QORISTII FAR SOMALIGA MA WXAY AHAYD HORUMAR LA
GAARAY MISE DIB U DHAC LAGA SHAQEEYEY
Waxaad moodaa in Somaalidu ay ku kla duwan tahay jawaabta
su'aashan oo ay qaar badani u arkaan inay ahayd talaabo horumareed oo lagu
talaabsaday halka ay qaar kalena u arkaan dib u dhac laga shaqeeyey inu ahaa.
Hadaba qoraalkaygan waxaan jeclahay inaan kaga faalooda qoristii far
Somaliga ma waxay u hayd bulshda Somaaliyeed mid lagu farxo mise mid laga
naxo.
Hadaba saan og nahay sida ku qoran dastuurka Qaramada Midoobay dalkasta
marka uu xoriyada qaato waxaa uu xaq u leeyahay inuu aayihiisa
siyaasadeed,dhaqaale,ijtimaaci,tacliimeed,uu isaga u tashdo,hadaba taasi may
dhicin oo raadkii gumaystaha uu uga tagay Somalida ka sokow lagama harin ee
waxaa la'isku dayey in meel cidla ah la soo taago.
Somaalidu qorista far Somaliga ka hor waxay wax ku baran
jirtay afka Carabiga iyo kan Ingriiska,waxaa soo raacay afka Talyaniga oo
aan isaguna sidaa u sii buudhnayn,Somalidu waxay siweyn ugu xirnaayeen
dunida Carabta haday noqon lahayd ,ganacsi wax-barasho,siyaasad iyo arimaha
dhaqanka guud ahaan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa ay ku dadaaleen raggii gumeysiga in Somalida
laga jaro xiriirka ay la leeyihiin dunida Carabta,isla markaana laga
go'doomiyo.Hadaba talaabooyinkii la qaaday waxaa ka mid ahayd fikirkii
qorista far Somaliga oo looga dan lahaa in Somalida looga reebo caalamka
horumary,iyadoo la adeegsaday rag lagu sheegay inay ahaayeen aqoon yahano
Somaliyeed.
Waayo barnaamijka noocan oo kala ah waxaa ka bixi kara dad isku filaasho
dhinackasta gaaray,haday noqon lahayd dhanka,Tacliinta,dhaqaalaha
iyaasada,thaqaafda,isla markaana ka maarmi kara inay dhigood ku daba feylaan.
Somalida degta Jamhuuriyadii horay loo'oran jiray Somaliya iyo sadexda
qaybood ee ka maqan Somalida, marka dadka ku nool cadadkooda la isku daro
waa dad tiradooda aysan gaareyn 20,000,000.Milyan,hadba dadka ku hadla waa
dad tiro yar oo aan awoodin meel marinteeda.
Hadaan tusaalayaal soo qaato af-Sawaaxilga waa af balaaran oo dadka ku
hadlaa ay tiro badan yihii waxaana looga hadlaa dadlal badan oo East Afrika
ah sida Kenya,Tanzania,Uganda,Ruwanda.IWM.Oo waxaa uu heli karaa qofka
af-Sawaaxiliga ku hadlaa fursado uu thaqaafad ku korarsado,oo waxaa uu
noqonayaa nin ku hadla luqad mujtamac badan oo kala Thaqaafad duwan kala
taariikh duwan kala horumarsan ku hadla.Taa oo keeni karta in uu ka
faa'iidaysto waxyaabaha hadii uu wadnkiisu sabool yahay oo uusan samaysan
karin ka soo amaahdo kuwa la luqad ah oo aan (juhdi) dadaal badan uga
baahnayn,sida Manaahijta wax-barashada fursadaha shaqada iyo jiho kata oo ay
luqadu saamyn ku yeelan karto.
Afka Maleyga loo yaqaan oo ay isna ku hadlaan dalal badan oo Asiya ah sida
Indunisia,Thailand,Malasia,Singabur,iyo kuwo kale,oo ah af baaxad leh oo
dadkaa frahaa le'eg ay kawada siman yihiin.
Waxaan jeclaan lahaa muhimada ah in aad lahaato af lagula wadaago faa'iidada
uu leeyahay inaad ila fahamto,tusaale hadii hada lagu yiraahdo waxaa
wadankaaga oo sabool ah lagu darayaa Urur dhaqaale oo wadamada Qaniga ah ay
leeyihiin intee in le'eg baad u malaynaysaa in uu wadankaaga ururkaa ka
faa'idi lahaa dabcan waa cadahay oo hadii ururkaa uu xubnaha kujira
caawinayo inaad adiga ugu horaynayso taa oo dadkaaga iyo dalkaaga ay ka
faa'idayaan,hadaba afka lagula wadaagaa oo ay kula wadaagaan dad aan kula
thaqaafo ahayn aan kula cilmi ahayn ay kula wadaan sidaa la mid ah ayaad uga
faa'idaysaa oo wax yaabaha ay dadkooda u sameeyeen oo aan adiga wadankaagu
samaysan karin uga faa'idaysaa si sahal ah.
Waana waxa maanta kala haysta Midowga rer yurub iyo wadamada Yurubta kale ee
aan xubnaha ka ahayn ee doonaya inay xubnaha ka noqdaan.Tusaalahaan aan soo
qaatay hadii ay kuula muuqato mid dhaqaale khuseeya inuu yahay oo kaliya
maahee waa mid saamaynaya dhinackasta.
Mujatamaca Somalidu wuxuu ku sifoobaa marka uu dalkiisa dibada uga soo baxo
ama u muuqdaa mujtamc (umi)ah mujtamac aan wax akhrin waxna qorin xataa
hadii uu jamacad ka soo baxay qofka Somaliga ahi,umana sahlana inuu ka
faa'iidayto Culuumta casriga ah waayo dhamaan Cilmigii waxaa uu maanta ku
qoran yahay luqado uusan aqoon sida Carabi , Ingriis,Faransis,IWM.Taa oo u
keenaysa inuu Mujtamaca Somaaliyeed waligii uusan horumarin.
Dalalka rer galbeedka gaar ahaan rer yurub waxaa uu wadan walba leeyahay
luqad u gaara intooda badan hayeeshee iyagu waa dad isku filaasho gaaray oo
muwaadinkooda baahi uma qabayo uu luqadahaa ku barto waayo wax walba waxaa
loogu qoray afkoodii fursad kastana waxaa uu ka helayaa wadankiisa,oo waxaa
uusan dareemayn ciriiri xaga cilmiga ah.
Afka Somaligu waxaa lagu sheegaa af-qani ah taasina waa midaan wax ka
jirin,waayo Afka inta uu u baahan yahay in la kabo maaha af-qani ah waxaan
og nahay percentag-ka uu crabiga ka yahay af-Somaliga oo ah mid aad u
badan.Af-Somaliga kaliya maahe ee waxa crabiga ka maarmi waayey xataa waxaa
uu percentage badan ka yahay luqadaha Sawaaixilga
Amxaariga,Faarisiga,afka-Maleyga iyo kuwo kale.
Hadaba waxay aniga iila muuqataa qoristii far-Somaaliga inay ahayd fikrad
aan la mahadin oo dib u dhac ku keentay bulshada Somaliyeed isla markaana
aan laga fiirsan ijaabiyaadkeeda iyo salbiyaadkeeda intaba.
Hadaan wax yar dib ugu noqdo lugooyadii uu isticmaarkii ingriisku u gaystay
Somalida,waxaa ugu horaysa xagga Thaqaafada tusaale ahaan samayntii BBC-da
waaxda af-Somaliga oo aan baahi weyn markaa looba qabin waayo markaa waxayba
dhagaysan jireen aqoon-yahanadii Somaliyeed BBc-da qaybaheeda carabiga iyo
ingriiska,marka tani waxay ahayd oo kaliya in Somalida looga jaro dunida
carabta ee kale oo ay ka mid ahayd dhankasta.
Waayo waa maxay Istaraatiijayada uu ingriiska u sameeyey Laanta af-Somaliga
ee BBC-da.
Halkii ololahii af-Somaliga looga samaynayey waxay ahayd in Carabiga loo
sameeyo waayo hada oo kale Somalidu waxay ahaan lahaayeen kuwo thaqaafo
ahaan horumarsan iyadoo aan og nahay baaxada ay leedahay luqada
Carabiga.Sidoo kale waxaan Mustaxiil ahayn aan la qariibsan karin meel kasta
oo aan ka tago dunida Islaamka inaan helayo dad si aan caadi hayn igula
hadla luqada Carbiga,halka aysan suuragal hayn in maanta aan helo mujtamaca
aan Somali ahayn oo adeegsanaya af-Somaali.
Cabdulahi Cali Cabdi(Xanaf)
khartoum-Sudan
xanaf2007@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk May 18, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN
SOOMAALIYA
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com