, iyadoo sidoo kalana qaybihii ay ka koobnaayeen Ciidamadda Qaranku ay ehel u noqdeen Baagamuudo iyo dhaqaalo Xumo.

 

Wixii ka dambeeyay Bur burkii Dawladnimo ee Somalia waxaa abuurmay Shirkado yar yar oo ganacsi iyo Warshado, inkastoo ay wax xoogaa horumar ah sameeyeen haddana ma ahan kuwo wax ka qaban kara dhibaatadda ka jirta Dalka, Waxaana inta badan lagu dhiliilaa inaysan ku xulan Shaqaalaha aqoontooda iyo Kartidooda, Laakiin waxay u adeegsadaan Xulitaanka Shaqaalahooda Qaab Ehelnimo, taasoo niyad jab wayn ku abuurtay Shaqaalihii Xirfad la yaasha ahaa ee Soomaaliyeed.

 

<><><>

 

Maraykanka ayaa mar kale cabsi ka muujiyay inay Somalia hoy u noqon karto Kooxaha Argagixisadda ee Geeska Afrika.

 

Warbixin ay Soo saartay Waaxda La dagaalanka Argagixisadda iyo Dabagalka ee Maraykanka ayaa lagu  sheegay in Somalia ay baylah u tahay cid kasta oo Qatar galin karta Gobalka Geeska Afrika, Wuxuuna sheegay in Somalia ay 14 sanno tahay  dal aan lahayn Nidaam iyo kala damabayn sidaas darteedna ay suuragal tahay inay gabaad ka dhigtaan Shaqsiyaadka Argagixisadda ah ee Bartilmaameedsanaya Gobalka.

 

Ma ahan Markii ugu horaysay ee uu Maraykanku ka digo Qatar ka imaan karta Somalia, laakiin Soomaalidu ma aaminsana inay Qatar Sidaa u wayn ku yihiin Caalamka, waxayna u arkaan Warbixinadda Maraykanka kuwo tuhun uun ku eg oo shaki lagu kala galinayo Soomaalida iyo dalalka kale ee Gobalka.

 

Dhinaca kale Maraykanka ayaa ka baaraya Shidaal Xeebaha Somalia, Waxaana la xaqiijiyay in Baaritaano lagu sameeyay Badwaynta Hindiya ee ku teedsan Somalia, iyo Sawiro ay Hawada Sare Satellites ay marayaan imminka gabo gabo isla markaana uu Maraykanku qorshaynayo inuu ka faa’iidaysto Shidaalka Somalia.

 

Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, oo dhawaan sheegtay in Imaaraadka ay heshiis kula galeen Illaalinta Xeebaha Somalia ayaan wax hadal ah ka soo saarin Warkan cusub ee soo shaac baxay, iyadoo saraakiil ku dhaw dhaw Dawladduna ay sheegeen inaysanba la socon arrintaasi Madaxda Sare ee Dawladda Waqtigeedii Dhamaaday.

 

<><><>

 

Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia ayaa markii ugu horaysay soo bandhigtay hanaan wax looga qabanayo Bur Burka ku yimid Waxbarashadda Somalia, iyadoo aan la ogayn in Hanaankaasi uu yahay mid ay ka dhabayn doonto iyo in kale.

 

Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, Cali Xaashi Maxamed Sahal ayaa sheegay in Muddo Saddex Bilood gudahood ay wax uga qaban doonaan Dugsiyadii Bur Buray ee Dalka Somalia, Wuxuuna sheegay in Ahmiyadda Koowaan ay siin doonaan Dugsiyadda Bur Bursan ee aan la dhisan, Isagoo sheegay in Tallaabadda xigtana ay noqon doonto in Kuwa la dagan yahay laga saaro dadka degan.

 

Cali Xaashi waxa uu sheegay in inkastoo ay  jiraan duruufo dhaqaale ay haddana ka go’antahay in illaa xad ay Bulshadda wax u qabtaan, Wuxuuna sheegay in wixii ay wax ka qaban waayaan ay la kaashan doonaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Dalladaha Waxbarashadda ee imminka jira.

 

Dawladda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia, oo looga bartay inay soo bandhigto Barnaamijyo si wayn u soo jiita Shacabka Soomaaliyeed marka la sheegayo, laakiin aan la fulin ayaan la ogayn sida uu qorshahan u hirgalayo.

 

<><><>

 

Gen Jaazim Saalax  oo horay uga tirsanaan Jiray Ciidankii Xarsul Jamhuuriga ee Ciraaq ayaa shalay gaaray Magaaladda Fullujah oo ay dib uga gurteen Ciidamadda Maraykanku.

 

Gen Jaazim oo Magaaladaasi si wayn looga soo dhaweeyay ayaa hadal uu u jeediyay dadka Fullujah waxa uu u sheegay in Ujeedada reer Fullujah ay imminka tahay inay ka shaqeeyaan Nabadgalyadda iyo degenaanshaha Magaaladooda, Wuxuuna sheegay in Maraykanku ay u ballan qaadeen inaysan Magaaladaasi soo weerarin.

 

Gen Jazim oo uu Maraykanku u xilsaaray inuu dajiyo Xaaladda Fullujah ayaa u sheegay dadka Fullujah inaan lagu soo faragalin doonin Nidaamka Magaaladooda, Wuxuuna sheegay inay iyagu xaq u leeyihiin inay dhistaan Nidaam isla markaana is Xukumaan.

 

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Garyare20@hotmail.com  Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2004 

Cudurka Daacuunka oo Aad Ugu Sii Siyaadey Muqdisho
& Isbitaalka S.O.S ee Muqdisho ayaa Maalintii Lixaad u xiran Muran ka dhashay Haweeneey Ilma Galeenka looga saaray Isbitalkaasi.. Guji

Hay’adda Al-Manhal oo daawooyin gaarsiisay Isbitaallada Muqdisho
Hay’adda Al-Manhal oo ka mid ah hay’adaha samafal ee ka jira Magaalada Muqdisho ayaa... Guji 30/4

Wasiirka Arimaha Dibada DKMG oo eedeeyey Carabta
iyo wasiir ku xigeenkii wasaarada Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Puntland oo xaaskiisii toogatey Guji 29/4

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD