SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

May 18, 2004

Cabdiqasimow Hubka iyo lacagta aad ku daldalayso Rer Cabudwaaq nabadayn ku bedel

Siciid dhegacade
sdhegacade@hotmail.com

Waxaan umalaynayaa in Akhristayaal badan xasuustaan qoraal aan ku waaninayay walaalaha rer Caabuwaaq oo cinwaankiisu ahaa*Reer Caabudwaaqol ilma adeerayaalow Colka Joojiya*waqtigaasoo ku beegnayd mar dad iyo duunyo dhaqnaayeen oo dadka labada beelood waa rer xeraale iyo rer Caabudwaaqe ay dhowr qof isaga dhinteen,qoraalkaasoo aan ku boorinayay reerkaas inay qaataan nabada ay ku baaqeen samataliyaal isku xilsaaray inay damiyaan colaadaas.


Balse waanadaydii cidina dhag jalaq uma siin waxaana iga soo gaaray jaaifooyin badan oo laleeyahay sidee nabad uqaadanaa waana arki doontaa wax ku dhaca reer Xeraale,maxaase ka dambeeyay maanta rag mee,xoolo meeye,tikinadii guuxa waynayd meeday waxaan jawaabtaas laga sugin ragga websityada ku dhiiri gelin jiray dagaal xal inuu yahay oo sidii huutihii Ruwaanda saxaafadda ku dhiiri gelin jiray in rer gaara la ciribtiro,JEESTEEYE,NASTEEX,ayaa maanta ka sugaynaa dhiirigelintoodii xabadda  faaiidaday keentay balse horaa loo yiri marlabaad aan xasuusiyee "NIN RAGA WALAALOW WAXUU KU DHAAMO LA WAA"oo dagaal ciribtiisu waa qoomamo iyo halaag.

Waxaan Maanta hadal kooban oo waano ah ku leeyahay Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ilaa iyo maalintii colaadu dhexmartay walaalahaas aan sinna ku kala maarmin dhankiisa ka shidayay dabka oo hub iyo dhaqaale ku daldalayay kuwa saldhigoodu yahay caabudwaaq oo markasta oo nabad lagu baaqo kala dhantaalayay isagoo raba inay isku baab,aan labadaas beelood oo jacayl uu uqabo Mareexaan hub umasiinay ee waa fikradiisii xumayd ee uu aaminsanaa oo ah haddaad beeshaas u hiiliso xukunkaad ku raagin amase maxaa kaa galay haisku dhamaadeen,waxaa markhaati madoonta ah hadda oo rajo laga qabay in heshiis la dhexdhigo beelahaa oo ay isku xilsaareen ilaahay khayr iyo ajar haka siiyee
Culumaaudiin Qabiilooyin kala gedisan ka kooban,inuu xagaldaacinayo oo uu udiray rag iyo dumar aan damiir lahayn oo dhiigga walaalahooda labada dhanba ka naxayn,waxaa hormuud u ah ninka marwalba Nabada ka soo horjeda ee lagu magacaabo Cabdi Shire kaasoo ka soo xantoobiyay hub iyo lacag laga soo dawarsaday carabaha ogow cabdiqaasimow wiilkii ku agoontooba dagaalkaas inaad masuul ka tahay haddi qori amase rasaas aad kasoo dirto xamar lagu waxyeeleeyo dadka Maciinka aan haysan ee reer Xeraale,ogow aduun wax tirsan oo tii loo badnaa (Akhiro)ayaa na sugaysa oo xisaabteedu ku sugin,fadlan jooji dabka aad wado oo ku bedel Nabad iyo iskudumid,ogow Nabad baa naas la nuugo ee colaad holac iyo gaajo uunbay leedahay .

Kala qayb gal kuwa habeen iyo maalin wada nabadaynta oo ku dhiiri geli reer Cabudwaaq inay xalka loo gartay ee ah nabadda qaataan ,hana kala xigsan caabudwaq iyo xeraale oo kulli waa waalo soomaaliyeed oo garabkaaga ha banayn somali waa wiil iyo abtigii seedigiis iyo sodohdiis.


Siciid dhegacade
sdhegacade@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk May 18, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN SOOMAALIYA

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

 
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD