Bismillaahi Raxmani Raxiim,
Mahad oo dhami waxay usugnaatay Allaaha Raxmaanka ee ina siiyay Caqli aan
kukala soocno xaqa iyo baadilka
Nabadgalyo iyo naxariisna waxaa mudan Nabigeena Suubban Maxammed Ibnu
Cabdillaahi
Kelmadaha qaaliga ah ka gadaal waxaan
halkan ka salamayaa bahda Somaliweyn iyo dhammaan bulsha weynta Somaaliyeed
meel kastoo ay joogaan.“Assalaamu Calaykum Waraxmatullahi Wb”
Mudanayaal iyo marwooyin, Hooyooyin iyo
Aabbeyaal, Caruur iyo Waayeel, Wiilal iyo Gabdho, Rag iyo Dumarba. Muddo
aad udheer oo jilaal iyo Abaaro, diif iyo darxumo leh ayaa kasoo wareegtay
markii ay ummada somaaliyeed waayeen qaranimadoodii iyo midnimadoodii.
Ummada somaliyeed waxaa ku habsaday wahan, musiibooyin, Aafooyin aan ka xusi
karro colaad aan lagaranayn ujeedadiisa, Dhac iyo boob loo gaystay hantidii
ilaahay inaga xarrimay, Qax aysan mudnayn shacabweynaha Somaliyeed, kufsi
ceeb ku ah dhaqankeenii wacanaa ee aan hiddaha u lahayn iyo banii
aadantinimada oo waliba lagala kulmayo caro Alle(SW) iyo ciqaab. Tasoo
keentay inay manta kala irdhoobaan mujtamacii walaalaha ahaa iyo in lawaayo
karaamadii ay ummaddu lahaan jirtay, waxaa daaqadda kabaxaday kala
dambeyntii lamana yaqaan goorta laga baxayo dhibkaan iyo waxa ay ku
dambayn doonto, lama odorosi karo muqaalka ay yeelan karto haddiiba shirka
haddeer ka socda Nairobi ay wax kasoo baxaan. Ilaahay Ummadda Somaliyeed ha
u gergaaro.
Dhanka
kale haddii aan milicsano amma dunida inteeda kale waxaan aragnaa
isbeddelada ka jira iyo horumarka ay gaareen tasoo ay keentay
Midnimo
iyo wada shaqayn ka dhaxaysa iyo waliba nabadda ay ku naaloodaan. Haddaba
akhristayaasha qiimaha leh Mowduuc kasta wuxuu leeyahay Eray iyo kelmaddo ku
habboon oo ugaar ah, anna waxaan soo xushay Erayga
MIDNIMO
kasoo
aan isleeyahay waxa uu ku habboonyahay maqaalkaygan, haddii aan oodda ka
rogo,
Midnimo
oo ka kooban 4 shibbaneyaal iyo 3 shaqal ayaa ah eray(kelmad) marka ay
dhegahaygu dhugtaan aan dareemayo farxad marka ay Dhaayahaygu qabtaanna ah
wax isoo jiitta(isoo jillaabta) waxayna igu dardar galiyaan inaan Jalleeco
Mustawaha ay Soomaali maanta joogto, tafaraaruqa ku habsaday iyo sida aysan
Hoggaamiyayaasha agtooda wax qiima ah kalahayn
MIDNIMO,
halka ay dunida kale u ololeeynayaan una hammuun qabaan
MIDNIMO.
Waxaan kasoo qaadan karra Dowladaha yurub ee dareemay Qiimaha ay leedahay
Midnimo
iyo horumarka kujira iyo ammaanka ka dhalan kara, waa kuwaana hadda isu
diyaarinaya soo dhowaynta 10 dal oo kale oo ka midnoqda midowga yurub. Waxay
ku guulaysteen inay samaystaan maamul sare oo mideeya iyo Lacag ka dhaxaysa
oo ay isticmaalaan. Sidoo kale waxaan soo qaaan karraa Dalalka African-ka ee
dedaalka badan ugu jira inay mideeyaan Afrika in kastoo ay adagtahay in laga
dhaqan galiyo Africa haddana waxaan dareemayna sida ay agtooda qiimo uga
leedahay
MIDNIMO.
Waxaa suurta gal ah amma hubaal ah qaar badan oo dalalkaas ah inay ku kala
duwan yihiin Dhaqan iyo Isir ahaanba, haddana wax shaki ugama jirto(shaki
kama qabaan) inay horumar gaareen islamarkaana ay si wada jir ah u
hiigsanayaan horumar iyo Kala dambayn jirriddiisu adagtahay wax badanna ka
wacan ka ay hadda haystaan.
Bal
haddeerna(Imminkana) aan Giraanta Geeskeeda kale dheehanno, Waa Gees
GIRGIR
badan amma
ZIGZAG
ah,Kurtummo badan haba sii kala girgiro bataanee, haddii aad is tiraaho
taabo waxaad ka baqaysa in girgirku ku gooyo. Waxaa laga yaabaa inaad
isweydiiso muxuu uga dan leeyahay ? hadda waxaad iga sugtaan waa jawaabta
su’aashaas...… “waa Geyiga iyo Dad-weynaha Somaaliyeed”. Waa Ummad aan Diin
ku kala duwanayn sida Sudaan (Dawladda iyo kuwa Mucaaradka ah), waa shacab
aan Luuqad kukala tagsanayn sida Itoobiyo ammaba dalkan aan joogo ee
Pakistan, waa qowmiyad aan dhaqan kukala geddisnayn sida Hiduuska iyo
Kashmiiriyiinta, waa bulsho weyn isku Isir ah. Waxaase nasiib darro ka
dhacday sida aysan u garanayn waxay qabsan karaan , uxayiran shaqsiyaad fara
kutiris ah oo leh dano gaar ah kuna andacoonaya inay maslaxad usoo wadaan
ummadda ay bideen waxaysan uqalmin amma aysan geyin. Waa
Burbur
“dib-udhis warkeeda daa”,
dib-udhac
“Horumar laga sugi mayo”,
qalalaase
“Degganaansho ay soo wadaan raja kama qabno” iyo
gumaad
“Daryeel Wallay ka
tahay” iyo
Hagardaamo
“Daacadnimo habarteeday ka tahay” iyo in badan oo badan. Haddaba Sifo
bixinta giraanta haddaan intaa ku dhaafo, bal haddana waxaad kusoo
dhowaataan dulucda iyo Nuxurka maqaalkaygan.
Sida
aynu lawada socono burburkii somaaliya ka dib waxaa soo baxayay laba waji
siyaasadeed oo muhiim ah waa
MIDNIMADDA
somaliya iyo Kala go’a Somaliweyn. Waxaan ka xusi karnaa Isbahaysi iyo
Dowlad goboleedyo ka jira dalka islamar ahantaasna doonaya iyaga inaysan ka
go’in Somaaliya iyo maamul u ololeeynaya inuu ka go’o Somaaliya inteeda
kale (waa Waqooyiga Somaaliya amma Somaliland ninba sida uu jecelyahay ha
uqaato). Haddii Taariikhda dib loo raacana qolo kasta waxaa ku dhacay amma
ay ku andacoonaysaa in dhib badan iyo dhirbaaxo kasoo gaartay maamulkii
Maxamed Siyaad. Inkastoo ay dhici karto inay jiraan gobollo si aad ah
waxyeello usoo gaartay. Shacabka W-Somaliya waxaynu lasoconaa inay ahaayeen
dadkii kaalinta firfircoon ka qaatay
MIDNIMADDA
Somaaliya , waxay ahaayeen dadkii naf iyo maalba u huray Calanka Buluugga
ah, iyo ururinta bulshoweynta Somaaliyeed, waxaan lasoconaa inay kasoo
baxeen Rag Culus oo manta misaan iyo qadarin ku leh mujtamaca somaliyeed iyo
dunidaba, taariikhduna xustay xusina doonto.
Balse waayadaan dambe waxaan arkaa
Taariikh aan ahayn tii ay lahaan jirtay waayo waayo, iyo siyaasiyiin aan la
feker, garaad iyo mustawa ahayn kuwii ay lahaan jireen mabda’ooduna yahay
kala qaybinta ummadda walaalaha ah, kala gaynta dadkii dhaqan iyo degaan
wadaagga ah. Intaas waxaa udheer colaad, cuqdad iyo xumaan lakala dhex dhigo
walaalihii hiil iyo hooba isla garab taagnaa. Taasoo ay manta ku guulaysteen
siyaasiyiinta casrigan dambe ee majaraha u haya shacabka qiimaha leh ee W-somaaliya
amma Maamulka Somaliland. Wa tusaale inooka filan:-
-
Colaadda lakala dhexdhigay iyaga iyo Maamulka Puntland (Harti)
-
“ “ “ “ iyo Walaalaha
Kililka 5 aad
-
“ “ “ “ iyo Koonfurta
Somaliya
-
“ “ “ “ iyo dad weynaha
Bay iyo Bakool
Taasoo aysan mudnayn walaalaha W-Somaliya
amma Somaliland, aniga shaqsi ahaan waxaan isweydiiyaa Aaweye Halyeeyadii
Garashada wacnaa ? Aaweye Aqligii iyo gobnimadii lagu yaqiin walaalahayo ?
aaweye Misaankii iyo asluubtii hadal ee looga bartay iyo aqoontii ay ku
mutaysteen in maamulka qaybihiisa ugu muhiimsan in iyaga gacanta loo gasho
1960-kii ? aaweye Cuqaashii intaas deegaanka nabad kusoo dhaqaayay ?.
Wadanka may kabaxeen masse ciiddaa qarisay (ilaahay Janatul firdows haka
waraabiyo intii geeriyootay, ka awoow ka awoowna la xusi doono kaalintoodii
qiimaha lahayd iyo taariikhdii ay ku lahayeen sooyaalka). Jawaabahooda
waxaan u daayay shaqsi kasta oo soomaali ah. Waan garan karnaa inay jiraan
in badan oo badan oo leh garasho, geraad, dareen iyo daacadnimo iyo waliba
xirfado lagu amaano kanasoo jeeda Waqoyi islamar ahaantaasna kaalin wax ku
ool ah ka gali kara midaynta iyo isusoo ururinta bulsha weynta somaliyeed.
Anoo wali bartamaha kaga jira
dulucda qormadaydan wxaan jeclahay shacabka iyo siyaasiyiinta somaliyeed
meel kasta ha joogeene gaar ahaan walaalahayo waqooyiga somaliya amma
Somaliland inaan usoo bandhigo dhowr su’aalood oo aan in badan gorfeeynaayay,
in badanna aan isku deyay inaan uhelo jawaabahooda islamarkaana aan
shaqsiyaad door ah wax kawaydiiyay balse aan waayay qof si saxa iyo qalbi
saliim ah iigu jawaaba, islamarkaana qaar ka mida dadka aan weydiiyay oo
runtii aan lahayn akhlaaq(dhaqan) iyo asluub ay isoo qoreen af-lagaado iyo
hadalo ceeb ku ah Diinteena macaan, dhaqankeena hufann iyo shaqsiyadda
qofka. Maantana waxaan u bareeray amma ku dhiiraday inaan usoo bandhigo
bulsho weynta aqliga saliimka ah leh ee meel kasta ku dhaqan. Su’aalahani
ma aha kuwo kakan oo xayiri kara garashada qofka iyo fekerkiisa xalaasha ah
laakiin waa kuwo ubaahan inay inaku dardar galiyaan inaan si fiican uga
fekerro mustaqbalkeena iyo hiigsiga amma hillaadka aayaha nololeed ee aynu
ku taahmayno. Waxaa laga yaaba inuu qofku is yidhaahdo “qofkaan qadiyad aan
wali lagaadhin ka hadlaya muxuu yahay ? taas jawaabteedu waxaan u malaynaya
Ma ahi dadka cilmul-qaybka odorasa laakiin waxaan leeyahay garasho aan ku
qiimayn karo horyaalka “Nimaan waxa soosocda garanin wax jooga magarto”.
Haddii aan Maqaalka soo koobo
, Su’aalaha aan qabo waxay yihiin :-
1-
Waxaan kor kusoo xusay
Midnimo
iyo qiimaheeda
iyo waliba sida caalamku u dareensan yahay . haddaba maxay tahay Wanaagga ay
Somaali ku waayayso
MIDNIMO
Balse Tafaraaruq lagu kasban karo ?
2-
Waxaan wax kasoo
taabtay sida ay somalidu Isir ahaan, Diin ahaan, Dhaqan ahaan iyo Luuqo
ahaan uga midaysanyihiin. “SO” Dadkaan walaalaha ah ma kala maarmi karaan
?
3-
Waxaynu wada ogsoonahay in Website-yada War-baahinta caalamka
“Raadiye, Telefeshin iyo war-gaysayada” intaba lagusoo qoro Somalidu inay
Leedahay
Cadow
(Nacab)
fara badan. Haddaba illeen gacmo wada jir bay wax ku qaban karaanee ……
Suurto gal miyaa ummad 9 million ah oo kala firirsan isku qalbi iyo niyad
ahayn inay wax iska caabbin karayaan ?
4-
Su’aasha ugu muhiimsan, haddii aynu fiirino caalamka guud
ahaan dowladaha ay reer galbeedku soo guumaysteen gaar ahaanna dhulalkii uu
Ingiriisku guumaystay waxaa ka taagan dhibaantooyin xagga xuduudaha ah iyo
dagaallo ku salaysan Dhul, taasoo aad moodo inayba ugu talagaleen markay
xuduudaha ujeexayeen. Haddii aynu usoo noqono geyiga somaliyeed Maamulka
Somaliland wuxuu ku adkaysanayaa xuduudihii uu ka tagay Ingiriiska iyo Gooni
isu taag. Dhanka kale shacab gobollada SOOL, SANAAG iyo CEYN, ayaa iyana
aaminsan
MIDNIMADA
ummadda
Somaaliyeed 99% wax kala go’ la dhahan aan degaankooda lamaqashiin karin.
Su’aashu waxay tahay Haddabo ma laga bedbaadi karaa Dagaal lagu hoobto
qasaaro badanna geysta islamarkaana daba dheerada oo dhex mari kara
walaalaha Somaliyeed ee Waqooyiga Somaliyeed (Somaliland) iyo Somalida
inteeda kale ? waaba haddii la aqoonsado Maamulka Somaliland
islamarkaana ay Somaliya yeelato dowlad dhaxe. Tusaale waxaa inooka filan
dhibaatooyinka ka dhex aloosan INDIA iyo PAKISTAN (kashmiir) amma ITOOBIYO
iyo ERETRIYA. “Ilaahay inakama dhigo”
5-
Waxaan kawada
dheregsanahay in jiritaanka horumar bulsho lagu qiimeeyo dhaqaalaha dalka,
waxaynu aragnaa dhaqaalo xumada iyo saboolnimada baahsan ee ka jirta Guud
ahaan Somaliya. Dagaalna waa Fuctors-ka ugu wayn ee burburiya dhaqaalha
waddanka. Haddaba colaad ka aloosanta deeegaanada nabdoon haddaan si kale
udhigno dagaal dhex mara labada dhinac ee aan kor kusoo xusay, dhaqaalo
ahaan maxaynu ka filaynaa ? “Ilaahay inaguma keeno”
-
·
in aan dumey maan ogayn
-
·
in aan degey maan arkayn
-
·
sidii qori daad la tegey
-
·
wad baan dul sabbaynayaa
-
·
Rabbow dambe noo ogow
-
·
waxii tegey duudsi yeel
-
·
Rabbow dalka aannu nahay
-
·
intii degel mu’min yaal
-
·
wanaag ku dallaallimee
-
·
islaamka ku soo dabbaal
-
·
hadday tahay maalin daran
-
·
ka sii daran baa jirtee
-
·
intay weli doobir tahay
-
·
dib iyo noqoshaan rabaa
-
·
dawiyo nabadbaan rabaa
-
·
dan iyo nolol baan rabaa.
Gebagabadii, Soomali meelkastoo ay joogto
waa walaalo, ehel, xidid iyo xigaal amma waaba Ul iyo diirkeed, waxaana
horey loo yodhi “Ooduhu sida ay isu xigaan ayay isu xogaan” waxaan uga dan
leeyahay soomali meelna kuma kala maaranto sida aan qabo, colaadaha hadda
taagan iyo diifta iyo darxumada manta lagu jiro ma ahan midaan dhaxal u
leenahay waa laga baxayaa Bi idnillaahi Al-kariim, “Culays kasta Miciisa
Fudeed baa ah” , Hidda samida Diinteena Kaamilka ah iyo dhaqankeena
suubban wuxuu ina barayaa in la diriri karo colaadi abuurmi karto laakiin
Xal loo heli karo deminta colaadda iyo isusoo dumidda walaalaha kala
irdhoobay shaydaanna shabakad u dhigay. Haddii xaal caynkaas yahay waxaa
tolmoon in laga dheeraado wax kasta oo keeni kara qulqulatooyin iyo neceybka
dadka walaalaha ah ee mar kasta is huran. Waxaa wanaag ku jiraa in laga
fogaado wixii af-lagaaddo ah, waxaa wacan in laga feejignaado tafaaruqa,
waxaa suubban in loo guntado
MIDNIMO…… MIDNIMO…… MIDNIMO.
Shaqsi kasta oo somaaliyeed manta mas’uuliyad culus ayaa saaran marka waa
in qof kasta uu gartaa mas’uuliyadda ka saaran dadkiisa dayacan iyo xal u
hellidda mugdiga iyo mad madowga baahasan e udhaxeeya iyo horumarinta
deegaanka. Ha lagu baraarugsanaado dhibaatooyinka iyo aafooyinka saameeyay
ummadda somaliyeed iyo xirfad kasta oo loo adeegsan karo xal u helidda
dhibaatooyinkan Fardi fardi iyo Jamacba, rag iyo haween, Waayeel iyo
dhalinyaro, Aqoonyahanno iyo Caammo. Aan ogaanno inaan wax badan qaban karro,
wax yar oo abuurno uga dhigno wax weyn oo wax tar leh.
Ugu dambayn aniga oo ka
faa;idaysanaya Fursaddaan, waxaan baaq nabadeed iyo
MIDNIMO
isoo jeedinayaa Walaalaha ku diriray
Tuulada dabataag ee gobolka SOOL iyo kuwa iyana ku dagaalamaya Xaramka,
waxaan ugu baaqayaa inay joojiyaan Colaadda islamarkaana ay wada hadal ku
dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya, Isimmada, Cuqaasha, Garaadada, Ugaasyada
Salaadiinta, nabaddoonada, aqoonyahanada siyaasiyiinta iyo dhalinyarada
waxaan ugu baaqayaa inay u guntadaan deminta culaada si daacadana u galaan
arrinka Ilaahayna waa idinku garab galayaa. Waxaan tacsi udirayaa dhammaan
eheladii iyo qaraabadii ay ka tageen walaalaha ku geeriyooday daglaakaas,
igana waxaan ilaahay uga baryayaa janatul firdowsa ka waraabiyo una dembi
dhaafo. Aaamiin Allahayo Aaamiin.
Maqaalkaana waxaan kusoo khatimaya :-
MIDNIMAA NOLOL
AYATIIN WACAN LEH
NABAD BAA CAANO
LADHAMO LEH
Wabillaahi Towfiiq.
Waa
Walaalkiin:
Mr. Feysal Rashiid “Nayruus”
nayrus2001@hotmail.com