May 18, 2004
KENYA: NABAD RAADINTA SOOMAALIYA &
MIDA SUDAN ISKU EKAAN & KALA DUWANAAN.
Mahdi Muse
Khartoum E-mail :
hagar131@hotmail.com
Kenya waxay Rug u noqotay labadan Sano ee u dambeeyay Nabad raadinta
soomaaliya Mida sudan , Labadan Dalba waxaa mudooyin ka jiray Dagaalo
sokeeyo.
Dagaalka Sudan waxuu ahaa mid daba dheeraaday oo garsisan Qarani Barkii,
marka laga reebo heshiisyo dhaxal gal noqday oo mudo lagu waaray, colaadan
waxay Salka ku haysaa Khilaaf Diimeed & mid xaga firka ah, waxaa dalkan-Sudan-
wadaaga Muslimiin u badan Carab oo dhican ah, Masiixiyiin & kuwa caabuda
dhgaxaanta fac ahaana ka soojeeda afrika oo dhanka kale ah, Colaada Somaliya
ha ahaato Mid Ahli ah, laakiin wax xariir ah lamalaha Diin & Fir toona.
Geedi socodka Nabad raadinta labadan dalba waxay ka furmeen Kenya socod
dheer kadib, ayago si isku mid ah u soo wada maray dalalka Gobolka sida:
Masar, Liibiya, Itobiya, Jabuti.
Wareegi ugu horeeyay ee nabad raadinta Soomaaliya waxaa lagu qabtay Degmada
Eldoret, oo in kabaxsan caasimda Kenya, Goobtan waxaa lagu saxiixay
heshiiskii xabad joojinta ee hogaamiyaasha siyaasada, waxaana saxiixay 24
hogaamiye oo kala matalayay tiro inta la, eg oo kooxo magacyo kala duwan ah
leh, waa yaraa is jiid jiidka muran ee u dhaxeeyay Hogaamiyaasha , badanaa
lama guda galin Arimo xasaasi ah xiligaa.
Machakos ayaa ah goob u dhiganta Eldoret, waxaa ka dhacay is,aragyadii ugu
muhiimsanaa ee xukuumada Sudan & mucaaradkeeda, waa jireen kulamo heer sare
ah oo ka dhacay Nairobi, ka hor Machakos , sida kulankii dhexmaray
Madaxweyne Al-Bashiir & hogaamiyaha mucaaradka John Grang , waxayse ahaayeen
kulamo loogu googol xaarayo wada hadalo rasmi ah oo arimo badan lagu falan
qaado, sidaa ayuu ugu dhigmay kulan kii Machakos wareegii koowaad ee nabad
raadin Dalka Sudan.
Machakos waxaa lagu saxiixay protocol u dhigma Dastuur mustaqbalka
wadahadalada Sudan, maxaa yeelay arimo badan oo dood ba,ani ay ka taaganyd
ayaa si guud la, isugu waafaqay, marka laga reebo faah faahinta arimahaa ,
oo dib loogu dhigay qodbayn darted.
waxaa xusid mudan in heshiiskii lagu saxiixay Eldoret uu san la miisaan
noqon Protocalka Machakos ee xakuumada Sudan & mucaradkeedu wada gaareen,
kagadaal ayaamo saxiixa xabad joojinta Somaliya ayaa waxaa ka bilaawday
Gudaha Soomaaliya Dagaalo u dhaxeeya qaar saxiixay heshiiska xabad joojinta,
waxayna arintan Cashar cusub oo ku saabsan dabeecada hogaamiyaha Somaliya u
noqotay Goob joogaayasha shirka & hawl wadeenada IGAD waxayna ku keentay
Niyad Jab la socota Quursi Hogaamiyaasha soomaalida.
ismaan dhaafkii ku saabsanaa Miisaaniyada Shirka & waliba waxa ku baxa
shirayaasha ee u dhaxeeyay Hogaamiyaasha Siyaasada & hawlwadeenada IGAD ayaa
laga aqrisan karay inta uu gaarsiisan yahay ixtiraamka loo qabo
hogaamiyaasha Siyaasada ee soomaliya, taana waxay keentay in gogoshii shirka
loo soo raro gudaha NAirobo, Xarunta mbagathi, oo markaa loo arkayay in ay
tahay goob aan u qalmin in looga doodo Mustaqbalka Qaran dhan, waxayse
noqotay Mbagathi goobtii ugu Cimriga dheerayd ee looga dodo arimaha
Soomaalya sida ay doonto ha u ekaatee,waxaana in badan lagu ictikaafay dooda
Dastuurka oo noqotay arintti ugu waqtiga dheerayd in tii lagu shirsanaa
Nairobi.
dhanka kale wadahadaldii Sudan waxaa loo soo wareejiyay Naivasha, waxaa la
orankaraa ka soo wareega Machakos ee Naivasha wxuu u dhigmay tix galin ka
dhalatay Dhaxal galkii uu noqday protocolkii Machakos, si kale hadaan u
fiirino waxaa uu shirku u gudbay is hor fariisad shakhsiyaad muhiim ah, oo
ay lagama maarmaan tahay in loohelo goob u dhiganta darajadooda , CAli
Cusmaan CAli Dhaha oo ah ku xigeenka koowaad ee madaxweyne Al-Bashhirr ayaa
gacanta ku dhigay malafka nabad raadinta Sudan ee dhanka XAkuumada, Dr: john
garang oo ah hogaamiyaha Mucaaradka ayaa isna soo gaaray Naivasha si uu uu
wax ula qaybsado Xakuumada, badanaan labadan nin waxaa lagu tuhmayay dhaga
Adeyg u dabacsanaan dhanka kale.
durbaba waxay wada gaareen xabad joojin, dhaxal gal noqotay waqtigaa,
kagadaal waxay u talaabeen xal u helida arimo badan oo muhiim u ahaa nabad
raadinta dalka, sida: Qeybsiga xukunka & Batroolka, hab maamulka Caasimada,
muraka kataagan Sadexda gobol- waa gobolo si toos ah u raacsanayn waqooyiga
ama koonfurta degaan ahaan ama dhalasho ahaan- badanaana arimahan qaar waa
la isku waafaqay sida qeybsiga xukunka & batroolka, & in badan kamid ah
dooda sadexda Gobol.
Arimahan Ayaa u ahaa Muhiin xal raadinta Nabadeed EE sudan , maxaa yeelay
waxay ahayeen Qodobadii ugu muhiimasanaa ee keenay colaada daba dheeraatay
ee dalkaa, waxaase layaableh wadahadalada Somaaliya ee Mbagathi qodobkii ugu
muhiimsanaa ee ahaa DAstuurka ku dhawaad sanadka la,isku haystay , waxaa
su,aal ah oo ay fiicnayd in la waydiiyo hawl wadeenada Shirka &
hogaamiyaasha siyaasada ee soomaaliya Dhibka Soomaaliya ka taagan ma nooca
Dastuur ee uu dalka yeelanayo miyaa .???? ma sababtaa ayaa ah mida keenatay
dagaalda dhiiga badan ku daatay laguna waayay qarankii soomaaliya…?
waxaa la,oran karaa Dastuurka waa mu asasada koowaad ee kala hagta maamul
jira ama sal looga dhigo mid la dhisayo, hadii aan sidaa niraahno waa
macquul, laakiin waxaa ka sii daran maxaa keenay in laga dodo magaca uu
qaadanayo qaranka soomaaliyeed dawlada matalaysa, sidoo kale waxaa hadal
heynta Dastuurku gashay nooca uu nqonayo Calanka soomaaliya, intaaba waa
dabkii oo xaabo loo kordhiayay laakiin cid uunaby ka gashay danteeda qaran
in sidaa loo ekaysiyyo dooda qaran Soomaaliyeed sida lagu heli lahaa.
wadahadalada Nabad raadin ee Sudan tix galin weyn oo caalami ah ayay heshay
, taaso aah mid aan loo babac dhigi Karin mida soomaaliya ee ay isku dalka
ka socdaan, dhamaan ururada Caalamiga sida: Qaramada midobay, kan afrika,
Jaamacada Carabta, midowga yurub waxaa ka joogay wakiilo toos uga socda ,
waxaana sii dheer wakiilka gaarka ah ee maraykanka, kaasoo ahaa dhx
dhexaadiyaha rasmiga ah marki ay timaado Khilaaf keeni kara in shirku hakado
ama dib u dhac muujiyo.
inta waxaa ka weyn goobta shirka waxaa soo gaaray xoghaya Arimha debada ee
maraykanka collen paul waxuuna kulamo waqti yar qaatay la kala yeeshay
mas,uuliyiinta shirayasay, waxuuna sharfid ahaan u gaarsiiyay in xaflada
saxiixa dhamaan heshiisyada lagaaray lagu qaban doona Aqalka cad uuna
gudoomin doono madaxweyne Bush.
Poul ma moogayn in wadahadalada soomaaliya ay ka socdaan gudha Nairobi
laakiin macada in si,aan rasmi aheyn wax looga waydiiyay in uu tagayo goobta
shirka soomaaliay & in kale, waxase hubaal ah hadiiba ay jirto in uu ka
xishooday jawaab bixinteeda, maxaa yeelay Maraykanu waa yaqaan saaxiibkiisa
MAslaxada, macnuhu ma,aha in danaha maraykanka ee sudan ay ka muhiimsan
tahay mida somaliya laakiin arintu waa kuma cida uu ku aaminayo dhinaca
soomaaliya malafka dano kal badalsho ee maraykanka, halka dhanka sudan oo
arintaa kala hadlay labo qof oo ay ka go,I karto wax kal badaalsho & wax
isku badalid.
dhanka socodka shirka, labada shirba waxay wadaagan hakad sababay khilaaf
jira, dhanka sudan dooda cusub waxay raad ku leedahay doodihii magaalooyinka
lagu muransanaa qaarkood, sida Degmada Abyey, o uu murankeedu uu sababi
gaaray in uu shirku bu buro, dhanka kale waxaa ayana taagan dooda Sharciga
caasimada ay yeelanayso, halka mucaaradku soo jeediayay in caasimadu yeelato
sharci aan diin raad la laheyn, laakiin sabata nooca hakadka shirka
soomaaliya malah cinwaan aan ka badnayn qodoka sodonaad oo aan wadan macno
wax u dhibi kara qaran soomaaliyeed, hadii lagatago & hadiiba laqaato.
fogaanta khilaaf ee ah mid diineed & mid farac ee u dhaxeysa doodayaasha
shirka labad dhinac ee Sudan , ayaad moodaa in ay ka ififaalo dhawdahay mida
aan waxba ku dhisnaynee u dhaxeysa siyaasinta soomaaliya taasina waa
khilaafka ku dhisan danaha gaarka ah ee qaawan.
Mahdi Muse
Khartoum E-mail :
hagar131@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk May 18, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
WARGEYSYADA CAALAMKU WAXYAABIHII AY KA QOREEN
SOOMAALIYA
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|